Total Pageviews

Thursday 4 July 2019

Qanyare - Qaybta Afraad (Uguna Dambeysa)

Dayniile 2006

Xarunta Maxamed Qanyare ku lahaa Dayniile ayaa 2006 waxaa isugu yimid Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ee hubka ugu badan haystay.

Qaarkood waxay noqdeen Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo markaas fadhigeedu ahaa Baydhaba. Wasiirnimada waa oggol yihiin laakiin haddana waa nooc mucaarad ah. Marna ma tegin Jowhar oo ahayd fadhiga Madaxweynaha iyo Dowladda inta aan loo guurin Baydhaba.

Waxay Dayniile uga dhawaaqeen Isbahaysigii Argagixisa la dirirka. Waxaa ku bahoobay ku dhowaad dhammaan Hoggaamiye Kooxeedyadii Hubeysnaa. Iyo rag hub iyo ciidan badan lahaa laakiin markaas ka hor ganacsi uun lagu yaqaannay.

Maxamed - Dheere oo Jowhar joogay wuxuu maalintaas ku tilmaamay in dagaalku uu u dhexeeyo laba beelood.

Habeennimadii ayuu ra’yigiisa beddelay oo uu BBC u sheegay in dagaalku yahay arga-gixiso la dirir, isaguna uu qeyb ka yahay isbahaysiga maanta looga dhawaaqay Dayniile.

Fiidkii ayaan Qanyare telefoonka kula sheekeystay. Waxaan weydiiyay bal in uu i siiyo xog ka badan inta idaacadda laga sii daayay.

Qanyare wuxuu yiri dalka waxaa jooga saddex nin oo ajnabi ah oo Alqaacidda ah oo dembiyo soo galay laguna raadjoogo. Wadaaddada Maxkamadaha Shareecada iyo qaar kale ayaa marti geliyay oo dalka ku soo dhoweeyay haddana haya.

Annagu dadkaas ayaan soo qabqabaneynaa, ayuu yiri, kuwa daafacayana waan la dagaallameynaa.

Waxaan weydiiyay waxa ka jira in ay qandaraas ahaan uga qaateen Dowlad kale. Wuxuu yiri qandaraas waan qaadannay annaga ayayna dantu nooga jirtaa in aan nimankaas ka saarno dalkeenna ama lagu dilo.

Maaddaama ay wadaaddadu aad u hubeysan yihiin, maalgelinna lala daba joogo, waxaan Qanyare weydiiyay waxa dhacaya in dagaalka shacabka lagu kor dagaallamayaa uu daba dheeraado amaba isbahaysigiisa laga adkaado oo ay soo qaban waayaan saddexda nin.

Wuxuu yiri in laga adkaado Maxkamadaha oo nimanka ajnabiga ah la soo qabto ama la dilo waa suurta gal. In ay Maxkamaduhu naga adkaadaan iyaduna waa dhici kartaa. Laakiin mid ayaan kuu sheegayaa, ayuu raaciyay.

Nimankaan sinnaba laguma deyn doono. Haddii ay Maxkamaduhu naga adkaadaan, waxaa Qandaraaskayaga mid ka weyn soo qaadan doona niman naga hub culus. Waxaad arki doontaa Taangi Ethiopian ah oo Nambar Afar dhex taagan, ayuu yiti Qanyare.

Waxaa hubaal ah in uu Qanyare habeenkaas iga xog ogaalsanaa ama uu iga fiiro dheeraa ama labadaba.

Geeridiisa ka dib ayaan daawaday filim looga hadlayo dagaallada Afghanistaan iyo Soomaaliya.

Mohamed Qanyare wuxuuu sannado ahaa nin Mareykanka u jooga Muqdisho, sida uu sheegayo suxufi mareykan ah oo sameeyay Barnaamijka Telefishin oo uu u bixiyay Dirty Wars.

Civic Bakery, wuxuu Qanyare ku tilmaamey in ay tabihiisu ahaayeen xad ka bax, laakiin uu Mareykanku ku adkeystay in uu muhiim u yahay ololahooda dilka ah.

Qanyare oo wejigiisa bar la qariyay ayaa filimka ka soo muuqday. Af Ingiriis ayuu ku hadlayaa.

“…Marka aad cadaw la dagaallameyso, wax kastaa waa kuu bannaan yihiin. Ma aha in aad fursad lumiso.”

Waa ayo dadka Mareykanku doonayay in aad gacan ka siiso raadintooda?

Qanyare: Ma doonayo in aan ka hadlo.

Miyaa Mareykanku kuu ballanqaaday in uu maalgeliyo wax howlgal ah?

Qanyare: Taas lafteeda ma doonayo in aan wax jawaab ah ka bixiyo.

Mareykan dartiis dad ma u bartilmaameedsatay?

Qanyare: Haa waan xirnay. Ka dibna suaalo ku jarribnay siina deynay [haddii aanay dembi lahayn]. Taas ayay shaqadeennu tahay.

Haddii uu Mareykanku dilo dad aan dembi gelin, maxay ahayd natiijadu?

Qanyare: Mareykan wuu yaqaan dagaal. Waa ay ku takhasuseen. Dagaal wey iga yaqaannaan. Sidaa darteed, marka ay maalgeliyaan dagaal, wey yaqaannaan sida [dagaal] loo maalgeliyo, uma baahna cid u sheegta. [Iyagu] waa macallimiin. Waa Macaallimiin Sare.

Maxamed Qanyare iyo dhammaan hoggaamiye Kooxeedyadii Isbahaystay waa lagu jjebiyay dagaalkii 2006 dhex maray iyaga iyo Maxaakiimta Shareecada. Isagu wuxuu u baxsaday Jowhar oo uu uga sii gudbay Ceel Buur. Laakiin Maxkamaduhu halkaana waa ay ku weerareen. Ugu dambeyn wuxuu tegey Magaalada Baydhaba oo ahayd fadhiga Dowladda, halkaas oo lagu soo dhoweeyay.

Muqdisho 2019
Qanyare xataa maalmihii nolosha ugu dambeysay isaga oo aad u xanuunsan ayuu haddana kaftan isku dayayay.

Ramadaankii ayaan habeen soo salaamay Qanyare. Aniga oo shaar yar  gashan ayaan u tegey isaga oo fadhiya. Xildhibaan aan wada soconnay ayaa u sheegay qofka aan ahay. Isaga oo codkiisa kor u qaadaya ayuu Xildhibaanku ku celceliyay magaceyga. Malahayga wuxuu is lahaa maqalkiisa iyo xusuustiisuba ma wanaagsana.

Hadalkiisu aad ayuu u hooseeyay. Laakiin intuu eegay Xildhibaanka, ka dibna aad ii soo eegay, oo i salaamay, ayuu yiri:

“Yusuf–Garaad waxaa lagula dardaarmay yaan la duqoobin”.

Jawigii murugada ahaa , mar keliya ayuu u beddelay jawi kaftan iyo qosol ah.

Waxaan soo xusuustay beri ay rag tolkiisa ahi damceen in ay Qanyare ka beddelaan Hoggaanka siyaasadeed ee reerka. Waxay magacaabeen nin Qareen ah oo ku tilmaaman aqoon iyo odaytinnimo. Dagaal aan lagu aqoon.

Maalintii dambe ayaan Qanyare isku aragnay caasimad dibadda ah. Iyada oo rag kale la fadhiyo ayaan ku soo biiray.  Isaga oo aan wali qummaati ii salaamin ayuu markiiba igu yiri – Aryaa, adeerkaa maad wax u sheegtid!

Waan garan waayay dhinac uu igala hadlayo. Waxaan ku iri adeerkaay?

Wadaadkaan ay lug gooyhaayaan maad wax u sheegtid.

Waxaan la yaabay sida uu Qanyare ku ogaaday dhalyada dhow laakiin dadban ee igala dhaxeysay Qareenka.

Qanyare wuxuu adeegsan jiray xuuraansi, dagaal iyo siyaasadba. Wuxuu Wasiir ka noqday Dowladdii Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, middii Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan iyo tii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed.

Dagaallo badan oo isagu jira kuwo uu isagu wax ka abaabulay oo uu hormuud ka yahay iyo kuwo isaga lagu beegsaday ayuu ka badbaaday.

Labada Hoggaamiye ee ciidanka badnaa, hubka culusna haystay, Cali iyo Caydiid ayuu midba mar isku qaaday.

Laakiin dagaalkii Maxkamadaha Shareecada ayaa noqday kii ugu dambeeyay dagaalladii cuslaa ee uu qeyb ka noqday.

Dagaalladaas oo dhan wuu ka badbaaday.

Ugu dabeyn wuxuu si nabad ah ugu dul geeriyooday sariir dhex taalla isbitaal.

Allah ha u naxariisto Maxamed Qanyare Afrax.

Sidoo kale Allah ha u naxariisto dhammaan dadka aan magacooda ku xusay Afarta Qeybood ee Qormadaan.


DHAMMAAD 

12 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. Aaaad u mahadsanthy yuusuf garad cumar nin waxbadan og( ninkii lagala dardaarmay ha doqoobin) masha allh. Allh ku xifdiyo
    Allh u naxariisto marxuumka

    ReplyDelete
  3. 4 qormo waan lasocoday dhamaan qormooyinka waxaan ka waayay mar gurigiisa weerar lagu qaaday lana dilay xaaskiisa oo uur leh, iyo ilaalo guriga ku jirtay, ma aqaano dhacdadaasi aida ay u dhacday aniga oo xiligaasi aad u da'yaraa waxaan jeclaan laha inaad nala wadaagto intaas xog iyo waayo joog ka ahayd sidoo kale inaad warbxin aad ka samayao ninkii lagu eedeeyay falkaas ama la kulankaagi ifka xalan, warayai kooban oo aad qaaday kuma aadan koobin wax badan xilogaasi oo aysan jirin baraha bulshada ama beel wax badan lagu fah faahiyo, joohi taankaada dhacooyinka waa inoo muhiim inaan ogaano siiba aniga waa ii muhiim inaan helo waxii yaraanta igu dhaafay ee aad hayso waa mid aan kaa fulayo wixiii dhacay 1991 ilaa maanta siiba aas aaskii maxkamadaha iyo safarkaagi muqdisho, wiliba ninkaasi oo aan filayo inaad qaraabo dhaw ahaydeen

    mahad sanid

    ReplyDelete
  4. Mahadsanid mudane waa xusuus ku leh qofkii wax kala soxday marxalasahaas qaarkood faa'iido taariikh iyo afba isugi jirta. Qanyare allaha u naxariisto kolley anigu waan ka heli jiray hadaladiisa kaftankaa iyo maw qifyadiisa Qatar.

    ReplyDelete
  5. Yusuf niyhow aad baad u mahadsantahay warbixintaan aad noo soo gudbisay
    Allah caqliga hakuu siyaadsho waxan u riyaaqay sidaad su'aalihi aad weydiisay u xasuusatid oo weli maskaxdada ku jiraa. allah qanyaro naxariisti janno haka waraabiyo

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid Mudane Yuusuf Garaad Allah ha u naxariisto Halyeey Qaran Maxamed Qanyare Afrax wuxu aha Siyaasi rugcadaa ah Haldoor Geesi ah o runta sheega

    ReplyDelete
  7. Mahadsanid mudane garaad 4tii qaybood ee taxanaha ahaa waxaan ka faa'iday waxbadan oo inaan ogaado wakhti iga qaadan lahayd eebe ha u raxmado qanyare iyo intii kaleba aamiin aamiin.

    ReplyDelete
  8. Run ahaanti Hadalka Taangi N4 ayaa aad isoo Jiitay Oday Wax badan og lkn aan kaga hoos Qaadin ayuu ahaa

    ReplyDelete
  9. ala ha. unaxaristo qanyare

    ReplyDelete
  10. Allaha unaxariisto qabrigiisane Allaha uwaasiciyo insha Allah

    ReplyDelete
  11. Masha allah, waan ku mahad celinaa musalsslkaan xiissha badnaa ee ku saabsan taarikh siyaasadeedka Marxuum Halyeey Maxamed Qanyare waan aqristay afarta qeybood inkastoo adeerkey uu ahaa wax badana aan kala socday noloshiisii siyaasadeed iyo mida noloshiisa qaaska ah.
    Allaha u raxmado

    ReplyDelete
  12. Taariikh badan ayaan ka faa'iiday qoraaladaan. Mahadsanid Yusuf Garaad.

    ReplyDelete