Total Pageviews

Wednesday 3 July 2019

Qanyare - Qaybta Labaad

Mar uu Qanyare Wasiir ka ahaa Dowlad aan la aqoonsaneyn ayay Baydhaba ku qabteen in ka badan 20 ajnabi ah ayaga oo ku eedeynaya in ay si sharci darro ah dalka ku soo galeen oo aanay haysan dal-ku-gal ama visa.

Maxamed Qanyare ayay BBC weydiisay sababta ay u xireen dadka samafalka u yimid dalka. Wuxuu bixiyay jawaab xujo ah.

Wuxuu yiri ka warran haddii aan London ka soo dego oo marka visa la i weydiiyo aan iraahdo, Dadka derbi jiifta London ayaan gargaar u wadaaye iga wareeg!

Qanyare wuxuu ahaa hoggaamiyayaasha yar ee Soomaalida ee marka uu ajnabi la macaamilayo aan qofka Soomaaliga ah ee goobjoogga ahi aanuu yaxyax dareemin. Wuxuu yaqaannay afka iyo sheekada ajnebiga siiba galbeedka.


Kaaraan ilaa Meddiina
Waxaan xusuustaa maalin aan Xamar ka dhoofeynay aniga iyo weriye reer Yurub u dhalatay oo labadeennuba ah Suxufiyiin BBC. Inya aynaan u bixin mid ka mid ah shan Airport oo ku yaallay Xamar oo ay ka taliyaan shan Hoggaamiye Kooxeed oo is diiddan mid walibana uu iskiis u qaado “canshuur”, ayaan helnay war dhiillo leh, idaacadahana xiisa u leh.

Habeenkaas ayaa badda gudaheeda lagu dilay niman ka yimid dhinaca Kaaraan oo doon ku gooshaya una socday Meddiina.

Inta aynaan dhoofin ayaan sii marnay Qanyare. Waxaa naloo sheegay in uu hurdo. Laakiin waxaan wiilasha ka codsaday in ay kiciyaan una sheegaan in aan sugayo.

Markii aan Qanyare wax ka weydiinnay arrinkaas wuxuu kooxdiisa u ekeysiiyay masaakiin. Wuxuu yiri ma haysanno wax qalab ah oo aan ku ogaanno cidda habeennimo mugdi ah badda ku guureyneysa.

Markii gabadha weriyaha ahi ay uga mahadcelisay in uu hurdo nooga soo toosay, Qanyare wuxuu ku yiri uma baahnid in aad ii mahadceliso.  Sababta oo ah ninka aad la socoto wuxuu ka tirsan yahay dadka aan siyaasadda ku matalo oo aad adinku u taqaannaan constituency. Marka kama celin karo iridda.

Shirkii Boosaaso
Doodadaha uu caanka ku ahaa waxaa ka mid ah dooddii 1997 ay wada galeen Cumar Macallin oo ahaa diblomaasi ka mid ah lixdii Danjire ee Soomaliya ay yeelatay ee ugu horreeyay loona diray Washington, ka dibna siyaasi noqday, Mudane Silaanyo oo markaas ahaa Siyaasi Somaliland iyo Madaxii hore ee SNM, Mudane Cabdullaahi Yusuf oo markaa ahaa Hoggaamiyaha Gobollada Woqooyi Bari oo sannad ka dib u xuubsiiban doonay Puntland iyo Mudane Qanyare oo Wasiir ka ahaa Dowlad aan la aqoonsaneyn madaxna u ah Jabhad hubeysan.

Mudane Cabdullaahi Yusuf iyo Mudane Silaanyo waxay u kaltameen weerarka Qanyare iyo siyaasadda Caydiid ee uu markaa matalayay si darandoorri ah.

Qanyare waxaa dooddiisa ka mid ahayd in uu weydiistay in la baro soohdintu meesha ay tahay kala qeybineysa degaannada Cabdullaahi iyo Silaanyo ay kala sheeganayaan in ay wakiil ka yihiin.

Laakiin Cabdullaahi Yusuf iyo Silaanyo waa ay fahmeen dabinka Qanyare u dhigayo weyna ka boodeen. Iyagu isuma jawaabin laakiin nin waliba dhankiisa ayuu ula dooday oo uu hadalka ku adkeeyay Qanyare.

Ugu dambeyntii Qanyare wuxuu labada mas’uul ku eedeeyay in ay yihiin, nin dalka kala goynaya iyo mid ka aammusan oo macnaheedu yahay in uu uga raalli yahay. Isaga oo taa cusknaya ayuu damcay in uu ku khasbo Mudane Cumar Macallin in uu qaato mowqif uu labadaba uga soo horjeedo si uu u dhowro waddaniyaddiisa.

Inkasta oo Qanyare lagu goobtay, haddana wuxuu doodda ka gaaray in uu shaki weyn geliyo shir uu markaa Mudane Cabdullaahi Yusuf ka abaabulyay Boosaaso in ay isugu yimaadaan Hoggaamiye Kooxeedyada ay isaga isku jaalka yihiin si ay Dowlad u dhisaan.

Boosaaso beddelkeed, waxaa 1997 Hoggaamiyayaasha kooxaha la wada geeyay Magaalada Qaahira.

Safari Park, Nairobi
Mar isaga oo u marti ah aan Qanyare ku kulannay Safari Park Hotel oo ku yaal Nairobi aniga iyo gabar ajenibi ah oo BBC ka tirsan wuxuu noo sheegay in uu siyaaddiisa ku maalmgeliyay lacag badan o uu isagu leeyahay.

Wuxuu yiri ilaa iyo markaas in aanuu khasaare moogiye aanuu wax faa’iido ah ka helin, welina ay lacagi uga baxdo.

Waxaan weydiiyay su’aal, talo-soo-jeedinna loo macneysan karo. Hadda maad isaga baxdid si aan kharash kale kaaga bixin? ayaan weydiiyay Qanyare.

Su’aal ayuu uga jawaabay.

Ku ye, yaan uga baxaa ma hebel iyo hebel?

Qaybta Saddexaad waxaan uga hadli in aad u yar oo ka mid ah doorka Qanyare ee shirkii Qaahira ee 1997 iyo kii El Doret ee 2004.

23 comments:

  1. Mahadsanid Mudane Allah ha u naxariisto Halyeey Qaran Adeer Maxamed Qanyare Afrax

    ReplyDelete
  2. yusuf garaad aad ayaad u mahadsantahay
    allaha unaxaristo Qanyare

    ReplyDelete
  3. Alla yaraxma ninkaan nin kaftama ma eheen

    ReplyDelete
  4. War Yusuf garaadow ninkaasi hadduu waddani ahaa, mar horuu dalkiisa wax kusoo kordhin lahaa.
    Teeda kale siilaanyo 1997 maxaa boosaaso geeyay?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Siilaanyo ma tegin bososaso ee waxa ay kuwada hadlaayeen barnaamij ay BBC da qabato ee Doodwadaag

      Delete
  5. Madaxii hore ee SNM, Mudane Cabdullaahi Yusuf intaa error ayaa ku jira mudane ee sax

    ReplyDelete
  6. Waxaad tiri hogamiyihii snm cabdulahi yusuf waxaad ula jedan fili ssdf meshaas iska sax

    ReplyDelete
  7. Waxaan xasuustaa barnaamijkii doodda ahaa ee BBC 1997 mar uu Qanyare oo u jawaabayay Col. C/hi Yuusuf in uu yiri hadal la micno ahaa "Haddii la horistaago dowladdi aan caasimadda ku dhisnay, C/hi Yuusuf mid (dowlad) ow 1,000 km ka xagga (shishe) ka keenay mihi ow gey lahaay aa rabaa ee qandiga jiridda ha ka dhigto"

    Weedhaas ayaana barnaamijki u dambaysay oo lagu soo xiray.

    ReplyDelete
  8. Allaya Rahma wuxuu ahaa libaax aan lagan ban warkiisa
    Wadani ah geeesi aan shaqsi iyo koox toona ka cabsan

    ReplyDelete
  9. Wali waxaadan boshegin aqoontiisa inta ay gaarsanayd iyo culuumta siyaasada meesha uu ka bartay ?

    ReplyDelete
  10. Aad baad u mahadsantahay sacaadatu waziir. Runti sheekada qaabka ay u qorantahay waa cajiib. Waxaan jeclaan lahayn inaad buug ka qorto waayahaagi saxaafadda oo run ahaanti noqon kara keyd jiilka dambe anfaca.

    ReplyDelete
  11. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  12. Dadka qaar inta aysan qofka eedeyn ha iska fiiriyaan qoraalka hakadka iyo joogsiga , YG ma oran c/lahi yusuf hoggaamiyaha SNM.

    ReplyDelete
  13. Naxariis iyo janno Eebe ha siiyo inshaAllaah

    ReplyDelete
  14. well done, waxaynu ka baran doona Goaan adeega iyo somalinimoda

    ReplyDelete
  15. Dhanka fikiradiisii siyaasadda ee waraysiyo qaarkood uu ku bixiyay Jaale Qanyare, meelo badan bay u aroori kartaa. Waxaa jirtay mar uu qiil uga dhigayay la dagaalanka maxaakiimtii weeraro lagu qaaday safaarado iyo Huteello ku yaalay waddamo kale; balse wariyuhu ku xujaysay- in aanay waddankiisa ahayn meelaha la weeraray.

    Hayeeshee,falanqayn Qanyare oo kale laga sameeyaa waa Soomaalida cidda warka saxda ka qori karto ooy andacayso xaqiiqdii. Ajanebi waxa ay ka qoreen qanyare iyo hoggaamiyeyaashii waqti la joogay Muqdisho waxa ay ahayd mid ku dhisan mandaq aad rakhiis u ah sida qormo jariirad af dheer oo Maraykan ka soo baxdo mar ay ka qoraysay hoggaamiye kooxeedyadii iyagoo ku waramayo hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho joogay in aanay kala adkaan karin si uu mid ugu haro cariga iyagoo u arkayay in sidaa dhibtu ku yaraan lahayd balse. Balse, warkoodu wuxuu ahaa boqortooyinkii Yurub ka jiray xilliyaddii jahliga ay qarnigan ka dhalataa Soomaaliya.

    Waan kugu bogaadinayaa qoraalka aad samaysay.

    Maxamed Qanyre, Ilaabay ha u naxariisto.

    ReplyDelete
  16. Xog waafi ah ayaad ka bixisay Qanyare oo din noo xasuusisay maalmihiisii

    ReplyDelete
  17. Niyahow xasuus fcn leedahay ee taariqda siyaasiyinta no joogtee aan ka faaideysanee

    ReplyDelete
  18. allaha u Raxmado adigana thanks

    ReplyDelete