Axmed Shariif, Kulliyadda Afafka |
Wuxuu ii sheegay in uu weydiiyay su’aal ku saleysan wixii uu ku soo
arkay Buuhoodle markii uu tegey fasaxii Jaamacadda ee 1985.
Wuxuu weydiiyay sababta ay Wasaaraddiisu wax uga qaban weyday biyo la’aanta oo sannad kasta ah dhibaatao weyn oo xoolo dhaqatada iyo xoolaha Soomaaliya la soo gudboonaata. Weliba wuxuu u raaciyay in ay xooluhu yihiin lafdhabarka dhaqaalaha dalka.
Su'aal kale ayuu weydiiyay oo ahayd - Maxay ku dhacday in meelaha qaarkood sida Buuhoodle ay foostada
biyaha ahi ka qaalisan tahay foostada shidaalka ah?
Axmed Maxamuud Faarax wuxuu ku jawaabay in tiraba laba jeer ay
Dowladdu isku dayday in ay ceel ka qoddo Buuhoodle. Biyihii waa la gaari
waayay. Sidaa darteed waxaa talo lagu bixiyay ayuu yiri in Buuhoodle maaddaama
uu yahay dhul sare ama taag ah loo baahan yahay in Wuqooyi ama Koofur looga
baxo oo markaa halkaa Ceel laga qodo.
Su’aasheyda qeybteedii hore ee ku saabsanayd xoolo dhaqatada iyo
xoolahooda ku nool degaannada sida Buuhoodle oo kale kamuu jawaabin. Anna ma
helin fursad labaad oo aan ku daba galo, ayuu ii sheegay Axmed. Ardayda ayaa badnayd oo waa ay adkayd in isla hal arday uu helo laba fursadood.
F. G.
Waxaan uga mahacelinayaa
Axmed Maxamed Ducaale (Qaambi) oo deggan Bristol, UK, laakiin isaga oo Hargeysa jooga
akhristay Qeybta Koowaad ee Qormooyinkan taxanaha ah markaana ila wadaagay
xusuustiisii doodahaas.
No comments:
Post a Comment