Taliska qeybta 21-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu ahaa magaalada Dhuusamarreeb laakiin ciidankeedu wuxuu fariisimo ku lahaa Mudug, Galguduud iyo Hiiraan siiba Beled Weyne iyo Buulo Burte.
Habeen ayuu General Morgan ka mid ahaa
Madax ka soo qeyb gashay dood ka dhacaysay xarunta Kulliyadaha Gahayr ee
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Si ba’an ayaa su’aalo loogu weeraray la
xiriira miisaaniyadda ciidanka oo loo arkayay in ay faraha ka badatay, eedeymo ku saabsan xadgudub lagula kacay dad reer guuraa ah iyo arrimo amniga la xiriira iyo qaar kale.
General Morgan wuxuu goostay in uu
Macallimiin iyo arday Jaamacadda ka tirsan iyo aqoonyahanno kale uu ku
martiqaado aagga uu ciidankiisu uga jiro difaaca dalka si ay u kororsadaan
xog-ogaalnimo la xiriirta howsha iyo xaaladda ciidanka.
Allah ha u naxariistee Prof. Abyan oo horkacaya
aqoonyahanno isugu jira Macallimiin iyo arday ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo tiradoodu ay
kontameeyo tahay ayaa u ambabaxay xarunta Qeybta 21-aad ee Xoogga dalka
Soomaaliyeed oo ah magaalada Dhuusa-Marreeb.
Prof Abyan wuxuu ahaa madaxa Machadka SIDAM
ee horumarinta maamulka iyo maareynta. Dhallinyaro badan oo bartaan akhrineysa
waxay yaqaannaan Machadka SIMAD oo la sameeyay intii burburku jiray, ka dibna
isu rogay Jaamacad.
Laakiin hore waxaa dalka uga jiray machad caan
ah oo la yiraahdo SIDAM oo shaqaalaha Dowladda loogu tababbaro Maamulka iyo
Maareynta iyo afafka qalaad isla markaasna laga qaato shahaaddada Koowaad ee Jaamacadda iyo MBA.
Waxayna isku sidkanaayeen Jaamacad Mareykan ah.
Abyan wuxuu ahaa nin aqoonta iyo akhriska
ku fogaaday. Wuxuu ahaa madax aan u hoggaansamin habmaamuuska ay Madaxdu isula
dhaqanto. Ma aqoon qab weyni. Dadka
badankiisna waxay uga talo galaan nin Filasoof ah oo aan dooneyn amaba aan ka
warqabin xanta siyaasadda, baqdinta iyo istuska madaxda sare.
Waxaan nasiib u yeeshay in aan ka mid noqdo
wafdiga uu kaxeeyay Prof Abyan, aniga oo ka mid ah soddomeeyo arday oo
Jaamacadda laga soo xulay.
Annaga oo wadanna dhowr gaari oo midkood uu
yahay Bas weyn oo ay Jaamacaddu lahayd ayaan barqadii ka baxnay Muqdisho. Beled
Weyne markii aan gaarnay waxaa na raacay ciidan na gelbinaya. Dhuusa Marreeb
inta aynaan gaarin waxaa naga hor yimid ciidan kale, sidaa ayaa ayada oo nala
gelbinayo waxaa nala geeyay Taliska Qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed
oo soo dhoweyn weyn ay nagu sugeyso.
Waxaa nala dejiyay xarunta saraakiisha
ciidanka qeybta 21aad waxaanna ku miis noqonnay Saraakiisha.
Barnaamijkaan oo aan soo koobi doono wuxuu ahaa socdaal loo bixiyay magaca cinwaanka qoormadan ka muuqda - Mataaneynta Qalinka iyo Qoriga.
Qormada tan xigta waxaan ku soo qaadan doonaa waxa aan kala kulannay ciidanka iyo Taliyahiisii, General Maxamed Siciid Xersi Morgan oo biyadhaca dooddiisu ay ahayd in uu Qalinku hoggaamiyo Siyaasadda, qoriguna uu daafaco Qalinka.
Barnaamijkaan oo aan soo koobi doono wuxuu ahaa socdaal loo bixiyay magaca cinwaanka qoormadan ka muuqda - Mataaneynta Qalinka iyo Qoriga.
Qormada tan xigta waxaan ku soo qaadan doonaa waxa aan kala kulannay ciidanka iyo Taliyahiisii, General Maxamed Siciid Xersi Morgan oo biyadhaca dooddiisu ay ahayd in uu Qalinku hoggaamiyo Siyaasadda, qoriguna uu daafaco Qalinka.
No comments:
Post a Comment