Ka dib markii weydiimaha la furay ayaa
waxaa su’aal weydiiyay Axmed Ducaale oo ka mid ahaa ardayda oo aan isku Kulliyad ahayn. Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed
(XHKS) markaa qiyaastii toban sano ayuu jiray. Wuxuu ardaygu soo jeediyay in wakhtiga Xisbiga
la dhisay uu dalku aad uga fiicnaa sida uu hadda1986 yahay. Iyo in ay dhibaatooyinka shacabka haystaa sii
bateen. Miyaan la oran karin XHKS dalka
wax buu u dhimay ee waxba ma tarin? Ayuu
ku soo gunaanaday.
Cabdirisaaq inta uu ka kacay kursiga oo la
soo wareegay miiskii hor yaallay ayuu soo istaagay banka yare ee u dhexeeya
ardayda iyo meesha uu isagu fadhiyay.
Wuxuu yiri su’aashan jawaabteeda waa in aan
u istaagaa.
Cabdirisaaq wuu qiray dhibaatooyin badan oo
1986 jira laakiin aan jirin markii Xisbiga la asaasayay. Wuxuu sabab uga dhigay saddex arrimood oo aan
dowladdu ku jirin. Wuxuu eedeeyay wakhtiga, shisheeye iyo mucaarad Qarandiid
ah.
Diiwaangelinta Carruurta
Cabdirisaaq waxyaabaha uu habeenkaa nagala
hadlay waxaa ka mid ahaa in dhib lagu qabo si loo diiwaan geliyo carruurta
dhalata. Waaliddiintu xil iskama saaraan,
ayuu yiri, in ay Dowladda Hoose ka diiwaan geliyaan ilmaha u dhasha. Haddii aan
la aqoon tirada carruurta dhalatay waxay dhib ku tahay jaangoynta
adeegyada ay bulshadu u baahan tahay. Markaas
talo ayuu naga weydiiyay sidii loo heli lahaa hab carruurta lagu diiwaan geliyo
marka ay dhashaan.
Waxaan ka mid ahaa ardaydii maskaxdooda ka
shaqeysiiyay si ay isugu dayaan in ay bixiyaan talo xal u noqota mushkiladda
mas’uulku na soo hordhigay. Waxaa kale
oo aan ka mid ahaa intii fursadda loo siiyay in ay makrafoonka helaan.
Waxaan dhaliilay nidaamka ay Dowladda Hoose iyada oo fadhida xafiis ay ka dalbeyso in ay waaliddiintu yimaadaan oo ay ilamaha dhasha soo diiwaan geliyaan. Waxaan ku tilmaamay in nidaamkaasi yahay mid laga dhaxlay gumeysiga reer Yurub oo aan ku saleysneyn hab dhaqanka bulshada Soomaaliyeed.

Tusaale waxaan u soo qaatay qoys reer
baadiye ah oo xoolo dhaqda beerna leh oo deggan aagga Cali-Yaale oo ay ilmo yari u
dhasheen.
Aabbe ay ummusha iyo ilmaha dhashay ay uga baahan yihiin daryeel, beerta iyo xoolihiina ku noqday keligii oo ay xoogxumo hayso maxay tahay, ayaan weydiiyay, sababta ku kallifi karta in uu waxaas oo dhan ka soo dhaqaaqo. Laamiga uu u lugeeyo, siteey ka soo raaco oo lacag ku bixiyo, oo Sinaay ka soo dego. Dabadeed uu taksi ama bas ka raaco oo lacag kale ku bixiyo si uu u tago xarunta Dowladda Hoose oo Gobolka Banaadir oo ku taalla Xamar Weyne si uu ugu sheego in ay ilmo u dhasheen? Intaas oo dhan waa haddii uu yaqaan Xafiiska Dowladda Hoose welibana uu og yahay in laga rabo in uu ilmihiisa diiwaan geliyo.

Ka dibna uu intii oo kale sameeyo si uu
gurigiisii ugu hoydo iyada oo maalin dhan iyo kharash badani ay ka baxeen.
Waxaan soo jeediyay in Xafiiska Dowladda
Hoose uu isagu raadsado diiwaan gelinta carruurta oo uu qoyska ugu tago meesha
ay deggan yihiin. Haddii ay dhacdo in ay
taasi ku adkaato waxaan u sheegay in ay dhaqanka ka faa’iideystaan oo ay ka fekeraan qaab dhaqankeenna waafaqi kara. Tusaale waxaan ugu soo qaaday in dadka
ilmaha dhasha ka qaata lacagta farxadda ah, in gunno loo qoro oo loo dhiibo
foom ay tahay in ay ka soo buuxiyaan qoyska uu ilmuhu u dhashay.
Maanta haddii ay tahay waxaan ka doorbidi lahaa in ay umulisooyinka u qoraan gunno oo iyagu ay noqdaan kuwa foomka soo buuxiya oo ilmaha diiwaan geliya.
Si buuxda uma wada xusuusto jawaabtiisii, laakiin beri dambe ayaa nin madax ahi ii sheegay in uu ka mid ahaa Madax uu arrintaa la wadaagay Cabdirisaaq.
-----
*Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) wuxuu ahaa Xisbiga keliya ee siyaasadeed ee dalka ka jira. Xoghayaha Guud ee XHKS wuxuu ahaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

No comments:
Post a Comment