Haddii aad qormadaan u akhrineyso in aad ka hesho war dowladda ama madaxda Qaranka dhaawaca fadlan halkan ku jooji.
Maaddaama aad akhriska sii wadday waxaan u arkaa in aad dooneyso in aad dareenkeyga ogaatid.
Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, waxaan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra'iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta isaga soo hor dhigo 9-ka subaxnimo si aan Golaha Wasiirrada u geyno galabta.
Shirka Golaha oo badiyaa dhici jiray 9-ka ama 10-ka subaxnimo, wuxuu Ra'iisal Wasaaruhu ii sheegay in uu galab ka dhigayo si aan annagu subaxnimada isu aragno. Hase yeeshee saaka markii aan soo toosay ayaa qof iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday.
Shirka Golaha oo badiyaa dhici jiray 9-ka ama 10-ka subaxnimo, wuxuu Ra'iisal Wasaaruhu ii sheegay in uu galab ka dhigayo si aan annagu subaxnimada isu aragno. Hase yeeshee saaka markii aan soo toosay ayaa qof iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday.
Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka
hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra'iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.
Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri
afar sano waan isla dhammeysaneynaa.
Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu
damcay in aanuu run ii sheegin. Laakiin
waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon.
Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xilka aan Qaranka u hayay ee la iga qaaday.
Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa
in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo.
Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo
aamminaad aad u weyn. Waan ka mahadcelinayaa.
Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta
aan ka helay xilligii aan xilka hayay.
Inkasta oo aan ahaa nin ay Soomaali badani taqaan, aan ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Qarammada Midoobay ee New York, haddana
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha midkoodna 2017 ka hor ma aynaan wada
shaqeyn. Xiriir dhowna ma aynaan
lahayn. Sidaa darteed saaxiibbada kalsooni ay ku qabaan aqoonteyda, khibraddeyda iyo daacadnimadeyda
dartood ka dhaadhiciyay in ay aniga ii xushaan Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caalamiga ah iyagana waan u mahadcelinayaa. Xataa waxaan u mahadcelinayaa kuwa laga yaabo
in aanay raalli ka ahayn in la i magacaabo, karayna in ay is hor taagaan
magacaabisteyda laakiin aan sidaas sameyn.
Mahad weyn waxaan u jeedinayaa Baarlamaanka Soomaaliya ee ansixiyay
magacaabista Golaha Wasiirrada aan ka midka ahaa. Waxaa kale oo aan Baarlamaanka labadiisa aqal
iyo Guddiyadooda Arrimaha Dibadda uga mahadcelinayaa wadashaqeynta iyo
xisaabtanka wanaagsan ee is qaddarintu ay ku dheehan tahay ee ay ila yeesheen
intii aan xilka hayay. Guddoomiyayaasha
labada aqal oo ah laba mas’uul oo aan xushmad badan u hayo ugana dambeeyo waayo
aragnimadooda waxaan iyagana uga mahadcelinayaa taageerada ay ii muujiyeen si
aan xilkeyga u guto.
Waxaanan illoobi karin, Danjirayaasha, diblomaasiyiinta iyo dhammaan
shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee sida
hagar la’aanta ah u gudanaya waajibaadka Qaran ee saaran. Waa ciidan Soomaaliyeed oo filiqsan dalka
Dibaddiisa iyo gudihiisa oo aan qoryo iyo rasaas ku hubeysneyn ee qalinkooda,
aqoontooda iyo niyaddooda birta ah ku daafacaya danaha dadka iyo dalka inta
bandanna aan helin qaddarinta ay Qaranka ka mudan yihiin.
Wasiiru Dowlaha Cabdulqaadir Axmed Kheyr iyo Wasiir ku xigeenka Mahad
labadaba waxaan uga mahadcelinayaa wadashaqeynta wanaagsan ee kalsoonida,
xushmadda iyo qaddarinta iyo nadiifnimada ku dhisan.
Waxaan u mahadcelinayaa oo kale Golaha Wasiirrada oo dhammaantood ay naga dhaxeyso wadashaqeyn iyo is qaddarin.
Ma illoobi karo, dhallinyarada naftood hurayaasha ah ee ka tirsan
ciidammada Qaranka oo maalin iyo habeen, soo jeed iyo aniga oo hurda amnigeyga
ka mas’uulka ahaa. Waxaan xusuustaa
markii ay runtu timid ee qarax culus lala beegsaday meel aan ka fogeyn
Wasaaradda Arrimaha Dibadda 14-kii Oktoobar, in iyada oo mid wiilasha ka mid
ahi uu qaraxa ku dhintay, anigana uu firir yari i soo gaaray oo dhiigeygu
baxayo, baabuurna aanuu dhaqaaqi karin, in
ay ka shaqeeyeen in aniga iyo laba Wasiir oo marti ii ahaa ay lug nooga saaraan Wasaaradda.
Inta aan xusay oo dhan, oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyay, uguna
dambeeyeen ciidanka i ilaalinayay, midkoodna dhaliil la’aan ma aha. Waxaanse aamminsan ahay in ay isku waajib iyo
ujeeddo yihiin. Taas oo ah in inta
tabartood iyo garaadkooda ah ay ka shaqeynayaa in uu Soomaali kastaa nabad iyo sharaf haysto, nolol wanaagsanna
uu ku nollaado.
Ilaaheey waxaan ka baryayaa in uu ujeeddadaas nagu wada
guuleeyo. Shacabka Soomaaliyeed ee
sharafta badanna waxaan ka codsanayaa in ay Madaxda, shaqaalaha Dowladda iyo
ciidanka ay gacan ku siiyaan u adeegidda Qaranka.
Waxaan ku faraxsan ahay in aanan dheg u dhigin madaxda iyo dadka damcay in ay igu qalqaaliyaan in aan ku milmo arrimo aan mar iyo laba keliya ahayn oo Dowladda iyo qabiil ka dhexeeyay oo aanan labada dhan midkoodna aanan raalli ka ahayn sida ay wax ku wadaan, aniguna aan Soomaalinnimadeyda, sumcaddeyda iyo aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday marka laga reebo in aan talo ka bixiyay aan la iga dhegeysan laakiin mararka qaar ay aakhirkii dani tiri.
Waxaan u mahadcelinayaa Soomaalida inta aan xilka hayay i dhiirri
gelisay iyo kuwa talooyinka wanaagsan i siiyay.
Waxaanan aqoon si aan ugu mahadceliyo dadka Soomaaliyeed ee qaddarin
Qarankooda loo hayo darteed la igu sharfay caasimadaha adduunka iyo
fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamiga ah.
Waxaan dar Allah, cafis ka dalbayaa qof kasta oo waajib iga saarnaa oo
aan ka gaabiyay.
Waxaan cafiyay cid kasta oo intii aan xilka hayay danta dalka iyo
dadka Soomaaliyeed awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed
ii xamatay ama ii cambaareysay.
Waxaan Mahadda ugu ballaaran u jeedinayaa xaaskeyga Yasmin, oo dal
jacayl igu garab istaagtay iyo dulqaadka
iyo samirka ay ii muujisay si aan dalka ugu adeego iyada oo xaaladda dhaqaale
iyo midda amniba ay adag yihiin.
Waxay u dul qaadatay in magaalada ay deggan tahay aan lix jeer ka
beddesho dayaarad aniga oo aan soo dhaafin airporka.
Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa carruurteyda oo xilli qaarkood ay yihiin socod-barad aan ka maqanahay muddo aad u dheer. Kuwooda waaweynina ay goor iyo habeen ay igu dhiirri geliyaan u adeegidda dal mid toddobaad joogay maahee intooda kale aanay arag.
Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa carruurteyda oo xilli qaarkood ay yihiin socod-barad aan ka maqanahay muddo aad u dheer. Kuwooda waaweynina ay goor iyo habeen ay igu dhiirri geliyaan u adeegidda dal mid toddobaad joogay maahee intooda kale aanay arag.
Ugu dambeyntii waxaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmayaa in si ay siyaasaddeenna dibaddu ay u caga dhigato ay xaqiijiyaan in aan lagu fududaan beddelaadda Wasiirka cusub ee ay u magacaabeen Wasaaradda, isaga iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaraddana lagu xurmeeyo howshooda.
Waxaan taas u leeyahay waxaan ka warqabaa in aan ahay Wasiirkii tobnaad ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya qabta ee ay wada shaqeeyaa isla hal Wasiir Arrimo Dibadeed ee dal ay wadashaqeyn dhowi naga dhexeyso. Wasiirka i beddelayaa wuxuu noqon doonaa Wasiirkii kow iyo tobnaad ee Soomaaliya matalaya ee Wasiirkaas ay is hor fariistaan.
Waxa iigu weyn ee aan ka kororsaday adeegga Qaran ee aan hayay waa in uu ii kordhay fahamka cilladda haysata Dowladnimada Soomaaliya.
Winning303 Agen betting online yang sudah berpengalaman dan profesional..Hadirkan Permainan Lengkap dan Pelayanan Ramah serta Profesional yang membuat anda tidak akan berpaling lagi..
ReplyDeleteCukup 1 ID saja dan tidak perlu ribet ganti user id untuk bermain:
-Sports
-Poker
-Live Casino
-Slots
-Lotere/Togel
-Sabung Ayam'
Dapatkan juga:
Bonus New Member Slot 15%
Bonus New Member Poker 10%
Bonus New Sabung Ayam 10%
Bonus New Member Sportsbook & Live Casino 20%
Bonus Deposit 10% Setiap Hari
Bonus Deposit 5% Sabung Ayam
Bonus Cashback 5-10%
Bonus 100% 7x Kemenangan Beruntun Sabung Ayam
Diskon Togel Hingga 65%
Bonus Rollingan Slot 1%
Bonus Rollingan Poker dan Live Casino 0.5%
Tunggu apalagi???...Buruan Guyzzz....
Customer Service 24 Jam
Hubungi Kami di :
WA: +6287785425244