Xuseen Shiikh Axmed Kaddare oo ahaa dhaqan yaqaan ayaa beri Radio
Muqdisho ka sii deyn jiray Barnaamij toddobaadle ah oo ku saabsan Dhaqanka.
Kaddare AUN wuxuu ahaa hadalyaqaan, caqli u saaxiib ah.
Wuxuu ahaa nin dadaal badan oo hey’ado kala duwan si uun ugu lug leh.
Wuxuu ahaa nin dadaal badan oo hey’ado kala duwan si uun ugu lug leh.
Wuxuu ahaa Agaasime Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Hiddaha iyo
Tacliinta Sare. Waxaa kale oo uu ka
shaqeyn jiray Akademiga Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Gobolka Banaadir-na wuxuu ka mid ahaa khubaro marka ganacsi cusub shati la siinayo hubisa magaca ay qaadanayaan in uu yahay munaasib, higgaaddiisuna ay sax tahay.
Wuxuuna ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Markii la qorayay far Soomaaliga, wuxuu keenay far iyo habqoraal uu
Soomaaliga u dejiyay oo ka mid ah alif ba’dii iyo hababkii la qiimeeyay in
iyada la qaato iyo in kale.
Kaddare, maaddaama aan Raadiyaha ka wadashaqeyno, Jaamacaddana aan
wada dhiganno siddetamaadkii, yahayna nin aad iiga khibrad iyo aqoon badan, wuxuu ahaa nin aan
la sheekeysto oo aan galbaha qaar kula ballamo Afarta Jardiino ama Siinaay oo
uu inta u dhexeysa degganaa. Waxaan ula
kulmi jiray in aan ka kororsado taariikh, dhaqan iyo suugaan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayay Madaxda Idaacaddu u yeertay Kaddare oo
ay ku wargelisay in Barnaamijkiisa Toddobaadlaha ah la joojinayo oo uu ka mid
yahay dad shaqada laga fariisiyay.
Kaddare ww ninka bidix fog kaa soo eegaya ee shaarka cad. Goobtu waa Jaamacadda |
Dadku marka shaqada laga joojiyo muran iyo dacwad ayay inta badan ka
keeni jireen. Kaddare sidaas oo kale
ayaa laga filyay, laakiin wuu ku duwanaaday.
Wuxuu ku jawaabay: Waxaan ahay nin weyn oo ceeboobay ee iga raalli
ahaada.
Maxaa dhacay ayaa la weydiiyay?
Wuxuu yiri:
waan is howlayay oo aniga oo duruufo iyo xaalad adag ku shaqeynaya
ayaan haddana baaris, diyaarin iyo soo jeedin Barnaamij qiimo leh aan usbuuc
kasta isku howlayay. Waxaan moodayay in ay
dhegeystayaasha iyo Madaxda idaacadduba ay ku qanacsan yihiin tayada Barnaamijkeyga.
Ayna fahmi karaan duruufta aan ku
shaqeynayo. Oo markaas ay abaal iiga
hayaan. Sidaa darteed ayaan aniguna is
lahaa dhankaaga ka tiiri.
Laakiin hadalkiinna marka aan maqlay waxaa ii soo baxday in aan la
igu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayay intii aan soo shaqeynayay. Marka waan ceeboobay oo waxay ahayd in aan is
garto in aan Barnaamijkeyga lagu qanacsaneyn ee la ii dulqaadanayo. Markaasna
aan anigu isaga tago meesha.
Raalli ka ahaada intii aad ii dulqaadateen. Haddana in aad ii sheegteen waad ku mahadsan
tihiin.
Inkasta oo ay labada mas’uuliyadood ay kala culus yihiin, haddii aan
fikirka Kaddare qaato waxay noqoneysaa in aan ceeb la wadaago. Waxaase jira asbaabo aan uga duwan ahay oo
aan ugu bareeray "ceebta".
Maanta xilligeedii ma joogo in aan faahfaahiyo, dalkana dani uguma jirto in aan sii faaqido.
No comments:
Post a Comment