Dunida oo dhan ayay dhaliilahaasi dood ka abuureen. Soomaalida lafteeda dad badan ayaa cabashadaas qaba.
Saaxiibkeey ayaa shalay i dhegeysiiyay Hees ah wacyi-wadaag oo tusaale u soo qaadaneysa
khaladdaadka jira qaarkood.
Waxay ila noqotay in iyada oo qoran aan u soo bandhigo saaxiibbada
ku taxan barteyda.
Heesta waxaa ku luuqeysa Deeqa Afro. Hal-abuurka heestu wuxuu soo koobay qaar badan oo
ka mid cabashada social media laga qabo.
Social mediuhu
war hooy sidaa maaha
Qarankana sumee maaha
Kala sooc dadkana maaha
Madaxdii la soo doorto
Eedeyn u saar maaha
War hooy sidaa maaha
Sidaad doontid yeel maaha
Fannaaniinta caay maaha
Heesahooda soo qaado
Si xun wax uga sheeg maaha
Dumarkeenna Soomaaliyeed
Ceebtooda soo raadi
Sawirradiyo videowga
Ruux kale ka soo qaado
Commentiga ku caay maaha
Weriyaha socdaalkaahe
Shacabkiisu sugayaane
Si uu warar u gaarsiiyo
Qoraallada uu soo saaro
Sii kala fasiro maaha
Xumaantana u saar maaha
War hooy sidaa maaha
Ruux bukoo sariir saran
Sawirkiisa soo qaado
Dadka saddqa ka aruuri
Hadhowtana ha siin maaha
Heesta waxaad ka dhegeysan kartaa Youtube. Ku dhowaad milyan jeer ayaa la daawaday.
Heesta waxaad ka dhegeysan kartaa Youtube. Ku dhowaad milyan jeer ayaa la daawaday.
No comments:
Post a Comment