Total Pageviews

Wednesday 17 April 2019

Baaq Furan

B A A Q    F U R A N
Arbaca 17 Abriil 2019

Annaga oo ka warqabna culeysyada kala duwan ee saaran dhallinyarada, gaar ahaanna wadayaasha bajaajka, BL-ka iyo tagaasida Muqdisho, ayaan haddana idiin qireynaa in aad ku dadaasheen kuna guuleysateen in aad shaqo abuurataan.  Waxa aad gacan weyn ka geysataan isu socodka dadweynaha magaalada idinka oo ugu adeegaya qiimo jaban.

Waxaan wadajir idiinkugu baraarujinaynaa muhiimadda nabadda iyo xasilloonida oo la’aanteed aan shaqadiinnu socon karin.  Sida aad ogtihiin, Amni-darro iyo xasillooni la’aani waxay sababi karaan dhibaatooyin shaqo la’aan aad uga culus.

Sidaa darteed waxaan idinku boorrineynaa in adinka oo dantiinna ilaashanaya, u turaya shacabka Soomaaliyeed oo waalid iyo walaal ah, kuna kabaya Dowladnimada Soomaaliya aad ka fogaataan wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasilloonida oo ah danteenna guud.

Cabashooyinka aad qabtaan, oo waliba qaarkood aan ka garaabeyno, waxay tahay in aad xalkooda u martaan dariiq nabadgelyo. Haddii aad sidaas ku sifowdaan waxaan ku kalsoon nahay in ay dad badani idinku taageri doonaan halgankiinna xuquuq u doodka ah.

Dowladda waxaan u soo jeedineynaa saddex qodob oo kala ah in xaaladda aan looga darin, la qaboojiyo rabshadaha hadda taagan iyo in xal waara loo helo oo tan oo kale aanay dib u soo noqon.

Si aan xaaladdu uga sii darin waxaa nala habboon in laga dhowrsado erayada uga dari kara xaaladda. Si gaar ah waxaan u soo jeedineynaa in laga gaabsado eedeymaha aan loo heyn caddeyn buuxda iyo wax kasta oo shaki iyo kala qeybin u horseedi kara bulshada magaalada, maaddaama ay tahay in ay Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee magaaladu ay wadajir u wajahaan mushkiladda.

Si karka magaalada hoos loogu dhigo waxaan Mas’uuliyiinta Dowladda ugu baaqeynaa in dhallinyarada loo turo, lana fahmo in ay cadaadis iyo xad gudub dhab ah ka cabanayaan.  Waxaan soo jeedineynaa in dhallinyarada la xiray oo dhan la sii daayo.  Iyo in la baaro dilalka dhacay ciddii dembi geysatayna Maxkamad la soo taago.

Ugu dambeyn waxaan soo jeedineynaa in la qaado tallaaboyin lagu xaqiijinayo in dilka iyo xadgudubyada ka dhanka ah dhallinyaradu aanay dib u soo laaban.

Tallaabooyinka taas lama huraanka u ah waxaa ka mid ah in booliiska iyaga oo hubeysan shacabka lagu sii dhex deynayo la hubiyo in dhammaantood ay qaateen tababbar booliis.  Dabcan waxaa tababbarkaas qayb ka ah sida ay shacabka saaxiib ula noqon lahaayeen, taas oo howshooda u fududeyneysa, sharafna ay uga mudanayaan walaalahood.  Askarigii ama sarkaalkii aan tababbarkaas qabin inta uu qaadanayo tababbarka waa in uu ka shaqeeyaa xafiisyada, bakhaarrada, gaadiidka, xeryaha iyo shaqooyin kale oo booliis laakiin aan la soo horjoojin bulshada.

Waxaa kale oo muhiim ah in dhallinyarada iyo dadweynaha magaalada oo dhan wakiilladooda ay Booliiska iyo Dowladduba la yeeshaan gacansaar, si joogta ahna loo xalliyo cabasho kasta, ka hor inta aanay isu rogin qalalaase.  Ama ugu yaraan in la iska qanciyo cabashada.

Ugu dambeyn, waxaan soo jeedineynaa in wadashaqeyn dhow lala yeesho Hoggaamiyayaasha Dhaqanku iyaga oo wadajira, isla markaasna ay iyaguna wadajir u wajahaya wixii dhibaato soo ifbaxa.

Waxaan u rajeyneynaa booliiska iyo dhallinyaradu in ay gacmaha is qabsadaan, ogaadaan in aayahooda iyo aayaha Soomaaliya ay ku xiran yihiin dhallinyarada oo isku kalsoonaata, cududda iyo maskaxdooda mideeysa, una jiheysa horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Guuleysta

Danjire Yusuf-Garaad Cumar                                            Thabit Cabdi Maxamed 

38 comments:

  1. Waa hadal macaan laba dhameyn karin.
    Lkn waxaan cabsi ka qabaa in dowladu.
    Tahay mahadasho
    Aann qanci karin dadkeeda. Gaar ahan rer muqdishu.
    Wana dadka ugu dulqadka badan somalia..madhacdaa in cashuur laga qaado waxma logu qaban muuqda. Lagana biilo gobola kale waa mahadsan tihiina aan la oran.
    Iska daaye dil loogudaray.


    Duqii hore iyo danjorow.
    Ku dadaala inaad maqaamki muqdisho keentaan iyo matalaadiisa. Waa hubaa inaad heli doontaan imbadan oo taariikh gasha
    Mahadsanidiin

    ReplyDelete
  2. wa ku mahadsanyihiin fikikiina wax ku oolka ee bulshda ku wacyigalinysan halkas kasiiwada insha allah

    ReplyDelete
  3. Ani waxaan is leeyahay arinta in ay ka bad badinayaan dad aan inoo furi doonin
    Somaaliduna waxey ku maah maahdaa nimaan kuu furi doonin yuu kaa rarin

    ReplyDelete
  4. Waad mahadsantihiin sida wacan ee aad shacabkiina wili ugu adeegeysaan.

    ReplyDelete
  5. Danjire Yusuf iyo Duqi hore muqdishawinta farintan waxa ku cadesen in dadka wax tabanaya ay si nabada ku mujiyan darenkoda ayna u maraan hab nabadesan tusale oday dhaqamed aad xustan waxan ogsonhy in odoyasha muqdishu ay ku nolyihin dakhliga dowlada siiso aysan ka hadli karin wixi dadka dhibaya sidas daraded mxaa kale oo badiil ah ay dadkan haystan oo ay cabashadoda ku gudbin karan mar hadi kuwi matalayay aysan diyar ahayn ayagana rabshad ay bilaban dhib wayn keeni karto?

    ReplyDelete
  6. Waa qoraal aad u dheer, oo micno badan xambaarsan, lkn dowladdu ma aqbali doontaa in ay si nabad ah u xalloso rabshadaha taagan.

    ReplyDelete
  7. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  8. Dhalinyarada maanta joogtaa aad bey ugu haraad qabaan isbedel dhab ah inuu yimaado maskaxdoodu ne aad bay u daashay si loo dhiso moraalkooda iyo dadnimadooda waxay ahayd in lagu dadaalo sidii wacyi gelin joogta u heli lahaayeen waa mida aad hada ka dhawaajiseen waana idiinkaga mahd celinyaaa si wanaagsan aad noogu soo bandhigteen taladiina anigoo ka mid ah dhalin yarada maanta muqdisho ku nool daruuf iyo damiir kastoo liita aaan la kulmo dhibka sidaaan uga bixi laheyn inaaan ka shaqeeyo kuwa ila midkaaa hadey qaataan taladaa noo soo bandhigteen waxaan hubaaa marna aaan shaki ku jirin waxaan rabno inay sida wanaagsan u dhacayaan

    ReplyDelete
  9. danjire yuusuf iyo gudoomiye thaabit waa arin wanaagsan baqaa soo jeediseen.waana wax Umadu ubaahan tahay Dad nabada ka shaqeeyo .lakiin suaasha Jirta ayaa Ah qaabkee ku Haboon oo baaq sidaas ah dadka oo dhan loo gaarsiin garaa guud ahaan iyo gaar ahaan dadka baaaqu ku socdo Aniga waxey ilatahay qoraalka muuqaalka ayaa ka munaasabsan dadku wax ma aqriyaa(qaraalada dheer) intooda badan marka talaayinka sii wad muuqaalna u badi hadey suurta gal tahay inta afka soomaaliga ku hadashana u wada gudbi mahadsanid

    ReplyDelete
  10. Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa qoraalkaan aadka u wanaagsan ee aad soo gudbisaan

    ReplyDelete
  11. Ku mahadsanidiin sida aad ugu bidhaamiseen bulshada fikirkiina ku dhisan talo wadaaga iyo isu tanaazulka

    ReplyDelete
  12. Waa fikir wanagsan mudana in laqabto.

    ReplyDelete
  13. Waa Aragti Fiican Oo ay siwadajir usoo jeediyeen Danjire Yusuf Garad iyo Thabit Ab waana mid dalka iyo dadkaba wax utaraysa mudanna in waxbadan laga qaato taas oo dhamanteed wax toosin u ah dalkaan .

    Waxaana soojeedin lahaa in madaxda dowladda, Hogaanka Booliska iyo dhalinyarada kaxeysa Bajaajta , Bl-ka iyo Tagaasida ay qaataan talooyinkaan dhamaanteen danta noo ah .

    Waad Mahadsantihiin Danjire Yuusuf Garaad iyo Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed Alle haidinxafido.

    ReplyDelete
  14. Waa ku Mahad SanTihiin Fikiridiina Wanaagsan Wxaan rajayni inuu Miradhal noqdo Mudana yaal.!

    ReplyDelete
  15. Waad kumahad santihiin warbixintiina waxaase kamuuqda qoraalkan inu kaso baxay dad jecel wanaaga dalka iyo dadka waxaase kasii jec laan lahaay inu kaso baxo qoraalkaan kuwa maanta talada haayo oo shacabka masuul ka ah, qasaman billaahi hadii dawladu sidaan wax u lifaaqi lahayd dilkan xuduud buu yeelan lahaay waxana loo arki lahay dawladu iney dadaleyso lkn hadane ay dad duminaya ine jiraan baa jiri lahay xatta haday dhibkani wataan qolyo gaar ah ee carqaladeynaya dawlada sababtee loola xisaabtami waayey askarigii wax dila illeen dawladuu u shaqeeyaayee?

    Kuwa hogaanka noo haayo ee dalka iyo dadka maamula iya kuwa kasoo horjedow waxaan idin dhihi lahaay ilaaahay nooga baqa oo waxii dhexdiina ahaaday umada haku saameeynina waayo laba maroodi meel ay isku dilaaan cows baaa ku baa ba'yo shacabkuna waa cowskaas lagu kor durdurinaayo maalin baana Allaah idin weydiin doonaaa.

    ReplyDelete
  16. Yusuf iyo Thabit aada u mahadsan tihiin dowlad idin kama dembeynin markaad xilka hayeen wixii markaas ka dembeeye dalka wuxuu gacanta u galey Shabaab iyo wiilal yar yar villa Somalia la keensadey oo qurbaha ku saaqidey qabyaalad la yimid Mweynihii xilkiisi waa gudan waaye waxaa la gaarey beelo Soomaaliyeed la beegsado xumaan kasto ayaa lagu dhaqaaqay ilaa la gaaro bareer cad loo toogto dhalinyarada bajaajka sanadkaan kaliya waxaa la diley 30 qofood cid loo soo qabtey aan jirin
    hada iyo talo waad ku mahadsan tihiin talada soo jeediseen hadii la qaadanaayo waana talo aad u wanaagsan loo baahan si deg deg loogu dhaqaaqo.... wabilaahi towfiiq

    ReplyDelete
  17. Masha Allah waa maqaal cilmi , talooyin wax ku ool ah laga faaiday.

    ReplyDelete
  18. Mahadsanidiin, waxaan ku darayaa police ka inta wanaagsan ee tababarka hagaagsan qabta waxaa loo kala kaxeystaa meelaha muhiimka ah sida guriga baarlamanka garoonka diyaaradaha ama iney ilaalo u noqdaan madaxda, inta aan tababar hagaagsan qabin ee waliba qaadka iyo wixii kaloo lagu daro cuntana bulshadaa lagu soo dhex daayaa, dabcan waadna ka warqabtaan maadaama aad masuuliyiin hore tihiin. Waana arrin u baahan xal si bulshadu uga badbaado dhibaatada ciidamada.

    ReplyDelete
  19. Dadkii uu mareykan ka soo tahxiilay aa qaar a qaraxyo ku dhinteen kuwana ooyaayaan adna bbc lagaa amaan maheyn laba fashilmay

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waad ku mahadsan tahay in aad labadeenna naga sheegtay noona sheegtay waxa adiga uurkaaga jiifa, aadna ku qortay barteyda. Waan xaq dhowrayaa xaqa aad u leedahay in aad calooshaada bannaanka soo dhigto, laakiin mowduuca meesha yaalla in aad ka hadasho weli waan kaa sugeynaa. Waa haddii uu macna kuu leeyahay, aragtina aad ka leedahay.
      Mahadsanid.

      Delete
  20. Aad ayaad ugu mahadsantihin soo jeedinta hadalkan iskugu jira is xasuusinta dhibaatoyinka jira iyo xal u helistooda. Waxan rajeyna iney fariintani gaarto cid weliba oo eey quseyso oo loga bahanyahay wax ku qaadashadeda. Qalbinuur.

    ReplyDelete
  21. Waa baaq wanaagsan oo wax ku ool ah waana danta dalka iyo dadka iyo iyagaba ugu jirta nabada

    ReplyDelete
  22. Adv. Saida Hashi
    Maashaa Allaah waa hadal qiimo badan aana rajeynayo inay taaban doonto waxna ka badali doonto aragtida dhalinyarada. Mida kale dowladu waa shacabka inta xilka heyso kaliya maaha dowlada Soomaaliyeed waa anaga haddaan Soomaali nahay dhalinyaro, waayeel, iyo carruurba, dhedig iyo lab taad doontaba ahow. #DanteenuWaaDowladnimo. Iyadaa na deeqdee dulina kaga bixi karnaaye aan dadaalno Rabbina ha ina garab galo.
    #DadkuDowladBuuRabaa

    ReplyDelete
  23. Masha allah mudane taabit iyo yuusuf garaad waxaad muujiseen inaad muwaadiniin soomaaliyeed oo dalkooda iyo dadkooda u naxaaya rajana ka qaba aad tihiin waxaan rajeynayaa baaqiina in uu shacabka soomaaliyeed iyo dawladaba uu gaaro mahadsanidiin

    ReplyDelete
  24. Cid walbo kaso horjeda dowlada wxan u arka dano gaar ayu leyahay waxad arkesa mid guri dad leyihin kujira oo leh dowladan wey fashilantay allah aya ujeeda inta dhibatada nagu wada

    ReplyDelete
  25. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  26. Waa farriin muhiim ah. Laakiin arrinta hala soo daayo kuwa laamiga gubay waad ku qaldantihiin. Wadankaan nabadda waxaa u diiday ciqaab la'aan

    ReplyDelete
  27. Waa hadal wax ku ool ah balse wadankan hadal badan uma baahna ee ficil iyo dhab u heshiisiin ayu u bahanyahay "wa fakarkeyga"

    Mahadsanidiin

    ReplyDelete
  28. Mahadaanidiin masuuliyiinta yusuf garaad iyo taabit
    Runtii qormadaan waxay katarjumaysaa caqligiina wanaagsan iyo meesha aad larabtaan somali balse dhalinyarada mudaaharaadaysa waa masaakiin culays aad ufara badan saaranyahay ayna udheertahay mar mar dil loogaysto
    Ayna garanwaayeen si ay umuujiyaan dareenkooda maadaama ay soo noqnoqdeen dhibaatadan
    Dowlada waxaan leeyahay utura bulshadiina maatada ah waayo dhana qarax ayaa kahaysta dhana askarti ayaaba laynaysa

    ReplyDelete
  29. Waa aragti mug weyn oo wax ka barsho leh.
    Teeda kale Shacab Iyo Dowlad Yaan loo kala qaadin Waayo Dowlad waxaa weeye Shacab midooway Kadib Hogaan afkaartooda ku shaqeeya Danta gaarka ah ka hormariya Danta Guud Marka Maba heyno Dowlad.
    Shacabkana Muqdisho Dowlad ma heydiinee Daneestayaasha Iska Qabta.
    WAAD MAHDSANTIHIIN
    DAN; Yuusuf iyo
    WIIL SOOMAALIYEED Taabit

    ReplyDelete
  30. Hadal mudan in la qaato
    Wuxuna kuso begmaya xili ay jirtay xalada oo ad uxun wan idinka mahad celinayna aqoonyahan talada dalka so maray wax bdn og oo uso tagnaa

    Manta wadankena uma bahna rabshada iyo dagaal wan kaso dalnay waxn ubahan cadalad iyo dowlad xoogan tasna waxay ku imankarta in gacmaha la is qabsado

    Danjir yusuf garaad
    Iyo ex gudomiye thabit abdi
    Wad mahad san tihin
    Siyasin bdn inay idinku daydan bad mudan tihiin ......

    ReplyDelete
  31. Taabit Abdi Xagaaga Waxaa iiga Maqan Xuquq Aan 7 Bilood usoo Kalahaayey Waliba Dhowr jeer aan Kula Kulmay si aad Wax ugu qabato lkn Balan daro jirta Awgeed ayaan Go.aansaday in aan iska daayo Sikastaba Ha Noqotee Mudane Wax aan kuu Qabo Majiraan Waayo Waxaa ii Muuday Rajooyin Badan Marka aad joogtay Kuwaas oo Bulshada u Sahli Kareyn in ay Helaan Xuquq ka Maqneyd 27 sano Marka Waxaan u samray Waa iftiinka Dowladnimo oo Aad Bulshada iga Badan aad Dareensiisey

    ReplyDelete
  32. Waad Mahadsantihin'fikirkina'wax'ku polka ah ee ad kula talaysin'dhaliyarada'muqdisho'iyo'dowladaba'waxan rajeyna'in laga fa,iideysan'doono

    ReplyDelete
  33. Run ahaantii waa badal iskugu jiro taloyin iyo wacyi galin, waxaa haboon in dadweynaha reer miqdishu Runta loo sheego waayo waxa ay ju jiraan xaalad adag, ciidanka boliska qaarkod waxa ay baahanyihiin tababro ku aadan illaalinta shacbka.

    waad mahadsantihiin mudaneyaal
    Y.Garaad
    thabit

    ReplyDelete
  34. Sidee caqli gal unoqonaysaa in shakhsi uu abaabulo waxaan uwanaagsanayn bulshada xamar misana qoyskiisii uu xamar ka kaxaysto ka dibna uu yiraahdo shacab kaan ka naxayaa, waa dhalinta qurbaha joogta ee dhalinta gudaha ka waalaysa...

    Reer xamaroow ammaankiina idin kaa sugan kara waluba si fudud waxaana la idiin sameeyey lanbar aad ka wici kartaan police ka idinkoo hawlkasta si hoose ufulin kara

    ReplyDelete
  35. Mudanayal.
    Madhihi karna afdubulamasi, iyo afsiyasi xildoon ah waye shekadan mesha ku haysan ee mahan danta xamar iyo mid Somaliayed.ba
    Aniga waxay ilatahay bajaj iyo blka bur burinta xamAr waxay kaqatan kalin wayn oon laqarin karin. Cadayna uma. Bahna

    ReplyDelete