Total Pageviews

Monday 22 April 2019

Madaxweyne, Fadlan Kordhi Kana Dhabee Wadahadalka

Qormadeydan aadka u koobani ma ahan qiimeyn siyaasadda Dowladda. Mana ahan xataa qiimeyn khudbadda uu Madaxweynuhu shalay jeediyay oo dhan. Waa isku day aan weyneyso dul joojinayo muhiimad iiga dhex muuqatay khudbadda. Waa sida uu u wajahay mid ka mid ah mowduucyada uu khudbaddiisa ku soo qaatay.

Waa mowduuc ay maskaxdeydu ka fekerto habeen iyo maalin kasta.

Waa mowduuca goobaya sidii loo heli lahaa xal looga xoroobo qaraxyada, weerarrada iyo dakanada u dhexeysa Shabaab iyo Dowladda iyo shacabka oo ku dhammaaday. Waa arrinta cuuryaamineysa Dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka dalka ee dhan kastaba.

Madaxweynuhu isaga oo la hadlaya culimmo Soomaaliyeed, kuna tilmaamay in ay yihiin indhaha Ummadda, ayuu u sheegay kaalin u bannaan.

Wuxuu qiray Madaxweynuhu in dagaalka Shabaab iyo Dowladda ay labada dhinacba ku dhimanayaan dad Soomaali ah. Shabaab in dhallinyaro badan laga laayay ayuu sheegay. Wuxuu dhallinyaradaa la laayay uu ku tilmaamay in ay yihiin wiilasheennii.

Wuxuu ku daray in iyaguna ay dileen dad badan oo isugu jira dhallinyaro uu iyagana ku tilmaamay wiilasheenna, hooyooyin, carruur iyo hal-door Soomaaliyeed.

Wuxuu is weydiiyay Madaxweynuhu, “yaan u faa’iideynay marka?”

Wuxuu ku daray “yeey u faa’iideeyeen [Shabaabku]?”

Su’aasha ugua wanaagsan ee uu Madaxweynuhu is weydiiyay waxay ahayd,
Ilaa goorma ayaan ku jireynaa xaaladdaas?

Wuxuu ku tilmaamay in uu soo dhoweynayo haddii ay suurta-gal u tahay, waa Culimmadee, in ay dhexdhexaadin karaan Dowladda iyo Shabaab.

Waxaan rajeynayaa in Madaxweynaha ay ka tahay siyaasad cusub oo ay Dowladdu qaadatay. Oo ku saleysan daraasad wadata baaris iyo lafa-gur, laga baaraan degay, gooreysan, miisaaniyaddeeda leh, aan lala daahin ku dhaqaaqiddeeda, daba-gal iyo dhammaystirna leh si looga miro dhaliyo.


Maaddaama halista amni ee ugu weyn ay hadda ka taagan tahay Shabaab, isla markaana sida uu qiray ay Soomaali badani labada dhinacba ku dhinteen, waxaan qabaa in hadalka Madaxweynuhu aanuu ku dhex lumin khudbadihiisa kale. 

Waxay ila tahay hadalkani in uu mudan yahay in si gooni ah dhug loogu lahaado, in la taageero, qofkii awoodaana uu talo iyo gacanba ka geysto in dagaalka Shabaab lagu xalliyo hab aan ahayn xabbad iyo dayaarad xambaarsan keliya gantaallo iyo ama bambaanooyin. Ayada oo aan ognahay in hordhaca weerarkaas ama jawaabtiisu ay tahay Qarax caasimadda ka dhaca oo aan dadka loo kala aabbayeelin iyo isu socodka gobollada dalka iyo xataa caasimadda dhexdeeda oo ma-jire ku negaada.

Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay maaddaama uu Madaxweynuhu isla khudbaddaas uga cawday siyaasiyiinta qaar, uu isagu ku tilmaamay in ay geedka ka jarayaan jirridda, in aan culimmada lagu koobin dhexdhexaadinta Dowladda iyo Shabaab.

Siyaasiyiinta ay Dowladda is diiddan yihiin, sababtu wax kasta ha ahaatee, waa dad aan Dowladda hub u sidan qaarkoodna ay qayb ka yihiin heykalka Dowladeed.

Waxaa tijaabo noqon karta in culimmadu ay gacan ka geystaan isfahamsiinta siyaasiyiinta aan hubka isu sidan, si khibradda laga helo wadahadlkaas iyo niyad kabashada ka dhalataa ay waddada ugu xaarto in kuwa qoryaha iyo banbaanooyinka isu sita la heshiisiinyo.

33 comments:

  1. Waa arin aad u muhiim ah laakiin qudbada madaxwaynaha hadalkaas u ka jediyay malintaas ayay ku egtahay yaa ka dhabeenaayo yuusuf adi maadaama aa tahay qof magac iyo sumacad ku leh umada somaliyeed iyo ani howshaas ma bilawnaa ilaahayna ma talo saaranaa bal inay somalida ka fidaa lagayaaaye adoonan yareesan qoraalkayga

    ReplyDelete
    Replies
    1. M.a
      Walaahi alle hakaa apaal mariyo hadaad bilaawdaan

      Delete
    2. Culumada maanta waa malintii wadankood ay u hiilin lahaayeen waa inay hadalkaan ka mira dhaliyaan naf iyo maalna u huraan

      Delete
  2. masha allah meshaan xigmad waaku dhantahay guulayso masuul aan tageero

    ReplyDelete
  3. Waa runta in xala loo helo dadka somaliyeed ee labadad dhica ku dhimanay.
    Ma la heli kara dad naftoda iyo malkod u hura in waddada hadal lala
    galo alshabaab.Amb yusuf garad ayaanu sahaydena qaadano ayaanu wadda afgooye qaadno oo ragga utagano. marka labo natijo baaynu helayna inay ina dilan ama inaya ina qaabilan oo la gar naqsano. Inagu ka kooban bulsha nocyadeeda kal duwaan.

    ReplyDelete
  4. You are better than more people oo kuraastaba mooday wax lagu xaragoodo
    I encourage you to redouble your efforts for somalia hadaad jago heysid iyo hadii aadan heyn

    ReplyDelete
  5. Waa hadal aad u qiimo oo ay maanta Soomaaliya kaga gudbi karto dhibaatada heysata, waxa uuna mudan yahay in cid kasta ay u istaagto Shabaabkana geedahooda looga tago, arinkaanna aan meel u wada istaagno.

    ReplyDelete
  6. Waxaa qabaa culimdu in ay door muhiim ah ka qaadan karto dagaalada hada ka socdaa Somalia sidii loo joojin lahaa iyo waliba dhex dhexaadintooda
    Waxaan u amaanayaa madaxweynuhu talada uu qaatey waa muhiim in ay hirgasho

    ReplyDelete
  7. Waa Arin wanaagsan in shabaab iyo siyaasiga AAN qoriga sidanba hab wada hadal oo dalka ay Dani ugu jirto ay yeeshaan waana laabo loo bahan yahay
    Waxaan Ku talin lahaa siyaasinta dhexdhexaadka ah sida adiga Yusuf Garaad inaad door Ka qadataan sidaad iskugu keeni lahaydeen dowlada iyo siyaasinta Mucaaradka ah

    ReplyDelete
  8. Waa arin wanagsan balse yididilo siyasaded ayay u bahanthay.

    ReplyDelete
  9. Waa hadal noo wanaagsan hadii hool wanaagsan lagu daro
    Mahadsanid mudane

    ReplyDelete
  10. waa hadal wanagsan mudane yusuf lkn waa in laga dhabeyah si aan uga baxno halaag dadkeeni ku dhacay dhawrka sano waa in ay ka odayeyan dadka indheer garadka ah mahadsnd mudane

    ReplyDelete
  11. Afghanistan ayaa tusaale noogu filan Mr garaad

    ReplyDelete
  12. Culimada Somaliyeed Haddii ay Door keeda Ka ciyaarto Dhex dhexaadinta Al-shabaab iyo Dawladda, waxaan Qabaa in wax uuni is badali la haayeen.

    ReplyDelete
  13. Yusuf Garad Omar walaal waxaan marka 1aad kaaga Mahadcelinayaa sida Soomaalinimada leh ee aad markasta diiradda u saareyso meesha ugu dhow ee Soomaali Xalkeedu jiro waana Astaan iyo Aragti kugu gaar ah intaan u soo joognay waa aragtideyda'e Siyaasiyiintaad kamid aheyd ee soo koray saaxadda siyaasadeed kana soo Shaqeeyey Dowladnimada Soomaaliya isla markaana waayey Maqaamkii(Jagooyinkii) ay ka hayeen. Waxaana dhihi karaa howshaad heyso waa hanuunin, dhisid, Dhiiri-gelin, iyo Hoga-tusaaleyn aad ummadda Soomaaliyeed madax iyo Shacabba ugu tilmaameeyso halka aad isleedahay Soomaaliyi wey isgasoo dhawaan kartaa.
    Haddaan aragtideyda kudaro qarmadan ka kooban qudaddii Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed iyo Talada aad raacisay oo aan kasoo qaadanayo in marka hore Culimada soomaaliyeed ay xalka ka bilaabaan Nabad dhex-dhigidda Siyaasiyiinta aan hubka usidan Dowladda iyo Dowladda debedeetana khibaraad(waaya-aragnimo) kabadan mida hadda ay dowladdu kalida latahay iyo iskaashi lahelo taasoo fududeyn karta Xal-u-helidda Dagaalkan daba-dheeraday ee Labada dhinacba ay wiilasha Soomaaliyeed ku le'anayaan Natiijadeeduna ay iila muuqato Soomaali isku laaay! Waxaan isleeyahay kaliya intaas haddii si daacadnimo leh loo waajaho xalku mafogaan doono Natiijadana Rajo badan baan kaqabaa.
    ...........Mahadsanid.........

    ReplyDelete
  14. Horay umana dhageysan khudbada madaxweynaha balse waxan kadhax fahmay muhimadeeda qoralkaga wane arin aad uwanagsan iyo qaabka san aad nogu bayamisay. Fikirka ah in lala sameyo xabad wax aan ahayn lane kaashado culimada ayado mucarad iyo muxafidbo loo dhanyahay waa yool rabo in lasiyo muhiimadisa goonida ah sida adiguba xustay aane ladahin inbadan.

    Mahadsanid Mr Yousuf

    ReplyDelete
  15. Waa kula qabaa hadal ka, balse waxan ka baqayaa in warkaasu ahaa meesha uun ka jeedi isagoo waliba su’aaluhu ahaayeen kuwo dareen leh, markan si kale uga hadlo waa arin mudan in si aqoon iyo waayo aragnimo tanaasul iyo dhimrin ku jirto looga hawl galo waliba sahan furan oo aragti goob ah lasameeyo si bulshadoo dhami uga qeyb noqoto hadhawna ay soobaxaan aragtiyo qodobo kala doorasho leh.

    ReplyDelete
  16. yuusu garaad
    mhdsnd waa talo wanaagsan
    in lagu dhiirada mudan sida madaxweynuhu sheegideeda ugu dhiiraday waa in wax ka qabashadeeda loogu dhiiradaa

    ReplyDelete
  17. Waa runtaa yusuf waana kugu raacsanahay in sidaas wax loo wajaho ileen midi midi ku taag xal noona aha hadii an shacabkii nahaye, lkn markii aad qormadan koban soo dhigtay ee an aqriyey su’aal muhiim ah aya iso baxday oo ah fudaydka dowlada iyo in aysan siyaasadoodaba lafa gurnayn soo arintaaas ma mija xaabin doonto!? Sidee looga badbaadayaa fudaydkaas!!!? Dhaqaalo xumo ayey dowladu ka sheegatay, taasi soo caamil muhiim u ah maaha in warkaasi afka lee joogo oo la fulin waayo?
    Mahadsanid yusuf markale

    ReplyDelete
  18. Qormo iyo Talo wanaagsan mudane yuusuf garaad cumar .Halkaas ka wad Mahadsanid.

    ReplyDelete
  19. Qormo wangsan weeye lkn yuusuf sual.
    Arinta ugu wayn ee haysta dawlada marka laga yimaado shaabka wa siyasiyeen ay Ku kala aragti duwan yihiin siyasada. Waxaana caado u ah (siyaasiyiinta) in ay wadamo kale iyo shirkado gaar loo leyay ay gadal ka so riixayan si dawlada loo wiiqo iyo in at iska horkeenan shacabka iyo dawlada.
    Marka ma is leedahah siyasiyintasi way khaldanyihiin sida ay wax u wadaana maaha mucarad e wa dumin??

    Mahad sanid

    ReplyDelete
  20. M.a apoowe waa arin muhiim ah in laga xaajooda

    Lkn madaxweynuhu waxey ka aheed dadkani kugu kaczan iskaga qapooji

    ReplyDelete
  21. Waaaad mahadsantahay Mudane Yusuf Garaad Madaxwaynaha mustaqbalka dhow ee 2020 ka.

    Waxaan u arkaa in ay tahay fursad ka faa'idaysigeeda leh oo markaas ina soo martay rabtana qorshe baahsan, ka fiirsasho dheer iyo ka gun gaarid cad Mahadsanid.

    ReplyDelete
  22. Culimadu doorkoodii waa ay gabeen oo iyagaaba lagu eedaynayaa dhibaatada ummadda haysata waayo iyagaanba heshiis ahayn. Laga soo bilaabo 1991dii waxaa la arkay niman wadaado sheeganaya oo dhiiggii ummada banaysatay illaa maantana waa kuwa hadba magac la baxaya. Anigu waxaan qabaa marka hore culimada iyaga ha la heshiisiiyo markaa ka dibna xalka dib u heshiisinta qayb ha noqdeen laakiin inta ay iyagu geedaha ku kala jiraan wax xal ah yaan laga doonin keenimaayaane.

    ReplyDelete
  23. Masha Allh mudane wa arrin wax ku ool aah talada fiican oo aad runtii ii dhaqajisay wan hubaa taladaan haddi dowladdu si gaar ah u fiiriso ay ka heleyso xasilooni siyaasadeed oo keeni karta wng bisayl iyo Amni thanks Mr yusuf Gqrad

    ReplyDelete
  24. Waa arin wanaagsan mudane waxaan kaa codsanayaa inaad la wadaagto madaxda kuna cadaadiso arinkaan si aysan uga harin

    ReplyDelete
  25. WAX DHAAMA ALLAHA NASIIYO KUWAAN

    ReplyDelete
  26. Mazuuul waxan kaga mahad celinaya sida quruxda badan ee aad nola wadagtay qoromdan iyo kuwii ka horeyay runtii aniga ahan waxan iledahay qorumoyinkda dhiiri galin iyo rajda aan dalkeyga ka qabo waxana jeclahay anigo ka turjumyo SYL cusub in aan dalkena isku keeno cidiisa

    ReplyDelete
  27. Waa qormo isgaarsiisan. Waxaan ani qabaa fikir dagaal ku kooban inaanu waxa ugu fiican ahayn. Yeelkeeda, indheergaradka nabadda doonayo kana hadlo Al shabaab iyaga maxaa u diiday. Am shabaab waxay waddankayga u gaysteen haatan si haatan ii muuqato waan ku saxanahay inaan Ilaah hortiisa ku sugo. Dharaartaa Ilaah baa la horjoogaa.

    Haddii ay cidda nabadda doonayso aanay Am shabaab ahayn, waxaan qabaa haddii madaxdu ka dhab tahay inay soomaali hoggaamiso tub nabad lagula yeesho Al shabaab, arrintaa waan ku dhiirigelinayaa waxaana leeyahay si buuxdo gacmaha soomaalida arrintaa nabadda u soo galiya. Dhowr qodob oo kalo oo muhiim ah misna aan aamminsanahay in gacmaha Soomaaliya ay ku jiraan Soomaliduna hoggaamiso waa at jiraan balse arrinta nabadda laga filan karo in lala yeesho Al shabaab baan ka hadlay hadda.

    ReplyDelete
  28. waa si wanagsan in Dawladu huubiso Amniga Mogadidhu.

    ReplyDelete
  29. Ha israacdo diidaye ha is baratee daa πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄

    ReplyDelete