Total Pageviews

Sunday 14 April 2019

Muqdishooy Miyir Kabbo


Xaaladda cakiran ee Muqdisho iyo dhacdooyinka ugu dambeeyay waxay khuseeyaan Soomaali oo dhan. Waxayse toos markiiba u taabanayaan bedqabka nafta iyo hantida dadka Xamar deggan oo dhan.

Cidda wax ka qaban kartaa waa siyaasiyiinta Federaalka oo ay Xukuumaddu ugu horreyso, Taliyayaasha ciidanka iyo maamulka Gobolka oo dhammaantood Dowladda ka tirsan.

Dhinaca kale waa hantileyda Sharikadaha iyo goobaha waaweyn ee Ganacsi iyo Duqeyda Dhaqanka kuwooda ku sifoobay in ay sida ay tahay u matalaan shucuurta dadka ay u duuban yihiin.

Warbaahinta kaalinteedu waa in ay sawir dhab ah ka bixiso xaaladda iyo dhacdooyinka, haddii ay falanqeyn iyo tusaaleyn wanaagsan ku dari kartana kaba sii fiican.

Waxaan dhinacyadaas dhammaantood ugu baaqayaa in mas'uulnimo iyo deggenaan la kaashado, lagana fogaado fara isku taag taag iyo in hadal kasta la maqlo uun inta turxaan loo yeeli karo ee aan ujeeddada guud la fiirin. Si kale aan u dhigee in la iskabo ayaa ka wanaagsan in la isa sii nusqaamiyo.

Waa in la yaqiinsado xaaladdu halka ay mareyso oo aan la aqbalin in haadaan aan ku sii soconno la arki waayo amaba ka sii darane loo ekeysiiyo caadi.

Sidaa daarteed xalka oo aan lala daahin waa in la iska kaashado iyada oo Dowladdu ay hormuud ka tahay. Dhinaca wax ka gala arrinta ee indhihiisu ay arki waayaan, kii gaabiya iyo midka kiis-iska-waal isku daya waa in lagu khasbo in uu runta arko kana shaqeeyo aayahiisa.

Taladeydu waa in tallaabada ugu horreysaa ay noqoto in la qaado mid marka hore lagu joojinayo kor u sii socoshada carada shacabka dhallinyarada u badan ee isa soo tareysa, ka dib markii ay isu biirsadeen shaqo la’aan, qaraxdyo, dil ka dhasha muran, waddooyin xiran iyo waliba garawshiiyo la’aan. 

Marka carada la joojiyo, waa in lagu xijiyo tallaabooyin caradaas lagu xallinayo oo meesha looga saarayo.

Dadka deggan magaalo dhan oo mugga Xamar leh oo xanniban intaas oo maalmood, welina aan la ogeyn goor la furi doono isu socodka, lagama fili karo Dadweynaheedu in ay sidaas ku aamusnaadaan, mar kastana ay rabbaayo ku wada ahaadaan.

Inkasta oo Xubnaha Baarlamaanku ay hore isugu eedeeyeen in Shabaab ku dhex jiro, anigu ma ogi xayaysiin uu Shabaab ka heli lahaa Dowladda oo ka weyn in isaga dartiis caasimadda looga mamnuuco isu socodka? Taasina ay sababta waxa ay sababtay.

Ugu dambeyn, sida ay amni darrada iyo kala fogaashada Dowladda iyo Shacabku ay dib-u-dhac noogu wada yihiin ayay nabadda iyo isku kalsoonaanta Dowladda iyo Shacabku ay dan noogu wada yihiin. 

Tan danbe waan hubaa in aan gaari karno sababta oo ah mar dhowba waan heysannay.

Waxaan ku gunaanadayaa dhallinyaradu in ay xuquuqdooda ilaashato waa sax. Waana ku taagerayaa. Waase in ay ka digtoonaato in iyada oo doonaysa in ay xuquuqdeeda ilaashato ay ku xadgudbto xuquuqda inta kale. Taasi waxay meesha ka saareysaa in ay iyadu xuqeeda xaqiijiso.

11 comments:

  1. Muqdisho ku dhashtay, Jaamacadna ku dhameeyey intaasna aa noolaa xabad ayaa ka dhaceesay. waa marka hore ma sahlana ayaa la dhahaa magaalo intan la eg oo intaas dowlad la aan aheed in amni loo sameeyo. Laakiin, ani waa ku dhex barbaaray xalkuse inuu ka sahlanyahay aaminsanahay sida hada lagu wado iyo sidii lagu soo wadaybo.
    • markaad isku daydo inaa magaalada meel fog ka istaagto oo aad gudaheeda sheeda kasoo eegto waxaa kuu muuqanaya ineysan dhibta iyada iyo dadka ku dhex nool aheen, aan tusaaleeyo muqdishu qarax ayaa ka dhaca, dad meel wada joogo ayaa mar qora la dhameeyaa, Shaqsiyaad dhalinyaro u badan maalinkasta la dilaa, xaafadba maalinbay tacsi iyo oohin lasoo toostaa. hadana noloshooda ayeey iska sii wataan maalinta xigta ama waa isaga tahriibaan dadka qaar.
    Dhibta wuxuu kaga yimaadaa hogaanka markasta ayada ma talo oo aan ahel u aheen muqdishu, anigoon meel dheer gaarin, laga soo bilaabo Duqeeda gobal ilaa gudoomiya degmo, tusaale gudoomiye degmo la arkaa xitaa aanan garaneenin degmada uu joogo guryaha kasoo horjeeda dadka dagan oo marnaba dooneenin inuu ogaado. saasna kuma qabankaro oo amnina uguma sameen karo ileen maba garanayo cida uu maamulayo. markaa saas leeyahay, qofkasta oo magaaladan joogo wuxuu ogyahay dadka dhibaateeya iney ka yimaadaan dibadeeda. Waxayna ku yimadaan, waxaa hurdo oo mukeef ku dhexjiro oo war aan hayn dadka iyada masuulka ka ah, taas ayaa sahasha in magaalada amnigeeda wax laga qaban waaayo. isgoys walibana ciidan loo dhigaa oo aanan laheen qorsho aan ka aheen wadadan waa xerantahay, taliyihiisana sidaas ayuu la qabaa.
    • Muqdishu waa magaalo weyn oo ay aad u sahlantahay in lasoo galo lagana baxo. iyada uma baahne in xoog la saaro ee dalka intiisa kala qaasatan hareeraheeda waliba 2da shabeela. hadii intaas amni laga dhigo oo ay waliba isleeyahay dadaal kan kayar ayey u baahanyihiin. Muqdisho amni ayeey noqoneesaa.
    • waxaan dhimanaa maalinkasta anagoo nool wali. Waxaa looga gudbi karaa iyadoo la helo cid Masuuliyada amni qaado oo og waliba waxay qabaneeso.
    • waano: madaxda hada joogto dhamaantood waxay ku laabanaayaan wadamada dhalashada ay ka heestaan haduu xilka u dhamaado. Please hadaa shaqo doon aheed xaalku sidaa ma ahan ee isku day inaad qorsho iyo lataliyaal wanaagsan oo dadkooda u dhimrinaayo la timaado, dalkan iyo dadkana sharaf iyo ciso iyo horumar kaga tag.

    ReplyDelete
  2. Mashlh mudane runtii waa qoraal muhiim ah oo kahadlaaya xaqiiqda dhabta ah iyo sidii looxalin lahaa shukran mudane guulayso

    ReplyDelete
  3. Arinta amni darada heesato Mogadishu wlhi waa arin wayeelka iyo saqiirka wada taabaneeso balse waxa aad mooda in shacabkii iyo dawladaba wax ka haleesanyiin.
    Hadii aan ku hormaro tan dawlada oo ah dawladda raga ay u idmatay dhanka aad isdhihi karto waxa lagu keenay sxb iyo dano kale balse aanan loo keenin in ay yihiin rag amniga wax ka qaban kara marka dawlada waxa laga doonaya oo aan kula talin lahaa in ay keento raga khibrada u leh arimaha amaaka oona lagula xisaabtamo.
    Dhanka shacabka waa in dawlada la shaqeeyaan sii amni loo helo horaa loo yiri far kaligeed fool ma dhaqdo

    ReplyDelete
  4. Arinta amni darada heesato Mogadishu wlhi waa arin wayeelka iyo saqiirka wada taabaneeso balse waxa aad mooda in shacabkii iyo dawladaba wax ka haleesanyiin.
    Hadii aan ku hormaro tan dawlada oo ah dawladda raga ay u idmatay dhanka aad isdhihi karto waxa lagu keenay sxb iyo dano kale balse aanan loo keenin in ay yihiin rag amniga wax ka qaban kara marka dawlada waxa laga doonaya oo aan kula talin lahaa in ay keento raga khibrada u leh arimaha amaaka oona lagula xisaabtamo.
    Dhanka shacabka waa in dawlada la shaqeeyaan sii amni loo helo horaa loo yiri far kaligeed fool ma dhaqdo.

    ReplyDelete
  5. M.a walaahiwaa sida dhanta ah ay wax ujiraan iyo xalkii lagu xalin lahaa balse waxaa is waydin mudan yaa qadanaya talada wanaagsan taasoo ka imaanaysa dadka wanaagsan sida adiga oo kale

    ReplyDelete
  6. Dadka hoggaanka dalkan qabtaa ma ahan waddaniyiin inta aan xusuusto, sababta wali ma arag mas'uul inta xil qaaday siduu wax u rabay u noqon weysay ee is casilay. Mid kastaa meeshuu isku adkeeyaa asagoon waxna ku heyn.
    Allow waajibaadka xilka la qabto ka dhalanaya na fahamsii.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waxaad illowday Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, Allah ha u naxariistee.

      Delete
  7. dhibaatadu muqdishu taal waa mid isku xiran oo silsilad ah.... dadka muqdishu dega waxay u nugul yihiin dhibta, waxayna u badan yihiin dhalinyaro. in durbaan qabiil loo tumana aad iyo aad ayey u sahlan tahay, in film diin ah loo shidana ka sii sahlan. xalku wuxuu ku jira iyadoo dadka magaalada degan ama u badan ay ayahooda ka tashtaan, Garoowe iyo Hargaysa idinkama caqli, xoog iyo aqoon badnee meesha iska qaada.
    hadii kale siyaasiyiintiina, aqoonyahankiina, culimadiina iyo oday dhaqameedkiina somaalida inta kale ha iskugu yeereen, waan heshiin waynay ee tolow na heshiisiiya dhaha.

    ReplyDelete
  8. Dhibka muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa wada waa siyaasiyiin danley ah. Madax maaal iyo mansab raadis ah baa ku batay Soomaladi.

    ReplyDelete
  9. Waxaan anigu kunoolahay caasimada dalka ee muqdisho waa meesha laga waramaayee waa xaalad adag bilowgeeda iyo mugdi aan la aqoon goor iftiin badalayo Waxaan dareemayaa wareer iyo walaac badan waxaan arkaa xaalada dalkayga oo sii xumaanaysa waxaan dareemayaa in dantii dalka iyo dadkuba u burburtay dano gaar ah waxaa wareerka wada oo aadan yuusufow taaban waa siyaasiyiinta aan wax dan ah uhayn umada ee iskudayay inay wax mucaaradaan taasna ay ku keentay inay wax magaratada Iyo maatida ugul adeegsiga inay dawlada ridaan oo ay kaga hor tagaan muruq iyo maalba waxaan larumaysan karin xaalada xaqiiqda ah ee dalkeena kasocota maanta waxaan ka xumahay in abaabulka qabiilku marayo meeshii ugu darnayd waxaan ognahay in dawladu iyada oo joogta shacabkii faraheeda laga saaray dhalinyardu waa hormuudka as aaska dhamaan kor ukacyada iyo dib udhacyada arimaha umadeed waase lamoog yahay baad moodaa waxaan carabka kudhufanayaa dadka soomaaliyeed ee muqdisho jooga ma baqaan mana xishoonayaan lamana xukumi karo waxaase is waydiin mudan maxaa lasamaynayaa?
    Waxaa ila haboon in caqliga dhabta ah lagu fikiro oo dib uu iskugu laabto qof kasta waxaa hubaal ah in aysan fariintaada Iyo kuwa muwaadininta kale midna meel gaarayn waayo waxaa ay ku kooban yihiin baraha bulshada ee magaarayaan maskaxda jiran ee ubaahan daawada dhabta ah

    ReplyDelete
  10. Mohamed deeq Ahmed magacaygu

    ReplyDelete