Goor subax ah ayaan ka baxnay Borame. Dhowr ICRC ah ayaan nahay
waxaase na wehliya dhowr oday oo reer reer Awdal ah.
Waxaan sii marnay Qolujeed. Waxaan
soo xusuustay in markii maqalka Qolujeed iyo Xariirad iigu horreysay aan ka
maqlay walaalkeey oo ka tirsanaa militeriga oo xilligii 1977 tegey degaankaas.
Qolujeed dadkii aan kula kulannay waxaa ka mid ahaa laba nin oo oo
aan Soomaali moodayay hase yeeshee ku wada hadlaya af aan garan waayay. Waxaa
la ii sheegay in uu yahay af Cafari.
Waxaan u gudubnay Boon. Waa magaalo
eg kuwa laga daawado aflaamta lo’leyda Mareykanka (Cowboys). Degaanka ay dhacdo, sida ay u taal iyo marka
aad soo gasho in qof waliba uu ku soo eegayo. Ma hubo in sababtu ay ahayd Alard
oo u dhashay Swiss oo na wehliyay. Hilib biyo lagu kariyay oo middiyo waaweyn oo
daab leh lagu cunayo ayaa nala siiyay.
Halkaas ayaan dadkii isu soo baxay kala hadalnay howsha Laanqeyrta
iyo Bisha Cas. Qol weyn dhexdiisa ayaan
ugu shiday filim howlaha Laanqeyrta Cas ka hadlaya oo su’aalo iyo jawaabo ay
daba yaalleen.
Waxaan xusuustaa in dad macluul ah oo filimka ay ka daawadeen uu
markii dambe qof i weydiiyay dalka ay u dhasheen. Markii aan u sheegay wuxuu yiri dadka dalkaas
ayaa Soomaalida ka liita ee iyaga u geeya gargaarka.
Markii ay howlaheennii noo dhammaadeen ayaan dadka qaarkii
weydiinnay xog hoose. Waddada Xaliimaale ayaan rabnay in aan ogaanno in ay
miino leedahay iyo in kale. Waxay noo sheegeen in aanay miino lahayn. Sababta waxay ku sheegeen in toddobaadkii
hore uu maray baabuur booliisku leeyahay.
In hla baabuur maray daliil uma noqon karto in aan waddadu lahayn
miino. In miino la dhigaana uma baahna toddobaad. Waxayse ahayd xogta keliya ee
dhab ah ee ay na siin kareen.
Waddada Xaliimaale ayaan marnay annaga oo cabsi qabna. Waxayse ka sii darnayd markii aan tagnay
Xaliimaale. Meeshii aan sugeynay in ay
baqdintu naga harto maaddaama aan ka soo gudubnay waddadii miinada looga
baqayay, waxaan la kulannay cabsi hor leh.
Markii dhowr guri aan hooddi niri cid noo jawaabtana aan weynay. ayaan
bannaanka cod kore uga dhawaaqnay bal in qof jooga Xaliimaale uu jiro iyo in
kale. Xaliimaale dhammaanteed waa cidla’.
Qof keliya waan ka weynay.
Astaan wanaagsan ma ahayn.
Annaga oo yaabban ayaan u gudubnay Weeraar. Halkaas ayaan ayaan hoyannay oo aan
habeenkaas kula sheekeysannay dadka tuulada, filimna aan ku wada daawannay.
Waxaan ku arkay nin ii sheegay in aan Jaamacadda wada dhigannay
ahaase Kulliyadda Jiyolajiya. Markii aan weydiiyay waxa uu Weeraar ka qabanayo,
wuxuu ii sheegay in Buuraha Gobolkaan laga helo macaadin aad u qaali ah. Dhagxaan yaryar oo qiimahoodu sarreeyo ayaa
halkan laga guraa ayuu yiri oo aan Djibouti u iibgeeynayaa.
Berigaas waxaan arkay dhowr nin oo magaalooyin kala duwan aan kula
kulmay oo sita dhagxaan aan badneyn oo uu qurux badan ama dhalaalaya. Waa
dhagxaan uu qiyaastii mid waliba la eg yahay caagga biyaha laga cabbo
furkiisa. Waxay ku sheegayeen in
dhagaxaasi uu goynayo qiimo weyn haddii la geeyo Djibouti.
Soo laabdkii waxaan soo marnay waddo kale. Degaannada aan soo marnay
waxaa ka mid ah Ruqi iyo Beysaarre inta aynaan iman Baki oo ahayd xarunta
Gobolka Awdal. Ka dibna waxaan ku
laabannay Borame.
Degaannada aan marnay waxay u badnaayeen dhul dhagax ah oo waddadu
aanay wanaagsanayn. Baabuurku masaafo
dheer ma gaari karo maanta oo dhan marka uu socdo. Mararka qaar waxay nagu kalliftay in aan u
daaddegno togagga waaweyn oo ayaga bacaad ah oo halkaas aan wakhti dhan ku
socono.
Degaannadaas aan marnay oo dhan waa laga dareensanaa colaadda
gobolka ka taagan iyo jiilaalka.
Maalin ka din waxaan ku laabtay Berbera. Alar oo safarkaas aan wada
galnay wuxuu u dhashay Switzerland. Wuxuu mar dambe noqday Madaxa Socdaalka
dalkiisa. London ayaan ku wada casheynay oo aan uga sheekeysannay xusuustii
Awdal.
Qaybta soo socota ee Taxanah waxaan uga hadli doonaa safar dhulka ah
oo annaga oo saddex ah aan u kala soconnay Berber, Shiikh, Qoyta iyo Burco
sannadkii 1990.
No comments:
Post a Comment