Xafiiska Berbera waxaan uga baahday qof ila
shaqeeya. Shuruudaha kaalinta shaqo ma badnayn. Waxay ahaayeen in uu qofku
haysto ugu yaraan shahaaddo Dugsi Sare, ku hadlo qori karana Soomaali iyo Ingiriis, isla markaasna uu adeegsan yaqaan Computer.
Haddii aanuu aqoon adeegsiga computer-ka
waa in uu yaqaan sida teeb wax loogu qoro, dhakhsana u baran karo computer.
Waxaa kale oo looga baahnaa in uu dadweyne isu soo baxay la hadli karo, isla
markaasna farsamada ku wanaagsan yahay oo mishiinka filimka daara sahal lagu
bari karo. Hadduu gaari wadi yaqaan ruqsadna u haysto ka sii wanaagsan.
Waxaan filayay wiil ama gabar dhallinyaro
ah oo reer Berbera ah in uu fursaddaa ka faa’iideysan doono.
Dad dhowr ah markii aan weydiiyay qof shuruudahaas ka bixi kara oo Berbera jooga waxaa la
ii sheegay nin Jaamici ah oo howshan gudan kara.
Waa nin ka soo baxay Kulliyadda
Macallimiinta Lafoole. Dagaalka ka hor wuxuu ahaa Macallin Dugsi Sare. Af
Ingiriiskiisu aad buu u wanaagsan yahay. Waa nin mas’uul ah oo wax kala
garanaya.
Hargeysa markii laga qaxay ma hubo in uu ku
go’doomay iyo in uu isagu doorbiday in uu joogo. Waxaase la ii sheegay in Sarkaal uu xiriir
kala dhaxeeyay uu magangeliyay oo uu gurigiisa ku hayay. Sababta uu hadda Berbera ugu sugan yahay
waxaa la ii sheegay in ay tahay in uu sarkaalkii halkan keenay si uu u socdo,
hawa u qaato oo uu uga raysto guriga uu dhex fadhiyay muddo sannad ka badan.
Xafiiska ayaan ugu yeeray. Waa nin la ayni ah Macallimiinteydii Dugsiga
Sare. Markiiba shaki igama gelin in aan shaqaaleyno. Tijaabo kooban ka dib Xafiiska ayuu ku soo
biiray.
Aqoontiisa ka sokow, macallinkani waa nin sannad
ka badan ku jiray magangelin u dhiganta nooc xabsi guri oo kale ah.
Neecaw wanaagsan, qorrax, socod iyo
xorriyad midna ma haysan. Arrintaasi waxay u saameysay jir ahaan iyo sidaan is
iri maskax ahaanba siiba xagga kalsoonida.
Taasi waxay ra’yi iga siisay sida ay u nool yihiin Ragga tirada yar
ee aan ka qaxin Hargeysa.
Ruqsad
Waxaan goostay in aan Muqdisho u geeyo
tababbar shaqada uu qaban doono, barashada Madaxda hey’adda iyo weliba bal in uu ku soo yara nasto oo
jawigan colaadda iyo cabsida ah uu ayaan ka soo nasto.
Markaan goostay in aan ku dhaqaaqo
tallaabadan ayaan ka warhelay in aanan oggolaasho la’aanteed aanan Muqdisho geyn
karin muwaaddinkan Soomaaliyeed.
Waxaa la ii sheegay in loo baahan yahay oggolaashaha
Taliyaha Militeriga.
Ma jirin amar qoraal ah ama sharci sidaa
dalbaya. Haddii aan Taliyuhu idinka warqabin waxaa
dhici karta, ayaa la igu yiri, in ciidanka Airporka joogaa uu Macallinka u diido in uu safro. Waa marka ay ugu yar tahay. Haddii kale waxaaba dhici karta in ciidanku kaxeysto.
Macallinka aan shaqaaleysiiyay waxaan
weydiiyay in uu wax ka qabo in aan magaciisa hor dhigo Taliyaha militeriga oo
aan u sheego in uu Muqdisho u tegayo tababbar.
Wuxuu ii sheegay in isaga iyo Taliyaha
militerigu ay is yaqaannaan. Carruurtiisa ayaan Macallin u ahaan jiray inta aan
dagaalku qarxin 1988, ayuu yiri.
Si aan ugu tegi karo ayaan jirin, laakiin
haddii aad adigu i hor geyn karto, waan hubaa in aanuu maya i odhan doonin,
ayuu raaciyay.
Ma xusuusto labada midda aan yeelnay
laakiin Taliyaha waan ka soo helnay oggolaashaha in Macallinka aan isu raacno
Muqdisho.
Tababbarkii wuu qaatay. Madaxda iyo
shaqaalaha hey’addaba waa ay is barteen.
Qaraabo badan ayuu la kulmay. Saaxiibbo ayuu la caweeyay.
Walaalkii ayaa ahaa Madaxa ama ka mid ah
Madaxda ugu sarreysa Wakaaladda Batroolka, fadhigiisuna wuxuu ahaa Muqdisho.
Markii uu Muqdisho ayaan joogay, Macallinkii wuu is beddelay muuqaal ahaan
iyo niyad ahaanba.
Baqdin waxaan ka qabay in uu diido in uu ku
laabto Berbera. Taas oo aniga ii abuuri
lahayd dhib in aan ku laabto Berbera.
Nasiib wanaag diyaar ayuu u ahaa in uu
shaqadiisa billaabo. Berbera ayaan ku soo wada laabannay halkaas oo aan wadajir
uga howlgalnay.
Macallinkaas ila shaqeeyay magaciisu waa
Farxaan Mooge.
No comments:
Post a Comment