Madaxweynaha oo soo dhoweynaya Maxaabbiista dagaalka |
Waa Talaado. Taariikhdu waa
23 August sannadka 1988. Waxaa maanta
billaabanaya isu celinta maxaabbiista dagaalka ee Soomaaliya iyo Ethiopa.
Waa maalin-shaqo tii abid iigu farxad badnayd. Waa maalintii ay xorriyaddooda dib u heli
doonaan dad looga talo galay in ay dagaal ku dhinteen toban sano ka hor. Dad aan inta badan ehelkoodii aniga oo ICRC
ka socda aan soo wargeliyay in ay nool yihiin.
Dadkaas ayaa maanta dalkooda ku soo laabanaya.
Waa maalinta iigu horreysa ee aan arki doono rag aan magacyadooda
hayo. Xaasaskooda iyo carruurtooda aan aqaan.
Qaar aan hooyinkood ama aabbayaashood la kulmay. Qaar aan Muqdisho kula kulmay. Qaarna aan kula kulmay safarkii
dheeraa ee aan ku maray dalka intiisa badan.
Laakiin aan iyagu, waa maxaabbiistee, jiritaankeygaba ogeyn,
maadaama aynaan weligeen is arag, ismaqal, macaammil toos ahina aanuu na dhex
marin.
Ma ahan maxaabbiista keliya in aan kulmi doono. Waxaa kale oo aan la kulmi doonoaa ehelkoodii
aan u kala warqaadi jiray oo qaarkood ay ka yimaadeen gobollada si ay u soo
dhoweeyaan aabbahood, walaalkood, wiilkooda, adeer ama abtigood.
Gelinka hore ee maalintaas Talaadada ah waxaan dirqi uga
baxsaday in aan anigu xabsi galo. In
howshaas oo shaqaale fara badani ku jirayna, aanay aniga iyo mas’uuliyiin kale
oo la isla keen xiri lahaa aanay darteen u baaqateen. Sidii darteedna waxaan halis u galnay in aan
maalintaas gefno.
Xabsiga Dhanaane
Gelinka hore ayaan shaqo u baxnay aniga, laba Swiss ah oo ICRC ah,
nin filim-soo-saare ah oo la doonayo in uu barnaamij ka sameeyo howlgalka,
waxaan u maleynayaa in dhalashadiisu ay ahayd Nigerian. Waxaa na wehliya sarkaal ka socda Hey’adaha
amniga Soomaaliya. Waxaan isu raacnay
xabsiga Dhanaane.
Nooca gaariga uu watay Sarkaalku |
Markii aan tagnay, ayuu ninkii filim qaadaha ahaa waxaa uu billaabay
in uu video ka duubo maxaabbiista Ethiopian-ka ah. Waxay ahayd arrin la isla wada ogaa. Laakiin waxaan arkay Sarkaalkii Amniga ka
socday oo gariiraya caro darteed. Wuxuu
si kulul amar ku siiyay Sarkaal Ciidanka
Asluubta ah in uu kaamerada ka qaado ninkan ajnebiga ah. Sarkaalkiina askari ayuu ku amray fulinta amarka.
Anigu markaas maskaxdeydu waxay gashay xaalad is-difaac ah. Sideen uga badbaadaa in aan xabsi ku galo
murankan billowga ah? Waa dhaqan aan
illoobi doono marka aan sannad kale howsha ku jiray oo aan Berbera ka
howlgalay.
Labada Sarkaal ee ICRC midka aniga madaxda ii ahaa ayaan u tegey oo
aan iri meeshaan jawigeeda uma bogin ee aan ka laabanno. Waxay i weydiisay
maxaa dhacay?
Ma ahayn meel wax la isugu fasiri karo oo waa la is wada ag taagan
yahay. Wakhtiguna wuu socdaa oo
askarigii amarka la siiyay wuxuu ku sii socdaa ninkii filimka qaadayay.
Sarkaalka amnigu ma faraxsana, ayaan ku soo koobay hadalka. Waxay tiri arrintan waa lagu heshiiyay oo
waan u fasireynaa. Waxaan ku iri joogi
maayo ee xafiiska ayaan tegayaa ee waa inoo hadhow.
Aniga oo aan oggolaasho sugin ayaan gaarigeyga qaatay.
Dhanaane marka aan joogay Radiyaha baabuurka iigu xiran iyo gacanka
aan sitay midna ma lahayn signal. Marka
aan Xalane ku soo dhowahay ayaan la hadlay Madaxa Ergada ICRC. Waxaan u fasiray xaaladda.
Aniga oo waddada Maka al Mukarrama ku jira ayaa Xafiisku i soo wacay
oo la ii sheegay in aan ku laabto Dhanaane oo xaaladda aan ka soo bixiyo
warbixin buuxda. Waxaan u sheegay in
aanan Dhanaane tegi karin, laakiin aan
falayo wixii aan karo.
Dib ayaan u laabtay. Waxaan u
tegey askari waardiye ah oo hor taagan Xerada Militeriga Xalane.
Wixii aan ka baqayay ayuu ii xaqiijiyay. Baabuur astaanta ICRC ee keyga ku xardhan oo
kale ay ku dhegsan tahay in uu goor dhoweyd maray halkan oo dhinaca magaalada u
gudbay.
Maaddaama aan daqiiqadahaas kooban aan howshii xabsiga lagu soo
dhammeyn, isla markaana aanay saraakiisha ICRC ku laaban xafiiskii, Radiyana
kula hadal waxaa noo soo baxday in aanay xor ahayn.
In yar ka dib waxaa la ii diray in aan soo ogaado hey’adda xirtay
iyo meesha lagu xiray. Dalabkaas inkasta
oo uu xafiisku ii soo gudbiyay waxaa uu ka yimid dhinaca Wasiir ku Xigeenka
Arrimaha Gudaha.
Xuuraansi ka dib waxaan ka warhelay in ay ku xanniban yihiin xarunta
Dhexe ee Nabadsugidda ee FIAT agteeda ah.
Wasiir ku Xigeenka ayaa markaa in aan tago xarunta NSS, wuxuuna ii
tilmaamay sakraakla aan la xiriirayo.
Intii markii aan yeelay, waa la soo fasaxay saddexdii ruux ee ajnebiga
ahaa ee xannibnaa.
Gegida Dayaaradaha
Maxaabbiista Soomaaliyeed oo Xamar ka soo degay |
Galabtaas waxaan aadnay airporka. Halkaas oo ay ka soo degeysay dayaarad ICRC u
kireysan oo sidda kooxdii ugu horreysay ee Maxaabbiis Soomaali ah oo xabsiga
laga soo daayay.
Dad badan oo soo dhoweynaya maxaabbiista ayaa gegida tuban. Waxaa dhoobaan ehelka maxaabbiista oo
qaarkood gobollada ka yimideen. Ugu
yaraan maxabuus kasta hal qof ayaan ehelkiisa ka aqaan oo ah midka aan
waraaqaha u geyn jiray kana soo qaadi jiray ama iyagu xafiiska noogu keeni
jiray.
Markii aan gaariga ka soo degay ee aan qaarkood isa salaannay si aan
farxadda ula wadaago, waxay ahayd shucuur aanan tilmaami karin. Qaarkood xabadka ayaan isa saarnay ka dibna
way i sii deyn waayeen. Muddo dhan ayaan
isku dhegganeyn.
Ehelka waxaa wehliyay, dad badan oo daawasho u yimid.
Madax badan oo uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed
Siyaad Barre ayaa goobta jooga. Waxaa wehliya Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa mas'uulka saddexaad ee dalka ugu sarreeya, Wasiirka Gaashaandhiigga iyo madax kale oo badan.
Waxaa kale oo jooga cutubyo ka tirsan salaan-sharafta Xoogga Dalka
Soomaaliyeed.
Labada barxadood ee gegida dayaaradaha, waa midda gudaha iyo tan
dibadda wuxuu jawigoodu ahaa mid farxad filan waa’ ku ah inta badan dadka
goobta jooga. Wuxuu ahaa jawi farxad ay
muujiyaaan waalid dib u helay wiilkoodii, marwo ay toban sano ama ka badan ka
dib ay is arkayaan saygoodii, iyo carruur dib u helay aabbayaashood.
Labada sawir ee aan qormadaan ku soo qaatay, waxaa qaadday Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed, waxaana Arbaco 24 Agoosto 1988 daabacay wargeyska Xiddigta Oktoobar. Wargeyska Xiddigta Oktoobar iyo Najmatu Oktoobbar oo ahayd af Soomaali waxay ka mid ahaayeen Wargeysyo hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha. Sidoo kale, Wakaaladda Filimmada Soomaaliyeed oo ahayd Wakaaladda keliya ee qaadda sawirrada rasmiga ah ee Dowladda iyo dhacdooyinka dalku waxay hoos imaaneysay Wasaaradda Warfaafinta.
Sarkaalka Amniga
Muddo ka dib markii aan shaqo kale isugu nimid Sarkaalkii
amniga ee aan subaxaas ka yata
fashiliyay isku daygiisii xarigga, wuxuu igu yiri, ma ogid howsha aad ku jirtaa
waxa ay dalka u dhimeyso. Anigu ugama
jawaabin. Sababta oo ah waxaan u arkay
marka ay ugu sahlan tahay in weedhaasi ay tahay daandaansi, haddii kalena uu
hanjabaad ula jeedo. Waxaan goostay in
aanan cayaarta uu billaabay aanan kala qeyb qaadan.
Wuxuu ahaa nin aad iiga weyn, iigana khibrad badan runtiina aan
tixgelin u hayay. Waxaanse u arkayay howsha
aan wadaa in ay ahayd mid samafal ah oo weliba u gargaareysa Askar iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka
Soomaaliyeed oo xabsi shisheeye ku jira.
Waxaa kale oo aan u arkayay in aan Wasiir ku Xigeenka u fududeeyay
xallinta wixii caqabad ku ah howlgalka uu isagu mas’uulka ka yahay, caalamkuna
uu indhaha ku hayo.
F. G.
Taxanuhu wuxuu u gudbi
doonaa, soo dhoweyntii maxaabbiista Soomaaliya oo badankood saddex duullimaad
ku yimid dalka. Iyo maxaabbiistii
Ethiopia oo ciidan iyo shacab leh oo 10 maalmood la daad gureynaya, jawiga
gegida dayaaradaha ee Dire Dawa waxay ahayd.
Waxaa kale oo aan taaban doonaa maxaabbistii Soomaaliya markii ay ku soo laabteen sida loola dhaqmay iyo inta aan ka warqabo waxa ay maanta, 2018, ku sugan yihiin.
No comments:
Post a Comment