Ka sokow xiriirka mas'uuliyiinta iyo shacabka oo aan kala shaqeeyo Madaxa Xafiiska, howsha iigu weyn ee aan Berbera u tegey waa in aan fasiro sababta ay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ay u yimaadeen Berbera iyo Howlaha ay qabanayaan.
Sidoo kale waxaa la iga rabaa in aan faafiyo Qaanuunka Caalamiga ah ee Dagaalka. Waxaa la iga doonayaa in aan ku faafiyo
ciidanka, hey’adaha Dowladda iyo
dadweynaha siiba ragga da’ dagaallami
karta ku jira ama ku dhow.
Waxaan ku qalabeysan ahay buugaag iyo waraaqo ku qoran Soomaali, Ingiriis iyo Carabi.
Waxaan sitaa aflaam kala duwan oo ka
sheekeynaya bilaha iyo Laanqeyrta Cas iyo Xeerarka Dagaalka iyo tusaalayaal taariikh ah oo xeerarka dagaalka laga fulinayo goob dagaal oo dhab ah.
Waxaan sitaa mashiinka daara filimka ay dhumucdiisu tahay 18mm iyo midka lagu daawado sawirrada ee isagu is roga. Waxaan sitaa Shaashadda filimka laga daaawado. Waxaan sitaa dab-dhaliye fudud oo culeyskiisu uu dhowr kiilo uun yahay.
Waxaan sitaa mashiinka daara filimka ay dhumucdiisu tahay 18mm iyo midka lagu daawado sawirrada ee isagu is roga. Waxaan sitaa Shaashadda filimka laga daaawado. Waxaan sitaa dab-dhaliye fudud oo culeyskiisu uu dhowr kiilo uun yahay.
Waxaan sitaa cod baahiye iyo laba
mikrofoon.
Xeryaha ciidanka iyo shaqaalaha Bisha iyo Laanqeyrta Cas ayaan ka billaabay howsha.
Xeryaha ciidanka badiyaa galab ama habeen
ayaan tagaa. Subaxa waxaana culeyska
saaraa nooc kasta oo ay leeyihiin shaqaalaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas - hadday noqon lahaayeen kalkaaliyayaal caafimaad, dhallinyaro khibrad qaadasho u
jooga, shaqaalaha xafiisyada, kuwa gaadiidka iyo farsama yaqaannada, kuwa
nadaafadda iyo nooc kasta oo kale sida ilaalada.
Su'aal Askari
Ciidammadu inta badan si wanaagsan ayay
xeryahooda iigu soo dhoweeyaan. Marka aan casharkeyga jeediyana su’aalo iyo
jawaabo ama ra’yi ayaan inta badan is weydaarsannaa. Marmar anigaa weydiiya su'aalo dood dhalin kara si aan u qiyaaso fahamkooda iyo sida ay u arkaan Qaanuunka Dagaalka. Tusaale ahaan waxaan weydiiyaa sideed u aragtaa nin kula dagaallamaya haddii aad dhaawac ku qabato in aanad dilin ee weliba aad oggolaato in la daaweeyo?
Habeen ayaan Berbera cashar ku wada qaadannay. Filim isla mowduuca ahna waan daawannay. Waxaan xusuustaa askari dhallin yar oo iyada oo saraakiishii u madaxda ahaa ay fadhiyaan su’aal i weydiiyay. Inta aad labada dhinacba dhaawacooda daaweyn lahaydeen sow kama
habboona in aad na heshiisiisaan? Ayuu iiga nixiyay.
Waxaan u sheegay mas’uuliyadda Bisha iyo Laanqeyrta Cas in ay ku kooban tahay daryeel aadminnimo oo samafal ah. In ay dooneyso in dhinacyada
dagaallamaya ay dhexdhexaad ka ahaato si ay ugu adeegi karto rayidka, dhaawaca
iyo maxbuuska dagaal. In aanay mas'uuliyaddeeda ka mid ahayn siyaasad, dhexdhexaadin iyo heshiisiin kooxo dagaallamaya toona.
Askariga oo ahaa nin da' yar intaa kuma harin. Su’aashiisii xigtay ayaa iiga sii yaab badneyd. Wuxuu igu yiri in aad dhaawaca labada
dhinacba daweysaan waxaa ay sii daba dheereyneysaa dagaalka. Qof dhaawac uga maqnaan lahaa goobta dagaalka ayaad soo daweyneysaan oo ku soo noqonaya faltanka dhib hor leh ayuuna geysan karaa. Markaa waxaa habboon in aad ka shaqeysaan
sidii aan isu af garan lahayn oo aan u heshiin lahayn. Haddii adnaan taa awoodin in aad naga dhex baxdaan ayaa la qaatay.
Ma ahayn feker aan ka fili karay in uu i weydiiyo askari dable ah oo laga yaabo in Muqdisho ama gobol laga soo qafaalay. In uu saraakiil igu hor weydiiyana waxay i tustay in aan xaalku ahayn sidii aan militeri ku aqaannay.
Qafaal
Ciidanka ka dagaallamaya Woqooyiga waxaa ku
jiray dhallinyaro la soo qafaalay. Makhaayadaha, waddooyinka iyo goobaha cayaaraha inta ciidan uu gaadmo ku tago ayuu soo ururin
jiray wiil kasta oo kuray ah oo qori qaadi kara.
Markaa inta xero ciidan la geeyo, timaha laga
xiiro, tababbar gaaban oo sida qoriga loo rido u badan la siiyo oo tuute, qori iyo rasaas farta laga saaro ayaa la geyn jiray
goob dagaal. Xabbadda marka la hor dhigana
wuxuu ku khasbanaa in isaga la dilo ama uu is difaaco oo dilo ciidanka horjooga.
Waxaan xusuustaa niman aan is naqaan oo
Sucuudiga laga soo tarxiilay oo aan Berbera isku aragnay. Maalin ayay i
geeyeen guriga ay joogeen oo uu lahaa sarkaal militeri ah.
Waxaa guriga ka adeegaya wiil aad u yar oo haddiiba
uu taban sano gaaray, malahayga, aan laba ama saddex sano ka badani ula
jirin. Wuxuu ku hadlayaa af-guriga degaannada koofurka qaarkood siiba aagga Balcad iyo Banaadir.
Waxaan sarkaalka weydiiyay wiilkan yari
reer Berbera ma ahan ee sidee halkaan ku yimid?
Wuxuu ii sheegay sarkaalku in wiilka la soo qafaalay oo uu ka mid ahaa
ciidan isaga loo keenay in uu dagaal geliyo.
Laakiin, ayuu yiri, markii aan arkay ninka sidaan u yar waxaan
goostay in aanan geyn goob dagaal. Waxaan ku soo daray ciidanka ilaalada ah ee aniga ila
shaqeeya. Adeegyada yaryar ayaan u dirsadaa.
Waxaan weydiiyay sababta uu dib ugu celin
waayay meeshii laga keenay. Wuxuu ku
jawaabay in uu ka baqayo in mar kale dib loo soo qafaalo oo goobta dagaalka la
geeyo.
Sarkaalkaas waxaan beri dambe ka warhelay
in isaga lagu dilay dagaalka.
Iskuul La’aan
Nin akhyaar ah oo aanan hadda magaciisa
xusuusan ayaa dhallinyarada da’ ahaan Dugsi Sare ahaan lahayd af Ingiriis u
dhiga. Waxaan u maleynayaa in ay
ahaayeen laba fasal. Wuxuu ku dhigaa qol ka mid ah dhisme Iskuul ahaan jiray.
Maalin ayaan soo arkay isaga oo wax dhigaya. Aad ayaan ugu bogay garashadiisa, is xilqaankiisa, hagar la’aanta uu casharka u bixinayo iyo waalidnimada iyo baarrinnimada qabku ka maqan yahay ee uu carruurta ula dhaqmayo.
Waxaa haddana i tabaatay sida uu keligii u yahay, una yahay agab la’aan.
Sida maamule, macallimiin kale iyo shaqaale Iskuul ay kaalintoodu u maqan tahay.
Maalin ayaan soo arkay isaga oo wax dhigaya. Aad ayaan ugu bogay garashadiisa, is xilqaankiisa, hagar la’aanta uu casharka u bixinayo iyo waalidnimada iyo baarrinnimada qabku ka maqan yahay ee uu carruurta ula dhaqmayo.
Waxaa haddana i tabaatay sida uu keligii u yahay, una yahay agab la’aan.
Sida maamule, macallimiin kale iyo shaqaale Iskuul ay kaalintoodu u maqan tahay.
Maalmo ka dib ayaan ku laabtay. Waxaan wada soconnaa gabar aan wada shaqeyno
oo Swiss ah. Ardaydii ayaan kala hadalnay
howsha Laanqeyrta iyo Bisha Cas. Waxaan
kala hadalnay xeerarka dagaalka. Waxaan
u daaray filim ku saabsan Laan Qeyrta Cas oo af Ingiriis ku hadlaya. Waxaan u qeybinnay buugaag iyo waraaqo inta
badan af Ingiriis ku qoran qaarna aan anigu Soomaaliyeeyay oo ku saabsan
muwduucyada aan kala hadalnay.
Ayaan dambe ayaan ku soo laabtay oo waxaan u
qeybiyay bugaagta wax lagu qorto iyo qalmaan.
Waxaan ahaa nin dhallinyaro ah oo
firfirconi iyo isku kalsoonaan badan ku shaqeeya laakiin aan waayo arag ahayn oo ay dunidu la fudud tahay. Wax kasta waan isku qaadi jiray aniga oo
mooda in aan ka lib keeni karo. Tabaha Buugga
Saaxiibbo Kasbo oo an akhrisay tobaneeyo sano ka hor ayaan ku dhaqmaa. In badanna waa ay ii shaqeyeen.
Waxaan u qabay in qof kastaa uu wanaag
rabo. Kii markaas ka dhacsanna in la
tusi karo wanaagga.
Uma haysan in ay dhici karto in wax macquul
ah aan qof ka dhaadhicin kari waayayo. Wax
kasta oo wanaag ah in dadku isla fahmi karo ayaan u heystay.
Weli waan u haystaa, laakiin khibradda ayaa
i bartay in mar kasta iyo meel kasta aanay taasi ka shaqeyn.
Iskuulka Berbera waxaan aamminay in
macallimiin uun loo waayay. Macallin ka
shaqeyn kara magaalo shidan maxaa keenaya Berbera? Ayaan is weydiiyay.
Waxaan ka fekeray in aan is biirsanno oo annaga oo dhowr ah aan ardayda Berbera Iskuul u furno. Waxaan talada ka qeyb geliyay dad kala
duwan oo Xamar iyo Berbera jooga. Waxaan
damcay iyada oo mutaddawacnimo ah oo aan aniga lacagi iiga bixin in aan macallimiin u helno afarta fasal ee kala sarreeya ee dugsiga Sare.
Qorshaheygu wuxuu ahaa marka aan Dugsiga Sare
saldhig u yeelno, in aan furno fasal kasta. In ardayda Dugsiga Sare kuwooda ugu fiican aan Macallimiin uga dhigno Dugsiga Dhexe iyo kan Hoose.
Waxaan mid mid u raadiyay macallimiintii ka
dhigi lahayd Dugsiga Sare maaddo kasta oo lagu qaato. Ina abtigeey
oo ahaa Jaamici Kulliyadda Macallimiinta ka soo baxay, Xisaabta iyo saddexda maaddo ee sayniska ah
ee lagu dhigo Dugsiga Sare aad uga wanaagsan ayaa iga aqbalay in uu Berbera ii
raaco. Wuxuu aqbalay in uu diyaar u yahay in uu mutaddawacnimo ku tago Berbera. Wuxuu ii sheegay in haddii loo diyaariyo meel uu seexdo iyo wax uu cuno uu aqoontiisa ugu deeqi doono ardayda.
Waxaan doonayay in aan dhowr maaddo aniga
lafteydu dhigo. Shaqada Qaranka markii
aan ahaa, Xisaab, Kimisteri iyo Ingiriis intaba waxaan ka dhigay Dugsiyada Sare
ee Sakhaawaddiin iyo General Daud. Haddii aan is diyaariyana mar kale waan dhigi karaa.
Aniga oo weli ku jira xulidda macallimiin
Dugsi Sare oo aan Muqdisho iyo Berbera labadaba ka raadinayo ayaa qof howsha
dhinac uga jiray uu iskuu isu xilqaamay. Isaga oo aan i wargelin ayuu arrinka hor dhigay mas’uul
sare oo Wasaaradda Waxbarashada ah. Jawaabtu waxay noqotay "Suurta-gal ma aha".
Sida
uu saaxiibkeey yeelay ma ahayn dariiqii aan is lahaa aad u martid oggolaashada
Wasaaradda Waxbarashada oo lagama maarmaan ahaa. Laakiin mar haddii MAYA la ii soo qaaday, waxaa khasab ah in aan dib u dego, oo aan aqbalo in aan hungoobay.
Markaas uun ayaan billaabay in aan dib
isugu noqdo oo aan u qaatay in ay dhici karto in aan faraha kula jiro howlo aanan fahamsaneyn. 'Waa macquul' oo keliya in aanay ku filleyn in woqooyiga ra'yi loo rogo waxqabad xataa haddii uu yahay mid dadka iyo dalka u dan ah.
No comments:
Post a Comment