Total Pageviews

Monday, 22 April 2019

Madaxweyne, Fadlan Kordhi Kana Dhabee Wadahadalka

Qormadeydan aadka u koobani ma ahan qiimeyn siyaasadda Dowladda. Mana ahan xataa qiimeyn khudbadda uu Madaxweynuhu shalay jeediyay oo dhan. Waa isku day aan weyneyso dul joojinayo muhiimad iiga dhex muuqatay khudbadda. Waa sida uu u wajahay mid ka mid ah mowduucyada uu khudbaddiisa ku soo qaatay.

Waa mowduuc ay maskaxdeydu ka fekerto habeen iyo maalin kasta.

Waa mowduuca goobaya sidii loo heli lahaa xal looga xoroobo qaraxyada, weerarrada iyo dakanada u dhexeysa Shabaab iyo Dowladda iyo shacabka oo ku dhammaaday. Waa arrinta cuuryaamineysa Dowladnimada Soomaaliya iyo horumarka dalka ee dhan kastaba.

Madaxweynuhu isaga oo la hadlaya culimmo Soomaaliyeed, kuna tilmaamay in ay yihiin indhaha Ummadda, ayuu u sheegay kaalin u bannaan.

Wuxuu qiray Madaxweynuhu in dagaalka Shabaab iyo Dowladda ay labada dhinacba ku dhimanayaan dad Soomaali ah. Shabaab in dhallinyaro badan laga laayay ayuu sheegay. Wuxuu dhallinyaradaa la laayay uu ku tilmaamay in ay yihiin wiilasheennii.

Wuxuu ku daray in iyaguna ay dileen dad badan oo isugu jira dhallinyaro uu iyagana ku tilmaamay wiilasheenna, hooyooyin, carruur iyo hal-door Soomaaliyeed.

Wuxuu is weydiiyay Madaxweynuhu, “yaan u faa’iideynay marka?”

Wuxuu ku daray “yeey u faa’iideeyeen [Shabaabku]?”

Su’aasha ugua wanaagsan ee uu Madaxweynuhu is weydiiyay waxay ahayd,
Ilaa goorma ayaan ku jireynaa xaaladdaas?

Wuxuu ku tilmaamay in uu soo dhoweynayo haddii ay suurta-gal u tahay, waa Culimmadee, in ay dhexdhexaadin karaan Dowladda iyo Shabaab.

Waxaan rajeynayaa in Madaxweynaha ay ka tahay siyaasad cusub oo ay Dowladdu qaadatay. Oo ku saleysan daraasad wadata baaris iyo lafa-gur, laga baaraan degay, gooreysan, miisaaniyaddeeda leh, aan lala daahin ku dhaqaaqiddeeda, daba-gal iyo dhammaystirna leh si looga miro dhaliyo.


Maaddaama halista amni ee ugu weyn ay hadda ka taagan tahay Shabaab, isla markaana sida uu qiray ay Soomaali badani labada dhinacba ku dhinteen, waxaan qabaa in hadalka Madaxweynuhu aanuu ku dhex lumin khudbadihiisa kale. 

Waxay ila tahay hadalkani in uu mudan yahay in si gooni ah dhug loogu lahaado, in la taageero, qofkii awoodaana uu talo iyo gacanba ka geysto in dagaalka Shabaab lagu xalliyo hab aan ahayn xabbad iyo dayaarad xambaarsan keliya gantaallo iyo ama bambaanooyin. Ayada oo aan ognahay in hordhaca weerarkaas ama jawaabtiisu ay tahay Qarax caasimadda ka dhaca oo aan dadka loo kala aabbayeelin iyo isu socodka gobollada dalka iyo xataa caasimadda dhexdeeda oo ma-jire ku negaada.

Taladeyda ugu dambeysa waxay tahay maaddaama uu Madaxweynuhu isla khudbaddaas uga cawday siyaasiyiinta qaar, uu isagu ku tilmaamay in ay geedka ka jarayaan jirridda, in aan culimmada lagu koobin dhexdhexaadinta Dowladda iyo Shabaab.

Siyaasiyiinta ay Dowladda is diiddan yihiin, sababtu wax kasta ha ahaatee, waa dad aan Dowladda hub u sidan qaarkoodna ay qayb ka yihiin heykalka Dowladeed.

Waxaa tijaabo noqon karta in culimmadu ay gacan ka geystaan isfahamsiinta siyaasiyiinta aan hubka isu sidan, si khibradda laga helo wadahadlkaas iyo niyad kabashada ka dhalataa ay waddada ugu xaarto in kuwa qoryaha iyo banbaanooyinka isu sita la heshiisiinyo.

Wednesday, 17 April 2019

Baaq Furan

B A A Q    F U R A N
Arbaca 17 Abriil 2019

Annaga oo ka warqabna culeysyada kala duwan ee saaran dhallinyarada, gaar ahaanna wadayaasha bajaajka, BL-ka iyo tagaasida Muqdisho, ayaan haddana idiin qireynaa in aad ku dadaasheen kuna guuleysateen in aad shaqo abuurataan.  Waxa aad gacan weyn ka geysataan isu socodka dadweynaha magaalada idinka oo ugu adeegaya qiimo jaban.

Waxaan wadajir idiinkugu baraarujinaynaa muhiimadda nabadda iyo xasilloonida oo la’aanteed aan shaqadiinnu socon karin.  Sida aad ogtihiin, Amni-darro iyo xasillooni la’aani waxay sababi karaan dhibaatooyin shaqo la’aan aad uga culus.

Sidaa darteed waxaan idinku boorrineynaa in adinka oo dantiinna ilaashanaya, u turaya shacabka Soomaaliyeed oo waalid iyo walaal ah, kuna kabaya Dowladnimada Soomaaliya aad ka fogaataan wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasilloonida oo ah danteenna guud.

Cabashooyinka aad qabtaan, oo waliba qaarkood aan ka garaabeyno, waxay tahay in aad xalkooda u martaan dariiq nabadgelyo. Haddii aad sidaas ku sifowdaan waxaan ku kalsoon nahay in ay dad badani idinku taageri doonaan halgankiinna xuquuq u doodka ah.

Dowladda waxaan u soo jeedineynaa saddex qodob oo kala ah in xaaladda aan looga darin, la qaboojiyo rabshadaha hadda taagan iyo in xal waara loo helo oo tan oo kale aanay dib u soo noqon.

Si aan xaaladdu uga sii darin waxaa nala habboon in laga dhowrsado erayada uga dari kara xaaladda. Si gaar ah waxaan u soo jeedineynaa in laga gaabsado eedeymaha aan loo heyn caddeyn buuxda iyo wax kasta oo shaki iyo kala qeybin u horseedi kara bulshada magaalada, maaddaama ay tahay in ay Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee magaaladu ay wadajir u wajahaan mushkiladda.

Si karka magaalada hoos loogu dhigo waxaan Mas’uuliyiinta Dowladda ugu baaqeynaa in dhallinyarada loo turo, lana fahmo in ay cadaadis iyo xad gudub dhab ah ka cabanayaan.  Waxaan soo jeedineynaa in dhallinyarada la xiray oo dhan la sii daayo.  Iyo in la baaro dilalka dhacay ciddii dembi geysatayna Maxkamad la soo taago.

Ugu dambeyn waxaan soo jeedineynaa in la qaado tallaaboyin lagu xaqiijinayo in dilka iyo xadgudubyada ka dhanka ah dhallinyaradu aanay dib u soo laaban.

Tallaabooyinka taas lama huraanka u ah waxaa ka mid ah in booliiska iyaga oo hubeysan shacabka lagu sii dhex deynayo la hubiyo in dhammaantood ay qaateen tababbar booliis.  Dabcan waxaa tababbarkaas qayb ka ah sida ay shacabka saaxiib ula noqon lahaayeen, taas oo howshooda u fududeyneysa, sharafna ay uga mudanayaan walaalahood.  Askarigii ama sarkaalkii aan tababbarkaas qabin inta uu qaadanayo tababbarka waa in uu ka shaqeeyaa xafiisyada, bakhaarrada, gaadiidka, xeryaha iyo shaqooyin kale oo booliis laakiin aan la soo horjoojin bulshada.

Waxaa kale oo muhiim ah in dhallinyarada iyo dadweynaha magaalada oo dhan wakiilladooda ay Booliiska iyo Dowladduba la yeeshaan gacansaar, si joogta ahna loo xalliyo cabasho kasta, ka hor inta aanay isu rogin qalalaase.  Ama ugu yaraan in la iska qanciyo cabashada.

Ugu dambeyn, waxaan soo jeedineynaa in wadashaqeyn dhow lala yeesho Hoggaamiyayaasha Dhaqanku iyaga oo wadajira, isla markaasna ay iyaguna wadajir u wajahaya wixii dhibaato soo ifbaxa.

Waxaan u rajeyneynaa booliiska iyo dhallinyaradu in ay gacmaha is qabsadaan, ogaadaan in aayahooda iyo aayaha Soomaaliya ay ku xiran yihiin dhallinyarada oo isku kalsoonaata, cududda iyo maskaxdooda mideeysa, una jiheysa horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Guuleysta

Danjire Yusuf-Garaad Cumar                                            Thabit Cabdi Maxamed 

Sunday, 14 April 2019

Muqdishooy Miyir Kabbo


Xaaladda cakiran ee Muqdisho iyo dhacdooyinka ugu dambeeyay waxay khuseeyaan Soomaali oo dhan. Waxayse toos markiiba u taabanayaan bedqabka nafta iyo hantida dadka Xamar deggan oo dhan.

Cidda wax ka qaban kartaa waa siyaasiyiinta Federaalka oo ay Xukuumaddu ugu horreyso, Taliyayaasha ciidanka iyo maamulka Gobolka oo dhammaantood Dowladda ka tirsan.

Dhinaca kale waa hantileyda Sharikadaha iyo goobaha waaweyn ee Ganacsi iyo Duqeyda Dhaqanka kuwooda ku sifoobay in ay sida ay tahay u matalaan shucuurta dadka ay u duuban yihiin.

Warbaahinta kaalinteedu waa in ay sawir dhab ah ka bixiso xaaladda iyo dhacdooyinka, haddii ay falanqeyn iyo tusaaleyn wanaagsan ku dari kartana kaba sii fiican.

Waxaan dhinacyadaas dhammaantood ugu baaqayaa in mas'uulnimo iyo deggenaan la kaashado, lagana fogaado fara isku taag taag iyo in hadal kasta la maqlo uun inta turxaan loo yeeli karo ee aan ujeeddada guud la fiirin. Si kale aan u dhigee in la iskabo ayaa ka wanaagsan in la isa sii nusqaamiyo.

Waa in la yaqiinsado xaaladdu halka ay mareyso oo aan la aqbalin in haadaan aan ku sii soconno la arki waayo amaba ka sii darane loo ekeysiiyo caadi.

Sidaa daarteed xalka oo aan lala daahin waa in la iska kaashado iyada oo Dowladdu ay hormuud ka tahay. Dhinaca wax ka gala arrinta ee indhihiisu ay arki waayaan, kii gaabiya iyo midka kiis-iska-waal isku daya waa in lagu khasbo in uu runta arko kana shaqeeyo aayahiisa.

Taladeydu waa in tallaabada ugu horreysaa ay noqoto in la qaado mid marka hore lagu joojinayo kor u sii socoshada carada shacabka dhallinyarada u badan ee isa soo tareysa, ka dib markii ay isu biirsadeen shaqo la’aan, qaraxdyo, dil ka dhasha muran, waddooyin xiran iyo waliba garawshiiyo la’aan. 

Marka carada la joojiyo, waa in lagu xijiyo tallaabooyin caradaas lagu xallinayo oo meesha looga saarayo.

Dadka deggan magaalo dhan oo mugga Xamar leh oo xanniban intaas oo maalmood, welina aan la ogeyn goor la furi doono isu socodka, lagama fili karo Dadweynaheedu in ay sidaas ku aamusnaadaan, mar kastana ay rabbaayo ku wada ahaadaan.

Inkasta oo Xubnaha Baarlamaanku ay hore isugu eedeeyeen in Shabaab ku dhex jiro, anigu ma ogi xayaysiin uu Shabaab ka heli lahaa Dowladda oo ka weyn in isaga dartiis caasimadda looga mamnuuco isu socodka? Taasina ay sababta waxa ay sababtay.

Ugu dambeyn, sida ay amni darrada iyo kala fogaashada Dowladda iyo Shacabku ay dib-u-dhac noogu wada yihiin ayay nabadda iyo isku kalsoonaanta Dowladda iyo Shacabku ay dan noogu wada yihiin. 

Tan danbe waan hubaa in aan gaari karno sababta oo ah mar dhowba waan heysannay.

Waxaan ku gunaanadayaa dhallinyaradu in ay xuquuqdooda ilaashato waa sax. Waana ku taagerayaa. Waase in ay ka digtoonaato in iyada oo doonaysa in ay xuquuqdeeda ilaashato ay ku xadgudbto xuquuqda inta kale. Taasi waxay meesha ka saareysaa in ay iyadu xuqeeda xaqiijiso.

Wednesday, 6 March 2019

Soomaaliya iyo Kenya - heer Madaxweyne

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ayaa caawa u hoyday Nairobi ka dib markii ay ku soo wadahadleen Addis Ababa. Waxaa wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia. Waxaa qorshuhu yahay in Arbaca ay is arkaan Madaxweynaha Kenya.
Soomaaliya iyo Kenya ayay Ethiopia dooneysaa in ay dhexdhexaadiso.
Khilaafka soohdinta badda ee labada dal ee sida la rumeysan yahay ay shidaalka iyo Gaas dabiici ahi ay ka buuxaan ayaa toddobaadyadan taagnayd. Xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dalna waxay Kenya goosatay in hoos loogu dhigo heer ku simayaal Danjirayaal in ay hoggaamiyaan labada Safaaradood ka dib markii Danjiraheeda Muqdisho ay soo ceshatay wadatashi awgiis, kii Soomaaliya ee Nairobi fadhiyayna ay u sheegtay in uu 24 saacadood gudahood ugu laabto dalkiisa wadatashina la soo yeesho Dowladdiisa.
Waan ku kalsoonahay Madaxweynaha Soomaaliya in uu wadahadalka, saacado ka dib la filayo in uu dhaco, uu sida ay tahay ugu daafici doono danaha Soomaaliya iyada oo isla markaana la ilaalinayo xiriirka nagala dhexeeya Kenya oo leh dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin mid bulsho, mid dhaqan, dhaqaale, amni iyo siyaasadba marka laga soo tago taageerada uu nala barbar taagnaa tan iyo burburkii oo ay ku jirto in uu soo dhoweeyay qaxooti Soomaaliyeed oo nus malyuun gaaray 1991, kuwaas oo qaar badan ay weli ku sugan yihiin halkaas. Kenya waxaa ay marti gelisay shirkii lagu soo dhisay Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Xukuumaddii dalkeenna ka howlgashay 2004.
Iyada oo la xusuusan yahay in Soomaaliya oo saddex sano ka xornimo horreysay Kenya ay dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka ee Kenya markii uu socday ay marti gelisay Kenyan Kikuyu ah oo xubno ka ah dhaqdhaqaaqii Mau Mau.
Markii Kenya ay xornimada qaadatay oo Soomaaliya ay aragtay in Wajeer iyo Gaarisa iyo Gobolka Soomaalida oo dhan lagu daray Kenya, Soomaaliya waxay xiriirka diblomaasi u jartay Ingiriiska. Laakiin waxaa isla markaas uu Wasiir ku Xigeenkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cali Dacar, uu ballan qaaday oo uu saxaafadda u sheegay in Qaxootiga Kenya xuquuqdooda si buuxda ay u dhowreyso Dowladda Soomaaliya.
F G. Dacwad ayaa u dhexeysa labada dal ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ka tirsan Qarammada Midoobay kuna taal magaalada Hague. Labada dal midkiiba ugu yaraan saddex jeer ayuu kiiskiisa ka jeediyay goobtaas. Dacwadda waxaa ICJ geeyey Dowladdii Soomaaliya ee ka horreysay Dowladda hadda xilka haysa.
Doodaha oo aan goob joog ka ahaa waxaad doodihii ka akhrisan kartaa bloggeyga, dokumentigii ay labada dal gudbiyeenna ka akhriso barta Maxkamadda ICJ.


Sunday, 3 March 2019

Jooji Dhiigbaxa Caasimadda


Marka laga soo tago xiriirkeenna caalamka iyo gaar ahaan kan mandiqadda aan ku naal, maalmihii na dhaafay waxaa dalkeenna ka dhacay dhowr fal oo murugo leh.

Gaalkacyo, saqiir ayaa arxan darro lagula kacay welibana la dilay. Xog buuxda ayaan raadiyay aniga oo ka fikiraya sidii aan dareenkeyga u cabbiri lahaa. Waxaa ii wehliyay in aan helo haan aan wacyi ula wadaago inta laga yaabo in ay ku garaad tahay kuwii geystay fal dembiyeedkaas culus.

Aniga oo aan labada midna dhammeys tirin ayaan akhriyay isla Gaalkacyo in gabar kale oo yar la la’ yahay.

Sidee wax u jiraan ayaan weli is weydiiyaa.

Waxaa xigay in aagga Lafoole lagu weeraray hooyooyin Soomaali ah.  Dhowr ayaa la dilay ayaga oo gacanta ku haya howl u dhexeysa ummadda Soomaaliyeed.

Dembiga ay dil ku muteysteen wuxuu noqday in ay nadiifiyaan waddooyinka ay ummadda wadaagto si ay quud uga soo saaraan, bulshaduna ay uga badbaaddo cudurro, uguna korto foolxumo la noolaan.

Waxaa sida ku rajoobay intii ay dhaleen.

Murugada taxanaha ah waxaa u dambeyay weerarkii qaraxa iyo rasaasta lahaa ee  waddada Maka. Soomaali badan ayaa naftoodu ku waayay qaar ka badanna dhaawac ayaa ka soo gaaray.

Dembigoody wuxuu ahaa maxaad u nooshahay, Muqdishana u joogtaa?

Xilligaan oo kale, waa markii ay shacabka iyo Dowladdu isu soo dhowaan lahaayeen, iskaashan lahaayeen, muujinna lahaayeen in aan loo dulqaadaneyn siqiir suujinta ka dhacday Gaalkacyo ee sharciga la marsiinayo intii geysatay.

Waana xilligii qof kasta oo isku daya in uu mustaqbalka na horkeeno dembiga sidaa u culusna loo sii ballanqaado in uu ka shallaayi doono.

Sidoo kale waa xilligii ficil ahaan loo muujin lahaa in weerarrada arxan darrada ah ee aan looga turayn shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa awgood aynaan is dhiibi doonin.

Taas macnaheedu ma ahan in aan la is weydiin su’aalo adag oo runta ka warqaba, la xisaabtamin oo aan la gaarin i tus oo i taabsii.

Garashadu waa in ay na bartaa in sidii hore ay shaqeyn la’dahay oo loo baahan yahay hab hadda joojin kara, dooneyana in uu joojiyo, dhiigbaxa caasimadda.

Sunday, 24 February 2019