Total Pageviews

Thursday, 30 April 2020

Inta aan ka aqaan Axmed Shiikh Maxamuud Amoore


Axmed Shiikh Maxamuud (Amoore)

Axmed Shiikh Maxamuud oo saddex jeer Wasiir ka noqday Soomaaliya ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Erdoğan ee loo aqoon jiray Digfeer ee Muqdisho. Allah ha u naxariisto. Axmed inta aan ka aqaannay ayaan sadarradan kugula wadaagayaa.

Axmed Shiikh Maxamuud oo loo yiqiin Amoore wuxuu ahaa nin asluub badan oo dadku ka nabad galo af iyo addinba. Wuxuuna ahaa nin akhyaar ah oo dad la socod wanaagsan, khibrad badan ka helay nolosha, wax bartay, dalkana u soo shaqeeyay, waliba xilliyo adag oo uu khatar u bareeray.

Axmed wuxuu ku dhashay Ceel Buur 1944.

Wuxuu shaqo ku billaabay in uu tolo harqaan. Ceel Buur iyo ka dib Xamar, isaga oo waxbarashadiisana wata.

Qalinjebintiisa ka dibna wuxuu noqday Macallin.

Mcallinnimo dabadeed Ganacsi ayuu u wareegay. Siddetamaadkii wuxuu lahaa Tukaammo mid ku yaallay Waddada Soddonka, ka soo horjeedka Hotel Towfiiq. Midka kale wuxuu saarnaa waddada Maka, meel aan ka fogeyn isgoyska Dabka, garabkana ku haya Hotel Buraaqo oo uu isagu lahaa.

Manifetso

Wuxuu ka mid ahaa waxgaradkii 114-ka mas’uul ahaa ee ku dhiirraday in ay 15-kii Meey 1990 saxiixaan dhambaalkii loo bixiyay Manifesto.

Raggaas oo isugu jiray siyaasiyiin hore, aqoonyahanno, ganacsato waaweyn iyo qaar intaba wada ah, waxay Madaxweyne Maxamed Siyaad ugu baaqeen in dalka la nabadeeyo laguna soo celiyo Dumiqraaddiyad.

Beryahaas oo aan  howlo samafal si joogta ah ugu tegi jiray Berbera iyo magaalooyin kale oo woqooyiga ah, oo markaa ay colaad ba’ani ka taagnayd, waxaan xusuustaa Axmed in uu aad iiga wareysan jiray xaaladda nolosha iyo amni ee Woqooyiga.

Axmed oo ay dhalyo dhow naga dhaxeyso, waxay sheekadeenna Woqooyigu ay ii horseedday kalsooni hor leh iyo in aan ka sheekeysanno amni, siyaasad heer Qaran ah iyo Diblomaasiyad.

Waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo qaarkood doblimaasi ahaa oo la isku dayay in Mucaaradka Maanifeesto, Jabhadaha hubeysan oo ay SNM ku jirto iyo Dowladdu ay gaaraan heshiis xabbad joojin ah, lana dhiso Dowlad wadaag ah oo intuba ay ku jiraan. Waxaa la doonayay in taas loogu gogol xaaro in Madaxweynuhu uu xilka ka dego.

Fikradihiisa iyo walaaca uu ka qabay khatarta ka imaan karta dagaalku waxay ka mid ahaayeen sheekooyinkii iigu horreeyay ee aan la yeesho mas’uul bartanka uga jira siyaasad mucaarad ah oo jabhad ka-warqab-ah iyo diblomaasiyad.


Xilligaa ka hor, rag aan qaraaba nahay oo isaga qaar wada dhasheen, qaarna ay ilma adeer ahaayeen waxay ka mid ahaayeen ragga aan dhegeysan jiray sheekadooda. Nolol maalmeedka ka sokow waxay ka doodi jireen diin, qaanuunka iyo shareecada, anshaxa qoyska iyo midka shaqo, falsafad, taariikh, siyaasad, cilmu nafsi, dhaqaale iyo nolosha dalal kale oo ay qaarkood wax ku soo barteen ama ay shir u tageen.

Haba u kala badnaadeen ka soo qeyb galka laakiin waxay qaarkood joogto ugu kulmi jireen Africafe, Baar Ayaan iyo goobo kale oo ganacsi.  

Raggaas waxaa ka mid ahaa Cabdi–Xaashi Macallin Cabdullle, Cusmaan–Gaacuur, Maxamed Shahaad, Cabdiriin Qeylshe, Siciid Qooryare, Axmed-Nuur Macallin, Xasan-Diritoor, Cabdi–Door, Wasiiqo iyo saaxiibkeeygii weynaa Cali–Muddiir.

Xataa berigii aan Raadiyaha ku cusbaa usbuucii dhowr jeer ayaan is arki jirnay qaar ka mid ah raggaas oo wada jooga. Waxaan qaarkood ka heli jiray falcelin barnaamijyada iyo wararka aan sii daayay ama maqaallada aan ku qoray wargeyska.

Mararka qaarna waxaan ka heli jiray ra’yi igu dhaliya su’aalo, mararka qaarna qayb ka noqda amaba sabab u noqda curinta soo saaris mowduuc saxaafadeed.

Waxay saaxiibbo dhow ahaayeen Maalqabeenkii da’da yaraa, aragtidana fogaa ee Xaashi Weheliye Maalin oo ay ka wada tirsanayeen raggii saxiixay Manifesto.

Wasiir

Axmed Shiikh Maxamuud wuxuu Wasiir ka noqday Dowladdii ugu horreysay ee la dhisay markii ay burburtay Dowladdii uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad iyo tii ku xogtayba.

Dowladdaas, Cali Mahdi Maxamed ayaa Madaxweyne ka ahaa, Cumar Carte Qaalib-na Ra’iisal Wasaare.

Xogtaas waxaan ku helay Roma oo aan markaa joogay. Telefoonnadu waa ay go’een intii uu dagaalka Dowladda lagu riday ka socday Muqdisho, dibna looma soo celin. Boosto ma shaqeyso. Dayaaradana ma yimaadaan dalka.

Waxaan u maleynayaa in ay ahayd bishii Februray 1991 mar aan tegey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga oo loo yaqaan Farnesina. Mas’uulkii aan la kulmay oo bargarasho yari naga dhexeysay waxay ii sheegtay in ay iyadu hoggaamin doonto wafdi Talyaani ah oo berri tegaya. Xaggee u socdaan? Muqdisho.

Waxaan u sheegay in aanan ka warqabin reerkeygu in uu dagaalka ka badbaaday iyo in kale. Sidaa darteed waxaan ka codsaday in ay waraaq iga qaaddo jawaabna ii keento. Waxay ii sheegtay in ay Xamar joogeyso saacado kooban.

In yar markii aan fekeray, waxaan weydiiyay cidda ay la kulmeyso. Waxayna iigu jawaabtay Dowladda.

Paris, 1991 Amoore (bidix).
Waxaan markaa goostay in aan waraaqda ku hagaajiyo Wasiirka. Kagana dalbo in xaaladda qoyskeyga uu ii soo sheego uuna waraaq iigu soo dhiibo isla qofka u keenay waraaqdeyda.

Iyadana waxaan ku adkeeyay marka ay tagtaba in ay weydiisato in Wasiirkaa ay aragto, marka ay isaga waraaqda u dhiibeysana ay ka dalabto in ay dooneyso in ay isla hadda jawaabta ka qaaddo.

Laba maalmood ka dib, markii uu wafdigu soo laabtay ee aan Telefoon kula hadlay, waxay ii sheegtay in ay waraaq iiga siddo Wasiirka.

Xaashidaas inta aan furayay iyo inta aan akhrinayayba gacmaha ayaa i gariirayay. Taagni ayaan ku akhriyay Xafiiska dhexdiisa. Sadar kasta marka aan akhrinayo waxay indhaheygu u sii boodayeen oo ay eegayeen laba iyo saddaxda sadar ee ka hooseeya aniga oo ka goobaya magaca qof dhintay, la waayay ama badbaaday.

Xaashida aan dhakhsaha u helay xilli ay adkayd in Muqdisho war laga helo, iina sheegtay in qoyseygu uu ka badbaaday dagaalka Xamar ka dhacay, waxay ku qornayd gacanta. Weli waxay hadda 2020 ku jirtaa keydkeyga.

Bilo kooban ka dib, Wasiir Axmed Shiikh Maxamuud, waxaan ku soo dhoweeyay Roma, isaga oo ah Wasiirka Tacliinta Sare oo ka yimid Paris. Halkaas oo uu shir kula yeeshay UNESCO iyo Dowladda Faransiiska.

Axmed Shiikh Maxamuud wuxuu ka mid ahaa Soomaalidii ka qeyb qaadatay in uu najaxo shirkii Carta ee sannadkii 2000 lagu dhisay Dowlad Soomaaliyeed. Toban sano oo Dowlad la’aan ah ka dib ayay ahayd.

Axmed - Amoore mar kale ayuu Wasiir noqday sannadkii 2000. Waa Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Ra’iisal Wasaare Cali Khaliif Galaydh.

Sawirkii ugu dambeeyay
Ka dib markii Hoggaamiye Kooxeedyada oo markii hore qaaddacay shirka Carta, qaarkood ay Dowladdu wadahadal la gashay, Axmed waa uu ka degey xilka, si uu Dowladda ugu biiro Maxamed Qanyare Afrax, oo ay isku kursi ahaayeen.

Labadada Allah ha u naxariisto. 

Axmed Shiikh Maxamuud, isaga oo xanuunsan ayaan gurigiisa ku booqday bishii Febraayo ee sannadkaan. Aad ayaan u naxay marka uu i aqoon waayay.

Safar Turkiga ah oo caafimaad ayaa loo diyaariyay, laakiin iyada oo wax walba ay u dhan yihiin isaga iyo laba gabdhood oo uu dhalay oo qaadi lahaa, ayaa isu socodka la xannibay oo ay dayaaradihii joojiyeen duullimaadka.

Allah ha ugu bishaareeyo Jannada.

Tuesday, 28 April 2020

Caano Ari iyo Daango - Taxanaha Safarkeyga Galmudug - Maarso 2020

Waxaan barqadii ka shiraacannay Dhuusa Marreeb. Waxaan ku joogna waddada laamiga ah ee haddii aadan ka harin ku geyneysa Muqdisho.

Waa intaan saaxiibbadeey ka laacin
Waddada waxay qeyb ka tahay mashruucii Shiinuhu ku dhisay laamiga isku xira Jawiil oo ka tirsan Hiiraan ilaa Burco oo ka tirsan Toghdeer. Berigii la dhisay iyo sannado fara badan oo ka dambeeyay waxay ahayd waddo laami ah, oo toosan, oo gaadiidku uu aad ugu xawaareeyo. Waddada dalka ugu dheer uguna wanaagsan ayay muddo badan ahayd.

Hadda waa waddo uu ka muuqdo burbur xooggan. Waxay u dan sheeganeysaa cid kasta oo baabuur ku marta. Marka aad in yar oo wanaagsan aad hesho oo uu gaarigu ku xawaareeyo, waxaad illoobeysaa cabashadeedii. Iyadu ma illoobeyso. Markiiba waa ku soo jeedineysaa. Si waliba ay kaa nixineyso. Int ay si caro ku jirto kuu gilgisho ayaad soo xusuusaneysaa wixii ay kaa dalabtay daqiiqado ka hor.  Waa in ay dayactir u baahan tahay.

Inta aad safarkaas ku jirto oo dhan, waddadu ma illobeyso dalabkeeda, adna kuuma oggola in aad illowdo. Kama daaleyso in ay daqiiqado yar ka dib hadba ku ruxdo, ku boodbootiso sida ilmo la koolkoolinayo, ku canaanato, qeyladeeda darteed aad is maqli weydaan intiinna is garab fadhiya. Jirkaaga oo dhan ayay gilgishaa, in aad qummaati u fadhidana way kuu diideysaa si ay kuu xusuusiso codsiga.

Qiyaastii qaddar saacad ah markii uu darawalku loollan iyo gorgortan kula jiray godadka tiro dhaafka ah iyo dhagxaanta ka sii badan, xareedda iyo haadaanta waddada dhex iyo hareera yaal ayaan gaarnay Guriceel.

Waa magaalo aad uga weyn Degmooyin badan oo dalka ah. Haddana aan ka tirsaneyn Degmooyinkii dalka ee la aqoonsanaa 1991. Waxay ku tuseysaa in saacadda Soomaaliya ee ku xargagtay 1991 aan weli shaaggeeda la rogin. Halkeedii ayay saacaddu taagan tahay marka ay noqoto Siyaasadda ku wajahan Gobollada iyo Degmooyinka.

Sababtu waxay tahay in Degmadaas ay dhiseen oo ay cammireen dad degaanno kale oo Gobolka ah iyo meelo kaleba ka soo hayaamay  bartamihii siddeetanaadkii iyo qaar aan yareyn oo iyada ku dhashay xilligaas ka dib.

Waa magaalo cammiran oo dad iyo ganacsi la ciirciireysa. Ganacasi gobollo isaga goosha oo xataa soohdinta ka tallaaba sida aan maqlay. Waddada weyn ee magaalada dhex marta dhismayaasha la teedsan waa wada Suuq, Tukaan, Bakhaar, Makhaayad, Xafiis sharikadeed iyo meelo kale oo ay howlo badan ka socdaan.

Waa magaalo cammiran, dad iyo dhisme intaba, ayna ka socoto shaqo badan oo muuqata kuna wajahan soo saarka nolol maalmeedka.

Marka aan ka qadeynay makhaayad weyn oo dhismo wanaagsan leh, waxaan markiiba uga gudubnay Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Matabaan
Matabaan - Garoorre waa dhul carro guduud ah oo qurxoon. Balli weyn oo markaa aan biyo badani fadhin ayaa magaalada ku yaalla.

Waa magaalo nabad ah. Ka muuqato in ay fac weyn tahay. Laakiin aan horumar badani ka muuqan. Si u yara dansan.

Waxaa la ii sheegay in magaaladu ay yara dayacan tahay. Degmooyinka Hirshabeelle, Matabaan oo degmada ugu fog caasimadda, Jowhar. Dhanka kalena, waa magaalo isu socodka, xiriirrada kale iyo u dhowaashaha Caasimadda Galmudug ay ka dhigto mid macaamil badan la leh lana xaalad ah Galmudug.

Waxay dadka qaar ay qabaan in ay dhexda ku luntay oo labada maamul Goboleed uu mid waliba kan kale ku halleynayo.


Matabaan
Meel aan Shaah u fariisannay oo aan dadka magaaalada sheeko u billownay ayaa markiiba waxaa naga war helay Booliiska. Taliyaha iyo ciidan la socda ayaa durbadiiba noo yimid. Is marxabbeyn iyo shaah aan wada cabnay, ka dib waxaan booqday Saldhigga Booliiska iyo xabsiga magaalada.

Sida la ii sheegay, rag u badan reer miyi is maagay ama dembiyo kale ku eedeysan ayaa ku jiray. 

La ima tusin anna ma weydiisan.

Su’aalo nooc soo jeedin oo kale ah oo ku wajahan xuquuqda iyo daryeelka Maxaabbiista ayaan kula sheekeystay.

Taliyaha markii aan weydiiyay isu socodka Beled Weyne iyo Matabaan, wuxuu ii sheegay in uu usbuucii hore ka soo laabtay safar Beled Weyne ah.

Markii aan magaalada ka sii baxayay nin ciidan ah ayaa waddada noo dhex istaagay dhallinyaro qaarkood uu ciidan yahayna meel aan waddada ka fogeyn ayay ka soo yaaceen.

Waan u istaagnay. Waxa keliya oo ay na weydiisteen in ay sawir nala galaan.

Casar gaabadkii ayaan dib ugu laabannay Guriceel. Saaxiibkeey Xasan Sabriye oo naga soo raacay Dhuusa Marreeb, ayaa igu casuumay guriga aabbihiis.

Daahir Maxamed Sabriye, waxay walaalo yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye. 

Kuraas iyo gogolba waa la dhigay. Biyahaa ugu soo horreeyay. Sagbad Shaah ah iyo daango (qaloon ama salool) ayaa xigay. Gabar dhallinyar ayaa markiiba weel la boodday. Daqiiqado yar ka dib ayay soo laabatay iyada oo sidda caano ari oo kulul oo markaas ay soo listay oo xoortu ay ka korreyso. 

Waxaan soo xusuustay ari-carbeedkii hooyadeey ama aan dhahee ari-magaal. Oo ay ugu caansanaayeen laba is dhashay. Waa Fil-ma-suga’ iyo Fil-ka-roon. Baarridii hooyadeey Xabiiba ayaa shaaha noogu caddeyn jirtay caanahooda. Ilaahow u naxariiso hooyadeey iyo aabbahay iyo waaliddiinteen oo dhan.

Nariijada Iskaa wax u qabso
Markii aan baray Xasan Daa'uud Galool oo aan wada soconnay una sheegay in uu yahay reer Hargeysa ayuu Daahir  noo warramay.

Daahir Maxamed Sabriye wuxuu nooga sheekeeyay taariikho kala duwan oo ay ka mid tahay beri hore mar isaga iyo rag kale ay lo’ ka kaxeeyeen Guriceel ee ay u safarsadeen Hargeysa, iyo qiso ka qabsatay markii ay marayeen Gaashaamo.

Odayga oo sida la igu wargeliyay muddo badan iga dhegeystay idaacaduhu, ma qarin farxaddiisa. Waa Gallad Ilaaheey haddii Galabta uu Yusuf-Garaad fadhiyo jalbeebkeenna.

Inkasta oo aan sheekada odaga, fadhiga darinta, shaaha iyo caddeyska ariga ee markaa la ii soo lisay aan aad uga helayay, waxaa hadalkeennii ku talo gal la'aan soo koobay dhibco waaweyn oo teel teel ah oo hordhac u ahaa roob xoog leh.

Waxaan door bidnay in aan safarkeennii sii wadanno.

Roobka iyo waddada na sugeysa dartood, waa baaqannay Isbitaalka Istarliin oo qorshaha noogu jiray in aan soo aragno.

Waxaan si qurux badan ugu xawaareynay laami cusub oo la saaray waddada. Waa mashruuc iskaa wax u qabso ay laami ku dhisayaan dadweynaha degaanku. Waa mashruuc muujinaya in ay Dadweynaha magaaladu ay waddadooda dhisan karaan. Waase mashruuc qaali badan maaddaama uu yahay laami, magaalooyin isaga gooshaya.

Dadaalkaas billowga ah asii mirihiisu ay muuqdaan, Qurba joogta iyo waxaa loo baahan yahay in ay gacan ka geystaan Xukuumadda cusub ee Galmudug iyo Dowladda Federaalkuba.

Ka dib markii aan fiidkii qaddar yar ku hakannay Ceel Dheere, xilli habeen ah ayaan ku soo laabannay Dhuusa Marreeb. Ma jirin ciidan iyo cid kale oo hubeysan oo safarkaas nagu wehliyay.

Monday, 27 April 2020

Caabud Waaq - Taxanaha Safarkeyga Galmudug - Maarso 2020


Ugaaska (dhexda)

Waxaan goor subax ah ka amba baxnay Dhuusa Marreeb. Waxaan wadannaa laba gaari. Ciidan nama wehliyo.

Waxaan ka kooban nahay saddex Muqdisho ka timid iyo laba noo wehel yeeshay iyo laba darawal. Waxaa i wehliya Xasan Daa’uud Galool iyo Maxamed Qaasim oo aan Muqdisho iska soo raacnay, Cabdi Maxamed Jaamac, Cabdi Waayeel iyo Xasan Sabriye oo noo wehel yeelay.

Inyar markii aan waddada woqooyi u raacnay ayaan gaarnay tuulada Mirrig. Waxaan waddada uga degnay dhanka Woqooyi Galbeed.  Jihada soohdinta Ethiopia oo aan fogeyn ayaan foolka saarnay.

Qaddar yar ka dib waxaan ka baxnay dhulkii dhagaxa ahaa. Waxaan u dhacnay carra guduud ay dadka qaar u yaqaannaan cadduun. Waa dhul geed gaab ah, caws leh, carro guduudan, waddaduna ay tahay mid goolada badan oo la ii sheegay in ay dadka qaar ku tilmaamaan in ay tahay sida raadka kaadi dibi.

Bangeelle
Waxaan gaarnay tuulada Xanan Buuro. Markii aan ka gudubnay waxaan durbadiiba tagnay banka cajiibka ah ee quruxda badan Bangeelle. Dhul caws ka baxayo oo aan geedo waaweyn lahayn oo aad u ballaaran. Waa dhulka la yiraahdo savannah. Waxaan soo xusuustay Gobolka dalxiiskiisa caalamku jecel yahay ee Maasai Mara. oo ku yaalla Koofur Galbeed Kenya, dhinacana ku haya soohdinta Tanzania oo marka aad ka tallaabto aad tegeyso Serengeti. 

Isu ekaanta muuqaalka oo keliyihi ima soo xusuusin Maasai Mara oo Kenya ah iyo Serengeti, oo Tanzania ku taal. Labada gobol ee labada dal ka kala tirsan dhulkoodu waa isku nooc, xayawaanka jooga isku nooc keliya ma aha ee waa isla midkii oo marba xilliga la joogo dhanka daaqsin wanaagsan u hayaama, dadka labada dhinac ee soohdinta degganina waa isku qowmiyad isku af, dhiig iyo dhaqan ah. Waa Maasai. 

Bangeelle wuxuu kaga duwan yahay dhulka ay isku nooca yihiin ee Kenya iyo Tanzania, in aanuu hadda lahayn duurjoogta quruxda, noocyada iyo tirada badan ee loo dalxiis tago. Ma qabo in aan tabtaas ama tu ka daba dhow laga dhigi karin.

Duurjoogta Maasai Mara
Geel, Ari iyo Lo’ intuba si teel teel ah ayay u daaqayaan.

Waxaa banka ku dhex yaalla tuulada la magaca ah ee Bangeelle.

Waxaan uga gudubnay Caabud Waaq.

Waa magaalo cammiran, dad iyo degaanba. Dadku noloshooda ayay raacanayaan. Inkasta oo aanan aad ugu dhex wareegin, indhahaygu ma qaban dhismayaal badan oo waaweyn.

Waxyaabo dhowr ah oo aan jecleystay ayaan safarkeyga ku soo arkay. Saddex ka mid ahi waa mashaariic laga fulinayo Caabud Waaq.

Saddexdaba waan jecleystay. 

Ka sokow in ay yihiin kuwo bulshada waxtar u yeelan kara, haddana waxaan aad ugu diirsaday sida ay bulshadu isu xilqaantay oo ay iyadu isugu tashatay si ay u hirgeliso.

Waxaan booqannay oo na soo dhoweeyay Ugaaska. 

Qaddarka yar ee aan la joogay wuxuu iigu muuqday nin dhallinyar, faraxsan oo maskax furan. 

Waxaan tagnay Guri degaan u noqon doona Ugaaska oo hadda la dhisayo. Waa guri ku fadhiya dhul ka weyn dhulka Hoteellada waaweyn ee Muqdisho badankood. Wuxuu ka kooban yahay degaan, qolka shirarka oo kun qof ka badan qaada iyo xafiisyo, musqulo casri ah iyo beer nasasho oo aad uga weyn qolka shirarka.

Mashruuca labaad waa dhismaha Gegida Dayaaradaha oo cagafyo waaweyni ay hadda dhisayaan dhabbaha ay dayaaraduhu soo caga dhigan lahaayeen.

Mashruuca Saddexaadna waa dhismaha Faraca keliya ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ku leedahay meel ka baxsan Muqdisho.

Jaamacadda oo xeynaadbkeedu yahay dhul uu ballaciisu yahay 500 oo miitir dhererkiisuna yahay 1000 miitir waxaa bixiyay Cabdi Maxamed Jaamac oo hadda ka tirsan Wasiirrada cusub ee Galmudug.

Mashaariicdaas oo dhan waxaa ra’yigooda, dhulkooda iyo dhismahoodaba leh dadweynaha degaanka. 

Runtii waa horumar lagu farxo mudanna dhiirri gelin iyo taageero Dowlad Goboleed iyo mid Federaal labadaba.


Waa Olol. Waa mar aan weynay signalka EVC. 
Gelinkii dambe ayaan u laabannay Dhuusa Marreeb. Roob ayaa daqiiqado yar hore u soo dhigay safarkeenna. Waxaan sii marnay tuulada Olol oo aan ka shaahnay.  Shaah macaan badan oo lagu caddeeyay caano ari. Waa dhaqan Gobolka inta aan aragnay uu ka siman yahay. Saaxiibkeey wuxuu ka iibsaday shaal, aniguna daba-gaab aan ugu talo galay in aan ku dabaasho marka aan tago xeebta.

Yaabka ugu wanaagsan oo aan soo arkay waa amniga degaanka. Waddada isku xirta Dhuusa Marreeb iyo Caabud Waaq. Keligaa ayaad gaarigaaga wadan kartaa oo aad u kala safri kartaa adiga oo aan hub sidan. Waana arkay mas’uuliyiin sidaa sameynaya.

Safarkeygii 1986. Cabdi Waayeel (ugu bidix)
Inka badan soddon sano ka hor markii iigu dambeysay Caabud Waaq waxaan ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaanan wada soconnay Cabdi – Waayeel. Wuxuu ahaa safar uu na martiqaaday Taliyaha Qeybta  21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Morgan, si aan u fahamno howsha adag ee Difaaca dalka, una dhiirri gelinno ciidanka sida ka muuqata sawirkeyga. 

Berigaas wuxuu Cabdi - Waayeel ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Ummadda. Aniguna waxaan ahaa Guddoomiyaha Ardayda Kulliyadaha Gahayr.

Waan ku faraxsan ahay in aan dib ugu laabto aniga oo ka tirsan Jaamacadda, mas’uulka igu casuumayna uu yahay Cabdi – Waayeel.


Safarka Caabud  Waaq wuxuu billow u ahaa safar aan masaafo kun km ka badan ku maray si nabad ah, wax badanna aan ka barannay , saaxiibbada ila socday iyo anigu.

Waxa aan kala kulmay magaalooyinka saddex Gobol ka tirsan oo aan tegey,  Insha Allah maalmaha soo socda ayaan kugula wadaagi doonaa qormooyin tan daba jooga.