Maaddaama xannibaadda magaalada dul saaran oo marba marka ka dambeysa ka soo dareysay ay hadda mareyso heerkii ay ugu liidatay uguna khatarta badnayd waxaa loo baahan yahay laba.
Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay.
Maskax aan weerar ku ahayn Dowladda Federaalka iyo tan Gobolka, laakiin soo bandhigta runta isu socodka magaaladooyinka Muqdisho ayaa loo baahan yahay.
Sidoo kale, Dowlad aan iska dhegatirin shacabka, iska-caabbin iyo
difaac uun la yuururin ee isku kalsoon oo wax hubsata, xaldoonna ah ayaa iyadana loo
baahan yahay.
Muqdisho magaalo ma aha ee waxay noqotay magaalooyin isku ag yaal oo
kala xiran. Khatar, xanuun iyo xanaaq is barkaday ayaa dhex jiifa. Xal, waliba dhakhsa ah ayay u baahan tahay.
Xal waa suurta gal haddii la is maqlo, la isku dayo in la is fahmo,
ujeeddadana laga wada dhigto in xal la helo.
Madaxda Federaalka iyo xataa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, isku Muqdisho
shacabka kulama noola, iyaguna isku Muqdisho kuma noola.
Waddo u xiran ayay gawaari xawaareyneysa ku maraan. La iigama
sheekeynayo oo Dowladdaan iyo tii ka horreysay iyo waliba mid aad uga sii wada horreysay, waddo xiran oo lagu
xawaareynayo waan maray.
Madaxda fuushan baabuurtaa waddada xiran ku xawaareyneysa, xog marka
ay u baahdaan waxaa u warrama kuwo u qaba in xaalku caadi yahay ama ayaga oo og
dhibka jira haddana aan sheegin sabab kasta ha keentee.
Xataa haddii Madaxda la gaarsiiyo warka, isku mid ma aha wax lagaaga
sheekeeyay iyo marka ay adiga ku qabsato.
Dhowr Muqdisho
Waxaan adeegsaday Muqdishooyin, sababta oo ah waddada
wadnaha ayaa magaalada u kala qeybisay laba Muqdisho oo aan isu gudbi karin. Gaar ahaan Muqdishada Wadnaha ka sarreysaa aanay u gudbi karin Muqdishada badda ka xigta. Irdaha fara ku tiriska ah ee laga galo ayaa baabuurta dadka wataa telefoonno la taagan yihin si ay ula hadlaan saraakiisha fara ku tiriska ah ee u oggolaan kara in ay Muqdishada kale u tallaabaan.
Iyada oo taasi jirto ayay haddana qeybo badan oo magaalada ahi waxay
awalba ahaayeen lama galaan u oodan hey’ado
Dowladda ah, Safaarado, Sharikado iyo ciidammo shisheeye.
Madaxtooyada oo ku oolli jirtay Wardhiigleey, waxay hadda noqotay
Jaziirad fideysa oo waxay daafaha la gashay ama ilaaladeeda hordhaca ahi ay
jidgooyo ka sameysteen Boondheere, Xamar Weyne, Waaberi iyo Howl Wadaag.
Waxayna si joogta ah u naafeysay waddada ugu caansan magaalada, waa Waddada
Maka al Mukarrama iyo waddooyin kale oo badan oo ay ka mid tahay Waddada Maxamuud
Xarbi.
Shacab iska daa, xataa saraakiisha sare ee booliiska ayaanay u sahlnayn in ay Taliska
booliiska tagaan.
Bartamaha Xamar Weyne iyo Shingaanni waxaa ku habsaday, nuurkana ka
qaaday labada xeyndaab ee waaweyn ee midna uu ootay Gobolku midna ay ooteen
Isbahaysiga Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe. Intuba waxay garan waayeen waddooyinka
gaaggaaban ee hor iyo hareera mara in ay dayactiraan. Arrintaasi waxay
naafeysay farasmagaalaha Muqidishadii loo yiqiin magaalada hoose.
Isla Xamar Weyne iyo Xamar Jajab waxaa waddada xeebta goostay
Isbahaysiga Xabsiga Dhexe iyo Garsoorka, taas oo dhib ka dhigtay in uu dadweynuhu ka adeegto kawaanka kalluunka.
Isbahaysiga Gegida Dayaaradaha iyo duulka Xalane deggan waxaa u
xiran aag aan labadaas xero ku koobneyn oo ay ilaaladoodu jidka dhex joogaan
Xamar Jajajab, Waaberi iyo Wadajir. Aaggaasi wuxuu aad uga weyn yahay Degmooyinka
Gobolka Banaadir qaarkood.
Taliska Nabad Sugidda wuxuu Jaziirad ka sameysatay Shibis iyo
Cabdalcasiis iyada oo Godka Nabadsugiddana aag dhan u xiran yahay Boondheere
dhexdiisa.
Wasaaradaha iyo Safaaradaha qaarkood waxay goosteen waddooyin qaar laga
dhex dhisay Ganjeello uu quful saaran yahay.
Tusaaleyaashu intaa ka badan. Laakiin hadda waxaa cusub in isu
socodka magaaladu uu qarka u saaran yahay in uu gebi ahaanba xirmo.
Hal Waddo oo Keliya
Saddex waddo oo Number Afar iyo Cabdalcasiis ilaa Kaaraan isku xiri
jiray ayaa midkood ay Dowladdu xiratay.
Mid kale dayactir ayaa laga billaabay iyada oo dhiniciisa kale uu xiran yahay. Tusaale Kawaanka Kalluunka waddada tagta dhinac waa ay ka xiran tahay dhinacna dayactir ayaa ka socda. Caqliga Xamar ma qorin marka dhinac laga soo dhisayo dhinaca kale in gaadiidka loo furo.
Mid kale dayactir ayaa laga billaabay iyada oo dhiniciisa kale uu xiran yahay. Tusaale Kawaanka Kalluunka waddada tagta dhinac waa ay ka xiran tahay dhinacna dayactir ayaa ka socda. Caqliga Xamar ma qorin marka dhinac laga soo dhisayo dhinaca kale in gaadiidka loo furo.
Haddii aad joogto Xamar Jajab ama Waabberi oo aad u socoto
Boondheere ma mari kartid waddada Xeebta oo ah tan aan tilmaamay. Ma mari kartid
via Roma, Marwaas iyo Raqeyga oo Gobolka iyo Maaliyadda ayay u xiran yihiin. Ma mari
kartid Tiyaatarka oo Madaxtooyada ayuu u xiran yahay.
Isu socodka magaalada ee labada dhinac ee aan tilmaamay wuxuu hadda
isugu soo ururay hal waddo oo ciriiri ah, zigzag ah oo marba dhan u leexaneysa, boholo waaweyn leh, qashin
badan, aan carfeyn siiba marka roob da’o, gaadiidka magaalada in badan oo ka
mid ahina ay isku hor go’an yihiin.
Qeylada, hoonka, khatarta, xanaaqa uu xanuunku keenay oo lagu shaqlay kuleylka qorraxdu ay meel xun marayaan. Waa waddada luuqyada Ceel Gaab iyo Xamar Weyne isaga dusta ee ah waddada keliya ee isku xirta Liido iyo Number Afar iyo inta u dhexeysa.
Sida in aan intaasi ciqaab ugu filneyn, waxaa ku dhex socda shaxaadka, baadda iyo bahdilka goobaha qaar.
Qeylada, hoonka, khatarta, xanaaqa uu xanuunku keenay oo lagu shaqlay kuleylka qorraxdu ay meel xun marayaan. Waa waddada luuqyada Ceel Gaab iyo Xamar Weyne isaga dusta ee ah waddada keliya ee isku xirta Liido iyo Number Afar iyo inta u dhexeysa.
Sida in aan intaasi ciqaab ugu filneyn, waxaa ku dhex socda shaxaadka, baadda iyo bahdilka goobaha qaar.
Waxaa in badan ka dhasha in ay baabuurtu isku xirmaan oo wakhti
badan lagu xannibnaado. Taas oo amniga cid kasta oo waddada ku jirta ama
hareera joogta halis ku ah. Sidoo kalena halis u ah in ay magaaladu kala go’do.
Caqligu ma keenin in waddo inta aan la xirin,
la is weydiiyo gaadiidkii mari jiray waddada loo duwi karo. Haddii aanay jirin
waddo loo duwaana in la is weydiiyo waddada loo furi karo xataa si ku meel gaar
ah.
Qiimee Khasaaraha Waddada Xiran
Shacabka magaalada Muqdisho xorriyaddooda dhaqdhaqaaq beri hore ayay
oggolaadeen in laga qaado. Waxay isugu
jiraan qaar ku beddeshay rajo ay ka qabaan in amniga la sugo iyo qaar aan ku
qancin laakiin garan waayay wax ay awoodaan oo sidaa uga dhib iyo khasaare yar.
Cidi ma xisaabin khasaaraha dhaqaale ee waddooyinka xiran ay
sababeen. Lama hubin sida ay u saameeyaan bukaanka iyo dhaawaca doonaya in
Isbitaal lala gaaro. Lama oga inta dadka la xannibay ee nooc walba leh carada
ay ka qaadeen ee ay Dowladda u qabaan inta ay gaarsiisan tahay. Lama qiimeyn khasaaraha nooc kasta leh.
La isma weydiin in cabsida intaa le’eg ee nolosha caasmiaddu ay socon la’dahay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay cid kasta oo cadow ku ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho.
La isma weydiin in cabsida intaa le’eg ee nolosha caasmiaddu ay socon la’dahay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay cid kasta oo cadow ku ah dadweynaha Soomaaliyeed ee Muqdisho.
Xal waa la heli karaa. Gobolka Banaaddir iyo Dowladda Federaalka oo
magaalada kaliya ee aan amarkeeda laga dabahadal ay tahay Muqdisho, waxaa looga
baahan yahay in ay xal la yimaadaan ama ay la tashi la sameeyaan dadweynaha
Magaalada deggan.
Waxa la yiraahaa marka qof neefta lagu
celiyo, wuu illoobaa xuquuqdiisa kale oo dhan. Keliya wuxuu weydiistaa in uu neefsado.
Hadda shacabka Muqdisho waxa keliya oo uu codsanayaa waa waddo uu maro in loo
furo.
Waan hubaa in ay jiraan reer Xamar badan oo iga xog ogaalsan, iyaga ayaan u deynayaa wixii kabid ama haddii aan khaldamay sixitaan ah.
Mas’uulka aan ogeyn inta aan sheegay ama
shaki uga jiro, isagu ha soo hubsado. Mas’uulka og ama hadda hubsada ee ku qanca
oo sidaa ku raalli ah, ma aqaan wax aan u sheego.
Midka aan ku qanacsaneyn, wax ha ka qabto, waxaana
hubaal ah in dadweynaha Muqdisho ku-noolka-ah ay qaar badan oo ka mid ahi ay diyaar
ula yihiin talo iyo waliba in ay gacan ka geystaan in magaalada laga dhigo mid amniga ilaalisa, lagu noolaado, laguna dhaqmi karo.
Hadda ayaan dhammeeyay aarinta. Kunjeer mahadsanid mudane Yuusuf Garaad.
ReplyDeleteAdigaa mudan, kuna mahadsan in aad akhrisay kana falcelisay. Inta aan karo ayaan waajibkeyga gudanayay in aan soo bandhigo sida ay wax iiga muuqdaan oo ah in Muqdisho ay mudan tahay in laga neefiyo culeyska la dul dhigay.
DeleteRuntii was qoro cajiib ah oo xog ogaal uu qoray .
DeleteDhib badan ayaa lagu qabaa wadooyinka muqdishu dhamaan shacabka waa ay ligeynayaa,gamacsigu gadiidkiisu was xirxiranyahay,dhib badan ayaa jirta
Somalia meel uma socoto inta dayuusbaro talada hayaan oo inta manta wxii uu doono sameeyo bari ka duulo
DeleteMahadsanid Ustaad Yuusuf Garaad, Masuul waxbadan og
DeleteAad Iyo Aad Mudane Danjire Yusuf Garaad, Waa Sax Dhibaatadaan Wey Jirtaa [Baydhabo, Kismaayo, Dhuusamareeb,Jowhar,Kismayo iyo Garowe] Intaaba Dhibkaa Sheegtay Kama Jiro "Inta Canshuur Ah Ee Laga Qaado Shacabka Iyo Ganacsatada Reer Mogadishuna Lagama Qaado Intaa Kale Oo Magaalo Dadka Ku Nool" Haddaba Markeey Meeshaas Mareyso
ReplyDeleteDhanka Amaanka
Ka Soo Bilaw Dowladdii Madaxweynihii Hore Abdullahi Yusuf, Tii Shariif Labaduba Magaalo Xeran Majirin "Qolada Dawladda Ka Soo Horjeedana Ka Xoog Iyo Xoola Badnaayeen Sida Eey Hadda Yihiin" Dowladdii Xassan Sheikh Waxaa Bilaawday Xiritaanka Wadooyinka Qaar Kadib Xeelad Badalasho Eey Sameeyeen Qoladdii Dowladda Ka Soo Horjeeday Oo Weeraro Ba'an Ku Qaaday Wazaarado Iyo Goobo Muhiim U Ah Dawladda Walool Dawladii Eeyna Isticmaalin Kaliya (حسار) Ama Dhufeys Eey Ka Gasho Weerar Ku Yimaado.kadib Isbadalkii Yimid 8 February 2017 Doorashadii Ka Dhacday Dalka Waxaa La Doortay M. Farmaajo Iyo Teamkiisa Oo Aad Markii Hore Ka Mid Eheyd [Aragtideyda Qolada Talada Heysa Kama Go'na Wax Ka Qabashada Amaanka Dalka Iskaba Daaye Waxa Kaliya Ka Go'an Ayaa Ah La' Dagaalanka Dadka Kaga Figirka Duwan Hanaanka Amni Ku Soo Celinta Magaalada Mogadishu] Amni Ahaashiyaha Magaalada Mogadishu Waxa Uu Caafimaad U Yahay Soomaali Oo Idin Qaasatan Reer Mogadishu.
MAHADSANID MUDANE DANJIRE ��
Mahadin badan mudane, waa qormo kawaramaysa xaalada ciriiri ee magaalada ka jirta.
ReplyDeleteSida aad xustay ba, amni dartiis baa loo xiray, sidee caqabada wado xirowga loo xaliyaa ayado oo sidoo kale qatarta qaraxyada la yaraynayo?
Suaasha haddaan koobo, see lagu xalin karaa bay kula tahay caqabadii keentay in wadooyinka la xiro?
Mahadsanid.
Mudane ad badumahadsantahay qormadan dher e ad ku ifisay xalada magalada muqdisho runti waxan ka mid ahay dadka muqishoyinka badan uso xadudaheda malin wiliba uso dhexlugeya ninki shalay dhahayey wado lama xerayo aya sidan dadki u dhi ayo talo shacab cid qadaneyso majirto hadi talo laqadanayo siyasiyinta aqonta leh aya lala tashan laha dhibta nucan o kale ma imadeyn
ReplyDeleteAnna anna anna anna aya socoto
Qormo intii aan oran lahaay oratay mahadsanid yuusuf
ReplyDeleteXafiiska madaxweynaha iyo guragiisa waxaa albaabkiisa taagan ciidamada Amisom Qofkasta oo Somali ahna ayagaa baara amaanka uu sugaya xagee ayaal Hadalki uu baarlamaanka ka yiri intaan la dooran ee ahaa hadaan amaan ka dhigi waayo magalada Gawaarida waaweyn ayaan dhexda ka galayaa ayuu sameeyey.
ReplyDeleteWaan dhammeeyay aqrinta maqaalka, waana mid xaqiiqda taabanaya oo qalin farshaxan leh si hagaagsan loogu qoray.
ReplyDeleteIntii aan dhex mushaaxayay sadarrada qormada, waxaanba mooday in aan hadda Ku xannibanahay mid ka mid isgoysyada magaalada oo markii waddooyinkii kale la xiray inta baabbuurtii isugu soo aruureen ay jiq isku noqdeen, waana arrin caadiyan igu dhacda marka aan jaamacadda u socdo ama aan dano kale magaalada u aado.
Dhibka ka jira muqdisho maahan wax qalin lugu soo koobi karo, inta aad adigu haatan tilmaantayna qof kasta oo magaalada jooga marqaati ayuu kaaga yahay.
Ugu dambeyn, in aan kuu mahad celiyo waa igu waajib, maxaa yeelay waajib na wada saarnaa ayaad kaligaa isu xilqaantay. Mahadsanid! Mahadsanid! Mahadsanid!
Aniga waxay qor madani i kala baraysaa waax yaha ay magaalada Muqdisho ka kooban tahay iyo Waddooyinka Hal Bowlaha u ah
ReplyDeleteMahadsanid masuul. Subax kasta ayaan u shaqo tagnaa agagaarka isgoyska Banaadir, waxaanna gaariga uga tagnaa meel aan ka fogayn koontaroolka ay ahayd in aan baaritaanka si nidaamsan u marno kaddibna nala fasaxo. Waxan mar kasta is waydiinnaa goorma ayay idiin suurta gali doontaa in aad si caadi xafiiskiinna ugu soo gudubtaan ayada oo la marayo baaritaan sax ah oo aan dan kale ku hoos duugnayn?
ReplyDeleteMUDANE MAHADSANID! WAAN AKHRIYEY WAANA KAA XIGTEY! SIDII AAD ADIGA U DHIGTEY AAN ANIGA U TABIYEY! WAAN KU QANCEY KHEYR ALLAH KU SIIYO!
ReplyDeletehttps://www.youtube.com/watch?v=NPdW4vmlAnE
Haddi aad page kaaga ii dhigi kartidna Mahadsanid
mahadsanid mudane dhibaatadan waa jirtaa gobolkaan banaadir waa gobolka somalia ugu yar misena ugu dadka badan dhibaatada ugu badan isaga ayay ku dhacdaa dheefta ugu badan isaga ayay ka timaadaa laakiin sida i muuqata xal lagu nabadeeyo waa la weysan yahay dowladii timaadaba been ayay usheegee marka hore , kii damac siyaasadeed kasoo galaba waxa uu leeyahay jidadkaan iska xiran maxay yihin iyo hadalo kalo soo jiidasho leh oo bulshada u riyaaqda markii la doortana kadaranoo dibi dhal aya noqee bahasha isagii dhahaayay jidadka xiran maxaa waaye waa sii badinaa mana arkaayo dhibkaan umada haayo , marka ilaa laga helo masuul markuu xilka haayo iyo markuusan haynba isku si wax u dareemaayo muqdisho sidaan ayay iska sii ahaanaysaa ,ilaahay hanagu amaansado madax hanuunsan alle kacabsigana ku badan yahay oo habeen iyo maalin utaagan umadaan horurmarkeeda ilaahay hanoo keeno.
ReplyDeleteMudane Danjire Mahadsand. Wax jira ayaad sheegtay, Wado la xiro Amni kuma imaan, lagana sugi maayo, Farmaajana nuu furo waayo waxaa lagu doortay waa inuu wadooyinka furayo sidaan u sugaynay inuu furo jidadka Ganjeelayaal iyo Dhismo shub ah ayuu laamiyadii saaray, Sida wadada hormarta Shineemo Xamar iyo Wadada Tarbuunka iyo KM4 isku xirta Ganjeelayaal ayaa saaran.Dhibka shacabka ay ku hayso wadooyinka go'an wax qoraal lagu koobi karo ma aha.Dhaqaale,Ganacsi, Gaadiidka dadka dad waynaha dadka iska lahaa waa ku biil la yihiin.isku socod rajo lagama qabo.
ReplyDeleteQormo wax ku ool ah una baahan hirgalinta talooyinka ku lamaanan qormadan
ReplyDeleteAad iyo aad baan ugu qancay sida quruxda badan iyo runta xambaarsan ee aad u soo bandhigtay qormadaan waase haddii Madaxda sare kugu waa faqdo walow shaki weyn aan ka qabo. Ma jiro masuul ka damqani dhibka shacabka Muqdisho qabaan sababtoo ah iya waxaa u furan waddo kasto.
ReplyDeleteWaa qoraal mug leh... 👌🏽
ReplyDeleteWaa warbixin cajiib ah runtii t
ReplyDeletewa xaqiq jirta mudane.
ReplyDeleteAcww. Aad ayaad ugu mahadsantahay qormada Mudane danjire.
ReplyDeleteDhib jira oo muuqda aanna la inkiri Karin Ayad sheegay. Xalkiina hala tashado iyo halays fiiriyo Ayad ku gorfeysay.
Haddii ad (Maanta) fadhiso kursiga madaxtooyada xaalkuna sida ad qeexday yahay maxad samayn Lahayd??
Yusuf Garaad dhabtii xaqiiqda saxda ah ayaad qortay. Waxaanba is iri meeqa mar ayuu Yusuf Wada xiran ku soo dhacay
ReplyDeleteDanjire Yusuf Garaad ,qoraal qiimo baan ayaad kusoo bandhigtay ,dhibaatada haysata dadka ree Muqdisho .
ReplyDeleteDadka ree Muqdisho dawladnimo inay helaan ayaan ugu ducaynayaa.
Ustaad waad mahadsanthy waxa aad ka hadashay arin in badan aan laga hadlin saxaafadna aysan soo hadal qaadin.
ReplyDeleteWaxaa tahay diblomaasi soomaaliyeed saxafi,macalin iyo in kale oo aana halkaan ku soo koobi karin.
Waxaan ku dari lahaa wadada N4 soo gali jirtay ee ka imaan jirtay dhanka tarabuunka taasi oo hada xiran wadada dhaxdeedana ay dagtay safaarad shisheeye oo ayba dhisatay.
Xalku waxa uu ka imaan karaa dowlada shacabkana dulqaadku waa ka dhamaanayaa hadi ay sidaan ku sii socoto.
Waa mahadsanthay sida qiimaha leh ee aad nola wadagtay
ReplyDeleteAmb: Yusuf Garaad waa mahadsantahy xogta aad nala wadaagtay hadii aan nahay dadka ku nool magaalada Mogadishu waxaan xaqiijineynaa dhamaan inta aad sheegtay inaay tahay xaqiiq jiro noloshii magaaladane aay mid aad u ciriiri badan noqotay.
ReplyDeleteDowlada Somalia iyada ayaa dalka iyo dadka ka mas'uul ah waxaan talo u soo geedineynaa magaalada xamar waxey eheed magaalo leysku jimco tago oo leysisoo booqda hadda waxaas waa dhamaatay wadooyinka xiray raadka aay reebeen bey ka mid tahay qaraabadii inay sitoos ah isaga war qabin caqabadaha wadooyinka xiran darteed.
Mahadsanid Mudane, Amb, Ex Wasiir iyo Qoraa sare Yusuf
ReplyDeleteMahadsanid ex wasir qormo cilmi eedaab ad uquruxbadan lagu Soo bandhigay
ReplyDelete