Intii aan joogay Seychelles, waxaa la ii qabanqaabiyay in aan
dushiisa tago markab dagaal oo uu Talyaanigu leeyahay oo ka tirsan Howlgalka
Atlanta ee ciidammo badeed oo Midowga Yurub ay Badweynta India kaga ilaaliyaan
burcad badeedda.
Markabka, oo magaciisa la yiraahdo FASAN waa markab dagaal. Magaalada Victoria oo Jaziiradda Mahe ee oo ka
mid ah 150 Jaziiradood oo uu ka kooban yahay dalka Seychelles ayaan ka raacnay
dayaarad militeri oo kuwa qummaatiga u kaca ah.
Tobaneeyo daqiiqo ka dib waxay dul degtay markabka VIRGINIO FASAN.
Markabka waxaa la socda ciidan ka socda dalal kala duwan oo Yurub ah
iyo askari ka soo jeeda dalka Djibouti si uu uga tarjumo haddii la qabto burcad
badeed af Soomaali ku hadlaya.
Waxay nooga warrameen sida ay uga howlgalaan Badweynta India ayaga
oo baadigoobaya burcad-badeed. Waxay noo
fasireen markaabta kale iyo weliba dayaarado iyaguna howlgalka ka mid ah oo
qaarna Djibouti joogo qaarna ay badda ku jiraan.
Lix Soomaali ah oo ku eedeysan fal burcad-badeed |
Isu geyn waxaa muuqata sida ciidammada howlgalka Atlanta ay u
feejigan yihiin, u hubeysan yihiin uguna qalbeysan yihiin gaadiid cir, mid
badeed iyo qalab isgaarsiineed oo casri ah, taas oo ay uga adag yihiin kooxdii
isku dayda in ay weerarto markab maraya badda Soomaaliya ama badweynta ku beegan
Soomaaliya.
Sawirrada aan soo bandhigay waxaa ka mid ah lix eedeysane oo aan la kulmay iyaga oo Seychelles la geeyay afar maalmood hortood. Wejiyadooda lama garan karo maaddaama ay yihiin eedeysanayaal oo aan dembi lagu helay jirin ilaa iyo hadda.
Qabashadooda waxaa loo adeegsaday Helicopter, dayaarad sahan ah, doon dheereysa hubeysanna iyo markab dagaal.
Wiilasha Soomaaliyeed oo aan wadajir iyo mid midba ula kulmay, ugu yaraan laba ka mid ah ayaa igu ooyay.
Waxay ila noqotay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee laga yaabo in ay ku hamminayaan in ay fal dembiyeed ka geystaan badda Soomaaliya, waaba haddii ay weli jiraana aan ugu digo in ay ka waantoobaan in ay khatar geliyaan naftooda ama xataa haddii ay naftoodu u badbaaddo ay xorriyaddooda.
Waxay ila noqotay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee laga yaabo in ay ku hamminayaan in ay fal dembiyeed ka geystaan badda Soomaaliya, waaba haddii ay weli jiraana aan ugu digo in ay ka waantoobaan in ay khatar geliyaan naftooda ama xataa haddii ay naftoodu u badbaaddo ay xorriyaddooda.
Halkan waxaan ku soo bandhigayaa qaar ka mid ah sawirro ay qaadeen
kooxdii aan isla soconnay iyo sawirro ciidanka Atlanta ay qaadeen oo muujinaya
socdaalkeyga iyo weliba wiilal Soomaaliyeed oo lix ah oo bishii hore laga soo
qabtay ku aadka badda Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu tuhmay in ay yihiin
burcad-badeed laakiin aan weli la saarin Maxkamad.
Dowladda Soomaaliya waxay ka shaqeyneysaa wiilashaas Soomaaliyeed oo la qabtay bishii hore aakhirkeedii sidii ay ugu
qaban lahayd Qareen isla markaasna uu Diblomaasi Soomaaliyeed goob joog uga
ahaan lahaa dacwadda.
No comments:
Post a Comment