War Saxaafadeed
maanta ka soo baxay
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Danjire Dr. Cali Saciid Faqi |
Ka dib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane
Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo
tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee
Soomaaliya, Yusuf-Garaad Cumar, wuxuu u xil saaray Danjiraha Soomaaliya u
fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi, in uu u
kuurgalo, soo ururiyo, warbixinna ka soo diyaariyo xogta dhabta ah ee Soomaalida
ku xanniban dalka Liibiya.
Maaddaama uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay Dowladdu deg deg u qaaddo
tallaabo kasta oo sharci ah oo Soomaalida Liibiya loogu soo celin karo dalkooda
hooyo, Wasiirku wuxuu Danjiraha farayaa in uu laba toddobaad gudahood ku soo
diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Soomaalida joogta dalka Liibiya iyo waliba
talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqaaqdo.
Danjire Dr. Maxamed Cali-nur Xaaji |
Mas’uuliyiinta iyo hey’adaha Dowladda ee uu u baahdo in uu
waajibkaas loo xil saaray uu la kashado, wuxuu Wasiirku ka codsanayaa in ay
Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.
No comments:
Post a Comment