Ugaaska (dhexda) |
Waxaan goor subax ah ka amba
baxnay Dhuusa Marreeb. Waxaan wadannaa laba gaari. Ciidan nama wehliyo.
Waxaan ka kooban nahay saddex
Muqdisho ka timid iyo laba noo wehel yeeshay iyo laba darawal. Waxaa i wehliya
Xasan Daa’uud Galool iyo Maxamed Qaasim oo aan Muqdisho iska soo raacnay, Cabdi
Maxamed Jaamac, Cabdi Waayeel iyo Xasan Sabriye oo noo wehel yeelay.
Inyar markii aan waddada woqooyi
u raacnay ayaan gaarnay tuulada Mirrig. Waxaan waddada uga degnay dhanka Woqooyi Galbeed. Jihada soohdinta Ethiopia oo aan fogeyn ayaan foolka saarnay.
Qaddar yar ka dib waxaan ka baxnay
dhulkii dhagaxa ahaa. Waxaan u dhacnay carra guduud ay dadka qaar u yaqaannaan
cadduun. Waa dhul geed gaab ah, caws leh, carro guduudan, waddaduna ay tahay mid
goolada badan oo la ii sheegay in ay dadka qaar ku tilmaamaan in ay tahay sida raadka kaadi dibi.
Bangeelle |
Isu ekaanta muuqaalka oo keliyihi ima soo xusuusin Maasai Mara oo Kenya ah iyo Serengeti, oo Tanzania ku taal. Labada gobol ee labada dal ka kala tirsan dhulkoodu waa isku nooc, xayawaanka jooga isku nooc keliya ma aha ee waa isla midkii oo marba xilliga la joogo dhanka daaqsin wanaagsan u hayaama, dadka labada dhinac ee soohdinta degganina waa isku qowmiyad isku af, dhiig iyo dhaqan ah. Waa Maasai.
Bangeelle wuxuu kaga duwan yahay dhulka ay isku nooca yihiin ee Kenya iyo Tanzania, in aanuu hadda lahayn duurjoogta quruxda, noocyada iyo tirada badan ee loo dalxiis tago. Ma qabo in aan tabtaas ama tu ka daba dhow laga dhigi karin.
Waxaa banka ku dhex yaalla
tuulada la magaca ah ee Bangeelle.
Waxaan uga gudubnay Caabud Waaq.
Waa magaalo cammiran, dad iyo
degaanba. Dadku noloshooda ayay raacanayaan. Inkasta oo aanan aad ugu dhex wareegin, indhahaygu ma qaban dhismayaal badan oo waaweyn.
Waxyaabo dhowr ah oo aan jecleystay
ayaan safarkeyga ku soo arkay. Saddex ka mid ahi waa mashaariic laga fulinayo Caabud Waaq.
Saddexdaba waan
jecleystay.
Ka sokow in ay yihiin kuwo bulshada waxtar u yeelan kara, haddana waxaan aad ugu diirsaday sida ay bulshadu isu xilqaantay oo ay iyadu isugu tashatay si ay u hirgeliso.
Ka sokow in ay yihiin kuwo bulshada waxtar u yeelan kara, haddana waxaan aad ugu diirsaday sida ay bulshadu isu xilqaantay oo ay iyadu isugu tashatay si ay u hirgeliso.
Waxaan booqannay oo na soo
dhoweeyay Ugaaska.
Qaddarka yar ee aan la joogay wuxuu iigu muuqday nin dhallinyar, faraxsan oo maskax furan.
Waxaan tagnay Guri degaan u noqon doona Ugaaska oo hadda la dhisayo. Waa guri ku fadhiya dhul ka weyn dhulka Hoteellada waaweyn ee Muqdisho badankood. Wuxuu ka kooban yahay degaan, qolka shirarka oo kun qof ka badan qaada iyo xafiisyo, musqulo casri ah iyo beer nasasho oo aad uga weyn qolka shirarka.
Qaddarka yar ee aan la joogay wuxuu iigu muuqday nin dhallinyar, faraxsan oo maskax furan.
Waxaan tagnay Guri degaan u noqon doona Ugaaska oo hadda la dhisayo. Waa guri ku fadhiya dhul ka weyn dhulka Hoteellada waaweyn ee Muqdisho badankood. Wuxuu ka kooban yahay degaan, qolka shirarka oo kun qof ka badan qaada iyo xafiisyo, musqulo casri ah iyo beer nasasho oo aad uga weyn qolka shirarka.
Mashruuca labaad waa dhismaha
Gegida Dayaaradaha oo cagafyo waaweyni ay hadda dhisayaan dhabbaha ay
dayaaraduhu soo caga dhigan lahaayeen.
Mashruuca Saddexaadna waa dhismaha
Faraca keliya ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ku leedahay meel ka baxsan
Muqdisho.
Jaamacadda oo xeynaadbkeedu yahay
dhul uu ballaciisu yahay 500 oo miitir dhererkiisuna yahay 1000 miitir waxaa
bixiyay Cabdi Maxamed Jaamac oo hadda ka tirsan Wasiirrada cusub ee Galmudug.
Mashaariicdaas oo dhan waxaa
ra’yigooda, dhulkooda iyo dhismahoodaba leh dadweynaha degaanka.
Runtii waa horumar lagu farxo mudanna dhiirri gelin iyo taageero Dowlad Goboleed iyo mid Federaal labadaba.
Runtii waa horumar lagu farxo mudanna dhiirri gelin iyo taageero Dowlad Goboleed iyo mid Federaal labadaba.
Waa Olol. Waa mar aan weynay signalka EVC. |
Yaabka ugu wanaagsan oo aan soo
arkay waa amniga degaanka. Waddada isku xirta Dhuusa Marreeb iyo Caabud Waaq.
Keligaa ayaad gaarigaaga wadan kartaa oo aad u kala safri kartaa adiga oo aan
hub sidan. Waana arkay mas’uuliyiin sidaa sameynaya.
Safarkeygii 1986. Cabdi Waayeel (ugu bidix) |
Berigaas wuxuu Cabdi - Waayeel ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Ummadda. Aniguna waxaan ahaa Guddoomiyaha Ardayda Kulliyadaha Gahayr.
Waan ku faraxsan ahay in aan dib ugu laabto aniga oo ka tirsan Jaamacadda, mas’uulka igu casuumayna uu yahay Cabdi – Waayeel.
Safarka Caabud Waaq wuxuu billow u
ahaa safar aan masaafo kun km ka badan ku maray si nabad ah, wax badanna aan ka
barannay , saaxiibbada ila socday iyo anigu.
Waxa aan kala kulmay magaalooyinka saddex Gobol ka tirsan oo aan tegey, Insha Allah maalmaha soo socda ayaan kugula wadaagi doonaa qormooyin tan daba jooga.
Waxa aan kala kulmay magaalooyinka saddex Gobol ka tirsan oo aan tegey, Insha Allah maalmaha soo socda ayaan kugula wadaagi doonaa qormooyin tan daba jooga.
Ku mahadsanid in aad akhrisay. Fadlan aragtidaada ila wadaag.
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
DeleteYusuf garaad nin culus markaan qoraalkaada ciwaankiisa arko waxaan u degdegaa sidaan u akhrisanlahaa macluumaadka aad soo qorto
DeleteBangeelle waa Galguduud. Ma hubo Degmada uu ka tirsan yahay. Wuxuba aad uma kala foga haddii waddo qumman la dhisan lahaa.
DeleteWaa kahelay qaab qoraalka lkn wax aanan filayn ma ahayn nabadda iyo xasiloonida aa sheegtay waxaan sugaaba waa Ceelkii aan kudhashay iyo sida aa uga hadashid
DeleteYusuf garaad waa qormo qiimo leh meesha aad martay bangeele waa meel aan aad u xasuusto waxaa ka baxa geedaga loo yaqaano, Daa"Cule Dhaluuq, Iyo kuwa kale oo geelo aad u jecel yahay
ReplyDeleteWaan kaa sugaynaa kuwa xiga masuul,
Daaculle earayada aan yareyn ee Qaamuuska maskaxdeyda ku soo biiray ayuu ka mid yahay intii aan safarka ku jiray. Waxaanse mar kasta dhib ku qabaa in aan geedaha kala aqoodo marka laga reebo qaar fara ku tiris ah.
DeleteSafar qurux badan buu ahaa
ReplyDeleteKu dhiiri geli kuwa dhulkooda aaminsanen wana ku mahadsan tahay Jaale Ex Wasiir.
ReplyDeleteYusuf Garaad Safarkaan hadda oo wakhtiga intaas dhan qaatay muxuu ahaa macnihiisu mahadsanid
ReplyDeleteMasha allah waxa tahay shaqsi kudayasho mudan waxan ka rajeynaa intas in kabadan ina nabari doontid wuxu aha safar micne weyn kufadhiyey.
ReplyDeleteMahadsanid mudane insha Allah waxaan sugnaa waa qeybta kale
ReplyDeleteQoraalka intii aan akhrinayey waxa aan si gooni ah uga helay, tuulada aad tiri waxa aannu ka gadanay dhar, taas oo muujinaysa inad qof dhiirigeliseen. Mudane soo badi qoraallada, wax badan ayan ka baran doonnaa.
ReplyDeleteRuntii waa qoraal aad u macaan intaan aqrinayayna marnaba kama caajisin ilahay dalka dhan nabad iyo amni Haa inooga dhigo @yusufGaraad alaha ku xifdiyo dabcan waxaad nala wadaagtaa taariiqo iyo qoraalo aad u qiima badan Haa ahaa mid hada ah iyo mid waqti anagu ananba uunayn aad usoo joogtaybee balse Aan u baahanahay inan Aan wax ka kgaanee.
ReplyDeleteMahadsanid mudan waziir waanu sugaynaa qaybaha dambe ee taxanaha aad oga hadli doonto. #NabaadDiino.
Aad iyo aad ustaad waax wax lagu farxo masaafo intaa la,eg amnigeedana leesku haleeyn karo
ReplyDeleteWaan Jecleystay qoralkaaga Mahadsanid Mudane
ReplyDeleteWaa wormo aad u qiimo badan.runtii waxaad tahay masuul ey yartahay sida aad wax uga qoreyso dalka hooyo gaar ahaan eray bixintaada heybada leh iyo qormooyinkaga tolmoon. Aad baan kaaga mahadcelineynaa gaar ahaa aniga oo qormadaada in badan oo igu cusub aan ka faa'idey iyo deegaanno aan weli maqal iskaba daa e aragtidoodee.wey jirtaa mar aan tagay Caabud-waaq weliba xilli shaqo. Ku mahadsanid Yusuf Garad
ReplyDeleteQormo cajib ah kuwa kalena waa ka sugaynaa insha allah
ReplyDeleteMasha Allah
ReplyDeleteYg waa war bixin wanaagsan
Waa markaan dhashay xiligaas aad dadka dhiiri galinaysay ��������
Yusuf garad safarki guricel qormo maka diyarisay?
ReplyDeleteHa ka hor dhicin.
DeleteDhamaan magaalooyinkaas wax shilin somali ah lagama isticmaalo, waxanse kahelay eray bixinta ry ula bexeen halka centi oo ah FALIS��.
ReplyDeleteKoobka shaaha ah waa 3 Falis��
Dhabtii yusuf waan aqriyay shekadda waxana wax wanagsan in ad wax badan ka qortid waxyanihii ugu wanagsanaa ee aaad ku aragtay dhulka cudoon ee galmudug
ReplyDeleteWaana ku mahadsantahy in aas nala wadaagto
Waa qormo cajiib ah runtii oo aanan laga daaleyn aqriskeeda. Yussuf Garaad waxaa Fiicnaan laheyd in aad qoraalkaagan quruxda badan kusoo lifaaqdo sawirrada "Bangeelle" si anaguna aan indhaha ugu doogsanno aragtida dhulkii Hooyo. Ku mahadsanid soo gudbinta, waxaan sugnaaba waa qormada xigta Inshaa Allah.
ReplyDeleteBanka Bangeelle waxaan ku xasuustaa anigoo ilmo yar ah in qoyskeenna oo Xoolo dhaqato ah u guuray, annagoo kasoo guurnay meel geedo badan, aniga waxay igu ahayd arrin cajiib ah oo illaa hadda aan maskaxdeyda ka go’in, waxaase igala cajiibsanaa oon ayadana illaa hadda aan maskaxdeyda ka go’in utunna igu noqotay, cabsi halkaasi ka jirtay oo salka ku haysay colaad u dhaxeysa beesha aan ka dhashay iyo beel kale oo ay daaqsin wadaag ahaayeen, maadaama aan ilma yar ahaa dabiiciyanna aan ahay dadka emotional_ka ah, waxay dhagahaygu aad u dhibsan jireen sheekooyinka iyo dhacdooyinka maalinlaha ah ee aaggaas ka dhaca. hadda waxaan ku noolahay mid kamid ah waddamada hor maray waxna waan bartay. Waxyaabaha aan u qaadan waayo waxaa kamid ah, markaan arko dadkii xilligaasi magaalada joogay ama dhallinyaradii ila da’da ahayd ee ku dhashay magaalyinka waaweyn waxna ku bartay oo u suxul duubaya reeraysi iyo fidno.
ReplyDeleteYuusuf Garaad omar waxaan ahay dadka kugu
ReplyDeleteXidhan mudo badan waxaan ku waydiiyey
Bangeele xaguu ayuu ku yaal deegaan ahaan
Iyo gobolkee ma galguduud mise mudug
M.a waxaa aad iisoo jiitay sawirkaaga 1986, iyo markaad olol ka dukaamaysanaysay. Masuul qiimo badan
ReplyDeleteMasha allah mudane aniga qormooyinkaaga ayan aqriskooda ku raaxeestaa
ReplyDeleteEe allaha kudaaayo masuuul
Deeganada galmudug inta ugu badan waa dhul aad marinkarto bilaa cabsi oo aad kaligaa ku safri karto alle hanoo siyaadsho nabadaas ka jirta galmudug.
ReplyDeleteAdne waad ku mahadsan tahay mudane sida aad usoo booqatay qormooyina uga sameyneyso.
Yuusufow waad Mahadsantahay lkn Markii ad Bangeele mareysay waxaad ilowday deegana badan sida Mirijiicley oo u dhaxeysa Bageele iyo Xananbuura sidoo kale Huurshe oo aad Xanannuura kaga sii gudbi kartay 8 sano ayaan dhulkaas ka shaqeynayay xiliyada roobka ah waa meesha kaliya ee mudan in lagu noolaado
ReplyDeleteMash keep goinG PuntlanDNa imow MuwaadiN amaaNa waxaa no dheer so dhawayN kal iyo LaaB
ReplyDeletemarka koowaad mahad sanid marka xigta Safarkaga Cabudwaaq qoraalkaga iyo fariintadaba kuma jirto marka laga yimaado mashaariicdas wax horumar ah oo ka socda halkaas. magalada miyaa saas ah mise adaan ka gaarin bookhashada gudaha magalada ? tan kale xiligii kugu danbeysay Cabudwaaq iyo xiligan maxaad kusoo aragta oo kala duwanansha ah ?
ReplyDeleteWa qormo tifaftiran. Midkii Galkacyo ayan sugaynaa inshaa.alah
ReplyDeletemagaaloyinka kalena sidaa uga soo hadaha arkeynaa
ReplyDeleteManshallah waa qormo si xirfadaysan oo cajiib ah loo qoray waadna Ku mahadsnan tahay sida waanagsan aad noo tusisay bilicda wadankeenu keeyahay, iyo xasuus qorka Hore ee waqtiga dowladnimada.
ReplyDeletehadaanu nahay dhalinyarada soomaliyeed waxaad tahay dadka fara ku tiriska ah ee wanaagu dalku leeyahy na tusiya Waxaadna tahay qoraa cajiib ah mudane oo qisoonyinkiisa akhrintooda lagu caajisin
Waxaan ku dhashay Olol. 80 meeyadii ayaa aabahay maxamed xaashi baraale ka dhisay gurigii iyo barkadii ugu horeeysay sidaana deegaan kunoqotay. Aabe waxuu ka hirgaliyey ganacsigii ugu horeeyey isla markaasna dadkii ku xeernaa Olol kaga maar meeyn safarkii aay ugali jireeyn magaa looyin ka fog fog. Qiyaas ahaan 1988 kii ayaa Olol iyo Xananbuure waxaa dhisma yaashii iyo barkadihii ka burburshay dowladii markaah talada heeysay waxeeyna ugu yeereeyn “dhul seer ah” oon ladeegaa meeyn karin. Family geeygii iyo dadkii deegan kaba waxeey u sikadeeyn dhanka dhuusamareeb sidaa ayuu kunoqday dhul lama dagaan ah mudo dheer. Sikastaba ha ahaatee, 2000 kii ayaa aabe ka dhisay guryo, masaajid iyo barkad sidaana aay markale deegaan kunoqotay.
ReplyDeleteWaad ku mahadsantahay mudane lawadagaaad nala wadagtay.
ReplyDeleteTh runtii waad na jecleysiday wadanka
Wa qorral qurux badan mudane mudane jubboyinka wax ma ka qortay haday jiran ila wadag abaha wuxu aha dadki dagana kismayo wali nabadonida caanka aha e loga danbeyay ka shaqenta nabada mahadsanid
ReplyDeleteMasha allah waxaan kugu bogaadinayaa inaad ka sheekayso safar aad ku matayso meela kamid ah dalkaaga hooyo, taasi ayaa ka turjumaysa wadaniyad iyo ilbaxnimo dheeraad ah oo ku dhaanto in badan oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada.
ReplyDeleteCaabudwaaq anigu waan ku dhashay waanan ku barbaaray waxna ku bartay kuna baranayaa ilaa heerka jaamacadeed oon hadda ku jiro, jamacadda ummadda soomaaliyeeed.
Asc wr wb. Waa cajiib warbixintaadan waxaana ku jira macluumaad
ReplyDeleteWaan igu socotay aqriskeeda sheekada anoo sii rabo ayee iga dhamaatay .mahadsanid yg.
ReplyDeleteWaan kaa sugeynaa qoraalada ku xiga iyo safarkaagii magaaloyinka kale
ReplyDeleteAad iyo aad wa qormo aniga ahaan i cajab galisay waxaan ku leeyahay horay usoco ex wasiir Yuusuf garaad dhalinta aqoon iyo tacliin ayad uso gudbisaa mahadsanid
ReplyDeleteAbsolutely beautiful place
ReplyDeleteWadadas waxaan ku safray sanadii 2012-dii mar aan u howlo kormer ah ku tagay laga bilabo dhusamareeb ilaa Galkacyo inta aad ka sheegeyso waa runtaa.
ReplyDeleteCaabud-waaq marka aad ka baxdo dhanka gaalkacyo waxaad arkeysaa dhul daaqsimeed ku wanagsan dhaqashada xoolaha oo haduu roob helo indhuhu ay jeclaanayaan. Xoogaa ka dib waxaad tageysaa deegaan la yiraahdo Dhabad Oo ah Tuulo Qaangaar ah, balse marka aad dhaafto dhanka Gaalkacyo waxad fooda saartay Bangeelle oo ah dhul banaan oo ku wanagaasan Dhaqashada Lo’da iyo Ariga umana baahna in la raaco labadoodaba waayo waa dhul siman oo ad arki karto Xoolihii saakay soofay.
Wax badan ayaa nafahamsiisay oo aan dadbadan ka rumens teen mahadsanid yusuf garad
ReplyDeleteYusuf dadbadani waxeey aaminsanyahiin in ay tahay galmudug meel aan waxna kuwanaagsan tahay aysanjirin taas maxaad kaleedahay??
ReplyDelete