Axmed Shiikh Maxamuud (Amoore) |
Axmed Shiikh Maxamuud oo saddex jeer Wasiir
ka noqday Soomaaliya ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Erdoğan ee loo aqoon jiray Digfeer ee Muqdisho. Allah ha u naxariisto.
Axmed inta aan ka aqaannay ayaan sadarradan kugula wadaagayaa.
Axmed Shiikh Maxamuud oo loo yiqiin Amoore
wuxuu ahaa nin asluub badan oo dadku ka nabad galo af iyo addinba. Wuxuuna ahaa
nin akhyaar ah oo dad la socod wanaagsan, khibrad badan ka helay nolosha, wax bartay,
dalkana u soo shaqeeyay, waliba xilliyo adag oo uu khatar u bareeray.
Axmed wuxuu ku dhashay Ceel Buur 1944.
Wuxuu shaqo ku billaabay in uu tolo
harqaan. Ceel Buur iyo ka dib Xamar, isaga oo waxbarashadiisana wata.
Qalinjebintiisa ka dibna wuxuu noqday
Macallin.
Mcallinnimo dabadeed Ganacsi ayuu u wareegay.
Siddetamaadkii wuxuu lahaa Tukaammo mid ku yaallay Waddada Soddonka, ka soo horjeedka Hotel
Towfiiq. Midka kale wuxuu saarnaa waddada Maka, meel aan ka fogeyn isgoyska Dabka,
garabkana ku haya Hotel Buraaqo oo uu isagu lahaa.
Manifetso
Wuxuu ka mid ahaa waxgaradkii 114-ka
mas’uul ahaa ee ku dhiirraday in ay 15-kii Meey 1990 saxiixaan dhambaalkii loo
bixiyay Manifesto.
Raggaas oo isugu jiray siyaasiyiin hore,
aqoonyahanno, ganacsato waaweyn iyo qaar intaba wada ah, waxay Madaxweyne
Maxamed Siyaad ugu baaqeen in dalka la nabadeeyo laguna soo celiyo
Dumiqraaddiyad.
Beryahaas oo aan howlo samafal si joogta ah ugu tegi jiray
Berbera iyo magaalooyin kale oo woqooyiga ah, oo markaa ay colaad ba’ani ka
taagnayd, waxaan xusuustaa Axmed in uu aad iiga wareysan jiray xaaladda nolosha
iyo amni ee Woqooyiga.
Axmed oo ay dhalyo dhow naga dhaxeyso, waxay sheekadeenna Woqooyigu ay ii horseedday
kalsooni hor leh iyo in aan ka sheekeysanno amni, siyaasad heer Qaran ah iyo
Diblomaasiyad.
Waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo qaarkood
doblimaasi ahaa oo la isku dayay in Mucaaradka Maanifeesto, Jabhadaha hubeysan
oo ay SNM ku jirto iyo Dowladdu ay gaaraan heshiis xabbad joojin ah, lana dhiso
Dowlad wadaag ah oo intuba ay ku jiraan. Waxaa la doonayay in taas loogu gogol
xaaro in Madaxweynuhu uu xilka ka dego.
Fikradihiisa iyo walaaca uu ka qabay
khatarta ka imaan karta dagaalku waxay ka mid ahaayeen sheekooyinkii iigu
horreeyay ee aan la yeesho mas’uul bartanka uga jira siyaasad mucaarad ah oo jabhad ka-warqab-ah iyo diblomaasiyad.
Xilligaa ka hor, rag aan qaraaba nahay oo
isaga qaar wada dhasheen, qaarna ay ilma adeer ahaayeen waxay ka mid ahaayeen
ragga aan dhegeysan jiray sheekadooda. Nolol maalmeedka ka sokow waxay ka doodi jireen diin, qaanuunka iyo shareecada, anshaxa qoyska iyo midka shaqo, falsafad, taariikh,
siyaasad, cilmu nafsi, dhaqaale iyo nolosha dalal kale oo ay qaarkood wax ku
soo barteen ama ay shir u tageen.
Haba u kala badnaadeen ka soo qeyb galka
laakiin waxay qaarkood joogto ugu kulmi jireen Africafe, Baar Ayaan iyo goobo
kale oo ganacsi.
Raggaas waxaa ka mid ahaa Cabdi–Xaashi Macallin
Cabdullle, Cusmaan–Gaacuur, Maxamed Shahaad, Cabdiriin Qeylshe,
Siciid Qooryare, Axmed-Nuur Macallin, Xasan-Diritoor, Cabdi–Door,
Wasiiqo iyo saaxiibkeeygii weynaa Cali–Muddiir.
Xataa berigii aan Raadiyaha ku cusbaa usbuucii
dhowr jeer ayaan is arki jirnay qaar ka mid ah raggaas oo wada jooga. Waxaan
qaarkood ka heli jiray falcelin barnaamijyada iyo wararka aan sii daayay ama
maqaallada aan ku qoray wargeyska.
Mararka qaarna waxaan ka heli jiray ra’yi
igu dhaliya su’aalo, mararka qaarna qayb ka noqda amaba sabab u noqda curinta
soo saaris mowduuc saxaafadeed.
Waxay saaxiibbo dhow ahaayeen Maalqabeenkii
da’da yaraa, aragtidana fogaa ee Xaashi Weheliye Maalin oo ay ka wada tirsanayeen raggii saxiixay Manifesto.
Wasiir
Axmed Shiikh Maxamuud wuxuu Wasiir ka
noqday Dowladdii ugu horreysay ee la dhisay markii ay burburtay Dowladdii uu
Hoggaaminayay Maxamed Siyaad iyo tii ku xogtayba.
Dowladdaas, Cali Mahdi Maxamed ayaa
Madaxweyne ka ahaa, Cumar Carte Qaalib-na Ra’iisal Wasaare.
Xogtaas waxaan ku helay Roma oo aan markaa
joogay. Telefoonnadu waa ay go’een intii uu dagaalka Dowladda lagu
riday ka socday Muqdisho, dibna looma soo celin. Boosto ma shaqeyso. Dayaaradana ma yimaadaan dalka.
Waxaan u maleynayaa in ay ahayd bishii
Februray 1991 mar aan tegey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga oo loo
yaqaan Farnesina. Mas’uulkii aan la kulmay oo bargarasho yari naga
dhexeysay waxay ii sheegtay in ay iyadu hoggaamin doonto wafdi Talyaani ah oo berri tegaya. Xaggee u socdaan? Muqdisho.
Waxaan u sheegay in aanan ka warqabin
reerkeygu in uu dagaalka ka badbaaday iyo in kale. Sidaa darteed waxaan ka
codsaday in ay waraaq iga qaaddo jawaabna ii keento. Waxay ii sheegtay in ay
Xamar joogeyso saacado kooban.
In yar markii aan fekeray, waxaan weydiiyay
cidda ay la kulmeyso. Waxayna iigu jawaabtay Dowladda.
Paris, 1991 Amoore (bidix). |
Iyadana waxaan ku adkeeyay marka ay tagtaba
in ay weydiisato in Wasiirkaa ay aragto, marka ay isaga waraaqda u dhiibeysana
ay ka dalabto in ay dooneyso in ay isla hadda jawaabta ka qaaddo.
Laba maalmood ka dib, markii uu wafdigu soo
laabtay ee aan Telefoon kula hadlay, waxay ii sheegtay in ay waraaq iiga siddo
Wasiirka.
Xaashidaas inta aan furayay iyo inta aan
akhrinayayba gacmaha ayaa i gariirayay. Taagni ayaan ku akhriyay Xafiiska dhexdiisa. Sadar kasta
marka aan akhrinayo waxay indhaheygu u sii boodayeen oo ay eegayeen laba iyo saddaxda sadar ee ka
hooseeya aniga oo ka goobaya magaca qof dhintay, la waayay ama badbaaday.
Xaashida aan dhakhsaha u helay xilli ay
adkayd in Muqdisho war laga helo, iina sheegtay in qoyseygu uu ka badbaaday
dagaalka Xamar ka dhacay, waxay ku qornayd gacanta. Weli waxay hadda 2020 ku jirtaa
keydkeyga.
Bilo kooban ka dib, Wasiir Axmed Shiikh
Maxamuud, waxaan ku soo dhoweeyay Roma, isaga oo ah Wasiirka Tacliinta Sare oo
ka yimid Paris. Halkaas oo uu shir kula yeeshay UNESCO iyo Dowladda
Faransiiska.
Axmed Shiikh Maxamuud wuxuu ka mid ahaa
Soomaalidii ka qeyb qaadatay in uu najaxo shirkii Carta ee sannadkii 2000 lagu dhisay Dowlad
Soomaaliyeed. Toban sano oo Dowlad la’aan ah ka dib ayay ahayd.
Axmed - Amoore mar kale ayuu Wasiir noqday
sannadkii 2000. Waa Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan
ee Ra’iisal Wasaare Cali Khaliif Galaydh.
Sawirkii ugu dambeeyay |
Ka dib markii Hoggaamiye Kooxeedyada oo
markii hore qaaddacay shirka Carta, qaarkood ay Dowladdu wadahadal la gashay,
Axmed waa uu ka degey xilka, si uu Dowladda ugu biiro Maxamed Qanyare Afrax, oo
ay isku kursi ahaayeen.
Labadada Allah ha u naxariisto.
Axmed Shiikh Maxamuud, isaga oo xanuunsan ayaan gurigiisa ku booqday bishii Febraayo ee sannadkaan. Aad ayaan u naxay marka uu i aqoon waayay.
Axmed Shiikh Maxamuud, isaga oo xanuunsan ayaan gurigiisa ku booqday bishii Febraayo ee sannadkaan. Aad ayaan u naxay marka uu i aqoon waayay.
Safar Turkiga ah oo caafimaad ayaa loo
diyaariyay, laakiin iyada oo wax walba ay u dhan yihiin isaga iyo laba gabdhood oo uu dhalay oo qaadi lahaa, ayaa isu socodka la
xannibay oo ay dayaaradihii joojiyeen duullimaadka.
yusuuf Allah unaxariisto waxbadan ayaad noga ifisay Taariikhdiisa
ReplyDeleteXogOgaal wayn baad tahay mudane wasiir. Allaah haku xafido.
ReplyDeleteAmiin Ilaah ha u naxariisto
ReplyDeleteAlle ha unaxariisto janatol firdawsa haka waraabiyo ameen Samir iyo imaan familykii iyo dhamaan ehelka
ReplyDeleteWaad mahadsan tahay dhan baal fican oo wax noofaa idaynaayo baad noo soo ban dhigtay.
Mahad sanid Mudane Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay sida qurux da badan ee mar walbo noogu ifiso dhacdooyinka iyo taarikh aan u baahanahay shukran. ..
ReplyDeleteIlahay ha u naxariisto wasiir ka samir iyo iman ilahay haka siyo qoyski iyo adxbt ba ..Aamin
Allaha u naxariisto marxuumka.
ReplyDeleteYaa rabbi u naxariiso Adeer Axmed ama Aabo Axmed wallaahi waa Geeri xanuun badan igu reebtay tiiraanyo, aadbaan u aqaanaa Adeer Axmed Camoore afgaabnimadiisa iyo aqoontiisa ixtiraamka usii dheer. Marna waa Awoowe oo ilmaheyga Hooyadood ayuu awoowe u yahay Shiikh Cusmaan Gaacuur oo da’da ka wayn eh ayaa dhalay Gabadha ilmaha ii dhashay aabaheed. Marna waa Adeerkeey oo Aabaheey Muxudiin Rooble Cameey ayeey sxbo aad u ahaayeen waqti walbo isla socon jireen, yaa rabbi sidee Aduunka sxbo ugu ahaayeen aakhirane Jannada sxbo uga dhig �� �� ��
ReplyDeleteAllaha Unaxariisto Adeer Amoore ku dhawaad 4 sano ayaa deris ahayn.
ReplyDeleteYuusufooy iska sheekeey oo taariiqdaada sii qor si hadhow 10 sadar iyo kayar taariiq ah aanan lagaaga helin.
Ilahey ha u naxariisto yarab familka dhaman sabar iyo imaan ilahey ha siiyo ��
ReplyDeleteAlle ha u naxariisto wasiir Amoore samir iyo iimaanna ha naga siiso dhamaanteen.
ReplyDeleteIlahay ha uraxmado axmad
ReplyDeleteIllaahay ha u naxariisto.
ReplyDeleteAllaha u naxariisro
ReplyDeleteAllaha unaxaristo
ReplyDeleteMahadsanid adeer Yusuf, waxaa tahay encyclopedia taariikhda dalka iyo dadka waxgalka ah ee dalka soo martay xusuus ka reeba. Waqtiga iyo maskaxda aad geliso ajar iyo xasanaad aan lasoo koobin Allaha kaa siiyo.
ReplyDeleteJanadii Fardawsa all hakawaraabiyo
ReplyDeleteinnaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun samir iyo iimaan alle hanaga siiyo adeerkey axmed sheekh maxamuud amoore kitaabkiisana midigta alle haka siiyo aamiin yaa rabi yusuf aad ayaan u mahadsantahay maadaama aad taariikhdiisa noosoo gudbisey
ReplyDeleteAlle ha u naxariisto marti la jecel yahay alle haka dhigo yusuf waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan e aad taariiqda walal keen nogu so gudbisay
ReplyDeleteYusuf garaad waxaad Ka hadashay xaqiiqo badan waxaadna kaydisay Xusuus iyo Taariikh mug leh,
ReplyDeleteEx Wasiir Amassador Yusuf. Waad ku mahadsantahay Sida aad Marxuumka iyo kuwa ka horeeyaba noola wadaagtay.
ReplyDeleteTalo. Inta badan waan aqriyaa Qoraaladaada Waana Xiiseyaa, Waxaan arkaa in inta badan Qoraaladaada aad dhexgeliso waxbadan oo taariikh Nololeedkaaga Shaqsi ah dhexgeliso. Soo Ma Fiicnaan lahayn inaad Gooni u qortid arintaas oo aan aaminsanahay inay aqristayaasha Qoraaladaada wax badan ka baran lahaayeen.
Mahadsanid.
Abdinor,
ReplyDeleteWalaalkeey waa loo arki karaa sida aad tiri. Maalinta ay noqoto in anigu aan taariikhdeyda qoro, waa suurta gal dhacdooyinka aad sheegtay qaarkood in aan ku daro.
Hadda marka aan qof ka hadlayo taariikhdiisa ee aan soo geliyo waxyaabo isaga iyo aniga na dhex maray waxaan uga dan leeyahay saddex ujeeddo.
1. In akhristuhu uu fahmo nooca xiriirka naga dhexeeyay Marxuumka iyo illaa iyo xilliga aan is naqaannay.
2. In aan soo bandhigo dhacdada sida uu ula falgalay Marxuumku taas oo tilmaan ka bixineysaa shakhsiyaddiisa.
3. In aan ku daro waxa na dhex maray ama howsha aan wada qabannayna waxaan soo bandhigiddeeda uga dan leeyahay in aan dhallinyarada barteyda ku xiran dariishad yar ka tuso berigaas arrimaha jiray iyo nooca macaammilku uu ahaa.
Illah haku dhowro garraad
DeleteYuusuf garraad walee waxaad tahay wadini dhab ah oo dalkan aan ka rabin danihiisa gaarka ah waxaadna mudan tahay in laguugu daydo mudan MAHADSANID QORAALADAADU✍AAD BAAN UJECLAHAY ILLAAH HAKU DHOWRO MAS'UULKAYGI������
ReplyDeleteAlle naxariisti janno ha siiyo, wadna mahadsan tahay, waxad ka mid tahay dadka tirada yar ee manta Af-Soomaaliga & qoridiisaba loga daydo
ReplyDeleteAllah yaraxmah, Mudane Ahmed.
ReplyDeletewaad mahadsanthy Amb Yusuf Garad waxaad thy qaamuus socda.
Alle ha u naxariisto. Jannadii Fardowsa Allaha ka waraabiyo. Amiin ya Allah. Wuxuu ahaa macalin wanaagsan, wuxuuna mar wax ka dhigay dugsiga Hoose-Dhexe ee Afgooye. Kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo. Amiin
ReplyDeleteAllaha u naxariisto adeer amoore
ReplyDeleteAdne ajar allaha kasiyo tariikhda wanaagsan aad naso xasuusisay
Allaha unaxariisto wasiir amoore Rabbina ma fidneeyo qoyskii iyo qaraabadii uu katagay oo aan ka garanayo Ikram ahmed Mohamud oo aynu waxbarasha wadaag ahayn.
ReplyDeleteAlle ha u naxariisto abti Ahmed Sheikh janatul fardowsa alle ha ka waraabiyo Aamiin
ReplyDeleteAllah naxariistii Jano haka waraabiyo ehelkii iyo qarabadiina allah samir iimaan haka siiyo
ReplyDelete