Total Pageviews

Friday 4 August 2017

Ardayda Hyderabad - Waddaniyiin dad iyo dal Jecel

Munaasabad si aad u qurux badan loo soo agaasimay ayaan xalay magaalada Hyderabad kagala qeyb galay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkan ku dhaqan oo u badan arday.

Munaasabadda oo ay ka soo qeyb galeen dhowr boqol oo Soomaali ah oo dhallinyaro u badan waxaa soo agaasimay Safaaradda Soomaaliya ee New Delhi iyo ardayda Soomaaliyeed ee Hyderabad waxaana loogu talo galay in lagu soo dhoweeyo aniga iyo wafdigeyga, taageerana loogu muujiyo Dowladda Soomaaliya.

Waxaan iska xog wareysannay dalka waxaanna aniga, Xeer Ilaaliye Axmed Cali-Daahir iyo Danjire Ebyan Ladane aan ka jawaabnay su’aalo muhiim ah, qaarkoodna xasaasi yahay oo ay dhallinyaradu na weydiiyeen.

Waxaan munaasabadda kula kulmay dhallinyaro aqoon iyo faham wanaagsan, aftahan ah, qaarkood ay suugaanleey yihiin oo dhammaantood ay ka muuqato  astaan waddaniyadeed.

Waxaan u tegey Hyderabad in aan ardayda soo xog wareysto anna aan dalka iyo Dowladda uga warramo si aan ugu dhiirri-geliyo waddaniyad.  Quruxda, hadal aqoonta iyo waddan jacaylka ay ardaydu igu soo dhoweysay waxay noqdeen kuwo aniga i qiiro iyo dhiirri geliya.

Waxyaabaha ay igu soo dhweeyeen waxaa ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo lebbiskooda iyo heelladooda wata.

2009 ayaan booqday Hyderabad oo weliba aan anigu casuumay ardayda.

Marka aan arkay qabanqaabada iyo hannnaanka iyo weliba tirada waxaan arkay horumarka ay ku tallaabsadeen Soomaalida tan iyo xilligaas.

Aad ayaan ugu mahadcelinayaa ardayda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Hyderabad, India.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelianayaa ardaydii wiilasha iyo gabdhaha lahaa ee ubaxa udgoon igu soo dhoweeyay markii aan shalay imid Hotelka aan saaka ka sii baxayo.

Waddaniyiin dadkooda, dalkooda iyo Dowladdooda jecel ayaan ku arkay Hyderabad, waana ka mahadcelinayaa soo dhoweynta quruxda badan.

No comments:

Post a Comment