Total Pageviews

Thursday 26 October 2017

General Maxamed Abshir Muuse AUN.

Maxamed Abshir Muuse ayaa ku geeriyooday dalka Mareykanka.

In badan kama aqaan Marxuum Maxamed Abshir Muuse, inta yare ee aan ka qoraana ma noqon karto mid sawir buuxa ka mixineysa noloshiisa.

Wuxuu ahaa nin taariikhda Soomaaliya qeyb ka qaatay.  Wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Booliiska, Taliyana wuu ka ahaa, taas oo dad badani ay ku xusuustaan. 

Waxaa laga yaabaa in aan aad loogu aqoon in uu ka mid ahaa, welibana aan rumeys nahay in uu ka mid ahaa kuwa abaabulay, rag xagga siyaasadda iyo ganacsiga magac ku leh oo dhammaadkii siddeetanaadkii qoray farriin ay u direen Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo berigaas cid qaabkaas ula hadli kartaa aanay jirin.  Waraaqdaasi waxay ku caan baxday magaca Manifesto waxaana ogeysiin laga siiyay beesha caalamka.

Dowladda Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre markii ay dhacday 1991, Maxamed Abshir wuxuu ka mid ahaa odayaashii aad uga shaqeeyay in la joojiyo colaaddii berigaas dhex taallay laba beelweyn oo Soomaaliyeed oo is dilayay.

Inkasta oo siddeetamaadkii aan kor ka arki jiray, laba jeer oo keliya ayaan Maxamed Abshir toos ula fariistay.


Djibouti 1994
Marka hore waxay ahayd magaalada Djibouti.  Waxaan ugu tegey guri uu degganaa.  Waxaan ka wadahadalnay, kana wareystay, xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee uu dalkeennu berigaa marayay.

Ka dibna isagaa ii sheekeyay.  Arrimo dhowr ah ayuu igala hadlay.  Waxaan xusuustaa in uu aad iiga warramay kheyraadka badda ee dalkeennu leeyahay.  Wuxuu igu yiri baaxadda badda aan leennahay waxay ka weyn tahay baaxadda dhulka Soomaaliya.

Wuxuu iila hadlay si deggan oo xushmad badan.

Waxaa ka muuqday da’ ama xanuun.  Iigama muuqan xamaasad siyaasadeed.


Minneapolis 2007
Waxaan socdaal ku tegey dhowr magaalo oo Mareykan ah.

Munaasabad aan kala qeyb galay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Jaamacadda uu madaxda ka yahay lagu qabtay ka dib ayaan annaga oo dhowr ah casho tagnay.

Labada Professor ee walaalaha ah, Axmed iyo Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa casho igu casuumay.  Waxay casuumeen oo kale Allah ha u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ah Ra’iisal Wasaarihii Soomaaliya lixdamaadkii iyo walaalkiis, Amina Siciid oo hadda ah ku Xigeenka Madaxa Madaxtooyada iyo Allah ha u naxariistee General Maxamed Abshir Muuse.

Inkasta oo uu u muuqday in uu sheekada la socdo, haddana habeenkaas oo dhan Maxamed Abshir ma hadlin.  Waxaa la iigu sheegay in ay sababtu tahay mid caafimaad.

Allah ha u naxariisto Maxamed Abshir Muuse.  Qoyskiisa iyo ehelkiisana Samir iyo Imaan. 

No comments:

Post a Comment