Saddex Su'aalood
Leo Tolstoy
Qeybta Koowaad
Maalin
ayaa nin Boqor ahi wuxuu is yiri haddii uu jawaab u heli lahaa saddax su’aalood
in aan weligiis talo gefteen.
Waa
goorma howl kasta wakhtiga ay ku habboon tahay in la qabto? Waayo dadka ugu
muhiimsan ee ay tahay in uu wax ka dhegeysto oo uu la shaqeeyo? Waase maxay
waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in uu qabto?
Si
jawaabo loogu helo su’aalahaas, Boqorku wuxuu soo saaray wareegto Boqortooyadiisa
oo dhan la gaarsiiyay taas oo sheegeysa in uu abaalmarin qiima weyn siin
doono qofkii bara ficil kastaa wakhtiga uu ku habboon yahay, iyo kuwa ay yihiin
dadka ugu muhiimsan iyo sida uu ku garan karo waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in
la qabto waxa ay yihiin.
Niman aqoon
leh ayaa ku soo xoomay Qasriga Boqortooyada su’aalihiina siyaabo kala duwan
ayay uga jawaabeen.
Su’aasha
koowaad iyaga oo uga jawaabaya ayay qaar kula taliyeen in Boqorku uu sameysto
jadwal wax walba koobaya. Saacad kasta, maalin kasta, bil kasta iyo sannad
kasta waxa uu qaban lahaa uu ku qoondeeyo jadwalkaas. Markaas ayay kuu suurta
geli kartaa, ayay ku yiraahdeen, in aad howl walba qabato wakhtigeeda ku
habboon.
Qof
kale ayaa ku jawaabay in aanay suurta gal ahayn in wax walba la sii qorsheeyo.
Wuxuu ku taliyay in Boqorku uu dhinac iska dhigo howlaha aan muhiimka ahayn oo
dhan oo markaas uu wax walba uu aad ugu fiirsado si uu u ogaado wax kasta
goorta ay ku habboon yihiin in uu qabto.
Qof
kale ayaa soo jeediyay, in Boqorku uusan keligiis awoodi karin in howl kasta uu
ogaado xilliga ku habboon oo ay tahay in uu qabto. Wuxuu u sheegay in uu u
baahan yahay in uu dhiso Gole Cuqaal, markaasna uu ku socdo talada Golaha.
Mid
kale wuxuu yiri waxyaabaha qaarkood waxay u baahan yihiin talo deg deg ah oo
isla markiiba laga gaaro oo ma sugi karaan talo Gole ka imaaneysa. Markaa
haddii Boqorku u baahan yahay in uu sii ogaado waxa dhici doona waa in uu la
tashadaa faaliyayaasha iyo sixirroolayaasha.
Sidoo
kale, ayaa loogu wareeray jawaabta su’aasha labaad.
Qof
ayaa soo jeediyay in ay tahay in Boqorku uu kalsoonidiisa oo dhan siiyo la
taliyayaashiisa, mid kale wuxuu ku dooday in uu wadaaddada la tashado, iyada oo
qaar kalena ay soo jeediyeen in uu dhakhaatiirta ka talo qaato. Lakiin qaar
kale ayaa qabay in uu dagaal yahannada.
Su’aasha
saddexaad iyaduna waxay keentay jawaabo badan oo kala duwan. Qaar waxay ku
jawaabeen in saynisku yahay waxa adduunka ugu muhiimsan. Qaar kale diinta ayay
yiraahdeen waa waxa ugu muhiimsan. Qaarna waxay dhaheen waxa ugu muhiimsan waa
xirfad militeri.
Boqorku
kuma qanicin jawaabahan. Abaal marinna muu bixin.
Waa Tarjumada
Yusuf-Garaad.
F. G. Adiga oo mahadsan, fadlan wixii
aad faallo ka bixineyso ku qor isla boggan qeybtiisa hoose.
Marka hore wad salamatahay waa sheko cajib ah wayna adagrahay in 3das su aal jawab loo helo wad kumahadsantahay sida aad nola wadagtay
ReplyDeleteWaxaan sugeynaaa dhamaadka sheekada.
ReplyDeletehadaan isku dayo jawaabaheyga waxay kala yihiin :
ReplyDelete1) howl kasta wakhtiga ay ku habboon tahay in la qabto waa markii lagaaro
waqtigeeda ayna imaado baahida hooshaasi
2)qofka ugu haboon ee uu wax kadhageysan karo waa qofka aqoonta iyo waayo
arignimada uleh hoosha uu boqorka islamarkasi ubaahan yahahy inuu dhageysto
mise waxaan dhixi kara qofkasta oo bini aadan ah fikir wuu ka qaadan kara anoo
raacayo xikmadii ama mahmaahdi oraneysey '' maskaxdii adi kaa maqan madaxa
walalkagey ku jirta'' ama xikmadii dhaxeysy {خد الحكمه ولو من افواه المجانين)
3) waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in uu qabto ayadana waxaan ku soo koobaya
inuu qabto hooshii waqtigasi baahideedi jirto laga mamaarmana u ah shacabka ama umada waqtigaasi jooga.
jawaabahaagu waxay u badan yihiin jawaabo aan caddeyn ama general wada ah, waxaan odhan karaa boqorkuba intaas wuu ogaa ee wuxuu u baahnaa waa specific jawaabo ah. try again.
DeleteAsc su aalahaa jawaabahoda somali hadii aan nahay hanaga sugin waaayo anagaa kal daadsan inagaa is dileyno oo maba lihin aqli saliima ah oo kaga jawabno su aalahaga
ReplyDeleteMaxaad kukeentay marka qisadaan
ReplyDeleteboqorka waxan leyahay iyo madaxda somalia
ReplyDeletein wax walbe inta aysan dhicin laga so fakaro
inkastooy fiicnayd in sheekada dhami tahay hadana ma muuqato in marka la dhamaysto akhrinteeda talo laga dhiibto waayo waxaa muuqato boqorkii in uusan wax xall ah hellin....marka ani waxaan dhihi lahaa Boqorku qudhiisa sadexdaa uu la wareegayo in dib loo eegaa waayo uma arko sadexdan in uu ku yutu'o maxaayeelay waxaa jiro wax badan ooga muhiimsan in uu ogaado siday ku saxanyihiin maadaama umad boqor uyahay, inkastoon ogayn waqtiguu noolaa boqorkan sida loo fakari jiray balse waan hubaa in wax kaloo uga muhiimsan su'aalahaas sadexda ah jiraan waayo waa hogaamiye umadeed sidaa darted waxaan dhihi lahaa si boqorkan iyo hogaamiya yaasha sidiisoo kale umad hogaansho sualahaan iyo kuwa ka qoto dheer jawaab uGu helaa waa in uu boqorku ama hogaamiyuhu noqdaa phylasuuf cabqari ah oo caqligiisa heerka uGu sareeyo gaarsiisanyahy .... taas wax badan bay ka caawin doontaa.
ReplyDelete