Total Pageviews

Monday 14 July 2014

Waxtar ma tahay?


Carruur Macluushay
Yusuf-Garaad
Bisha Barakeysan ee Ramadan inteedii badnayd waan ka soo gudubnay. Waxaa nagu soo fool leh maalinta ciidda oo ay Muslimiintu si farxad leh u ciidaan.

Waxaa iga xusuusin ah in aan la illoobin Soomaalida saboolka ah oo qaar badan oo ka mid ahi aanay haysan wax ay u cunaan.

Xataa meelaha qaar waxaa ka jira oon ba'an.

UNICEF hadal ay bishaan sii daysay waxay ku tilmaantay in ay jiraan carruur Soomaaliyeed oo 50,000 ah oo nafaqo darro darteed geeri qarka u saaran.

Qiyaas ilmahaaga oo u sii dhimanaya gaajo darteed cunto aad siisana aadan hayn!

Soomaali badan oo sabool ah oo ay isugu darsameen colaad iyo abaar ayaa dalka gudihiisa ku sugan,

Qofnow ha sahashan waxa ay tobankaaga dollar ama boqolkaaga dollar ay tari karto. Fadlan waxba ha la bakhiilin.

Qofka Soomaaliga ah feker badan ugama baahna in uu xusuusto qof cunta aan haysan ama aan carruutiisa raashin u heli karin. Haddaadan lacalla qofna aqoon ma waayeysid qof aad aamminto oo iyadu taqaan.

Isku day in aad ugu yaraan hal qof ama hal qoys aad ka farxisid. Dadkii is abaabula oo qoysas badan wax tara iyaduna waa mid aad u qiimo badan.

Farriintani waxay u socotaa Soomaalida wax haysata ee dalka gudihiisa ku nool iyo kuwa dibadda degganba.

F. G. Fadlan aragtidaada ku reeb xagga hoose ee isla boggan.

5 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  2. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa arin saxa oo abaabul fiican rabta oo dalka gudihiisa laga bilaabo. Mahadsanid

      Delete
  3. maxaan aragti reebaa ilaahayban ku dhaartay waa aniga iyo laabtoobkeeyga iyo allihii i abuurtay illin baa indhaheeyga buuxisay, ee yuusufoow allaan kugu dhaariyay, daris ayaan kula ahay hotel jazeera hal boos baa no dhaxeyaa sheeg qaab aan wax u abaabulno ee aan dadkaa soomaaliyed ee weliba caruurta u badan u bad baadin karno ama sanduuq xataa hormuud isku day in aad ka dhaadhiciso sidii looga hortagi lahaa arintaa waxaan is leeyahay shirkada ayadeey meel kasta uu abaarahaasi ay ka dhici karaan u furantahay oo wax gaarsiin karto waa iga talo iyo tusaale, Ilaahay towfiiqda ha na waafajiyo, Wabilaahi Towfiiq

    ReplyDelete
  4. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete