Total Pageviews

Friday 11 July 2014

Saxaafadda iyo Sirdoonka


Dhagarqabe mise Eedeysane?
Yusuf-Garaad
Dad aan is aragnay iyo qaar dibadda igala soo xiriiray intuba waxay shalay iyo maanta aad u hadal hayaan wareysi Telefishinka Qaranka SNTV shalay laga sii daayay welibana lagu cel celiyay. Wareysiga waxaa lala yeeshay Xasan Muxudiin Xasan oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninkii fududeeyay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Talaadadii.

Waan fahmi karaa in ay fursad weyn u tahay weriyaha qaaday iyo Telefishinka laga sii daayay labadaba, marka loo fiiriyo tartanka saxaafadda. Markaa waan ugu hambalyeynayaa in ay heleen wareysi ay dadku aad u xiiseynayaan oo aan Telefishin kale heli karin.

Laakiin ayaa jirta. Ujeeddada wareysiga laga lahaa, goorta la sii daayay, macluumaadka loogu deeqay ciddii weerarka abaabushay, muuqaalka guud ee uu bixiyay iyo khatarta ka imaan karta intaba waxaa ka muuqda khaladdaad aan loo cudur daari karin.

Khaladdaadku ma ahan kuwo uu mas’uuliyaddooda leeyahay SNTV oo wareysigan sii daayay. Waa khalad ka dhacay Hey’adaha Amniga, mas’uuliyaddeeduna ay u noqoneyso Dowladda.

Intaas marka laga soo tago waxaa la yaab noqotay 24 saacadood gudahood markii ninkan la qabtay in la hor geeyay saxaafadda. Su’aashu waxay noqotay yaa mudnaanta leh in saxaafaddu ay wareysato iyo in dembi baarayaashu ay wareystaan?
Mise dembi baarayaasha iyo hey’adaha kale ee amniga ayaa wareysigoodii iyo ka baaraan degidda wixii daba gal u baahan ay ku dhammaystay 24 saacadood?

Ninkani haddii uu galay dembiga uu ku eedeysan yahay, yaa damaanad qaaday in marka Telefishinka la soo fariisiyo aanuu isticmaali doonin hadal maldahan ama sarbeeb ah oo uu ugu baaqayo ciddii weerarka abaabushay?

Ma laga yaabaa ninkani in uu farriin maldahan u diray Xarakadiisa? Xataa haddii aanuu isagu farriin dirin, miyaan wareysigu dadkii abaabulka lahaa fursad wanaagsan u siin in ay ogaadaan ninkani su’aalaha la weydiiyay sida uu uga jawaabay?  Taas oo u sahli karta in xogta kashifantay iyo midda aan kashifmin amaba aan la weydiin ay markiiba ogaadaan?

Da’yarta daawaneysa, wareysigu ma tusay wax ay ka cabsan karaan ama la foolxun oo ay tahay in ay ka digtoonaadaan? Ninkani wuxuu fadhiyay kuraas dabacsan, cayilan, qurxoon oo kuwa nasashada ah.  Wuxuu gashanaa funaanad cusub oo midabbada calanka Soomaaliya leh. Waxaana lagu wareysanayaa Telefishin.

Dhanka kale, xuquuqdiisa shakhsiga ah marka la fiiriyo ninkan ma loo qabtay Qareen la taliya oo tilmaama?

Anigu saxaafadda aan aqaan waa ka mamnuuc, in ay guda gasho dacwad aan weli Maxkamaddu go’aan ka gaarin. Waayo Garsooraha Maxkamaddu wuxuu ka mid yahay bulshada dhegeysata saxaafadda ama akhrisata ama labadaba. Saxaafaddu waxay saameyn kartaa fikirkiisa ku wajahan eedeysanaha la wareysanayo.

Marka qof la soo xiro ilaa ay Maxkamaddu go’aan ka gaarto dacwadda ku oogan qofkaas weriye looma oggolaado in uu wareysto.

Tusaale wareysigu wuxuu ninkan ugu yeeray dhagarqabe, wuxuu noo sheegay oo kale in walaaalihiis ay al Shabaab ka tirsan yihiin.

Bal u fiirso lama adeegsan ereyga eedeysane ee waxaa lagu tilmaamay dhagarqabe. Waa laga yaabaa in uu yahay dhagarqabe waxaase dhagarqabe ama dembiile loogu yeeri karaa keliya marka ay Maxkamadi ku xukunto.

F. G. Fadlan aragtidaada ku reeb xagga hoose ee isla boggan.

34 comments:

  1. yuusuf Adiga jooga mogdisho ahna .. wariye soomaliyeed oo rug cadaay ah .. fursad ma u hesha in aad dowlda wariyasheeda simiraad u furto oo uga fa,iideysid aqoontada ?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf dadaal la bogaadiyey oo aqoon dhisid iyo is waydaarsi ba ah ayuu ka wadaa Muqdisho, mid ka mid ah dadaaladiisa na goob joog ayaan ka noqdey. Dadka aan ka hadleyno se maahan kuwo u bisil is badal iyo aqoon kororsi, waa iskood maamulayaal.

      Delete
  2. senior Journalist Yuusuf Garaad waa sidaa aad sheegtay inay ka hordhacaan may ahayn

    ReplyDelete
    Replies
    1. lkn mujaahid waxa lagaa rabaa inaad dhalinta ka shaqaysa saxaafada wax kala qabato kobcinta aqoontooda si ay bulshada iyo shaqadaadoodaba ugu filaadaan

      Delete
  3. walaal waan ku salaamay, waxaa farxad ii ah inaan noqdo qofki ugu horeyay ee kadhiibta fakarkiisa. hadaan u soonoqdo maqaalka dulucdiisa waan kugu waa faqsanahay dhamaan inta aad sheegtay, waxaan ku dari lahaa danbi baaris qaadata mudo kayar 24saac oo taariikhada cilmiga(criminlogy) soo martay majirto marka tan waxaan oran karaa iskoor cusub oo sameysay danbi baarista somalia weeye.

    waxaaba taa kadaaran danbiga ninkaan lagu sheegay inuu geestay waaba qiraal oo maxkamad kahor ayuu qirtay. halka aad ka leedahay waa edeysane maaha waa danbiile oo isga ayaaba lataagan. burburkii dowladii somalia kadib wax walba oo dalka ka jiraa waxey noqdeyn jaantaa furan iyo maxeey ku latahay, marka layaab malahan in danbibaaris ku shaqeynaysa aragtidada ah maxeey ku latahay oo aan kayeelnaa edeysanaha.

    ReplyDelete
  4. Horta Yusuf G waad mahadsantahay Mida labaad Ninka waraysiga Qaadaayay ayaa qoraankaan in uu aqristo ubaahan si uu uga baxo Jahliga

    ReplyDelete
  5. Yusuf walaal marka hore dowladnimo ama nidaam dowladeed kama muuqato
    dowladan, isdaba carar iyo jagooyinka oo lagu qeybsado reer hebel , Taasna
    waxa ugu wacan dad aan aqoon u laheyn in loo dhiibo jago.

    ReplyDelete
  6. Run ayaad sheegtay yuusuf Garaad, Fashilka dowladda wuu badan yahay walaal, aniga haddii aan soo koobo 3dii fashil ee ugu dambeysay waa sidan:
    1- Hal bil ka hor, nabadsugidda iyo booliiska Banaadir waxay shaaciyeen rag is qarxin rabo inay magaalada soo galeen iyo gawaarida ay wataan, macluumaad la xiriiro telefoonada iyo taarikada baabuurta ay adeegsanayaan ragga is qarxin rabo.
    2- Hal usbuuc ka hor SNTV waxaa laga sii daayey wareysi laga qaaday wiil qarax fashilmay ka geysan rabay Hotel Makka Al-mukarra, warbaahinta ay leeyihiin dad koonfurta Somalia degan qaarkood waxay ku qoreen websiteyadooda in Somaliland ay soo dirtay wiilkaas si uu Muqdisho dad ugu soo laayo maadaama uu ka soo jeedo magaalada Burco.
    3- Fashilka ugu dambeeyey waa wareysigii Xasan Muxudiin, wareysiga sida aad sheegtay waaye waa mid fashilinayo jiritaanka dowladnimo ee Somalia.

    Waxyaabahan oo dhan waxay ku tusinaysaa in ragga inoogu magacaaban madax qaran inaysan aqoon u lahayn booska ay ku fadhiyaan, waa la arki doonaa Somalia meesha ay ku dambeyn doonto.

    ReplyDelete
  7. Nin kanu waa bartilmaameed sare (High Value Target) oo loobaahan yahay in haya'daha sirdoon ku ay si dhab ah xogtiisa iyo qolada uu la shaqeynayey xogtoodaba uga helaan. Waa la wareystaa mudo bilooyin haddii loo baahdo. Waa la duubaa wareysiiga ee haddana su'aalihii hore loo weydiiyey ee duubnaa markale iyo weliba marar kale laweydiyaa sii loo xaqiijiyo waxaa uu runka sheegayo iyo waxaa uu been ka sheegayo.

    ReplyDelete
  8. If the NSS cannot or will not its job of interrogating this guy, the CIA and FBI would definitely be interested in him. He can provide much needed intelligence about alshabaab and how its intelligence unit operates.

    ReplyDelete
  9. Yusuf aad baad umahadsantahay su aalo badan oo aniga is weydiiyay kadib markii aan daawaday waresigan ayaa qormadaada kamid ah runtiina qaladaadu intaas wey aksoo badanyihiin, waxaanse kusheegayaa saxaafda maanta jirta magac uunbeeys axaafad katahay, dowladeenana sidoo kale marka yusuf saxaafda heerkaas mareysa waa masuuliyadaada adiga iyo xirfadleyda kale ee saxaafada ee uu dalku leeyahay in aad wariyayasha soomaliyeed ee tabartoodu intaas dhaafi weysay aad bartaan waxa ka dhiman, Kudarso iyagoo sidaas xirfadoda ku ah ayaa loo dilaa xirfadooda oo kuwo badan ayaa naftooda kuwaayay,, Mahadsanid Yusuf

    ReplyDelete
  10. waa run yuusuf waxa aad ka hadleeso oo dhan lkn waxyaabahan aad ka hadshay wadan sharci leh ayaa looga dhaqmaa somalia xafiiska dowlada ajaanib ayaa waardiyeeesa saraakiishana Sirta ayeey fashilaan shabaabna waa lala shaqeestaa madax, ciidanka ajnabiga iyo kuwa aan ajnabiga aheen. waa lakala shaqeestaa aniga waxaanba shaki ka qabaa in waxaaan dhan la soo dhoodhoobay oo ay yihiin filim lagu qancinaayo dad gaar ah. balse la arki doonee actor-ka filimaka weli ma soo bixin, waansa sugeenaa.....!!!

    ReplyDelete
  11. Siday anniga ila tahay, hadal si sarbeeb ah u sarbeeban warasiga ninkaas wuuba ku jiray. Wuxuu yiri waa labo kooxood oo mab'da ku dagaalamaya ee cidwalba mooqifkeeda haku adkaysto. Hadalkaas dhalinyarada Al-shabaab u dagaalanta waxay ka heli karaa dhiiranaan iyo geesinimo, waxayna igula haboonayd in waraysiga laga reebo.

    ReplyDelete
  12. Shabaab ayaa lagu yaqaaney iney qofkeey qabtaan saxaafadda ula cararaan si ay dacaayad iyo faan uga helaan uguna muujiyaan taageerayaashooda iney guuleysteen awal ayaan la yaabanaa markii qof la tooganayo iney saxaafadda geeyaan meesha dilka, dowladu sidii jabhad ayey u dhaqmeysaa halkii iyada la koobiyeeyn lahaa iyadii baa wax koobiyeeyneysa.

    ReplyDelete
  13. https://m.youtube.com/watch?feature=youtu.be&v=JdNolvWTnAI

    Fadlan sheekadaanna ila wadaaga, yuusuf iga aqbal inaad waqti yar gelisid adigoo iga raali waa dhacdo xanuun i gelisey

    ReplyDelete
  14. ninka dhagar qabe waa yahay sadar muuqdo suaal ka dhan maxaa yeelay ninkii aqalkii dowlada looga talin jiray ciidan soo gelshay miyaana dhagar qabe ahayn Yusuf warka waxba ha duug duugin hadii aad loyar u tahay ninkaas banaanka is keen ninkaas waa dhagar qabe umada ayuuna denbi ka galay isaga ayaana qirtay maxkamadna lama saarayo loyar xitaa looma qabanayo maxaa yeelay cadayn wayn ayaa lagu hayaa qofka marki la lee yahay eedaysane qof laga shakisan yahay waaye qofka eedaysanaha ah marka yusufow qof cadayn iyo markaati lagu haayo eedaysane ma ahan sharciga ayaana lala tiigsanaa xitaa hadii aysan dowlada sharciga la tiigsan shacabka ayaa la tiigsanaayo

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yaa kuu sheegay in uu dhagar qabe yahay, waligaa markii kuugu horeysay TV-ga inaad ka aragtay baa laga yaabaa. Arinta ah in ninka cinwaan la siiyo ay iman karto oo kaliya in marka uu maro nidaam maxkamadeed. Ma sheegi kartaa propaganda iyo siyaasad owgeed in loo masabidayo? Ma sheegi kartaa in dhabtii uuba yahay danbiile? Hadaadan ogaan karin yaad ku kalsoontahay in ay kuu xaqiijiyaan, ma maxkamad, mise shaqsi wariye ah?

      Delete
  15. waa qirad yirida iyo dagdag ayaan orankaraa......

    ReplyDelete
  16. War ninkani cid ayuu kadhashay cid dili kartane lama arko ee waxbo yaan la is daalinin

    ReplyDelete
  17. 10-KAAN SU'AALOO OO NINKAAN KU SAABSAN AYAAN IS WAYDIIYAY ANIGA
    http://www.xogtamedia.com/2014/07/12/toban-suaalood-oo-yaab-leh-oo-ka-dhashay-video-gii-ninkii-fududeeyay-weerarkii-madaxtooyada-daawo/

    ReplyDelete
  18. Aniga waxaan qabaa fikir ka duwankaa, waxaan qabaa in ninkan Argagaxisada ah in Dowladu ay soo bandhigto ay ku sax san tahay, ay na Dowlada u tahay kind of Propaganda,-Kaba soo qaad hadii aan Dowladu soo Bandhigi lahayn waraysigan, sidee umada ku ogaan lahayd, An=igu waxaan qabaa in fariin fiican ay tahay, Dowladuna shaqo fiican ay qabatay, haba tabar xumaatee--Rome was not built one day, this is good step forward

    ReplyDelete
  19. Yuusuf aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay postigaagan, walaal Yuusuf adiga waxaad kahadleysaa Shuruuc iyo in ladabaqo lakin ayaa ku jirta meesha ee magarankartaa adiga, ok aniga ayaa kaaga jawaabaya, Dadkii dhashay 1991 ayaa hadda ah kuwa dadka ku hogaamiya sida ay rabaan, tusaale qofkaan sooma arkin Dowlada waxeey tahay, kumana soo dhax barbaarin meel dowlad kajirto ma arkin marka laga reebo fowdo iyo koox hebal iyo yaan lagaa badin ayey ku saleysantahay qadiyadooda ee maku saleysno qibrad iyo aqoon sharciyeed intaba, tusaale kale, qofkii dhashay 1991dii ayaa hadda Aabe ah oo reer leh marka wax kamancinaaya malaha in uu udhaqmo sida uu doono maxaa yeelay dowlada ayaa kusaleysan beelo qeybsi sidaas ayuuna kaga mid noqon karaa, sidoo kale, waxaad ogaataa in wadanka Soomaaliya looga dhaqmo inta ad kamaqneyd halkudhig ah (waxba leysma dheero ee tororog ayaa leysdheeryahay) marka halayaabin environmentiga ayaa ah saas walina lama saxin dadkii dhashay 1991 iyaga ayaana isla saxan, dadkii saxi lahaana iyaga ayaa isku mashquulsan, waxaan kuugu raacsanahay sharci ahaan qof in aanan ladhihi karin tuug inta looga cadeynayo lakin la adeegsan karo eedeysane oo kaliya. waadna kumahadsantahay sida ad ugu dadaaleysid in ad ku saxdo hadal lakin waa lagaari doonaa in ficil ahaan loo qaato Inshaa Allaah halka ay sheeko katahay hadda, khaladaad badan ayaan aragna lakin adiga waxaad nadheertahay waad kahadashaa, aniga waxaan u arkaa in ad isticmaashay hadal hiilo gala oo dhaama aamusnaanta.

    ReplyDelete
    Replies
    1. In la dhasho sanad gaar ah dambiga iyo sartu halkey ka qurantay maahee, ee waa jahli iyo aqoon yari, ha weynaado ama ha yaraado ka qaladka samaynayo e!

      Delete
  20. Waxaas oo dhan waxa u sabab ah dad aan ehel u ahayn, aqoon iyo qibrad ba, oo haya maamulka iyo tifaftirka hey'addaha amniga ama telefishinka Qaranka.

    ReplyDelete
  21. Yusuf Garad, waxaan arkey nin qurux badan oo ku xaragoonaayo dharkii wareysiga lagaga qaadey ninka aad sababtiisa maqaalkan u qortey. Markaan arkey qofkaas qurux darteed usoo dhigey bartiisa facebook ga sawirkaas calanka Soomaaliya iyo dharkii quruxda badnaa ee uu ku faan lahaa, aniga durbadiiba waan ka naxay oo waxaa igu soo dhacay ninka la innoogu sheegay in uu gurigeenii soo weeraray madaxdii qaranka na in uu dhulka la galo damcey, hadduu yahay isaga e. Marka dadkii soo bandhigey muuqiisaas waxa ay ku ciyaareen "brand name" ama magacii qaranka iyo dharkaas sharfan sidii mustaqbalka dhow loogu xaragoon lahaa!

    ReplyDelete
  22. Waa hadal qota dheer oo aad u cuskatay shuruucda saxaafadda yuusuf, laakiin aniga waxay ila tahay in dowlada caradii ay ka qaaday weerarka iyo hanashada wacyiga ama kalsoonida bulshada ay soo dedejisay in wax un laga ogaada weerarkii villa soomaliya. Marka waa turaanturo iska muuqato. Balse aniga waxaan dhihilahaa inta dhaliishan waxqabadka dowlada fadlan xusuusta warkii mudane xasan sh. maxamuud ee ahaa "Waxaan lamid nahay guri la dhisayo, marka waxa aad arkeysaan waa wasaqidii iyo burburkii dhismaha ee aanu samirno" waa war aad u weyn aniga dhankeyga oo cudur daar guud lagu siinkaro qaladaadka dowlada. Marka aanu dhaliisha toosino faragelinta shisheeyahana aad aan oga foojignaano, qoladan mucaaradka ahna waxaan ku baaqilahaa wada hadal cilmiyeysan oon laga daalin in lala furo. Shukran.

    ReplyDelete
  23. ani aragtiteyda marka aad dhageystay wareysiga lala yeeshay eedeysanaha iyo waliba sidii loo baahnaa in ay hey'adaha amaanka iyo kuwa cadaalada ay u ilaaliyaad mas uuliyada ka saaran eedeysanaha waxey ila tahay in wax badan qaldan yihiin,marka hore waxaa aad loogu fududaaday in si fudud wareysi loola yeesho eedeysane aan wali maxkamadi xakumin,marka xiga waxaa loo baahnaa Hey,adaha Cadaalada iyo kuwa Amaanka in ay ilaaliyaan xuquuqda shaqsiga edeysanaha ah inta aan maxkamadi xukumi oo loo bahan wax kasto oo la weydinayo in ay qaas u ahadaan su,aalaha heydaha Amaanka iyo shaqsiga wax la weydiinayo,dhanka kale xitaa markii aan dhageysta wareysiga waxaa ka muuqato qibrad yari dhanka su,aalaha ah marka loo eego su,aalaha dhanka baarintaan,taasna qalad kuma saaro warbaahinta wareysatay balse waxaan dhihi hey'adaha Amaanka iyo kuwa Cadaalada waa in ay howshooda si huban u gutaan ilaaliyaane wax kasto oo uu sharciga faraayo,marka laga hadlaayo mas,uuliyada ka saaran shaqsi loo heysto danbi nocaan oo kale ah

    ReplyDelete
  24. Taasi waa arin ay qaladkeeda leeyihiin masuuliyiinta laamaha amaanka waayo haddi qof denbi looso qabto ilaa xog badan laga ogaado lama shaaciyo haddi ad warbahinta hor keentana waxaad wayeysaa xogo badan oo ad helilahayd tusaale ragii hawsha la waday oo laga yaabo in ay ka cararaan mesha rag hada ku raadjooga falal noocasi oo kala oo sikale uga faa'idaysanaya.

    Weriyaha haddii la horkeeno oo ay dowladu dhahdo su'aalo weydiiya ama u fasaxdo isagu eed maleh waayo shaqadiisu waa war lkn xaq umalaha isagoon maxkamadi xakumin in uu dhagar qabe dhaho

    ReplyDelete
  25. anigu waxan u arka wariyha iyo alshabaab in ay wada shaqen ka dhaxeyso waase sida aniga ila tahay

    ReplyDelete
  26. Aad ayaan ugu farxay qaabka aad uga hadashay sharciyan saxaafadu waxa ay ka qabto waraysiga la qaaday, sxb waxaad moodaa casharkeeygii todobaad ee aan ka qaatay London School of Journalism [LSJ] ee uu i siiyay nin la oran jiray Ken Ashton, waa sax lama oran karo dhagar qabe waxay noqoneeysaa defamation, tan kale waxaaba qalad ah in la wareeysto iyadoon maxkamad go'aan ka qaadan, waxaase ugu sii daran ninku maxbuusba uma ekeyn ee wuxuu u muuqday nin nasanaayo, thanx Yusuf

    ReplyDelete
  27. waa fikrad aan la dhayal san karin waayo qofkii kaaween ayaa xirfad laga qaataa marka wariyaasha waa iga talo taladaan waa muhiim mahadsanidiin.

    ReplyDelete
  28. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete