Total Pageviews

Friday 4 July 2014

Ma af Soomaali baa?


Ma af Soomaali baa?
Yusuf-Garaad
Xildhibaan waa af Soomaali. Waa laba eray oo la isu geeyay oo ah xil iyo dhib.

Laakiin Xildhibaane waa maxay?

Nabad-doon la garay, waaba hadday dhab tahay oo uu nabad doonayee. Waxaa uu ka kooban yahay laba eray oo kala ah nabad iyo doonis.

Laakiin nabad-doone maxaa keenay?

Xildhibaane iyo Nabad-doone labadaba waan arkay dad adeegsanaya, xataa idaacado wareysi qaadaya ayaan ka dhegeystay.

Xarafka “e” ee laga daba marinayo magaca si dhadhan Talyaani loogu yeelo sida “dottore” oo kale, ma ilbaxnimaa la moodaa?

Ma garan waxa qofku isaga oo aan ka fiirsan uu uga qeyb qaadanayo in la dhalanrogo erayo af Soomaali ah.

Fadlan taladaada ku reeb xagga hoose. 

9 comments:

  1. Nabadoone waa nabadoon markaas la tilmaamayo oo ila jooga amaba ila hadlaya sida aan u qaatay sidoo kale xildhibaane waa sidaas. Laakiin riwaayaha Soomaalidana waan ku arki jirey sidaas oo kale Ditoore mindhee YG WAXAN WAA LAGA MIN SOO GUURIYEY TALYAANI SABABTOO AH DITOORE AF-SOOMAALI LA YAQAAN MAAHAN Dr waan aqaan Dhaqtar waan aqaan oo waa Af- Soomaali laakiin Ditore amab Diktoore magarano talyaanina ereyo sidaas ah kama aqaan amaba garanayo.

    ReplyDelete
  2. waan salamayaa dhamaan dadka somaliyed ee dhiibanaya fakar, iyo yuusuf Garaad oo ah qoraaga faaladan.
    walaalaha somaliyed ee faaladan arigtida ka dhiibanaya, usoo-gudbinayaa in Afka Somaliga ee aan kuhadalno uu kamid noqday luuqadaha kasii dabar go'aya dunida.

    sababta waxaan malaynayaa ineeytahay dadki Somaliyed ee banaanka cilmi barashadda u aaday, ineey sookor dhiyeen in luuqadi Somaliga aheyd la dhalan rogo, sababto waxeey doonta hanoqotee.
    aniga nabadoone iyo xildhibaane, waxaa iiga la yaab badan kuwa idaacadaha isticmalaya oo adegsanaya luuqad dhageysataha ay fariinta rabaan inuu fahmo uusan garan karin. Tusaale: activity-yada, programmes-ka, transition-ka, strategic plan-ka iyo kuwa kale oo badan.
    hadii kuwii wax bartay eey sidaa yelayaan xagee joogaan kuwi aanba fasal waligood fariisan. dhamaan; inyar, mooye inta wax baratay waa
    (copy and paste) oo macnaheeda yahay soo xigo oo gudbi, adiga oo aan fahmin ugud dadkale oo aan (copy and paste) awoodin ileeyn fahamku ninba meel ayuu ka gaarayee.
    waxaan ku soo gunaanudayaa inaan Afka somaliga xil iska saarno sidi uu san udabar go'i laheyn. waad mahad santihiin.

    ReplyDelete
  3. Ma garanayo runti sababta loogu daray. YG Su'aal. 'Abwaane' ma la mid baa?

    ReplyDelete
  4. Horta waxaad mooda in aad leedahay wax ha la ii kordhiyo aanan aqoon u lahayn, haddana waxaad moodaa hadlakaaga in ay canaan ku jirto. Dabca qaarbadan ayaa dhici karta in ay dib ula laabtaan fikrad sax ah!. Ok aan u soo laabto jawaabta waxaan qabaa xilku in uu yahay mid aad u adag oo ka fiirsasho iyo caddaalad u baahan hadii lagu igmaday. Tusaale Sayidinaa CUmar xilka wuu dhibi jiray wuuna ka welweli jiray in Akhiradiisa iyo aduunkiisaba uu ku seego, waa wax xanaf badan leh xilku oo taxdar badan u baahan, markaa Somalidu ujeedo cad ayay magacan u soo dhigtay oo ah QOFKANI WAA XIL HAYE OO XILKAA DHIBAYA, DABCAN MAS'UULIYAD LAGUU DHIIBAY DHIBKA AY LEEDAHAY WAD GARAN KARTAA! Wana mid cabsi ku haysa in uu la turunturoodo, amaba dhib kaga yimaado.
    Tankale ee “e” waa sifo khaldan ayay ila tahay oo waa turjumid khaldan oo magac u yaal loogu sameynayo “Noun” waxaana laga raray Afsomaligii uu saxa ku ahaa. Waxaanan oran karaa wa mid inta badan Mogadisho area laga isticmaalo si eraygu deris ula noqdo Talyaani.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdirahem, iga raalli ahow haddii aad canaan ka dhedhemisay sadarrada qormadeyda. Waa wax aanan ila dan lahayn. Marka xigta wax aanan aqoon barashadood ma raadineyn ee wax khalad iigu muuqda ayaan soo bandhigay. Ugu dambeyn, waxaan u qabaa in aan isku fikrad ka nabay laba arrimood oo kala ah in "Xildhibaane" iyo "Nabad-doone" ay yihiin ereyo ay "e"- du ku tahay dul saar. Lagana yaabo in loola dan leeyahay in dhadhan Talyaani loo yeelo.

      Delete
  5. Wa qalad, in af-somaali ga la dhalan rago, adigona iga raali ah yusufow, maah maahdi dhihi jirtay "Awrka, danbe Awrka hore saan qaadkiisuu leeyahay" weeyo qolyihiini hore ee saxaafada, macalin ugu aha kuwan..ereyda aad qaladeen xiligiinii waxa ka mid ah Abwaan, Suugaan, Gabay, iyo Diyaar, garow o iyadu ah af hindi ama bunjab inaad umada qalad, u barteen . kuwanina wadadiinii, bay hayaan wase arin fiican in aadba maanta farta ku fiiqayso adigu si loo saxo. Mahadsanid

    ReplyDelete
  6. Erayga "nabad doon" waa laba eray oo isa saaran oo hal macne sameynaya, mid ka mida erayga waa magac "nabad" kan ku laranna waa ficil "doon" marka la isu geeyana waxey noqdaan sifo. Haddaba marka lagu darro xarafja "e" waxey weli muujineysaa iney tahay sifo, waxeyse sii dheer tahay qofka leh sifadaa ayaa lala hadlayaa iyadoo muujineysa inuu yahay qof la isla yaqaan. Maaha talyaani mana luqad kale waa saan u fahamsanahaye, ee waxey la mid tahay "madaxweyn (e), gudoomiy (e) taliy (e) IWM. Erayga (e) waa ku siyaado mar walba, oo wuxuu la mid noqonayaa erayga (dow), tusaale u yeer qof Soomaaliya adoo magaciisa isticmaalaya, sida SACIID, AXMED MAXAMED. Waxaad oraneysaa sidan (SACIIDOW, MAXAMADOW, ama sida erayga (ow) u yeer YUUSUF, CALI, JAAMAC. Oo waxaad oraneysaa dabcan sidan (YUUSUFOW). Thanks

    ReplyDelete
  7. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  8. Taas waxaaba iiga sii daran marar aan idaacadaha afka soomaaliga ka maqlo wariye adeeg sanaaya "KOOXDA AL-SHABAAB" ayaa shalay halkaas weerartay..! KOOX waxaa loo isticmaalaa tiro faro kutiris ah, waxaana tusaale kuu ah, ninka reer miyiga marka nin uu usoo martiyo waxa uu weeydiiyaa war bal reerka iiga waran? ninka loo soo martiyay waxa uu ku jawaabaa, "RAG KOOX BAA JOOGTA, CAANO GEELNA WAA LAGA LADAN YAHAY" taas wexeey kuu cadeeyneysaa tiro rag ah ineey guriga u joogaan..! Al-Shabaab oo kale waxaa loo adeegsadaa "URUR". Wabillahi Towfiiq.

    ReplyDelete