Total Pageviews

Tuesday 1 July 2014

Oo Goormaan ku Biiray?


Muxuu Abbahaa kuu Dhalay?
Yusuf-Garaad
Sida aan lagaala tashan in aad dhalato iyo in kale. Sida aan lagaala tashan qarniga aad dhalaneyso. Sida aan meesha aad ku dhalaneyso lagaala tashan. Sida aan lagaala tashan gabar iyo wiil midka aad noqoneyso. Sida aan lagaala tashan in aad gaaban tahay iyo in aad dheer tahay. Sida aan midabkaaga lagaala tashan. Ayaan lagaala tashan qabiilka aad tahay ama aan isa saxee ay kula tahay in aad tahay. Sax?

Qabiilka iyo arrimahaas kale dadku astaanta kaaga dhigayo midkoodna adigu ma dooran. Mana beddeli kartid. Qof ka bixi karaana ma jiro.

Waxaan qiyaasayaa in aan ognahay in dadka gaa-gaaban oo dhami aanay isku aragti ahayn isku danna ahayn, marka laga reebo in dharkoodu ka gaa-gaaban yahay dharka dadka dhaadheer.

Markaa in qof lagu dulmiyo ama lagu dilo maxaad reer hebel u tahay, maxay uga duwan tahay in qof lagu dilo maxaad u dheer tahay ama u gaaban tahay?

Haddaan reer hebel nahay aan iska dhicinno reer hebel maxay uga duwan tahay haddaan nahay dadka gaa-gaaban aan iska dhicinno dadka dhaadheer?

Jawaabta ha la soo boodin. Fadlan wakhti sii oo u fiirso.

Dadka caqliga badan ee qabaa’ilka hor booda ee ku haga dagaal ka dhan ah beel kale, iyo kuwa ka sii caqliga badan ee dagaal aan lagala tashan oo dad aan wax galabsan lagu dilayo halkooda ka daafaca ha iga dhaadhiciyeen wax aan ka ahayn maxaa aabbahood u dhalay oo ay dadkaas ku dilayaan?

Haddii qofku wax aanuu ku biirin, goor lagu darayna aanuu ogeyn, kana bixi karin lagula dagaallamayo, maxay uga duwan tahay in lagula dagaallamayo Aabbahaa muxuu kuu dhalay?

17 comments:

  1. Fadlan jawaabtaada ama aragtidaada halkan ku reeb, Mahadsanid,

    ReplyDelete
  2. waad Asiibtay ,Hadii ay Sidaa u garanayaa Umada Somaliyeed ee uu qaribay Isqabqabsiga Qabiilaysan ee Qaribay Umadii Somaliyeed,dadkiina rogay Waa Laga Nasan lahaa Masiibada qaran ee qabiilka isku badashay,
    Mahadsanid Qoraa/suxufi Yuusuf Garaad

    ReplyDelete
  3. Xaqiiqatan waa qoraal aay ku jirto murti xeel dheer, waxaadna moodaa inaay ku jirto falsafad si adag looga soo horjeesan karo qabyaaladda hadii la adeegsado, tusaale ahaan qabiil dhalinyaro ah la sameeyo waxaa meesha ka bixi lahaa reernimada & abtirsgii, ama qabiil dadka gaagaban la sameeyo sida Yuususf sheegay, waxaadse moodaa hadda Somaaliya waxaanad adigu galbsan oo Alle ku gartay in lagugu dilaayo Tusaale ahaan nin aad ilma-Adeer tihiin ayaa qof dilaayaa, adoo dhibta neceb ayaa Aano (revenge) laguu dilaayaa, ogoow inaad ninkaad inadeer la noqotaa Alle ayaa qoray adoon galbsan mashaakil ayaa uu ku galaftay, waxaad moodaa farsamo xumi iyo fikir gaabi inaay jirto inaaynu caqiido ka dhigaynay.

    ReplyDelete
  4. Waa suaalo fiican. Laakiin waxay ku fiicneyd suaalahan in la weydiiyo dad caqli leh. Somaliduna inteeda badan wey ka simatahay arinkan.

    ReplyDelete
  5. Aniga waxaan qabaaa in qabiil laga kaaftoomi karo. Haddii la helo dallad kale oo la hoos galo.. Oo ay hurmuud ka yihiin dad qabyaalad ka nadiif ah, SYL ayaa tusaale noogu falin.. Caalamka oo dhan qabiilka wuu ka jiraa laakiin dadka waxay qaateen mabaadi' sida wadaniyad.. Qabiilka way isku aqoon sadaan oo kaliya.. Ee iskuma dagaalaan... Marka halla helo hogaamiye dadka si dhab ah ugu hogaamiye mabda' horumar leh...

    ReplyDelete
  6. Waxa leysku dilayo ma ahan "Muxuu aabbahaa kuu dhalay" ama qabiilka qofka uu yahay, balse waa cabsi dhexdeena ah.

    45-kii sano ee lasoo dhaafay (dowlad iyo dowlad la'aanba), bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda waxaa ka jiray dhac, boob iyo caddaalad darro. Mana jirin nidaam difaacayay xuquuqda qofka, ama bulshada ugu kala garqaado si caddaalad ah.

    Taasi waxey keentay in qof waliba uu raadsado wixii ay isku dan yihiin, gaashaanbuur difaacdo xuquuqdiisa markii lasoo weeraro asna uu difaaco markiisa. Marna waxaa gaashaanbuur qofka u ah ina adeerkiis 30-aad (qabiilkiisa), marna waxaa gaashaanbuur u ah ina adeerkiis 15-aad (jilibka uu kasii yahay qabiilkiisa) oo waxaa markan cadowgiisa ah ina adeerkiis 30-aad oo markaas xuquuqdiisa duullaan ku ah.

    Sidaas darted saaxiibka iyo cadowga joogto ma ahan, ee waxaa joogto ah xuquuqda shaqsiaga. Tusaale, magaalada Muqdisho oo 16 sano qabiil isku dagaaleysay waxaa mideeyay markii Midowga Maxkamadaha ay dadka tuseen iney difaacayaan xuquuqda shaqsiga, caddaaladna ay ugu garsoorayaan markii leys qabsado.

    U fiirso maahmaada Soomaaliyeed ee dhaheysa "Tolkaada iyo kabahaagaba dhexda ayaa looga jiraa" Dabcan kabahaaga waa si aysan qodaxi kuu mudin, tolkaadana waa si aanan laguu soo weerarin.

    Waxaan u baahannahay nidaam difaaco xuquuqda shaqsiga caddaaladna ugu kala garqaado markii leys qabsado. Qabiil halkaas ayuu ku dhamaanayaa.

    ReplyDelete
  7. Fikirka ee yussuf soo bandhigey waa arin muhiim ah oo aay somaliada maanta u bahantahay in ay fahanto. Qabiilka wuxuu maanta nagu noqdey cudurka kansar oo kale. waxeynu u baahanahay in aan dadaal weyn gelino sidii aan qabyalada iyo wixii la halmaalabo u baabi'ni laheyn.

    ReplyDelete
  8. Yuusufow anigu ma aaminsani in waxa laysu dilayaa tahay maxaad reer hebel u tahay sida ay adiga kula tahay. Waxaan aminsanahay oo aan arkay in ay jirto QAB amma isla weyni aysan jirin meel ay ku dhamaato oo mararka qaar aan is iraahdo dhaqan iyo caado way ka weytahaye malaa dhiiga ayay kaga talaalan tahay dadka Soomaaliyeed. Waayo waxay leedahay darajo aan wax xadaayaa jirin, tusaale haddii Somaaliweyn la joogo QAB-taasi waxay ku leedahay adigu reer hebel ayaad tahay oo kan 1aad ciddi kugu maqabsan karto (maanoo reer hebel ah) marka ay reerkiisa dhexdiisa noqotana waxa ay ku leedahay laf hebel ayaad tahoo cidina isma kaa hotaagi doonto illaa Yuusufow labadii aabo wada dhalay ay isugu faanaan inkastoo aan isku aabanahay anaa kaa hooyo fiicanaa sidaas ayaa kaaga fiicanahay. Ma ila qabtaa ina Garaad?

    ReplyDelete
  9. yusuf blog gaan ki hore ayuu daba socdaa saan u fahmay, o aad donesid in aad isa saxdo, kaas o ahaa DOWLADA SOMALIA VS BEEL SOMALIYEED, o aad ula aqonsigii dowlada ee aqonsate 3da gobol, beesha somaliyeedna aad ula jeede shabele sate( o aan ognahay shaati hawiye uso galsheen xaad iyo axmed diriye ilaa hadana ka wada gumaad iyo barakicin) marka yusufow nin caaqqil baa tahay qabilka aad ka dhalatayna laguuguma qabsan karo maxaa uga dhalate, lakin maanta waxaan aaminsanahay inee ayaga somalia ka degi la dahay xamar maantadaan aan kula hadlaayo walaahi bilaahi talaahi nin habargedir ayaa guri aan leenahay ku hesta o waraaqo fake ah uso sameeste, shabeelada hoose wax ka dhacaya waa ujeeda odaydhaqamed ku dhig yacab xaad inu ku dhaarte beesha bimal inuu naagahoda kufsanayo una gumaadayo sidee u galeen reer banadiriga, marka thats the reality bro

    ReplyDelete
  10. Waa su'aal jawaabteedanna wadata! !

    ReplyDelete
    Replies
    1. Xigmadu waxay ku jirtaa in lafahmo u jeedada dulucda warka.

      Delete
  11. Qoraalka aad buu iiga qosliyey sidii inaan daawanayo stand-up comic, laakiin anigu waxaanba ogaaday marka laga reebo "aabahaa, hooyadaa, walaalahaa, caruurtaada iyo xaaskaaga" intaa wixii ka soo hara eydnaan waxbabab isu aheyn. Oo waxa idin ka dhexeeya ay kaliya tahay inaad isku wadan tihiin, haddii taa dadku wada fahmo, ma filayo wax isleyn lahaa iney jiri lahaayeen.

    ReplyDelete
  12. Asc Walaal Aad Ayan Kaaga Mahad Celinaynaa Fikirkaada Saliimka Ah, ma ahan waxa laysku heysto (Maxaad Qabiil Hebel Unoqotay Ama Abahaa Ku Dhalay) balse waa qadar rabi oo laga balan qaday NMCSW in umadaan gacanteda isku dhameyneyso halke umadihii hore lagu halaagi jira dufaan, anyax, dhiig IW.

    ReplyDelete
  13. In garaad sxb Su'aasha taagan si fiican ayaa u'asiibtay. Qabiilka waa calaamad balse mana ahan macquul ina lo'adeegsado wax, qaaranka la dhiibo ayaaba aniga dood ka qabaa?

    ReplyDelete
  14. Siday aniga ilatahay dadkeena wax walba oo qiimole waa mid inaga dahsoon. Tanina waxay inaga dhigtay dad u nugul waxwalba oo dhalaalaya. fikradani waa ta inaga dhaadhicisay in shahaadadu ay ka qiimo badan tahay waxbarashada, in quruxda jidh ahaaneed ee qofku ka qaali santahay hab u dhaqanka qofka iyo in sharaftu ka qalisantahay Dadnimada..... isku soo wada duub oo dhibatada dadkeena haysataa maaha QABYAALADA balse waa wax ka hooseeya. MASKAA aad ka u wayn ee hoosta inaga cunayaa marku dusha u soo baxo ayuun baynu ugu yeedhnaa QABYAALAD. hadaba qabyaaladu waxay dawo u tahay xanuunka maskaasi ku hayo qofka, sababtoo ah waxay ka dhigtaa mid dadka kale ka sareeya..... hadaynu nahay somali, ma DHISNIN DAREEN ahaan, sababtoo kalmad qof yidhi ayaa laga yabaa inay sabab u noqoto dhimashada 100 qof. taasina waxay caday u tahay in aanaynu ogayn in sababta kalmad qof ka soo baxday ay kuu gubto sida dabku ay tahay ina aanaynu waxbaba ka aqoon NAFTEEN.. ilaa dadka in ta naftooda wax ka baratay ay intay macalini noqdan dadka wax baraan sidan iskama badalayno.....sidaas aynuun kuu ka xooga waynu wamrkuu arka mid ka xogyar oo wax fiican haysta uu u dili doonaa dabadeedna uu uguga qaadan doonaa, isagana mid ka sii xoogwayni ku samay doonaa taa mid la mid ah,, qofka foosha xumina uu u dilid doona ka quruxda badan, ka dheerina uu u dili doonaa ka gaaban...

    ilahay wax ka baryayaa in uu dadkeena tuso wadada fiican....

    ReplyDelete
  15. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete