Total Pageviews

Thursday 29 January 2015

Kutlo xey tahay?

Kutlo waa eray asalkiisu carabi yahay oo loola jeedo kis, koox ama kabbo. Ereyga Kutlo wuxuu ku soo biiray qaamuuska aan rasmiga ahayn ee siyaasadda Soomaalida. Waxaa la baxay Mudanayaal Baarlamaanka ka tirsan oo danwadaag ah. Dantaasi waxay noqon kartaa dan guud ama mid gaar ah. Kutlad waxay ahaan kartaa danwadaag, carowadaag, aragtiwadaag, talowadaag ama intoo dhan. Kutladaha ugu codka dheer waxay kala yihiin.

Badbaado Qaran waxay u soo ifbaxday kuna midowday isku daygii fashilmay ee lagu badbaadin rabay Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed. BQ waxaa u madax ah, Cabdi Axmed Dhuxulow oo reer Ceel Buur ah. Waxaa laga yaabaa in ay tahay tan ugu xubno badan Kutladaha Baarlamaanka.

Toosinta Talada Qaranka oo loo soo gaabiyo TTQ. Waxay samysantay markii ay isu bahaysatay in ay is hor taagto Xukuumaddii laqmatay ayada oo shan maalmood jirta. Xukuumaddaas oo lagu dhici waayay in Baarlamaanka la hor geeyo waxay hadda fadhiyada siyaasadeed ee Muqdisho qaarkood u yaqaannaan Leef oo ha liqin. TTQ waxaa u madax ah, Cabdullaahi Jaamac oo ah Gaalkacyood.

PIP waa Kutlada magaceedu af Ingiriiska yahay ee loo soo gaabiyo PIP (Public Interest Platform). Waxay samaysantay markii ay damacday in ay badbaadiso Xukuumaddii Leef oo ha Liqin oo la siqiir suujiyay.

Sharciyad
Kutladdu ma ahan xisbi siyaasadeed oo diiwaan gashan, Haddana ma jiro qaanuun diidaya in ay Xubnaha Baarlamaanka ee danwadaagta ah ama isku aragtida ahi ay isku hal si u codeeyaan. Waa hab awood siinaya Xildhibaannada magaca qabiil ku galay Baarlamaanka oo haddii qabiil la aado aan heli karin codad tiro badan oo miisaan leh ku leh siyaasadda. Dadka qaar waxay ku tilmaamayaan in kutladuhu ay yihiin nidaam qabiilka looga gudbi karo oo u xuub siiban kara axsaab siyaasadeed. Dad kalena waxay la tahay in ay yihiin caqabad hor leh oo ku soo korortay siyaasadda Soomaaliya oo awalba waayadaan ku dabaalaneysay bad kacsan.

Dhinacyada qaar waxay tuhunsan yihiin in Kutladaha qaarkood ay ujeeddadoodu ka qoto dheer tahay waxyaabaha ay hadda idaacadaha ka sheegayaan.

Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay qormada. Fadlan aragtidaada isla boggan ku reeb. 

19 comments:

  1. Yusuf wan ku mahadinayna in halka ay amskaxdayadu joogto iyo sida an u kala fahamka dheerayn mar hore hoos nooga soo dhaadhiciso, waxan hada kala naqaanaa wax kutloyinku kala yihin iyo waliba eraygan oo aan markaliya warbaahinta uun ku aragnay lkn anu waynay wax noo bayaamiya , shukran mar kale yusuf

    ReplyDelete
  2. Masha Allah, waa qorno xiiso badan. Aadbaan ubogaadinayaa, xaqiiqdi arin jira. Mahadsanid Ustaad Yusuf.

    ReplyDelete
  3. rageedii halkaas ka wad Yusuf yare

    ReplyDelete
  4. Guuuul mahadasanid mudane waad nafahansiisay waayahan oo idil Kudlad Waan kuwareernay xaqiiqdii lkn hada Waan fahanay Guuul markale madaxweynaha mustaqbalka dhaw @ ygaraad 2016 tnx

    ReplyDelete
  5. Yuusuf adigoo aad ugu mahadsan sida aad noogu qeexday eray bixinta nagu cusub haddana waxaan aaminsanahay in kooxahaanu ay yihiin caqabad hor leh oo soo wajahday siyaasadda & Dawladnimada Soomaaliya

    ReplyDelete
  6. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  7. Marka hore waxaan u mahad celinayaa Suxufiga weyn Yuusuf Garaad & erayga kutlo macnihiisa. Marka xiga tan fakirkeyga Wixii markaa socda ama la wado waa laga horyimaadaa, Waxa la qaban doonana wanaag looma rajeeyo haddaan Soomaali nahay

    ReplyDelete
  8. Yuusufow nimankaan isku magacaabay kutlooyin Waaa Niman Danaha Dalka Iyo Dadkaba Midna Aaaan Ka turjumeyn Waaa Xildhibaaano Calooshooda un U shaqeysta iyo Danno shisheeye Oo Ah Dalkaan in eysan Dowlad Ka hano qaadin Saas Waxaaan u leeyhay Waxey Dhaheen Afar Waziir oo Muwaadiniin Ah Oo Eysan Xaq u laheyn inee Diidaan Ayee Diideen Oo Ey Dhaheen Yaaan Lagu Soo Darin Xukuumadii La soo Dhisay Ayee is baaro u Dhigteen oo ey celiyeen Reysal Wazaaare cumar Cabdirashiid Wuu la laabtay xukuumadii Markaas Ayuu soo Dhisay Xukuumad Rag dhalin yaro Ah oo Aqoon yahano u badan Wuxuuna yiri xukuumada aan soo dhisay wey ka madax banaan thy khilaafyadi Siyaaasadeed ee dalka hareeyay Ayadoo sidaas ey thy ayaa maanta waxaa la leeyahay wey ridayaaan Aniga waxaan oran lahaa meesha xildhibaano shacab u daneynaayo ma joogaane halakala diro

    ReplyDelete
  9. Qormadu waa mid wanaagsan lkn su'aashu waxay tahay "Hebel waa reer Ceelbuur ama reer Gaalkacyo" ujeedada ka danbeysaa iyo muhiimada ey leedahay waa maxay ?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Hussein, waxaan ula jeedaa in aan muujiyo in aan isabahaysiyada soo baxay aanay ku saleysneyn qabyaalad iyo goboleysi toona.

      Delete
  10. Ogmada siyaasadda ku saabsan ee laga faa'iidi karo qormadan, Yuusufow, waxaa dheer Afsoomaaliga quruxda badan ood ku qortay maqaalka. Leextukaaladaydu waxay ku dhan tahay wax wanaagsan baad nala wadaagtay ee sidaa ku wad. Mahadsanid,

    ReplyDelete
  11. masha allah madaxweynaha mustaqbalka somaliya illahay haku xifdiyo waxa thy nin misan culus oo codkar ah baarlaman majogan illahay ummadda haka qabto

    ReplyDelete
  12. masha allah madaxweynaha mustaqbalka somaliya illahay haku xifdiyo waxa thy nin misan culus oo codkar ah baarlaman majogan illahay ummadda haka qabto

    ReplyDelete
  13. masha allaah wa qoraaal aad u wacan wana la dhacay thankz

    ReplyDelete
  14. Yusuf garaad ugu horeyn wad mahadsantahay. Kuwaana ilahay umada ha ka hor leexsho, dhibkan oo dhan waa umada galiyay ODAY DHAQAMEEDKII WADADA QALDAN KU KEENAY. XARAAN XALAL MA DHASHO, AYAGA IYO ODAYASHI SOO XULAY WAA TUUG IYO TUUG KALKAAL

    ReplyDelete
  15. Xey tahey ma af somalibaa, hadaad qabto iney somaali tahey qaamuuska ma ku jirtaa?

    ReplyDelete