Total Pageviews

Thursday 1 January 2015

Soomaaliya, Soomaali baa leh


Saaxiib maanta dareenkaaga la xisaabtan. 2014 maxaad u qabatay ama u tartay danta guud ee Soomaaliya? Lacag aad u baahan tahay ma ku bixisay danta guud? Aqoontaada ma gelisay? Wakhti ma u hurtay? Waxa aad adigu shakhsiyan qabatay ee mira dhalay ee aad sheegan kartaa waa maxay? 

Ninka ama gabadha madax ahow is weydii – wakhtigaaga gaadiidka, guriga iyo lacagta laguu siiyay in aad danta guud ugu shaqeyso, sida ay tahay ma u wada gelisay danta guud? Waajibkaaga ma gudatay? Sannadkan ma ka wax qabad wanaagsanaan kartaa kii hore?

Ma jiraan wax aad awooddo oo aad Soomaaliya u qaban karto 2015? Mid am
a laba ama ka badan ma jiraan oo aad libin ka dhigan karto in aad sannadkaan ku biiriso horumarka Soomaaliya?

Soomaaliya Soomaali baa leh. Qof aad ku halleysaa yey jirin horumarinteeda.

11 comments:

  1. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
  2. Yusuf kuwa aan doonayo In ay dalka hogaamiyaan adiga ka koow ah,

    waayo waayo aragnimadaada , cilmigaaga iyo asxaabtaada faraha badan oo Kala ah mudinin somaliyeed iyo ajnabi labadaba ah,

    Waxaan la soconaa inaadan xil ka haynin dowlada.

    Waxaan kaloo la soconaa inaadan xil ka dooneen markii laga soo tago madaxnimadii aad isu sharaxday,

    Sidaas oo ay tahay waxaad waqtigaag u hurtaa maslaxada , wacyi galinta nabada , Ku biirinta fikradaahaga saliim ka ah geedi socodka nabada,

    Waxaadna qarashkaaga u hurtaa safaro badan SI loo helo midnimo iyo dowlad

    Aniga shaqsi iyo inbadan oo ILA mid ah waan ka dharagsanahay Sida hooshaada noqon lahayd hadaad ka mid ayaan lahayd mas'uuliyiinta sar sare,,,

    Waxaad hormuud ka tahay dadka dhif dhifka (rare) EE dalkaan hogaamin Kara , qibrad badana u leh nidaam dowladeed, waxaad goob joog u ahayd Gabi ahaan nidaam yadii dalka soo maray laga soo bilaabo xukaamadii kacaanka e Maxamed Siyad ilaa maanta,

    ReplyDelete
  3. Sax Soomaliya , Soomali ayaa leh Waase haday u gartaan sideey tahay ama sidaas. Masuuliyada waa wax la is weydiiyo magacaba micnihiisu sidaas yahay. Danta guud ayey ku dhex jirtaa mida gaarka ah, micnaheed waa danta guud markaad qabato waxaad u qabatay soomali oo dhan oo uu ka midka yahay qofka qabanaya naftirkiisa rag/dumar qofkad oonto ahow waxaa kaa soo garaya waxad qabatay ugu yaraan 1% kugu filan kaana badan. Damaca xun. dul-qaad la'aanta, is daba marinta iwm waxa waxa dalkeena burburiyay, dadkeenii u daadsan yihiin meel walba oo xun, Dal, dad, duunyo wax inoo dhaqan ma jiraan gees ka gees Soomaliya dhibtu waa saameysay, Dadka aan is daba qaban waa dabar go'aan. Duul kale oo nooga imanaya dalal fog-fog oo na daba qabanaya ma jirto isku tasho somaliyeey. Dadka manta nool hadeysan dadaal dheeri ah muujin waa la dabar go'aaya , la dhaqan doorsoomayaa. Dulqaad , isu dhimrin, meel fog oo wax laga fiiriyo oo dad damiir leh ayey soomaliya u baahan tahay maanta. waana noqon karaa qof walba. ha la siku dayo hadaad hal qof xitaa masuliyad lagaa saaro sidaad uga soo bixi laheyd oo aad adiguba u jeclaan laheyd in laguula dhaqmo ugu yaran ugu adeeg. WBT

    ReplyDelete
  4. Runtii yusf garaad dadka adiga aad ugu horeysid ee wadankii hooyo doorbidey iney waxey ku tari karaan u qabraan, isaga tageyna wadamadii ay horey u daganaayeen si ay dadkooda u caawinaan taas marka hore abaalkeeda ale ayaad ka heleysaan. waana hubaa yusuf garaad ahaan madaxtimo inaad wax weyn u arag. laakiin waxaad doorbideen wax tarka ama guubaabada umadaan dhibku ku habsadey oo ku sigtey in wadankii lagala wareego aniga iyo soomali badanba abaal ayaan idinkaga heynaa! taas was taas. Runtii Soomaaliya waxey maanta u baahan tahey Sadax 3 D, aad waana (Dadaal Daacad iyo waliba in lagu wada Shaqeeyo Dantagood1 ee Umadaan wadaagto lana ilaabaa Qabyaalada lana Qaata Qaranimada Tanks yusuf garaad

    ReplyDelete
  5. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  6. Soomaaliya Soomasli baa leh waa sidaa

    ReplyDelete
  7. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  8. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  9. mideeda kale dalkii ethopia oo noqdey wadamada ugu hubka soo saarida badan, hadii ay soomaali dad iska dhigi weydo hubkaa ibtey u iib geyn la heyd dunida.bey Soomali kula soo jeesan doonta iyadoo waligeedba aduunka ka dhaadhicin jirtey soomlida aniga ayaa mas, uul ka ah kenya iyadan Waa tan Badaadii dooneysa qeybka mida in loo saxiixo marka soomaalida haday dad iska dhigi weydo cadow geeda kama dheera. hooyadey ayaa oran jirtey (jinkaa la dheel kana dheel la how waa facaaga ka cayaar isjana jir ) marka saxiibti nimada dariska waa iney uu ku e kaata saaxiibtino kaliya (Soomaaliya soomasli baa leh) tank's yusuf garaad

    ReplyDelete
  10. mideeda kale dalkii ethopia oo noqdey wadamada ugu hubka soo saarida badan, hadii ay soomaali dad iska dhigi weydo hubkaa ibtey u iib geyn la heyd dunida.bey Soomali kula soo jeesan doonta iyadoo waligeedba aduunka ka dhaadhicin jirtey soomlida aniga ayaa mas, uul ka ah kenya iyadan Waa tan Badaadii dooneysa qeybka mida in loo saxiixo marka soomaalida haday dad iska dhigi weydo cadow geeda kama dheera. hooyadey ayaa oran jirtey (jinkaa la dheel kana dheel la how waa facaaga ka cayaar isjana jir ) marka saxiibti nimada dariska waa iney uu ku e kaata saaxiibtino kaliya (Soomaaliya soomasli baa leh) tank's yusuf garaad

    ReplyDelete