Total Pageviews

Wednesday, 28 December 2016

Bil fasax ah ayaan ku maqnaa 264 Bilood

Aniga oo Jaamacad ka qalin jebiyay.  Aniga oo safarro aqoon kororsi u tegey France iyo Zimbabwe.  Aniga oo haysta dhowr shaqo oo wanaagsan oo aan ku faraxsan ahay.  Dhul iibsaday oo markaa guri dhisanaya.  Guursaday.  Gaari wanaagsanna wata. Aniga oo weliba ka sii dhallinyar inta aan maanta ahay.

Isu geyn aniga oo nolosheyda ku faraxsan wax aan tebayaana jirin, ayaan 26 sano ka hor maanta oo kale ka dhaqaaqay wixii aan haystay oo dhan, oo aan ka dhoofay dalkeyga hooyo, Soomaaliya.

Amni darro darteed.

Maalintii aan dhoofayay waxaa gegida dayaaradaha la i geeyay galab dheer, inkasta oo ay dayaaradda Airbus ee Somali Airlines ay kacaysay ku dhowaad habeen-barkii.  Sababta la ii carraabiyay waxay ahayd in anuu jirin gaari socon kara marka gabbalku dhaco.  Iyada oo amar sidaa qorayaa aanuu jirin, ayay dadku cabsi awgeed isku soo rogeen bandow.

Inkasta oo uu dagaalka sokeeya uu qeybo waddanka ka mid ah ka socday sannado, habeenkii aan dhoofay laba maalmood ka dib ayuu si buuxda uga qarxay Muqdisho.

Khibrad aan ka helay shaqadeydii Laanqeyrta Cas ayaa wax i tartay.  Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa oo aan dagaalka ka hor aqaannay ayay Laanqeyrta Cas shaqadeedu fursad ii siisay in aan tago oo ka shaqeeyo labadaba markii lagu dagaallamay iyaga oo weli ku jira xaalad colaadeed.  Xarun waxaa ii ahayd Berbera oo aan dayaarad ugu kala gooshi jirnay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Borame marka laga reebo mar aan Gobolka Awdal baaddiyihiinsa inta badan gaari ku maray iyo mar aan sii socod iyo soo laabasho aan gaari ku marnay waddada isku xirta Berbera iyo Burco. 

Saddex nin ayaan ahayn.  Labada kale midkood Swiss yahay midna Belgium u dhashay ayaan wada soconnay.  Gaari ciidan oo naga dambeeyay waxay SNM-tu ku qarxisay markii aan dhaafnay Shiikh oo u gudubnay dhanka Burco.

Safarkaas annaga oo nabad qabna ayaan ku soo laabannay Berbera.  Inkasta oo weerarkaasi ka dhacay waddada.

Labadii nin ee ajnebiga ahaa ee aan wada soconnay dhowr toddobaad ka dib ayaa midkood lagu dilay aagga Hargeysa.

Xaaladda aan labadaas magaalo ku soo arkay darteed ayay naftu ii diidday in aan Xamar ku sugo dagaalka ay sansaantiisu u muuqatay qof kasta oo daqiiqado yar si miisaaman uga fekera.

In aan dalka ka dhoofo oo aan ka fogaado indhaxumada dagaalka ayuu go’aankeygu ahaa.  Bil fasax ah ayaan ka qaatay shaqadii iigu muhiimsanayd.  Bar aan tilmaansaday ma lahayn.  Runtiina maba jirin meel aan u socdo oo muraad iga yaal.

Habeenkii aan Muqdisho ka dhoofayay waxay ka mid tahay habeennadii iigu murugo badnaa nolosheyda.

Rajo waan ka qabay in Dowladda iyo Jabahaduhu ay kala adkaadaan oo midkood dalka u soo haro ama ay heshiiyaan oo markaa aan soo laabto.  Laakiin maskaxdeydu ma aqoon goorta aan soo laaban doono iyo in aan soo laaban kari doono.

Ninkii madaxa ii ahaa ayaa aad isugu dayay in uu i baajiyo. Wuxuu igu yiri waxaad tahay Laanqeyrta Cas, waxaadna dalka ka dhoofeysaa maalintii laguugu baahi badnaa!  Maxaad dareemeysaa?

Waxaan ku iri, xaaladda Muqdisho waa ay ka duwan tahay meelihii kale ee aan ilaa hadda ka shaqeynayay.  Waa magaaladeyda.  Marka uu dagaalku halkan soo gaaro dhinacyada dagaallamayaa iima arkayaan Laanqeyr Cas.  

Dhibbane cidna ma caawiyo.  Inta aan noqon lahaa dhibbane waan ka fogaanayaa xabbadda, laakiin haddii ay dowladdu adkaato ama la rido durba waan soo laaban.  Hadda ma dhex joogi kario, dariiqyada Xamar oo lagu dagaallamayo, in aan ka shaqeeyana warkeedba daa.

Maalin kale wuxuu igu yiri, ma og tahay in aan ogahay in aanad soo labaneyn? Waxaan ku iri ma ogid mana ogaan kartid.  Sababta oo aah aniga ayaaban ogeyn in aan soo laabanayo iyo in kale.

Inkasta oo ay murugo badan oo dalka ku saabsani ay i soo martay, haddana Ilaaheey mahaddii noloshii aan soo maray 26-kaa sano waxay ii ahayd horumar shakhsi ah.  Waxaa ii kordhay aqoon waxbarasho, xirfad shaqo iyo xog ogaalnimo isbeddellada dalka ka dhacayay oo in badan aan goob joog u ahaa ama aan Soomaalida iyo caalamkaba uga warramayay.  Ka sokow laanta Soomaaliga, waxaan si joogta ah uga bixin jiray Raadiyayaasha iyo TV-yada BBC warbixinno iyo falanqeyn dhacdooyina Soomaaliya.

Waxaan  fursad u helay in aan hadba kuwa isbeddelka markaa sameynaya ku wareysto telefoon.  Marmar aan fool-ka-fool ula sheekeysto dalka gudihiisa ama ayaga oo yara dabacsan awoodna aan haysan dalka dibaddiisa iyo weliba ka dib marka ay xilka ka dhacaan.  Aakhirkii waxaan isku deyay in aan isbeddellada dhacaya aan dejinta naqshaddooda kaalin horseed ah ku yeesho.

Intii aan dalka ka maqnaa waxaan ku noolaaday dhowr dal oo Yurub ah.  Waxaan  socdaal ku tegey dalal kale oo badan oo qaarado kale ku yaalla.  Waxaa ii suurta gashay in aanan is-dhiibin oo aanan marnaba qaadan waraaqo Qaxootinnimo.

Dalal badan oo caalamka oo aan shaqo, waxbarasho ama dalxiis aan u tagay intooda badan waan awoodaa in aan aado magaalada aan doono marka aan doono aniga oo keligeey ah.  Dalalkaas qaarkood dadkooda inta badan uma muuq iyo midab eki.  Isku diin ma wada ihin.  Isku luqadna kuma fekerno.  Weligeey wax ma tarin.  Xaq aan ku leeyahay oo gaar ahina ma jiro.  Aabbahay iyo walaalaheey uma soo dagaallamin difaaca dalalkaas sida ay ugu dagaallameen dalkeyga.

Waxyaabaha aan xusuusto waxaa ka mid ah mar aan tegey Spain oo aan goostay in aan gaari ku tago Jaxiiradda Gibraltar ama Jabal Taariq oo ah Jaziirad Ingiriisku xukumo oo ku ag taalla Spain kana fogeyn Morocco.  Waa Jaziirad ku caan ah buur weyn oo hal dhagax ah.  Midda ugu tilmaan dhow laakiin aad uga yar waa Buur Hakaba.

Waxaan ku socday khariidad ku daabacan xaashi oo aan internetka kala soo degey.  Mar aan istaagay meel aan shidaal ka iibsanayay ayaan qof Spanish ah oo tukaanka iibineysay aan weydiiyay tilmaan si aan u hubsado.  Qofku kuma hadlo af aan Spanish ahayn.  Waxay igu kalliftay in aan jacbur ku wada hadalno isugu jira Spanish iyo afafka ay isku bahda yihiin ee Talyaani iyo Faransiis.  Ugu dambeyn waan fahmay tilmaanta uu qofku i siiyay.

Ima weydiin qofka aan ahay iyo meesha aan ka imid.  Ima weydiin in aan sidiisoo kale ahay Katoolig, oo ah diinta ugu badan ee dalka Spain.  Ima weydiin haddii aanan diintiisa haysan midda aan rumeysan ahay.  Imana weydiin waxa iga yaal Gibraltar.  Iguma mashquulin ee noloshiisa ayuu ku mashquulay. 

Soomaaliya, dalkeyga hooyo waxaan dib ugu soo laabtay in aan dego muddo hadda 4 sano laga joogo.  Waa 264 bilood ka dib markii ay iga dhammaatay bishii fasaxa ahayd ee aan shaqadeyda ka qaatay.

Maanta oo la marayo 2016 weli suurta gal iima aha in aniga oo xor ah aan dalkeyga dego meesha aan doono, marka aan doono.  Degaan waa meeshiisa ee xataa magaalada aan ku dhashay kuna barbaaray sida aan doono uguma socdo.

Cadowga aan ka baqayo ma aha shisheeye ee waa Soomaali.  Wax aan taray mooyee ma jiraan wax aan u dhimay.  Xataa imaba yaqaan hadduu doono.

Marka aan ka fekero Dowladdii Soomaaliya ee ay Soomaalidu gacnaheeda ku burburburisay waxaan soo xusuustaa hadal uu Madaxweynaha Ruushku, Vladimir Putin, yiri sannadkii 2005.  Wuxuu yiri burburkii Midowga Soofiyeeti wuxuu ahaa masiibadii ugu weynayd ee qarniga. 20aad soo marta caalamka.


Mar dambe ayaa Telefishin Jarmal ahi wax ka weydiiyay oraahdaas.  Putin wuxuu ku jawaabay tu kale oo ka xiisa badan.  Wuxuu yiri, annagu Ruush ahaan waxaan dhahnaa haddii aadan ka qoomammeyn burburkii Midowga Soofiyeeti qalbi ma lihid. Laakiin haddii aad ka qoomammeyso burburkii Midowga Soofiyeeti maskax ma lihid.