Total Pageviews

Wednesday, 21 December 2016

Sheekada Xamar ee Disembar 2016

Xamar waxaan ka dhoofay iyada oo ay is dhintay tirada siyaasiyiinta iyo inta siyaasadda kulaasha. Waxay ku maqnaayeen caasimadaha Dowlad Goboleedyada oo ay doorashadu ka socotay.

Hadda waxaan imid iyada oo buux-dhaaf ma dhihi karo laakiin aad u cammiran.

Waxaa yimid Xildhibaanno cusub oo sita shahaaddooyin Gobollada laga soo siiyay.  Dadkii soo dhisay ama la soo dagaallamay Xildhibaannada. Qaar ka mid ah dadkii ku soo bixi waayay kuraasta ay u tartamayeen. Murashixiin Madaxweyne.  Gobollada ama xataa dibadda dad uga yimid in ay Madaxweyne soo saaraan iyo weliba dad daawasho iyo yaan lagaaga sheekeyn u yimid Muqdisho oo qaarkood ay dalka dibaddiisa ka yimaadeen.

Ma ahan dad keliya waxa magaalada soo buuxiyay ee iga dambeeyay. Waxaan Caasimadda ugu imid sheekooyin aan kala go’ lahayn oo lagu hayo hoteellada, makhaayadaha iyo xafiisyada. Sheekadu waxaa kale oo ay ka socotaa xataa qaar ka mid ah guryaha ku yaalla xaafadaha magaalada qaarkood. Waa xaafadaha ay ku yaallaan guryaha ay deggan yihiin Madaxda, saraakiisha, shaqaalaha, howlwadeennada kale iyo qandaraaslayaasha dowladda intooda badan.

Waa sheeko ku saabsan doorashada 2016 oo hadda ku sigan in ay foodda la gasho 2017.

Maaddaama aan diblomaasiyad ka shaqeeyo qeyb kama ihi tartanka doorashada, kaalinna kuma lihi ololaha doorashada ee aan ku koobnayn laakiin uu xooggeedu ka socdo Muqdisho.

Sidaa darteed sheekooyinka waxaa iigu xiisa badan kuwa ku saabsan Xildhibaannada ilaa hadda soo baxay oo uu mid kastaa ku soo guuleystay ama ay ku soo guuleysatay aqlabiyadda codadka 51 qof oo ay isku jifo hoose yihiin.

Run miiran iyo mid la cayiliyay waxa ay tahay ma aqaan, laakiin Xildhibaannada soo galay intooda aan la sheekeystay ama la iiga sheekeeyay mid kastaa waa halyeey.

Wuxuu hayaa ama ay haysaa sheeko dheer oo ku saabsan sida uu ku soo baxay ama ay ku soo baxday.  Inta dabin ee mid kasta uu kursiga ku waayi karay balse uu ka soo tallaabsaday. Caqabadahaas oo ay u dhigeen ama ugu yaraan ay qeyb weyn ka qaateen dad ay isku reer yihiin ama xataa Suldaanka beesha. Mid kastaa wuxuu kuu sheegayaa inta uu dad iska reebay iyo kuwa uu ka guuleystay.

Qaarkood waxay ka sheekanayaan qof la tartamay oo u dhaqmay si aan la aqbali karin iyo sida ay caqabaddaas uga guuleysteen.

Qaar baa ka sheeganaya dhinacyo kale oo kala duwan. Xildhibaannada qaar waxay ka dhigayaan sidii in ay ahayd wax la iska og yahay in ay soo baxayaan. Waxay u dhigayaan jilibka ay ka yihiin jifadoodu in uu yahay kan ugu tiro badan jilibyada hoose ee reerka halka uu murashaxa la tartamay uu ahaa jilib ka tiro yar.

Bal Adba!


Sheekooyinka iyagana laga sheekeysto waxaa ka mid ah Xildhibaannada magaca dheeraa ee hadda kursigoodii waayay iyo sida ay arrintaasi ku dhacday.  Markii aan Muqdisho ka dhoofayay waxaa socday kaftan ah  Xildhibaan hebel wuxuu ka cabanayaa mid yar oo beeshooda ah oo lagu tag gareeyay.  Haddii lagu tag gareeyay iyo haddii uu keligii is dirayba hadda natiijadii ayaa la hayaa. Waxaa keliya oo furan waa post-mortem.

Kursi uu hore u fadhiyay Xildhibaan aad loo yaqaannay amaba Wasiir ahaa dadka ku soo baxay qaarkood si farxad leh ayay kuugu sheegayaan in ay yihiin qofkii Xildhibaan hebel ka guuleystay.

Waxaa mar walba la i baraa saddex ama afar Xildhibaan oo wada socda oo dhallinyaro u badan. Qaar kale oo aanan anigu toos ula kulmin iyagana waa la iiga sheekeeyay.

Xildhibaannada cusub waxaa ka mid ah Xildhibaan ku soo barbaaray xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab.  Qofkii galay ama booqday ayaa xaaladdooda ka warqaba.  Waxaa ka mid ah Xildhibaan Minnesota ka timid oo la ii sheegtay in ay tahay milkiilaha astaan naqshadda dharka ah.  Waxaa ka mid ah Xildhibaan halgan ka soo billaabay caseeye, soo maray shaqooyin kale oo badan.  Intaa ku garab waday waxbarasho iyo dadaal ilaa uu isaga oo shaqeynaya Jaamacad iyo mid labaadba ka qalinjebiyay.

Waxaase iyaguna ku jira Baarlamaanka Xildhibaanno ka tirsanaa Baarlamaankii hore, kuwo ka tirsanaa kii ka horreeyay iyo weliba qaar kii ka sii horreeyay xubin ka ahaa. Qaarkood Xubinnimadooda Baarlamaanku hakad ma gelin tan iyo sannadkii 2000.

Go’aammada ugu Muhiimsan


Xildhibaannadii hore iyo Xildhibaannada cusub waa laga yaabaa in ay wax badan wadaagaan, laakiin waxyaabo ay ku kala duwan yihiin ayaa jira. 

Xildhibaannada hore waxay leeyihiin cadow siyaasadeed oo dagaallo hore oo siyaasadeed oo badan ayay ka soo qeyb qaateen.  Sidoo kale waxay leeyihiin saaxiibbo siyaasadeed oo ay isku dhan wax u wada riixayeen. 

Qaarkood waxay ka tirsan yihiin isbahaysi siyaasadeed oo la yaqaan waxa diiwaanka ugu yaal. Xildhibaannadaasi waa kuwo la qiyaasi karo waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan iyada oo laga tusaale qaadanayo nooca mooshinnada ay hindiseen iyo mowqifka ay ka qaateen mooshinnada kale.

Dadka aan la qiyaasi karin jihada ay u dhaqaaqi doonaan waa Xildhibaannada cusub.  Foolkooda iyo indhahooda waxaa ka muuqda iftiin, ifafaalo wanaagsan iyo rajo.

Xildhibaannada dib loo soo doortay iyo Xildhibaannada cusub marka la dhaariyo ka dib waa loo kala bixi doonaa. Fool-ka-fool ayay hal qol gudihiis ugu shaqeeyn doonaan. 

Mas’uuliyaddooda waxaa ugu soo horreyn doona in ay durba qaataan go’aammada ay gaari doonaan afarta sano ee soo socda kuwooda ugu adag uguna muhiimsan.  Xataa waxaa laga yaabaa in ay noqdaan noloshooda oo dhan go'aan ay qaataan midka ugu muhiimsan. Waa go'aan ku saabsan masiir ummadeed.

Waa go’aanka ay murashax uga dhigi doonaan Madaxweyne iyo midka ay murashax kale uga dhigi doonaan Guddoomiye Baarlamaan.

Go’aammada kale ee markiiba ku soo xiga waxaa ka mid ah laba iyaguna aad muhiim u ah.  Waa Ansixinta Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada.

Xildhibaannada cusub ma waxbay ku soo kordhin doonaan oo sare ayay u qaadi doonaan habka uu Baarlamaanku ku shaqeeyo mise maya?  Mise Xildhibaannadii hore ee dib loo soo doortay ayaa tababbari doona oo iyaga ayay ku dayan doonaan? Jawaabtu ma cadda.

Tababbarka Caga-Baruurka


2009 ayay  ahayd markii Djibouti shir lagu qabtay lagu heshiisiiyay Dowladdii KMG-ka ahayd iyo Kooxdii matalaysay dhiancyada hubeysan ee Islaamiyiinta u badnaa ee la dagaallamayay Dowladda iyo ciidammadii Ethiopia ee taakuleynayay Dowladda.

Baarlamaanka ayaa kuraastiisa tiradooda la laba-laabbay oo lagu daray kuraas la tiro eg intii uu awal ka koobnaa si mucaaradka loo soo xareeyo.  Xildhibaannada kuraastaa lagu qoray waxaa ka mid noqday dad badan oo Islaamiyiin ah iyo qaar kale oo dhallinyaro ah oo aan hore siyaasadda uga qeyb qaadan. 

Waxaan ka mid ahaa dad ku shaahayay Nairobi mar arrintaas su’aal laga weydiiyay nin ka mid ah Hoggaamiyayaashii dagaalka ee siyaasaddii kooxaha hubeysan ku gaammuray oo markaa ka tirsanaa Baarlamaanka.

Iyada oo loo quusgoynayo ayaa lagu yiri dad badan oo nadiif ah ayaa soo galay Baaralaamnka ee maxaad faleysaan? Wuxuu yiri waan tababbareynaa.  Markaas ayaa lagu yiri isku sheekaba ma tihidin oo nimankani wadaaddo ayay u badan yihiin ee sideed u tababbareysaan? 

Wuxuu yiri, in aan la hadalno uma baahnin ee keliya wakhti ayaan u baahan nahay in aan wadashaqeyno, waxaadna arki doontaa in ay nala mid noqdaan. Libaaxu marka uu carruurtiisa ku tababbarayo sida loo ugaarsado, uma baahna in uu la hadlo, ayuu daba dhigay.

Waxay ahayd arrin feker igu dhalisay, dhacdooyinka qaar markii aan arkayna aan is weydiiyay in hadalkii Hoggaamiye Kooxeedku uu sax ahaa iyo in kale.

Xildhibaannada cusub waxaa looga fadhiyaa in ay noqdaan kuwo siyaasadda Soomaaliya sare uga qaada heerka hadda la soo gaarsiiyay, Baarlamaankana ku muda cirbad firfircooni hor leh siisa si uu u noqdo mid soo kordhiya tallaabooyin loo aayo.

Waxaan u rajeynayaa Baarlamaanka 2016 in uu muujiyo biseyl siyaasadeed oo hore u sii wada inta wanaagsan howlaha ay soo qabteen Baarlamaannada isaga ka horreeyay, kana digtoonaada oo cashar ka barta khaladdaadkii hore u dhacay.

Shaki kama qabo in ay jirto fursad ay Soomaaliya hore ugu tallaabsato.