Total Pageviews

Saturday 18 May 2019

18-ka Meey

18 May maad wax ka tiraahdid? ayay si soo-jeedin oo kale ah ii weydiiyeen saaxiibbo aan qaddariyo.


Jawaab:

Somaliland waa dalkeyga iyo dadkeyga. Waa walaalahay Soomaaliyeed oo qaarkood wax i soo baray, aan soo wadashaqeynay. Waa dal iyo dad aan jecelahay oo ka mid ah taariikhdeyda dal iyo teyda shakhsi.

Markii dalkii naga dhexeeysay uu naga wada burburay, dhibkuna uu markaas dhankooda u badnaa, waxay qaateen tallaabo loo aayay oo degaannadooda ay ku nabadeeyeen dibna ugu dhisteen. Nabadda ka sokow, waxay dhiseen nidaam siyaasadeed iyo hey’ado Dowladeed oo tayo leh.

Siyaasadi wax kale ma aha ee waa nidaam ay dadka intooda badani isla oggol yihiin. Waxay samaysteen hannaan hadda u shaqeeyaynayay in ka badan laba dersin oo sannadood.

Intaas oo dhan waan ugu hambalyeynayaa. Allahna waxaan uga baryayaa in uu u xoojiyo nabadgelyada iyo horumarka.

Maalinta ay go’aansadaan in ay u dabbaaldegaanna waan ku xushmeynayaa.

Gooni Isu-Taagga.

Ma rabo in aan munaafaqad ku hadlo. Anigu waxaan ku soo barbaaray kuna soo shaqeeyay in Somaliland ay tahay midkood, laba Gobol oo midoobay oo wadajir u sameystay dal la yiraahdo Jamhuriyadda Soomaaliya.

Waxaa la igu tababbaray in Xamar oo aan ku dhashay iyo Hargeysa ay labaduba dalkeyga yihiin, isku sina aan cadow uga daafaco. Tusaale sahlan waxaa ah Halyeygii Xalane oo ay hooyadeey isku magaalo ka soo jeedaan in uu u dhintay asaga oo daafacaya Wajaale.

Maanta rabitaankeyga shakhsiga ahi waa midnimo ay labada Gobol isla oggol yihiin. Taa lama hayo. Xataa dariiqeedii ma muuqdo.

Gooni isu taagga Soomaaliland isaguna ma haysto heshiis Soomaaliyeed oo Midowgii 1960 looga noqday. Mana haysto sharciyad caalami ah.

Sida aan anigu ra’yi iyo rabitaan u leeyahay, ayuu muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed uu u lahaan karaa ra’yi, ha ku noolaado Koofur ama ha ku noolaado Somaliland.

Waxaanse qirayaa in go’aanka Midnimada ama gooni isu taagga uu yahay mid ka go’aa dadweynaha Somaliland iyaga oo u maraya waddo nabadgelyo oo sharci ah.

Inteenna kale aan ku ra’yi ahaanno ama aan ka ra’yi duwanaanno e waxaan ku khasban nahay in aan rabitaanka dadweynaha Somaliland ee sharciga ah aan u hoggaansanaanno.

Hadduu rabitaanku Shacabku uu noqdo Midnimo waa sida aan jecel nahay aniga iyo inta ila aamminsan Midnimada ee Koofur iyo Woqooyiba leh. Haddii uu rabitaanka shacaka Somaliland uu noqdo Gooni isu-Taag waan ku xushmeynayaa, si niyad ah ayaan u aqbalayaa. Ka dibna waan u dalxiis tegayaa, haddii aan u baahdana waan u shaqo tegayaa ama aan degayaa aniga oo waddo sharci ah u maraya. 

100 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Fadlaan aragtidaada halkan igula wadaag, haddii aad karto.

    ReplyDelete
    Replies
    1. MaashaAllah aniga oo ah somali ku dhashay muqdisho joogana South Africa waan u hambalyeenaa heer somaliland horomarka eey is gaarsiisay iyo nabada ey heestaan horomar wacan

      Delete
    2. Masuul lkin maxaad Ka tiri dhaqan kooda qalafsan o Ka baxsan walaalnimada iyo bani aadanimada miyaadan arag dadka ey xabsiga ku gelinayaan fikirkooda iyo midnimada ey aaminsan yihiin iyo kuwa labiskooda lagu hesto o xabsiga loogu taxaabayo taas ma dhaqan dad wanaag doonayaa.



      Anigu maamulka hargeyso waxan u aqaan jabhad lagu magacaabo SNM.

      Delete
    3. Waa maashAlaah mudane wlhi waa intii iga dhaxbguuxeysay oo hadii ay ictiraaf helaan xitaa meelna kuma kala harnoo waa walaalaheen jabuuti oo kale waxba inagama dhibeyso Alx

      Delete
    4. Magacega wa Mohamed Osman sheikh Ali kudhashay Mogadishu kuso barbaaray deegaanka jubaland gaar ahan g.gedo dagmada beled xawo. No.1 hambalyo wx halkan hambalyo. Dowlada Somalialand & shacabka Somalialand. Wx ka xumahay dhibaatada gartay Somalialand 60sano. Taas o anaga sabab unahay. Aniga waxan jeclan laha dowlado badan o Somalia. Si cod badan UN & calamka ogu yelano sameyn sida D.jabuti government. Somalialand government. Somalia government. & sidi dowlad kunoqon lahayen Somalia Ethiopia & Somalia Kenya niyadeeyda sidas bay jeceshahay

      Delete
    5. Waad ku mahadsantahay yuusuf sida wanaagsan eed warkaaga u dhigtay waxaanse rabaa inaan ku waydiiyo laba qodob oo badanaa dadka Soomaalida ahi ay mar walbooy ka hadlayaan qadyadaan ay ka boodaan oo kala ah
      1 waxaad tiri dariiqeedii lamahayo taasoo ay dhici karto inaysanba dariiq loo maro aysanba lahayn tusaale labada madaxwayne ee hargaysa iyo muqdisho kala fadhiya mid walbaa wuxuu meesha ugu yimid dastuur leh Soomaaliya midnimadeedu waa muqadis iyo kan kaloo leh gooni isutaaga Soomaaliland waa muqadis midkoodna waxba kama bedeli karo arintaas oo mid walba waxaa hoostaag taagan qolyo meeshuu fadhiyo rabta oo isla markiiba leh khiyaano qaran buu galay
      2 dadka Soomaaliyeed ee gobolada waqooyi degan uma dhama g,o,ida cidina waxwaydiinmayso oo dhexday sida muuqata nooc qafaal ah u yihiin soory kalmadaan qafaal wax ka khafiifsan baan waayay

      Delete
    6. Wll waad kumahadsantahay fikirkaaga salimka lkn waxaa aad uga muuqata qoraalkaga dabacsanaan iyo inaad hadal xanaf leh ka ilaalineyso walalaheen horsey wax utirsanayey sidaas haddii aytahay waad kusaxantahay dadka hada kasoo horjeeda fikirka goosiguna mel kale ayey waxaa eegayaan oo ah oo ah haddii aan lagu guuleysan hililadii aheyd isku keenida Somali weyntii shanta aheyd inaan lakala dhantaalin labadii leysla helay ee 1960kii ay iyagu hormuudka u ahaayeen iyagoo kuniyadsan haddii. niyadii sameyd wax kabedelmeen waa intaas wax lagaqabtaa oo lagatiraa wixii Tabasho ah

      Delete
  2. Hambalyo May 18,

    Mudane @ygaraad, ku mahadsanid aragtida caafimaadka qabta ee aad Soomaali oo dhan la wadaageyso, run ahaantii anigu waan ku farxay markaan akhriyay.

    Yusuf Garaad: 18-ka Meey: https://t.co/HQqjQrMa2q

    ReplyDelete
  3. waa fikir wanagsan Yusuf Garaad waxa aad cabirtay waa rayigaga waana kugu xushmenaya. madama ayaga ay isku tashaden talada ayaga hadaan u dhiibano ay na hogaamiyaan koonfur sidee ku ogalanaysaa anago fiirinayna maslaxada walalehen aad u fogaaday. muxuuse u dhici la yahay waada hadallo miro dhal ah oo dhex mara dawlada dhexe iyo somaliland?

    ReplyDelete
  4. Mudano anoo aragtidaada kugu hambalyaynaya
    Midnimo umada somaliyeed ani fikir ahaantayda 3 qodob uunbay ku xiran tahay
    1.in ragii xasuuqa gaystay buuga madow lagu daro
    2.in wixi dhacay layska xaal mariyo
    3.in la kala saxeexdo Laguna heshiiyo inaanay wixi hore udhacay aanay dib u dhacayn dawald loo midaysan yahay oo dadku xuquuq isku mid ah leeyahay la dhiso


    ReplyDelete
    Replies
    1. Maya wll anoo kugu tix galinaya rayigaaga nama qabato waxaasi
      Kaliya ictiraaf

      Delete
  5. Aad iyo aad baan kuula qabaa fakirkaas mudane waziir. Runtii waa sida aan ka odhan lahaa haddii wax la'iga weydiin lahaa. Se waxaan alle ka baryayaa in aysan noqon in soomalida intaas tira dhan aysan isku raacin in ay gooni isutaag isku raacaan, iyadoo addunyadu usoo jeesatay in ay qaarad mid ah noqdaan. Somaliland waan dad ay naga dhexeeyaan waxwalba oo aadame wadaagi karo.

    ReplyDelete
  6. Waa qormo xiiso iyo akhlaaq u ku dheehantahay sidaad rayigaaga u cabirtay waxna Kama qabo waadna mahahsantahay.
    From hargeisa.

    ReplyDelete
  7. Masha allah gebi ahaanba waaa ceeb kasaliin

    ReplyDelete
  8. Si fiican ayaad u dhigtay, waa runtaa oo kuma qasbanid inaad taageerto gooni isu taaga somaliland, hadana waxaad si raganimo leh u cadaysay arinta la noqoshada madax banaanida somaliland inay u taalo shacbiga somaliland, tahayna in lagu xushmeeyo.
    Anigu rayi ahaan waxaan aad u taageeraa aragtida ah inaan ummada somaliyeed lagu qasbin in ay hal dawlad noqdaan, gaar ahaan labadii gobol ee midoobay 1960kii, taa badalkeedana laga shaqeeyo, midaynta Iyo walalaynta quluubtooda.
    Taas ayaa keeni karta midnimo awood badan.

    ReplyDelete
  9. Kaliya waxa aad ka illowday in 18-ka may aan soomaaliland dhexdeeda isku si looga arag.
    Inbadan oo kamida dadka degga deegaan kiquraafiyeedkan waxa ay aaminsan yihiin in maalintani aanay ka tarjumayn taariikh ay soomaaliland leedahay ee ay katarjumayso wax uggaara qaybo kamida

    ReplyDelete
  10. Hadalkaagu waa hadal asluubrysan siyaasad ku dheehantahy,oo si degan aad uqaabaysay xushmad iyo qadarina ku dhisantahay. Mahadsanid masuul.

    ReplyDelete
  11. Hadal Fiican Oo waayeelnimo iyo xilkasnimo ka muuqato yaad qortay, waa Intan inta qof Kasta oo garaad dheer lehi garanayaa, se waxa laysku dhaafaya waa ku dhaca ka hadalka arintan oo dadka koonfur kasoo jeedan ka war wareegan. Midi waa iga su'aal, adigu ka yuusuf ahan hadii aad qabto Fekerka ah midaw,sidee baad iigu Sheegi inay dan ii tahay oo inoo wada tahay inaynu midawno, oo dib wax isugu darsano. Qadarin walal

    ReplyDelete
    Replies
    1. Taasi waa midda ilaa iyo hadda aan garan la'nahay oo aan ku fashilnay. Wax ay tahay in aan reer Somaliland u sheegno, oo ay naga rumeystaan, horseedana in aan Midnamadeenna wada ilaashanno ilaa iyo hadda nooma suurta gelin. Macnaheedu ma ahan in aan dood la'aan nahay, ama aan quusannay, laakiin kolley ilaa iyo hadda Somaliland nagamay yeelin doodaha la soo hor dhigay, dhankoodana kama imaan in ay wax soo jeediyaan aan ka ahayn in lagu taageero gooni isu taagga. Guuleyso.

      Delete
    2. Walal Adaa mudan, waxa kaliya aa haysaan waa nala midoobo idinkoo oo idinki midoobi kari la'a oo maamuladii Xubnaha ka ahaa federaalka ay Marba farta ugu yeerayan madaxdii sare, oo go'anadi ku diidayan, oon koonfuriba mid ahayn. Halka Somaliland amarka hal taliye ka shaqeeyo badhan ilaa Saylac. Su'aal kale walal maxaa dhib ah ku jira hadii Aynu laba dawladeed kala noqono oo is gatab yaal oo walalo ah oo is garabsada.

      Delete
  12. Arigtidayda waxan taageersanahay gooni isku taaga Somaliland sababtoo ah maanta Somaliya waa dal dawladoodii burburtay mudo ku dhaw sodon sanadood ilaa maantana nidaam dawladood aanu ka shaqayn sidaa awgeed waxa lagudboon Somaliya inay Somaliland u ictiraafto dal jira oo ka madax banaan.
    Somalilandna waa inay nabadgalyada Somaliya kala shaqeeyaan oo markasta u arkaan walaalahood ay mideeyaan afka somaliga,dhaqanka iyo diinta balse ay kala gaysay nidaamka dawladeed.

    ReplyDelete
  13. Aad iyo aad mudane Yusuf Garad omar waa hadal rumahantii dhaman ka guxaya maanka dadka fayoow hadana adiga ayaa alle ku wafajiye inaad qormo kusoo koobto wax walibaa oo looqaateen ah waxa ay wada tahay dhamaan sida aad usheegtay lkn dadka aad moodo inay kacaankii Octobar jilayaan aya god madoow ku riday niyad samidii yarayd
    waa in aad uga faaiidaysaa maskaxdada iyo aqoontaada deganantada iyo niyad wanagaaga barbaarineed iyo waxbasho ahaaneed ummada somaaliyed si loo kala boxo ama la isugusoo darmo
    mhadsanid

    ReplyDelete
  14. Aad iyo aad mudane Yusuf Garad omar magacaygu waa Abdullahi Abdi Abdullahi fekerkayga waa hadal rumahantii dhaman ka guxaya maanka dadka fayoow hadana adiga ayaa alle ku wafajiye inaad qormo kusoo koobto wax walibaa oo looqaateen ah waxa ay wada tahay dhamaan sida aad usheegtay lkn dadka aad moodo inay kacaankii Octobar jilayaan aya god madoow ku riday niyad samidii yarayd
    waa in aad uga faaiidaysaa maskaxdada iyo aqoontaada deganantada iyo niyad wanagaaga barbaarineed iyo waxbasho ahaaneed ummada somaaliyed si loo kala boxo ama la isugusoo darmo
    mhadsanid

    ReplyDelete
  15. Aad iyo aad mudane Yusuf Garad omar magacaygu waa Abdullahi Abdi Abdullahi fekerkayga waa hadal rumahantii dhaman ka guxaya maanka dadka fayoow hadana adiga ayaa alle ku wafajiye inaad qormo kusoo koobto wax walibaa oo looqaateen ah waxa ay wada tahay dhamaan sida aad usheegtay lkn dadka aad moodo inay kacaankii Octobar jilayaan aya god madoow ku riday niyad samidii yarayd
    waa in aad uga faaiidaysaa maskaxdada iyo aqoontaada deganantada iyo niyad wanagaaga barbaarineed iyo waxbasho ahaaneed ummada somaaliyed si loo kala boxo ama la isugusoo darmo
    mhadsanid

    ReplyDelete
  16. yusuf qoraal wanagsan ayaad ka qortay arinta gobolada waaqooqiyi ee soomaaliya , waxa ii muuqda inaad wax badan indhaha ka qabsatay , gobolada waqooyi waxa ka mid ah sanag iyo sool , goboladaas diyaar uma aha inay somi ka go,aan wa arin aduuunka oo dhan laga og yahay maxay tahay sababta aad isaga indha xirtay?
    weliba adigoo dastuurka umada somaliyeed ku dhaartay oo ay ku qoran tahay in somaliya mid tahay.

    Thanks

    ReplyDelete
    Replies
    1. Dhaartii Dastuurka mar haddii aad cuskatay, waxaa waajib igu ah in aan kuu jawaabo. Mustafe, woqooyi xogtiisa waan hayaa. Sida ra'yiga loogu kala duwan ahay wax waan kala socdaa. Laakiin hoos uguma dhaadhicin. Sababta oo ah 18-Meey ayaa wax la iga weydiiyay. Anna waxaan sheegay in aan 18-Meey hambalyeyn doono marka ay shacabka Somaliland ay intooda badani si sharci ah u go'aansadaan gooni-isu-taag. Inta ka horreysa waxaan aan bogaadinayo nabadgelyada iyo horumarka welibana waan u duceynayaa in Allah u siyaadiyo.

      Delete
    2. MudaNe @Yuusuf Garaad Marka ugu Horeyso aad baan kaaGa Mahad Celinayaa Fikradaada Wanagsan Ani ahaan Somaliland Waxan Maqlay AniGoo QaanGaar ah oo Wax Weliba Garanayo iney Rapto IctiraaF iyo Aqoonsi Waxan ka mid ahay Dadkii Dhashay Burburkii kadib Waxan Raadiyey Sababta ka Danbeyso iney Somalia inteeda kale ka Go'do At last Wan so Helay Sababtaaas Lkn Waxa jecleysan laHaa iney Somalia Noqoto Mid Waayo Kalama Maaranno Waxaa Nagu Hareereesan Dowlado Noo Arko ineynu nahnay Dad Aan Dowlad iyo Nidaam aan Rapin Weyna ku Faraxsanyihiin Burburka Somalia Heesto Waxeysa kasii jecelyihiin Somalia iney u jajabto Gobol Gobol Dunidaan Heer Waxa la Marayaa iney Qaarado ku wada Heshiiyaan aayahooda iyo Masiirka Dalkooda AnnaGa Hadeynu Nahnay SoMalia Waxeynu U shaqeynaa GadGadaaal Maxa inoo Diiday ineynu Noqono One Nation kuwaasoo Wada leh One Flag Waxeynu Noqoneynaa One Popultion kuwaasoo isku Wada xiran As One Connected Allow Innaga Dhig Kuwo kuwada Heshiiye Kheyraadka Dalkooda.

      Shanta Somali Weyn Allow Ka YeeL kor.
      ANiGu Ma ihi Qabiil waxan ahay Qaran waxaan jeclalahay Somalia oo ka Gudubta Qabiiil Iyo Musuq Musuq
      Insha allah Sanadkaan Sanadkiisa Lama Maqli DoooNo Wax la Yiraahdo land iyo Dowlad beynu nahnay iyo Waxan Dhagaheyna kusoo Wada Dhici Doono Min Hargeysa MuGadishu Kismayo BayDhabo illaaa Cirifyada Somalida wada Dagaan Somaliya Only We Have One Independence Celebriry Day That is 26 June .
      Goormaa Nagaanayee luGooyadii nadeysayee 26 june ..insha allah Sanadka Danbe Dhagaheyna wey kusoo Wada Dhici DooNaan ..

      Alloow ka Dhig Somali Hal Qaran dad walaaaLo ah oo isu Diir Naxa oo Hal Wadan isla leh. Insha allah........

      Delete
  17. yuusu mhdsnd waxaase qabaa in midnimadu muqadas tahay waase hadii walaaleheen reer somalilaand nala gartaan

    ReplyDelete
  18. Yousuf Garaad Omer Ahmed, Waxa Dhageysigaa Iyo Barashada Xaga Maqalka iigu kaa Horeysay 1998 BBC Somali. Waxan Kugu Hambalyaynayaa Inad tahay Nin Cod kar ah, Doodisa runta ka Sheega Somalida Xaaladeeda Xogogaal u ah Somaliland Iyo Somalia. Aniga Fikirkaygu Waa Inan Hargeisa kugu Soo Dhaweeyo Shaqo Iyo Degenaanshoba Iyada oo Aqoonsi Caalamiya Heshay Somalia Na Amni Iyo Barwaaqo ka tisqaaday.

    ReplyDelete
  19. Aad iyo aad mudane Yusuf Garad omar magacaygu waa Abdullahi Abdi Abdullahi fekerkayga waa hadal rumahantii dhaman ka guxaya maanka dadka fayoow hadana adiga ayaa alle ku wafajiye inaad qormo kusoo koobto wax walibaa oo looqaateen ah waxa ay wada tahay dhamaan sida aad usheegtay lkn dadka aad moodo inay kacaankii Octobar jilayaan aya god madoow ku riday niyad samidii yarayd
    waa in aad uga faaiidaysaa maskaxdada iyo aqoontaada deganantada iyo niyad wanagaaga barbaarineed iyo waxbasho ahaaneed ummada somaaliyed si loo kala boxo ama la isugusoo darmo
    mhadsanid

    ReplyDelete
  20. waan kugu raacsanahay intii aan oran lahaa ayaad tiri mudane waana kaaga mahad celinayaa qormadaan xignada iyo sharaftaleh ee aad nala wadaagtay

    ReplyDelete
  21. Waa rayi la ixtiraami Karo, ee Farmajo u sheeg in aan khasab iyo lacag lagu bixiyo sidii Somaliland loo burburin lahaa aanay xal keenayn.

    ReplyDelete
  22. wa jawab aad u fcn waxad tahay oday somaliyeed inta badan dhanka wanagsan wax ka eega xuman iyo eex toona wali qoraaladaada kama arag waxad u tahay jiiilka manta e aniga ka mid ahay qof ay ku daydaan.

    majirto wax ka fcn hadan nahay dadki ka dhashay j.somali leysku oran jiran ugu yaraan in nabad iyo jaceyl kuwada noolaaano walaalaheyda somaliland aad ayan ugu ixtiraama ra'yigooda gooni isku taaga waxa leeyahay meesha o kheyr ugu jiro allah nawada waafajiyo dad wada dhashay ayaan nahay

    ReplyDelete
  23. Asc mundane Yusuf waxaan ixtiraamayaa rayiga qurxoon ee leh hoga tusaalaha 18 may
    Mundane waxaan kamid ahay dayarta ama jiilka soo socda
    Mid hadaad noogu dari karto oo ah
    Sida ugu fudud ee lagu soo celin karto gobolada waqooyi iyadoo leh gaariikh tusaale u noqon kartaa xalinta umuurahaan waa codsi cilmigaaga iyo aragtidaada kusalaysan mahadsanid

    ReplyDelete
  24. Asc mundane Yusuf waxaan ixtiraamayaa rayiga qurxoon ee leh hoga tusaalaha 18 may
    Mundane waxaan kamid ahay dayarta ama jiilka soo socda
    Mid hadaad noogu dari karto oo ah
    Sida ugu fudud ee lagu soo celin karto gobolada waqooyi iyadoo leh gaariikh tusaale u noqon kartaa xalinta umuurahaan waa codsi cilmigaaga iyo aragtidaada kusalaysan mahadsanid

    ReplyDelete
  25. Anoo katirsan dadka kasoo jeeda gobollada waqooyi, ma aaminsani iney hal beel oo tiri waannu kago’nay inay Annaga afduub nooga saari karto somalia. Hadey leeyihiin yaa nalagu qasbin midnimo annaguna waxaan leennahay go’id yaaanan nalagu qasbin.

    ReplyDelete
  26. Waa jwtii aan ka bixin lahaa su aasha lagu weydiiye walal good

    ReplyDelete
  27. waad mahadsantahay mudane yuusuf
    si qurux badan oo aan ku qancaybaad u tabisay qoraalkan waan fikir caafiimaad qaba
    sida aad u hadal qaaday in go aan walba shacabka ku xidhan yahay ayeyna ugu baahnayn wax lagu daalo in la raadiyo midaynta labada dhinac ee soomlida waayo
    shacabku haduu is rabana midnimo waan gaadhayna hadii kale waxku xidhan masuuliyiinta labada dhinac ma jiro
    waa fikarkayga

    ReplyDelete
  28. Aragti caafimaad qabta, lkn sida ay wax yihiin hada waa in si ka fiican loo dhigaa muqdisho iyo hargaysaba.in la is cafiyaana waa qodob gogol xaadh ah.

    ReplyDelete
  29. Wax is weeydiini maxumee, Garaad maka midaysantihiin adiga iyo xildhibaanada kula asaaga ah in G.woqooyi lagu dadaalo oo aan laga seexan maadaama mushaar ku qaadataan in aad ka shaqeysaan danaha iyo rabitaanka shacabka shacabka soomaaliyeed? Misa wll dad idinku dhex jira ayaa muhiim u ahayn arinta ah in wllo G.woqooyi laga cafis dalbo dibna loo soo celiyo?
    Ugu danbeen hadii weydiinta danbe ee warcelinteedu tahay haa wll bòori inta indheer garadka ah uun baa wax kula garan doontee

    ReplyDelete
  30. Dhibka jira somalida intaas mawada fahman caay iyo somali diid ey ku hayaan. Maxaa siidaya sedey ayaga xamar u imaden 1960 in loogu tago hargeysa xukunkana logu dhibo.

    ReplyDelete
  31. Qabiil waliba waxaa uu leeyahay rabitaan ugaara, hadii lawaayo midnimo dal iyo dad Soomaaliyeed oo dowlad ah, ree waliba wuxuu lahaa xad iyo xeer ugooniya 1960 kii kahor!

    ReplyDelete
  32. Mansha Allah waa qoraal cilmiyaysan

    ReplyDelete
  33. Mahadsanid marka hore. Yusuf Somaliland horta maaha dalkaagii sababta oo ah ma tihid muwaadin ku dhashay ama haysta dhalashada Somaliland.
    Ta labaad Somaliland dadkeeda ma qirsanid in Dawladdii Ragiimki Maxamed Siyaad Barre uu xasuuqay oo waxay hub lahayd u adeegsatay.
    Mundane anoo ixtiraamaya aragtidaada waxa aan ku leeyahay huradada ka toos indhahana kala qaad.

    ReplyDelete
  34. Waa habka ugu saxan ee la rabo in la raaco, marka la fiiriyo nidamaka casriga ah, kaas oo ku talinaayo dadku in ay doortaan hab maamulka ay u baahan yihiin.

    Ma ahan in la caburiyo. waxaana lagu kala bixi karaa afti dadwayne taas oo ka dhigayso somaaliland dal madax banaan iyo in ay ka sii mid ahaanayso jamhuuriyad soomaliya

    Mahadsadsanid wasiir

    ReplyDelete
  35. Yusuf Garaad Hadaad Sidan ku noqotay Wasiirka arimaha Dibada Ee Somaliya Waxa Hubaal Ah In Aad Midnimada Umada Somaliyed Aad Khatar Gelisay waxana ku farasanahay In aadan maanta xilkaa Haynin Oo aad shacab tahay
    Waxaad is weydiisaa hadaad aminsatahay in shacbka hargeysa iyo Burco Ay xor u yihin gonitaan afti raali maka noqonaysaa in shacabka Puntland Ay iyana afti laga qaado Oo Ay Dowlad noqdaan? XAQSE MA U LEYIHIN REER PUNTLAND IN IYANA DAL NOQDAAN HADA GO AN SADAAN Maadama koonfur intedi kale hagaagi weyday ?

    ReplyDelete
  36. qofka waxbarta way kamuuqata xaqiiq ahaan si xikmadaysana waad uga jawaabtay midna waan kugu hambalyaynaya inaad sifiican ugaranaysid inaad degi karto ushaqo tagi karto una dalxiisi karto oo ayna cidi kaa lahayn markasta waana xaqiiqa taasi

    ReplyDelete
  37. inuu boqortooyo lanoqdo xisaabta qabaail kale .taasna waa aragti gaabnidaada wexey ehed waxaan inaad umada lawadaagin

    ReplyDelete
  38. Marka sidaa ufikirtay waxaad xaqirtay maalayin qof ee kasohorjeeda gooni isutaaga jecelna midnimda iyo wadajirka somali waxaadna fikirka ay qabàn qolo gaar ah oo raba in boqortooyo kunoqunoqdaan xisaabta qabaail kale .taasna waa aragti gaabnidaada mana habona adigo masul xil muhiim ah soqabty waxas umada lahortimaado

    ReplyDelete
  39. maxaanu kuu sheegnaa Nolosheenii , Sooyaalkii iyo Mustaqbalkiiba waxay ila tahay ayay kusoo ururtaye.

    ReplyDelete
  40. Thanks well Said abaalkeeda Waanu kuu haynaa Yuusuf Garaad Allah Ha ku Barakeeyo

    ReplyDelete
  41. Runtii waa hadal mugleh waana ku mahadsantahay.

    ReplyDelete
  42. Waad mahadsantahay mudane #YusufGarad dad gaara ayaa diidan in ay dawlad noqdaan somaliland

    ReplyDelete
  43. Maaashallh waa fikir saliim ah ma jecli inay somaliland naga go,do lkn hadii ay u maraan wado sharci oo dadkeedu u codeeyaan inay go,do waan xushmaynayaa
    Waa inta aan ka fahmay qoraalkaan.
    Guulayso mufakir @yusuf garad

    ReplyDelete
  44. Waad ku mahadsan tahay sida wacan ee aad ugu ham balyaysay Dadka Reer Somaliland u dabaal dagaya 28 Guuradii La soo noqoshada Madax bannaanidoodii Dal ahaa need.

    ReplyDelete
  45. Walee Ruugcadaa Yusuf Garad Omar waxa Halkan ku soo Kobay Qoraal Qiimoleh Fikir Caafimaad qaba Anigu Somaliland ayaan ka soo Jeedaa Midnimada waan jecelahay Hadii Lahelaayo Oo waliba Waxa aan aad u taageersanahay in Wixii Ay Somaliland Tirsanayso Inta laga xaalmariyo Waliba Loo Sadburiyo waayo Midnimada ayaa ka xoogbadan Kala,Go,a anigu Sida aan qabo

    ReplyDelete
  46. aniga waxan aminsanahay in lo ogolaado somlilaand in goni isu tagan sida walalahay jabuuti dowlad u yihiin si aan unoqono 3dal o somali ah sedex ku kursi ku leh UN ka la baadi gobo labada hartay o ku hoos jira kenya iyo itobiya si lo helo 5 somaali 5 cod ku leh qaramaha midobay.

    ReplyDelete
  47. Waa ilmeeyey sidii saqiir ay hooyadii ka tagtey oo waxaanba moodey in ay qoraal kaan aqoonsi ku heleen oo afti ahaan ku guuleysteen😢

    Waxan is weydiiyey war ista iska dhaafno koofuroo dhan hadey boohin afka qabsadaan tollow wlaalaha Waqooyi manala joogi lahaayeen oo xanuun ka kala tagista manala dareemi lahaayeen.

    Yusuf Garaad isna waxan weydiiyey, maxuu dareemayey marka uu qoraalkaan qorayey?

    ReplyDelete
  48. Anigu waxan kudhashay muqdisho goni isu taaga Somaliland aad ban uga xumahay wayo duqeynta ay ku andacodan waxa ugestay waa shaqsi kaligi taliye ahaa e kofur uma gesan tusaale ahmed ahmed anaga xasuuq ayuu nogestay waxuna kasojeda woqoyi woqoyina kuma coladino marka filinka aydhiganayan waa mid horey lodawaday dhaman inti kudhimatay duqeymahe shegten kama badno inti ay dowladi c/yuduf & ethiopianki dileen wan gosanenaana nagala ma maqal teda kale dowlad hadii lodamesto jabhad hubhesato yadidaya in ay duqenu imaneso dadka kudhintay woqooyi waa dad ay dileen SNM & dowladi xiligaa waana isku danbi

    ReplyDelete
  49. Asc dhamaantiin waxan jecalayn
    Somali mid ah lkn
    Way inoo suurtoo biweyday
    Markii horena anagaa idiin nimid
    Anagoo doonayna shan mid
    Wayse dhiciweysay taasi
    Markaa walaalayaalaw danteeninu
    Waxay ku jirtaa inagoo kala baxna
    Noqona laba dal oo samaysaba
    Somali union kana kooban djabouti somaliland somaliya
    Sida yurub oo kale

    ReplyDelete
  50. Haddii aynu sadex Noqono waxanu u midoobikarnaa Sida reer yurub oo kale

    ReplyDelete
  51. Somaliland wa maamaul gobaleed isxilqaamay oo banankeda kudhacday lknse caqabada hortaagan ayaa ah dhaqamo xun xun oo an iyaga micno lalaheen lkse dunida ay dhacdo way katahy sida faquuqa iyo shaqsi ka imaday gayiga somaliya inay u gaystan tacadi afka jirka iyo faququ jinyiyaded oo ka dhan ah nacayb hore


    (Ijedkyga): dalku inuu midnimo helo calan qurihi dulsiranyahy dowladnimo udhertahy waxka fcni majiraan

    ReplyDelete
  52. Meel mowduuca ladhigo
    Ama looga jawaabo dabaaldega
    Somaaliland Meeshii ugu qiimaha
    Badneed ayaad dhigtay mudane
    Eebe ha ku xifdiyee

    ReplyDelete
  53. Sideey ilatahay ma umalaynayo in aan hormar kugaareyno in qolo kaataa gooni isu taagto tabaryari iyo balalaysi mooyee soomaluya oo dhowr dowladood noqota ma umalaynayao inay keneyso wanag waxana marwalbo tageerayaa wada jirka waxan hor imanayaa cidkasto oo ahegata ama latimada wax lagu daro goni isutaag somaliland waxan leyhy nabada kunolada lkn waa go'nay waan idinka diidnay aniga iyo inta ila midka ah

    ReplyDelete
  54. Mudane Yusuf Garaad waa aragti saliim ah oo maskax hogaamin u bislaatay ka soo maaxatay. Mudane runtu waa intaas oo aan laaxin laga jarin. wax kasta oo aan jecelnahay xaqiiqada ayaa ka asal ah oo aan kh dhaqmaynaa. midaw xoog inoo keena afgarasho iyo walxo kaleba waan jeclayn lakin dhaqankeenu umad ahaan waa dib u socod hadaan habdhaqankeena dhaqan dhaqaale si xor ah u derisno. bulsho dhan in xoriyada masiirkeeda ka acabudhsanaato waa xaq daro saw maaha.

    ReplyDelete
  55. Mahadsanid rayi celinta su'aasha sxbadau ku soo waydiiyeen balse anigu yuusuf iyo inta kale ee la yiga ah waxa aan su'aalayaa walaalayaal ma diinul islaama ayaa tiir burayaa hadii aad noo raacdaan sida aan qabno? Sinjiga Soomaalinimadu se miyuu burburayaa haday somaliland dal gaar ah noqoto ? Maxay tahay se dawlad nimada somaliland ku xidhan hadii ba intii kale ee koonfurtu sii kala biiqbiiqayso ? Su'aashayda ugu danbaysaa waxa ay tahay sidee dib la isugu aamini karaa iyada oo aanu maqnaanshihii idinkaga amaan la'nahay mar aad heshiisyadayada waxba kama jiraan ku tilmaamtaan mar aad qaadhaanka iyo deeqaha halaga jiro tidhaahdaan mar aad xidhiidhada dublimaasiyadeed carqaladaysaan idinka oo aan bakhtiyin noolayn ayaad isku dayaasaan intaa iyo inkale oo badan markaa sidee dib loogu heshiin karaa

    ReplyDelete
  56. Mahadsanid mudan Garaad, fikirkeyga hadan ka dhiibto aniga madonayo inay kala qeebsanto soomali maxamed oo hal cadow lahaa iyo hal calan fikirka saliimka ah ee fiyoow waxu jecel yahay midnimada iyo wado jirka somaliya dani uguma jirto kala qeeb sanan.

    ReplyDelete
  57. Nin weyn warka wa saafaa aan maqlijiray balse anigu mid taa u dhaw ayan qabaa o ah Somaliland wanku wareeray warkeeda hadi lafasiro (Somaliland) wuxu noqonaya dhulka somaliya sidey urabaan iney dal goniya noqdan ayago dhahayo waxan nahay dhulka somaliya, calamka waxas hadi ad latagtan jawabtu waxay tahay wan ognahay maxa kale, magacaca habadalan hadi ay raban in la aqonsado.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adiga lagaado iskagakaa qaldan savabtoo ah somali iyo somalia
      British Somaliland iyo italian somaliland baynu ahayn
      Waxanu dhisanay somali Republic
      Somalia siyaad baa keenay

      Delete
  58. wan kugu xushmeyneynaa fikirkaga aragtida mihiim ka ah, somali meelkasta oo ay joogto haday cunfiga iyo dhagaraha awoowyashood u dhigeen iska iloobi lahayeen, horumar ayay gaadhi lahayeen.

    ReplyDelete
  59. Si fiican ayaad kaga jawaabtay waana sida nidaamka ah ay dadka inta badan aaminsanyihiin

    ReplyDelete
  60. Midnimada umada soomaaliyeed ayaa fiican .
    Somaliland berigii ay somaliya la midawday waxa u talinayay dad jecel walaalohood soomaaliyeed intii 1991kii ka danbaysayna waxa Somaliland u talinayay dad leh uun 30 sano ka hor ayaa nala dilay hadii la doonayo in soomaali midawdo talada Somaliland ha lagu soo celiyo dadkii u talinjiray ee bilaa turxaanta ahaa.
    Mahadsanidin inta fikirkooda ka soo dhiibatay.

    ReplyDelete
  61. Asc mr yusuf waxad shegte waa sax lkn mida meesha ku jirta waxay tahe in la is xishmeeyo maadam walaala la yahe 1 luqad iyo 1 diin naga dhaxeedo in la is cunsuriyeeyo waa laga fcn yahe waa inaan soo dhaween walaaltinimo ka helnaa lkn aragtidayda ma aha in aan kala go no mhdsnd

    ReplyDelete
  62. Aragti wacan oo mugleh baad 18 may ku soo lifaaqday Aniga oo ah muwadin somali ah walaalahayo samaliyeed wada jir keena baa wacan waayo aduunka maanta tiro badni buu ku tartamayaa

    ReplyDelete
  63. Midnimada umadda ayaan aad utaageersanahay. Waxaanna rajeyn in Somaliland lala furo wada hadal wax ku ool ah si loo xalliyo dhibta muddada soo jiitamaysay.

    ReplyDelete
  64. Anigoo ah muwaadin soomaaliyeed joogana gobolada dhexe gaar ahaan gal guduud Caabudwaaq
    Aad iyo aad ayaad u mahdsantahay sida aad uga hadashay 18 ka may
    Oo ah maalin ay u astaysatay inay ka dhigato maalin dabaal dag
    Runtii waxaa sax ah in aysan kala maarmin labada hobol ee la isku dhihi jiray Jamhuuriyadfa soomaaliya

    ReplyDelete
  65. mud garaad,xataa qoraalkaaga kumaad sheegin 18 may maalin la idhaa. markaa ma wax uurka ku jiraa qalinku kaa xaday tolow.
    codsigiina waa kugu maqan yahay wali

    ReplyDelete
  66. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  67. Su’aasha lagu weydiiyey miyaa gooni u istaag iyo midnimo ku saabsaneyd mise anigaa qormo qaldan akhriyey?

    ReplyDelete
  68. Masha allah inader ra'i caafimad ABBA ayaad qortay wana sida aan qabo anon Kasoo jeeda hargeysa

    ReplyDelete
  69. Magacaygu waa zakaria ku nool Hargeisa kuna dhashay Hargeisa intii ay ahyd Qaranka somaliland wxn ku farax sanahy inaan ku dhashay ku caqli yay sty ku garaad saday somalind , waan jeclhy walaalahy somaliya ama koonfurta lkn ma jecli inaaan wadaagno wax aaan anuu gaar u leeyahy mana jecli inaan ku naas nuujiyo ama aan u sadqeeeyo Qaran nimadayda farxadayda nabadayda kaliya , tusaale hadii ay Kenya izku dhacaan kaliya kama taageerayno af alse NAF MAAL IYO MURUQ ba waanu la wadaagayna. Allah nabad hakusoo dabaalo wlladay ana tayda hay siyaaadiyo AAMIN AAMIIN AAMIIN

    ReplyDelete
  70. RUN AHAANTII MAQAALKAN WAA MID AAD U WANAAGSAN.WAXAAN U RAJEEYNAYAA WALAALAHEENA SOMALILAND. HORMAR IYO WANAAG.

    ReplyDelete
  71. Hadalka yuusuf garaad waa hadal muceed midkii uggu qiimaha badnaa,ilaalinta dareenka rayiga iyo rabitaankiisa waa ilbaxnimo heerkii uggu sareeysay,waxaan yuusuf kula kulmay hotel jaziira 2016 aniga oo Hargeysa katagay waxaan uu ila hadlay,ii gacan qaaday si naxariis iyo walaalnimo ku jirto.
    Shakhsiyad ka ixtiraam iyo qadarin mudan maan arag.

    ReplyDelete
  72. Aragtida, Rabitaanka iyo Jacaylkuba uma qalmaan ama ma gayaan ujeedo la'aan. Lasoo noqosha Qaranimada Somaliland waxa iiga dhex muuqata dan Soomaaliyeed, Yuusuf iyo cidkasta oo la wadaagta aragtida, rabitaan iyo jacaylkaba waxan xasuusin lahaa mudnaanta Ujeedadu ay u leedahay caafimadqabka arragtida iyo ka fogaanshaha caadifada.

    ReplyDelete
  73. Yusuf garaad waxaan kugu hambalyaynayaa hadal toosnaantaada.
    Rutaas ayaa wanaagsan in qof kastaaba in uu kula noilaado naftiisa.
    Waa in la xushmeeyaa go'aanka shacabka somaliland labada dhinac kuu noqdaba(midnimo ama kala go'id laba soomaaliyeed)

    ReplyDelete
  74. Jacaylka soimaalinimadu kuma xidhna dalka soomaaliyeed ee aad ka soo jeedo ama aan ka soo jeedo.
    Inaga oo laba dal oo soomaaliyeed ah ayaynu kaga misaan iyo karaamaba badnaanaynaa inaga oo dal kaliya oo soomaaliyeed ah marka la joogo fagaara yaasha siyaasada aduunka.

    ReplyDelete
  75. Qoraalkaaga waan aqriyay waxaana iiga soo baxay inaa raali ka tahay kala qaybinta Jamuriyada Somalia oo Somaliland qayb ka tahay.
    Waxaaba iiga sii daran adoo soo noqday diblumasi ama wasìirka arimaha dabada inaa hadalkaas ku hadashid.
    Waxaa ku xad gudubtay tastuurka lixdankii lagu heshiiyay.

    ReplyDelete
  76. Marka hore Ramadan Mubarak dhamaan Mr garaad iyo inta halkan wax ku qortayba.

    Marka xiga anoo la hadlaya dhamaan inta walaaladayo nagu taageertay, hambalyaysay iyo inta na durtay, diidan intaba waad ku mahadsan tihiin.

    Halkan inyar oo kooban Haddaan ku darsado afkaarta.

    Reer somalia waxaan anuu leeyahay walaalayaal assignment way baa idiin yaal oo Somaliland dadkeedu idinka sugayaan!

    Anagu waanu gar naqsanay oo Waxaanu idin nidhi:

    1. Waar midnimadda aad rabtaan 60 years ka hor baanu idiinkeenay iyaddoo weliba wax shuruud ah la socon! Lakin talo way idin ka gadmatay.

    2. Badalkeeda 30 sanno on silic saxariir iyo kala qaybin ah baad noogu bedesheen.

    3. Somali oo la isku keeno iska daaye labadii aad hogaanka iyo awooda hayseen baydun isku waddi kari weydeen cadaaladna u samayn kari weydeen.

    4. 30 sanno oo aanu iskayo u tashanayna waxaad ku guul daraysateen inaydun dhexdiina katashataan cadaalad isku samaysaan isasoo dhistaan, is wada ogolaataan, bal intaad isku cadaalad fashaan inaad cadaalad ku heshiisaan!
    May dhicin mana muuqato iskaba daaye cagsigeeda ayaad usii socotaan illaa hadda.

    5. Dhamaan qodobadaasi idinkoon xal u helin ama ka jawaabin haddana waxaad ku fikiraysaan inaynu si sahal ah mar labaad u midawno!

    Miyayna arinkiinu ahayn ''idinkoon socon karinba inaad rabtaan inaad yaacdaan?''.

    Ok kaba soo qaad marlabaad baanu doqoniimawnay oo bilaa shuruud ogolnahay inaanu idinla midowno

    1. Yaanu la midownaa ?
    2. Dawlad dad Somali ah leeyihiin oo ay ka taliyaan illaaliyaan, maamulaan, oo amni ah iskuna duuban oo mid ah oo aanu la midowno bal noo sheega halka ay ka jirto?
    Ma jabuuti ayaydun la leedihiin la midooba illayl taas uunbaa jirtee ?

    Walaalayaal anagu waxaanu idin leenahay waxaad sharaysato oo Khayr idiinku jiro ayaa jiree.
    Bal inagoo walaalo ah oo jabuuti Somaliland somalia ah oo sadex kursi ku leh qaramadda midoobay aynu raadino si markale aynu u midawno oo 2 kale ee la haystana usoo ceshan lahayn ka tashano.

    Lakin xalmaaha anoo mar ku dagay wadadaan kugu dagayna weli kuu fadhiya hadana siddii hore oo kale aan yeelno!

    Waa doqoniimo iyo qaladkii hore oo aan waxna laga baran.

    Dunida marka qorshe lagu fashilmo dariiqii loo maray ayaa khaldanaaye dariiqaa la badalaa.

    Xal maaha mana noqonayso mana idiin marayso.

    1. Inaynu iska midowno marlabaad sidii hore oo kale hadayba dhacdo.
    2. Sidaad tihiin hadda inaanu idinkula midowno haddayba dhacayso.

    3. In aydun naba ictiraafin oo aydaan na acknowledge, apology garayn haddana waxaad rabtaan noo yeedhisaan.

    4. Africa iyo adsuunyadu idinka uun maaha sidaad rabtaana choice uun maaha markastana Alternative ama qorshayaal kalaa jira.

    4. War isku noqda isa saxa anana nagu garab istaaga himiladayada.

    Waxaan kaga baxayaa dadka badan ee idinka midka ah ee ku andacooda dooda jaban ee ah Somaliland dadku ma wada qabaan ama ma wada ah idinkoo tusaale usoo qaata had iyo jeer shakhsoyaad ama gobolada sool iyo sanaag ba!

    Waxaan leeyahay hadaydun ba qabtaan dad kaa na raba bal hala idinka helo inaad ogolaataan afti in laga qaado Somaliland markaasbaydun ogaan dadku waxay rabaan iyo hankayagu wuxuu yahee.

    Nimaan waxba Isla hayn uun baa diida fagaaraha inuu yimaado.

    Wad mahadsan tihiin

    ReplyDelete
  77. Asalaamu aleykum Anigoo magaceyga ah Zailaci Mahdi Aw Ahmed Guudcadde
    Yusuf garaad waxaan kugu hambalyaynayaa hadal toosnaantaada
    waa aragti saliim ah oo maskax hogaamin u bislaatay ka soo maaxatay. Mudane runtu waa intaas oo aan laaxin laga jarin. wax kasta oo aan jecelnahay xaqiiqada ayaa ka quruxbadan

    From Hargeisa,somaliland

    ReplyDelete
    Replies
    1. maansha allaah yusuf garaad si xikmad iyo aqoon ku jirto ayaad wax u iftiimisay somaliland qadiyada shacabkeeda ama dhalinteedu waa inay calan kooda hadhsadaan somaliyana laba siman oo walaalo ah noqdaan qadiyadayadu waataas kamana tanaasulayno ilaa aan gaadhayno insha allaah somalia na waan u ducaynaynaaa

      Delete
  78. Runtii si wanaagsab oo cilmiyaysan ayuu u hadlay yuusuf garaad
    Waxaan aaminsanahay hadii ay dadka reer koobfurka ahi sidaas oo kale u hadli lahaayeen aan cadaawad badan iyo nacayb jiri lahayn
    Lkn qodobka kaliya ee fogeeyay dadka waqooyiga ama somaliland waa ku tiiq-tiiqsiga somalida inteeda xun ku hayso oo social media loo marinayo
    Lkn hadii dabacsanaan wanaag jiri lahaa waxaan aaminsanahay inaan lakala fogaadeen

    Somaliland waxaa iska leh qof kasta oo soomaali ah lamana kala xigo

    Somaliland ilahay nabada iyo horumarka ha usii wado

    ReplyDelete
  79. Marka hore waxa aan u mahadnaqaya aqoon yahan Yusuf Garaad. Sida wacan ee caqliga iyo garashada leh ee uu wax u cabiray. Mar labaad mid yaan si khaladan loo fahmin walaalahayga ka so jeeda Somalia midaas oo ah anagu reer somaliland ahaan ma necbin shacabka ka so jeeda konfurta Somalia. Maantanaba magalooyinka kala duwan ee Somaliland waxa dagan hadii ganacsi tahay, waxbarasho tahay cid la faquuqo oo gaar loo saara ma jiro. Balse wixii siyaasad Qaran dumis ah nagu wada waanu ka so hor jeedna. Waxa marag ma doon ah in Somaliland cid walba ka jeceshahay in nabadi ka dhalato Somalia taasina abaal maaha ee waajib walaaltinimo oo inaga dhaxeeya. Hadii walaaltinimo dhab ahi ka jirta dhanka maamulka dowlada ee koonfurta Somalia maxaa u diiday in ay ogoladaan wixii walaalkood ku dawoobaayo. Shalay reer somaliland ba keenay isku biirkii labada dowladood si bilaa shuruud ah. Maxaa adiga kuu diiday maanta in si bila shuruud ah aad gooni isku taaga somaliland aad ogolaato. Ilaahay ha ina waafajiyo sida khayerka leh aamiin.

    ReplyDelete
  80. Masha Allah mudane yusuf garad aragtidaada ayad muu jisay. Intaa ad tiri baan aaminsanahay. Mahadsanid

    ReplyDelete
  81. SI FIICAN OO CAQLI KU JIRO AYUU UGA JAWAABAY YUUSUF SU AALI LA SOO WAYDIIYEY.
    WAXAANU KA MID YAHAY YUUSUF GARAD DAD FARO KU TIRISKA AH CAQLIGOODU NADIIFTA YAHAY.
    THANKS YUUSUF

    ReplyDelete
  82. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mudane Yusuf garaad anigoo Ixtiraaamaya aragtida shaqsi hadana. Kuguma raacsani amaanta faraha badan ee aad huwiysay somaliland waayo waxaa ku nool kuwo badan oo danbiilyaal dagaal ah waxaa ku nool kuwo dad Somaliyed xasuuqay waxaa ku nool kuwo sminka la joogo dhiig shacab Somaliyed daadinaya waxaa laga beerayaa nacayb iyo xumaan waxana maalin walba laga iclamiyaa dagaal sokeeye. Damcan waxaa ku nool kuwo badna oo wanaagsan kuwo nabada jecel iyo kuwo aan danbi dacal galin sida ay ugu nool yahiin magalo kasta oo Somalia kamida. Shaqsi ahaan waxaan kamid ahay dadka ku tageera adiga Yusuf ah anigoo aaminsan inaad tahay shaqsi kartileh balse markaan arko sida indha la’aanta ah ee aad u tageerto maamulka Dhiigya cabka sheeg Somaliland marnaba kuguma aamini karno karo Masuuliyada Dalkeena aan jecelnahay ee Somalia waxaad markkasta xaqdidaa oo xaqooda duudsidaa Shacabka Somaliyed ee ku nool Gobolada Waqooyi kuwaas huwan calanka Somalia laguna dhibaateeyo. Maalin maan arag adigoo ka hadlaya dhibka Lagu hayo Gobolka Sool sanaag dagmada Buhodle waxaad ogaataa shacabka Gobolada dagan waa ku ogyahiin dulmigaad u gaysatay. Waxaan xususta xiligii aad Agaasimaha BBC ahayd xataa inaadan Gobolada Warar xaqiiq ah kasoo rabin jirin

      Delete
  83. Mudane Yusuf garad waan kaaga mahad celinayaa aragtidaad hadii aan wax ka idhaah dadka somaliyeed waxay ku fiicnayd wada jirka balese hadii wax lakala tirsaday in siwalaltinimo ka muuqato loowada hadlo ayaan jeclaanlahaa inta aan lawada hadalna 10 Kan madax wayne ee koonfurta la jira hal mid la iskugu keeno waayo. Maanta waxa tusaale inoogu filan shirkii garoowe oo natiijo la,aan ku dhamaaday hadaba waxaan cadaynayaa in uun way isfahmi lahaayeen koonfur iyo waqooyi laakiin dhibaatada ugu wayni waxay ka taagantahay koonfur allena waxaan uga baryayaa in uu yaga midaysiiyo horta oo meesha lagasaaro madaxwayne qarano oo madaxwayne maamulgoboleed hoos ordayo amse hadii aanuu madaxwaynaha qaranuku aanuu ogolaan wuxuu rabo kan maamul goboleedka ay xiriirka u jarayaan waxaanan aaminsanahày inta ay somaliya maamul goboleed madaxwayne ciidamo uu isagu leeyahay haysto aanay dowladnimo ka soo dhawayn walal taladaydu waa hala baaniiyo madaxwaynayaasha maamul goboleedada hana lagu heshiiyo hal madax Wayne kadiban wadahada halal furo waqooyi

    ReplyDelete
  84. Somaliland waa dal jira horta halaga gudbo beenta iyo xaqiraada hana loosoo noqdo xaqiiqda dhabta ah yusuf garadna waaku mahadsan yahay fikirkiisa lkn haka reebo kusii dhaganaashaha somali weyn

    ReplyDelete
  85. masha Alha yousuf garaad cisi iyo shar ku nolow siwcan ayaad

    ReplyDelete