Total Pageviews

Monday 20 May 2019

Maxaa ka si ah Xiriirkeenna Kenya?


Sharciga Batroolka ayuu Baarlamaanku la degdegayaa. Dhinaca kalena waxaa isa sii dhimaya oo hoos-u-tiris ku socda wakhtiga ka haray in Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu ay go’aan ka gaarto muranka soohdinta Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Labaduba waxay ugu yaraan uga sii dari karaan xiriirka mugdigu soo galay ee nagala dhexeeya dalka aan jaarka iyo saaxiibkaba nahay ee Kenya.

Waxaa xusuusin mudan ee aagga badda aan ku muransan nahay iyo dhulka ku beegan ay hadda ilaaliyaan ciidanka Kenya oo dhinacna ka tirsan AMISOM.

Waxay arrintaasi dhacaysaa iyada oo Saaxiibbadeen Kenya dowlad iyo shacab, kor iyo hoosba ay noogu sheegeen karkoodu meesha uu marayo ku saabsan dacwadda soohdinta badda ee aan ka geynay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Mararka qaar hanjabaad ayay ku dareen ugu yaraan hal marna tallaabo waxay qaateen looga nixiyay Soomaaliya.

Waxaa kale oo Kenya ay si maxfal ah uga cabatay waxa ay ku tilmaantay qaabka ay Madaxda Soomaalidu ula dhaqanto Kenya.

Waxaa hadda youtube wareegaya Video xaalad-abuur loogu talo galay. Waxaa uu faafinayaa marinhabaabin iyo kicin shacab. Wuxuu sababi karaa isku dir laba bulsho, isla markaasna horseedi karaa isir nacayb uu ka dhalan karo xad gudub iyo faquuq lagula kaco mid ka mid ah qowmiyadaha Afrika ugu weyn oo qaarkood ay yihiin Kenyaan. Ma filayo in Dowladda Kenya ay raalli ka tahay farmuuqa Soomaalida ku lidka ah.

Kenya waa dal iyo dad aad muhiim noogu ah xilliyo kala duwanna waa ay na soo gacan qabatay. Isla maantadaasna waxay taageertaa, ciidankeeduna ay naftooda u huraan nabadda Soomaaliya, taas oo ay wehliso Qaxootiga Soomaaliyeed ee Boqollaalka kun ah ee tobannaanka sano lagu marti gelinayay Kenya. Abaal weyn ayaan uga haynaa.

Annagu hore ayaan u soo gacanqabannay Kenya, oo waxaa Muqdisho Qaxooti ahaan loogu marti geliyay halgamayaal kikuyu ah oo gumeysi la-dirir iyo xornimo-doon ah. Maantana muhiim ayaan u nahay Kenya. 

Inkasta oo taageerada Kenya ay noo fidisay ay tahay mid ka badan tan ay annaga naga heshay, haddana weli Kenya waxaan u nahay deris muhiim u ah nabadgelyada, ganacsiga iyo xirfadleyda Kenya ee ka shaqeysta dalweynaha Soomaaliya.

Xiriirka noocaas ah uma oggolaan karno in ay soo dhex galaan kala shaki iyo isku mashquulid.

Su’aalo adag ayaa maanta Soomaali horyaalla, kuwaas oo aan u baahan nahay in aan is weydiinno, gorfeyno, aragti ka lahaanno, jawaabna u helno.

Maxaa kallifay in Kenya ay aad u carooto si adagna ula hadasho Madaxdeenna maanta oo aan ahayn kuwii dacwadda geeyay Kenya? Aan ahayn kuwii xilka haayay markii dacwadda la qaadayay?

Su’aashaan waxaan isu weydiineynaa in aan fahamno sababta Kenya ay hadda uun caradeeda bannaanka u keentay maaddaama aanay caro intaa le’eg hore ugu muujin madaxdii hindistay dacwadda Badda sannadkii 2014?

Ma waxaa jira ballanqaad hore loogu sameeyay Kenya ama carrab laallaadin hore oo hadda looga baxay? Mise waa istiraatiijiyad cusub oo ay Kenya hadda la soo baxday? Mise wax baa siligleh oo sababay?

Si kasta oo ay tahay, waxaan u baahan nahay in aan is weydiinno waxa lagu baajin karo in Kenya ay ku dhaqaaqdo fal lid ku ah wadajirka dhuleed iyo kan badeed ee Soomaaliya?  

Sidoo kale waxaan u baahan nahay in aan dhowrno derisnimo wanaagga naga dhexeeya oo dan u ah labada dal iyo Gobolweynaha aan ka wada tirsan nahay.

Waxaa na hor taalla su’aasha ah -Sideen ku baajinnaa is af garan waa’ oo aan ugu beddelnaa is af garad? Sideen ku baajinnaa in midkeen uu khalad ka fahmo midka kale, ka dibna uu ku khaldamo? Sideen u ahaannaa deris aan isku mashquulin ee iska warqaba, isxaq dhowra, isku kalsoon, siina xoojiya iskaashiga?

Ma habboona in aan hurda-socod ku tagno meel aan la aqoon. Waxaan u baahan nahay in aan xaqeennu lumin, sidoo kalena aan xiriirka aan la leennahay deriskeenna qiimaha badan Kenya aan dhaawac soo gaarin.

Waxaan soo jeedinayaa wadatashi Qaran oo Dowladda laamaheeda kala duwan oo ay ku jiraan Dowlad Goboleedyadu ay dhexdooda yeeshaan, lana yeeshaan Mucaaradka iyo hoggaamiyayaasha bulshada. Si loo helo ra’yi Qaran oo loo dhan yahay oo lagu baajiyo khatarta ka imaan karta in aan Kenya isku xad gudubno.

Anigu ra’yigeyga aan sii hormarsado. Waxaan ku aragti ahay Kenya. Waxaan qabaa sida ay ayaduba qabto oo caddaaladda ku dhisan. Waxaan leeyahay, ma dooneyno hal inji oo badda Kenya ah, kamana tanaasuli doonno hal inji oo baddeenna ah.

37 comments:

  1. Fadlan aragti asluubeysan igu biiri, lana wadaag saaxiibbadaa. Guuleyso.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mudane Yuusuf, Kenya waxay wadda gar qab oo gaado ku darso. Horay ayey dhul inaaga haysatay maantana, Baddii ayey muran gelisay inaan ku kala baxnona diidabtahay.
      Kenya waxay wadda ku qabso ku qadi mayside.
      Waxa keliya ee ay ku qanci kartaa waa inay loo meel mariyo is afgaradki ay dowladdii Sh. SHariif la gashay ama ugu yaraan la qaybiyo aaga lagu muransanyahay.
      Taasina maaha mid ku duxaysa dhegaha Soomaalida.

      Yuusuf annagoo u baqayna xiriirka qotada dheer iyo dirisnimadda aan la leenahay Kenya miyaan ka tanaasuli karnaa xaqa iyo dhaxalka awoowayasheen iyo dhigtada Soomaalida soo socota.

      Kenya iyada ayey ku xirantihiin inay ka fekerto xiriirka iyo darisnimada Soomaaliya oo ay gardaradda joojiso, iyada ayey tahay inay booskeedi ku laabato waayo innagu intaas ka badan meel aan u durugno iyo meel aan ku tanaasulno ma joogno.
      Xaqayaga kama tagayno ciddi nagu nacaysa awalbaanay na jeclayn.
      Sidaa markaan leeyahay waxaa ra'yigaygu wuxuu yahay Kenya raacdaysiga Badda Soomaaliyeed ha iskaga harto xiriirka dadka soomaaliyeed na ha hagaajiso.
      Haddii kalena sharcigu wuxuu nakala siiyo ayaan leenahay.
      Iyagaana masuul ka noqonaya wixii dhib ah ee soo gaara xiriirka walaaltinimo, saaxiibtinimo iyo darisnimo ee aan la leenahay Kenya.

      Si kasta oo aan saaxiib u nahay, daris iyo wallaalo u nahay marna kaama yeeli karo xaaskaaga isii.

      Mahadsanid

      Delete
  2. Kenya, Somalia waxay uga barteen ama ku yaqiineen madax ay iska cunaan oo waxay uga soo baahdaan aanka waayin cilada jirtana waa dadkii noocaas ahaaa ayaa meesha kabaxay Kenya Caqabada haysata ayay La ilduufayaan. #My Opinion

    ReplyDelete
  3. Waa dhab gaabiska somalia iyo isku howl yarida arintaa Qatar teeda leh lkn Kenya waxaa u cad sax iyo qalad in ay hesho dhul badeed kaa cago jugleyn laalush iyo isku dayo kale

    ReplyDelete
  4. Waa kuugu raacsanahay sxb waxaane kuusheegayaa kuwa Caaytamaya ee nacasta ah kasaar meesha waxba kuuma tarayaane

    ReplyDelete
  5. Faallo miisaaman, ku Mahadsanid Mudane Yusuf Garaad, aniga taladeydu waa in aan la'iska indha tirin bootada iyo beenta Kenya. Sida aad sheegtay waa in shirweyne loo dhanyahay la qabtaa qadiyaddaana meel looga soo wada jeesta.

    ma dooneyno hal inji oo badda Kenya ah, kamana tanaasuli doonno hal inji oo baddeenna ah. MAHADSANID

    ReplyDelete
  6. yusuf hadalkaduu waa qurxoonaa
    lkn mafahmin erayada ah
    anigu wxn qabaa ra'yiga kenya ookale
    kenya soomadiidaneyn dacwada adigune soo kamid ma'aheyn masuuliyiintii hore ee dacwada geeyey
    goormee ayd isku ra'yi kanoqoteen in maxkamada banaankeeda wx luguxaliyo
    fg. ulamajeedo wxd raali kutahay in badeena laqaato
    lkn hadalka ayaa si un wx igalaqaldanyihiin inkastoo lagayaabo su'alihii aad qaybta hore kusoogudbisay qaarkeed iney madaxdeenu hore ubalanqaadeen

    ReplyDelete
  7. kicinta kenya ee shacabkeedu waa mid aan laga fiirsan annaga ka somaali ahaan iyo ayaga kenyan ahaan cidna dan uma ahan intaas kadib waxaan ugu baaqi lahaay madaxda kenya iney kahor tagaan dadka Aan wax masuuliyada haayn hadane kicinta wada

    ReplyDelete
  8. Asc Mudane Yusuf Garaad Waa ku Mahadasantahay Sida aad noogu Kala Dhigdhigtay qoraalkan iyo aragtideyda a
    Aniga hadaan Ku Darsado Ra’yigeyga Kenya wa dal aan daris nahay Abaal yar noomeysan Galin Ciidankeda Dalka Xoog ayey kusoo galeen Nin xoog igu Qabsaday Maa Dartey udhimanayo Waa Maya Mida kale Qaxootiga iyada Abaal Ku qabto oo lacagti Badan kaso Galaan Dadkeedana Shaqo Uga abuurtay qaar Badan ayaa qaxootigas Ka taajiray Kenya Marwaliba Somalia oo Nabad ah Dan Ugu Ma jirto Waxay Ku Faraxsantahay Somalia burburkeeda Dhul ayaa gumeystaha naga siiyo Hadana Ma Bad ayey Nooga Darsane Markaas ayaad Leedahay Adiga Kenya Ayaan Ku aragti ahay Ku noqo hadalkaas mudane

    ReplyDelete
  9. SU'AASHII MUDOOYINKAAN IGU TAAGNEYD OO AAN JAWAABTA U LA'AA ADIGA AYBA NA WEYDIIYAY ISNA WEYDIIYAY.

    Maxaa kallifay in Kenya ay aad u carooto si adagna ula hadasho Madaxdeenna maanta oo aan ahayn kuwii dacwadda geeyay Kenya? Aan ahayn kuwii xilka haayay markii dacwadda la qaadayay?

    ReplyDelete
  10. Waxan isleeyahay qodobka ugu wayn siguud waa danaha isdiidan " conflict of interest" taas ayn kolba si u aragnaa ama sed bursanaa 2bada dalba, waxan feker ahan qabaa dowlada Somalia kuma qaldana iney hubsato ku adkeysato xaqiijinta danaha togan e Somalia kuwaas o ka dhexmuuqda marxaldaas, tiiyoo eey jirto in Kenya diidan tahay naguna cabsi geliso arrimaha kale si aan u so dabacno. Wa aragtidayda.

    ReplyDelete
  11. Yuusuf mahadsanid,qoraal si huffan loo tafatiray kuna qotoma xaalka dhabta ee khilaaf xuduudeedka badda ee inkala dhexeeya inaga Soomaaliya iyo dowlladda aan derska nahay ee Kenya.

    Aniga waxaan ku dari lahaa, sida taariikhda ku xussan, 1960 maadkii waxaa jirtay in waddamo Afrikaan ay xoroobeen, waxaa laga baqay in dowlladdaha xoriyadda,qaatay in dagaal xuduudeed ka dhex qarxo.

    Waxaa magaallada Arusha, Tanzania shir isugu yimi intii markaa xorta ahaa oo ay Soomaaliya iyo Kenya ka mid ahaayeen. Waxaa lagu heshiiyay oo ay intii ka soo qeyb galay qalinka ku duugeen, in aan wax leysku sheegan oo xuduud ah, xuduudahana loo daayo sida uu gumeystuhu uga tegay.

    Su'aasha hadeer hor taal dowlladda walaalaheen Kenya waxay tahay, mar hadii aan Arusha, Tanzania ku heshiinay nus qarni in ka badan, maxay dowlladda Kenya uga hadleeysaa xuduud iyo Soomaaliya bay wax nooga maqqan yihiin? Mise arrinka waa Soomaaliya maanta wey qeysan tahay siyaasad ahaan ee ka faa'iideysta?. Yuusuf anigu waa kugu raacay hal inj oo Soomali leeday marna ka tanaasumeyno, dhulku waa dhaxal awoowe, mana dooneyno hal inj, oo ay walaalaheen Kenya leeyihiin. Mahadsanid


    ReplyDelete
  12. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  13. Talo wanaagsan Yusuf Garaad, Nin wax garad ah baana tahay.

    ReplyDelete
  14. Mudane maxay tahay sababta Kenya ay uga caga jiideyso ICJ? ma la dhihi kara waxay raadinoysa dad somalida dhehdeeda ah oo ay laalushto? Jwb wcn mudanae

    ReplyDelete
  15. Mudane yuusuf garaad rabitaanka kenya maaha mid aan ka qancin karno hadii waxa laisku heysto ey dacwadba yaalaan uma baahinin wax aan ahayn go'aanka maxkamada ama haku qanacdo oo aqbasho ama ha qaadacdo oo go'aan ha gaarto.

    Teeda kale umabaahnin go'aan ka dabacsan midka ey qaadato waayo horay bey madaxdeedu uqaateen go'aan ka dabacsan kooda.

    ReplyDelete
  16. Si wacan oo gobanimmo iyo xalaal-miirasho , Cilmi ballaadhni iyo waliba waayo aragnimmo leh ayaad u dhigtay.
    Se waxa aan marnaba indhaha laga qabsan karin , qaxoontiga ay Dawladda Kenya inoo hayso ma aha , qaar ku marti ah dhul qalaad se waxa ay joogaa dhulkii la odhan jiray NFD.
    Tssi waxay ay tahay Dawlad dadkeeddi kafaalo qaadatay , ee maaha dawlad dad dhul kale ka soo haajiray kafaalo qaadatay.
    Waxaan si doo kale qabaa , Ciidamadda kenya ee Somalia jooga ee aad tidhi waxay nagtoodda u huraan difaaca Dalka.
    Taas cod yar baa lagaa yidhi , Aqoon yahan.
    Amizon Somalia ma iyadaa dhadhamo ku qabta mise Somalia ayaa libin ku qabta.

    ReplyDelete
  17. Mudane waxa aad tidhi "Waxaan ku aragti ahay Kenya. Waxaan qabaa sida ay ayaduba qabto oo caddaaladda ku dhisan. Waxaan leeyahay, ma dooneyno hal inji oo badda Kenya ah, kamana tanaasuli doonno hal inji oo baddeenna ah" hadda weydiintaydu waxa ay tahay, waxa aynu arkaynnay garyaqaannada iyo aqoonyahanka kale ee Kenyan-ka ah oo ku doodaya in ay badda leeyihiin, xitaa haddii ay Soomaaliya leedahay ay iyagu hadda xaq u leeyihiin, marka Kenya diyaar ma u tahay in ay ku qanacdo xukunka ICJ?

    ReplyDelete
  18. "Gari laba kama wada qosliso"
    Kenya xaqa israiil ku taagantahay ayeey ku taagantahay lakin mesha israiil ugu jirto falastiin Kenya somaliya uguma jirto ee laba wadan oo daris ah Ayaan nahay kala mudan xushmad iyo xiriir wanagsan in carab reer galbeed iyo shidaal meesha ku jiraan weyska cadahay
    Cadaaladdu waa ineey meelmartaa ceebna ma ahan in la raadiyo garsoor aan ku wada kalsoonaano annaga iyo Kenya
    Soomaali Deena aan iska dhaafno jadbo iyo xiiso ee aan xisaabtano dood macquula la imaano ujeedana lahaano
    allane talo saarano guushu anageey na soo raaci inshaAllah

    ReplyDelete
  19. Kenya maxkamada cadalada aduunka warkeeda kuma qanacsana mana ogola sida marar badan hadalkeda ka dhadhameysey.
    Kenya waxay heshiisyo shidaal baris ah siisay shirkado shidal inta aan maxkamada loogudbin caseka kahor inagana waxay noo diidantahay xitaa in aan qariirad ahaan usoo bandhigno dhulka lagu muransan yahay.
    Kenya waxay nogu abaal sheeganeysaa in qaxooti noo heysay hadana heyso dowladna noodhistay lkn taas in bad uga badalano kula meshiin.
    Kenya hada waxay billowday propaganda shucuubta leysaga hor keenayo, marka iska dhaafto niyad wanaga cadayn miyaa uheysaa in kenya wax ka ogeyn propagandaha socdo. Ugu dambeyntii
    Hada anagoo illaalineyno saxibti nimadeena kenya bada ma udeynaa.
    Mida kalle adiga optionka kuu muqda ee laga heli karro wada tashi qaran ee aan ahayn in aan kala doorano in aan udhafno bada iyo in aan ku fara adeegno dhacsiga badeena. Mahadsanid

    ReplyDelete
  20. I saw that video, we love Kenyans as they do. There’s no doubt that Kenya helped us when we were in a difficult situation. To me Kenya is our twins not just neighbors and i do respect them a lot.

    The message of the video I saw was so aggressive and looks extortion, to take advantage of our weak points which is that we need their help in difficulty time.

    We can’t let our communities in Kenya being destroyed, robbed and killed same as what South Africans do daily.

    Gabagabo, hadaad dhimaneyso dhareerka waa la iska duwaa. Kenya should wait and respect the outcome of ICJ.

    Thanks

    ReplyDelete
  21. Mahadsanid Yusuf, waxbadan ayaad ka soo hadashay xariirka naga dhexeeya Kenya iyo anaga hadiisa aan ku hakado su aasha ah
    maxaa ka si ah xiriirkeenna kenya,
    Xiriirkennu mawanaagsaneyn xiliyadii dambe waxaana sabab u ah ayaan orankaraa dhoowrkaan arimood ee soo socda
    1 ▪saaxibo ka dhaw kenya oo aan sameysanay meeshaas waxaa ka dhashay Hinaase waayoo Kenya waxey isku heystay 30kii sano ee soomaalidu doowlad la,aanta aheed in ayaga dulsaar lagu ahaa hadana aan sameysanay saaxibo ka dhaw.
    2 ▪Goaamo jelicsan oo aay ka dareemaan madaxda Dalka iyo is be bedeljoogta ah waxeyna u fasiratay Kenya in la joogo waqtigii lagu dayilahaa Tuugmo muruqsi.
    3 ▪ Wadanka soomaliya oo hadda lagu baraarugay kheyraadkiisa lana doonayo in la soosaaro sidaa daraadeed hadii soomaliya dowlad iyo horumar ka dhasho dhib ayeey ku tahay oo ganacsiga soomalida iyo midka geeska Afrika ayaa ka wareegaya.
    4 ▪ Waxaa macquula iney jirto dhagar fog oo ay soomalidu ku baraarugsaneyn isla markaana ay Kenya soo hordhacday taa oo ahaan karta Dalka iyo Dadka soomaaliyeed la kala qeybsado.
    Intaa ayaan ku soo xirayaa mahadsanid wabilaahi Toowfiiq
    Ramadaan Kariim.
    Sayid Hassan Ali"
    Norway Oslo

    ReplyDelete
  22. Mudane Yussuf, wad ku mahadsantahay falanqeyntaada iyo sida wacan ee aad talooyinka tusaaloyin ubixisay.
    Waxan rabaa inan wax ka dhaha wax yabaha keena iskudhaca xaduudeed (geopolitical conflict of borders). Xaduud (Border) marka la sameysnayo hanoqota mid baddeed ama mid Barri oo aay 2ba dowladood daris ah wadagaan waxey martaa 2 xaladood waana waxyabaha iskudhaca keena hadii aanan si wanagsan loo maamulin.
    1: Aas-aask(Establish) waxuu udhici karaa aas-aaska xududeed dhowr qabood oo ay ugu horeyaan in xuduuda ku abuuranta
    B-dagaal udhaxeya 2da dowladood oo dariska ah kadibna mid xoog looga qabsada.
    T- isfaham udhaxeya 2da dowladooda ee darsika ah( Matual agreement )
    J- xoogag bananka ah iney maquunshaan oo ay ayaga usameyaan xaduud( External imposition) marka hada xuduuda udhaxeysa Kenya iyo Somalia horta waa mid ku timid abuuritaan xoogagii gumeystaha waana mida inta badan socelcelisa isqabqabsiga inta badan dowladaha afrikaanka.
    2: tan kale ee mugdiga kujirta waxa weye Kenya waxey shaki kalineysaa Demacration mujintii sohdinta xuduudedka taasna wa mid kale oo caqabad ah hadii anan muqanin misna 2da dowladood aqbalin mujinta qaradeed waa waxyabaha keeni karayo iskudhaca.
    Kenya waa sax wax badan ayaa nagadhaxeeya lkn markey timaado arima masiiri ah in lagu murma sida dhul iyo dad waa arima ubahan in nidaam caalami ah lagu kala baxa. Waxa ugu horeyana in wanaaga darisnima lahelana waxa weye in laxaliya arima dhuleed ama badded ee lagu muransanyhay( Territorial questions should be settled) in marka horaba laga wada hadla sidee lagu aas-aasay iyo demacrationkeda ama sida loo mujiyay iney aheyd mid lahubin (uncertainaty) ku timid.
    Marka waxa oo kaliya ee lagu kala bixi karayo ICJ.
    Waa aragtideyda

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  23. Anigu Waxaan Qabaa in Arinta Wada Tashi Lagagalo Waayo waa Masiirkeena Qowmiyada Kuhadasha Afka soomaaliga Dhamaana Aan loo Kala Harin Arinta Badda in Lagawada tashto Mucaarad,Madax Iyo Shacaba Arintana Aan Xageena Is Xakamayno Ilaa Laga Gaarayo November In Sha Allah Guushu Waa Xageena Intaas Ka Horaysana Talaabo Kasta Ay Qaado Kenya Oo Inaga Dhana Aan Udhabar Adaygno Samirkeedana Aan Yeelano Sidi Talaabadii Hore Ay Qaadeen Ee Safaraadaha Ay Ku Fashilantay Ceebna Ka Raacday Marka laga Hadlayo Dublamaasiyada Caalanka In Sha Allah Somalia Guul

    ReplyDelete
  24. Mudane Yusuf kenya sida kamuuqata maaha mid ku qancidoonta jawaabta ICJ waa hadii looga guulaysto, marka xalka ay kenya rabto muxuu yahay aan ka ahayn cadaawad iyo dagaal?

    ReplyDelete
  25. Waan ku faraxsanahay qormada cilmiyeysan ee ku sileysan xiriirka labada dal Kenya & Soomaaliya. Si lamid ah waxaan guud ahaan kula qabaa wanaajinta xiriirka labada dal si loohelo inay muhiim tahay raadinta talo midaysan oo ay kayeeshaan mucaaradka & xubnaha dawladda (Federal iyo Dawlad goboleed). Waxaa iyaduna meesha aan ka marnayn in uusan jirin meel ay ku caddahay dhul badeed ay Soomaaliya leedahay taasoo lamicna ah in muran maxkamadeed uu galo. Bulshada Soomaaliyeed waxaa ila wanaagsan in loo iftiimiyo in is afgaradkii dawladii TFJ 2009 ay lagashay kenya uusan ahayn bad la iibsaday uu ahaase is afgarad badbaado u ahaa badda Soomaaliya si loohelo is aaminaad bulshada iyo Dawladdooda. Mahadsanid Yusuf garaad.

    ReplyDelete
  26. Mudane wad ku mahadsantahay sida cilmisaysan eed noogu so gudbisay lkn aragtidayda madaxda Kenya wxy wayen madaxdi hore ee kolba agenda ay udhiiban meelmarin jiray hada waxa madax inoo ah kuwa an looso dhibi karin dano shisheeye wayna ku saxan yihin araimaha masiiriga inay meel adag ka istaagan

    ReplyDelete
  27. Mudane Yusuf garaad waad ku nahadsanthay falanqayntaada arrinkaan ee qotada dheer,
    Waxaan kaa waydiinayaa su'aal qaabka aad qormada udhigtay qaybteeda hore, "wwxaad tiri baarlamaanka soomaaliya waxay la dagdagayaan sharciga batroolka, taas oo xiriirkaan wax udhimi kara, haddaba siyaasad ahaan iyo muwaadinnimo ahaanba keebaa inoo horreeya inaan hirgalinno xeer iyo sharciyad qaranku ka yeesho khayraadka gaar ahaan patrol-ka iyo ilaalinta xiriir dal shisheeya muggoo doonaba ha inoogu fadhiyo xiriirka dalkaasiye??!

    ReplyDelete
  28. Biseyl la'aanta siyaasadeed ee madaxdayada maanta ee dhan gudo iyo dibadba ayaa ugu wayn xiriirka Kenya inuu xumaado,

    ReplyDelete
  29. Waxii la odhan lahaa adiga dhameeyey,Waanan kula qabaa sida ay Kenya Qabto in ayanaan Inji ay leeyahiin in aanan dooneyn,Inji Badeen ahna aanan ka tanasuleyn.

    ReplyDelete
  30. Waxaa Is Weydiin Leh Dejinta Xalada Ma In Ay Somaliya keliya ka Timadaa Qoraalkaga Oo xog badan xanbaarsan Dhinacyo badana Aad ka eegtay waxaase Su Asha taagan tahay Yay tahay In Ay xalada dejiso Ma hal dhinac Oo ah dhankeena Mida kale Haday sawaxiliga Ay kaga dhegan tahay tayda hadaysan noqon Waan idin cunaqabateynayaa Ma waxaad leedahay ha lo yeelo say rabaan ileen sida Wax u socdaan keenyaanka Waxa ka go an in Ay tooda noqoto uun Waxa dublamisyda Iyo xidhiidhka xumeynayana si toos ah iyo si dadbanba Waa iyaga Mida kale mudane waxaad ku dheeraatay amaan xaddhaaf ah malahaygana siyasada iyo amaanta iyo beer jileecu meel Ma wada galaan Meeshan sida keenyanka ka muuqata Waxaay u dhaqmayaaan u qaadan Waa iyo iyagoo awood xad dhaaf ah Oo dublamasiyadeed isticmalaya Waxayna ila tahay dowladeeba taagta daran wado aan amuska ahyan In aysan u furayn

    ReplyDelete
  31. Your Excellency Amb Yusuf Garad salaan kadib
    Marxaladaha lasoo maray iyo meesha aan joogno waa mid bulshadu lasocoto, labo dal oo daris ah maslaxadaha iyo inay wax isku sheegtaan Waa arin caadi ah madaba Alle isku meel nagu abuuray.. suaashaydu waa maxaa kenya siyaalo badan oo wax lagu dooni karo udiiday inay marto? Haddiise aysan rabin taako dhulkeena kamid ah inay qaadato maxay ugu kalsoonaan la’dahay maxkamada ICJ?

    ReplyDelete
  32. Kenya inagu waxba ma aynaan yeelin iyadaa baddeenii duullaan ku'ah, horeyna dhul soomaliyeed uhaysatay Looma baahna hadal jileec iyo waxanay natareen, waanu u'ogsoonahay abaalkooda lkn ka yeeli mayno in ay bililqaystaan baddeena iyo barrigeena toonna iyagoo kafaa'idaysanaya burburkeena iyo laaluush ay bixiyaan.

    ReplyDelete
  33. Kenya arinteedu waa in Soomaaliya maanta aysan lahayn awood la mid ah teeda haddana ay helayso taageero shisheeye oo awelba ku gacan siiyey in ay ruqsado shidaal baaris siiso shirkado shisheeye taasoo u fududeynaysa in ay nagu samayso wax kasta oo bahdilaada. Kenya waxa ay rabtaa wax yar maahan oo waxay leedahay haddii dacwada ICJ Soomaaliya ku guulaysato waxaan noqonaynaa wadan aan bad lahayn una baahan in uu fasax weyddiisto Soomaaliya (landlocked ah) waana taas waxa ay ka cararayaan.Ogoow Kenya Tanzania ulama tegi karto handadaada iyo cago juglaynta ay ku hayso Soomaaliya waayo Soomaali ayaa maanta u tun jilacsan lana bacsan karaa waa sida ay Kenya qabto.Kenya qorsheheedu waa uu muuqdaaye Soomaali maxaa la gudboon? Waxaan qabaa Soomaaliyeey qilaafka dhexdeenaa aan joojino Madax, Mucaarad iyo shacabna aan u midowno sidii aan aayeheena uga tashan lahayn waa dhab in aan lenahay cadow daris nala ah mid aan deris nala ahayn labadaba haddii aanaan sida aan ku jirno wax laga bedelina bad iyo berriba barqo cad ayaa la inaga qaadanayaa.

    ReplyDelete
  34. Waxaa hubaal ah in horey carab laalaadis loo sameeyey kenya laakiin lagu dhici waayey in la qaado balantii
    Intaas ma dhaafsana

    ReplyDelete
  35. Waa talo gumeysi iyo shisheeye kawo uqaad. markaaga hore adiga iyo isirkaaga dad wanaag lagu yiqiinay matihdiin.

    ReplyDelete