Total Pageviews

Sunday 4 August 2019

Eng. Yariisow, Adeege Bulsho oo Ma Nooge ah

Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Yariisow, ayaan maanta soo aasnay. Waxay ahayd ka dib markii aan soo saxiixay buug aanan jecleysan in uu jiro, waa buugga Tacsida Eng. Yariisow. Sidoo kale, Guddi aanan rabi lahayn in uu jiro ayaan ka doontay kaadh aanan rabi lahayn in aan arko, walibana aan ka mahadceliyay. Waa kaadhka ka qeyb galka aaska Eng. Yariisow.

Garoonka dayaaradaha markaan tegey, waxaa meydka la socday Marwadiisa iyo carruurtiisa. Waxaana garoonka hore u joogtay Hooyadii oo dorraad Baydhowa ka soo amba baxday. 

Eng. Yariisow wuxuu ahaa saaxiib aan muddo dheer aad isugu dhoweyn, xog wadaag ahayn, marxalado kala duwanna aan soo wada marnay, ha noqoto wanaag, istaageerid iyo wadatashi dhexdeenna ah. Sidoo kale ha noqoto isku tashi in ninba ninka kale uu ku tashado xag kasta iyo xilli kasta. 

In kasta oo muddadii uu Duqa magaalada ahaa uu xiriirkeenna habac galay, haddana waxaan mar walba ahayn saaxiibbo isu dhow, waxaanna ku faraxsan ahay in kelmaddii ugu dambeysay ee aan u qoro ay ahayd Guuleyso, taas oo ahayd mid iga niyad ah.

Qoraal iyo laba kuma soo koobi karo dhacdooyinka faraha badan ee waayaha wanaagsan iyo kuwa adag ee aan Eng. Yariisow iska kaashannay nolosha siiba xag xirfadeed iyo xagga danta guud ee Dalkeenna. Waxaan isku dayayaa bal in aan sawir guud ka bixiyo qofka uu ahaa Yariisow iyo xiriirka naga dhexeeyay.

Waxay xusuusteydu ii sheegeysaa in markii u horreysay aan isku aragnay Dugsiga Tababbarka Militeriga ee Xalane dabayaaqadii sannadkii 1981. Jaamacadda oo sannad ka dib noo billaabatay ayuu ka billowday xiriir saaxiibtinnimo guud ah.

Jaamacadda waxaan ku xuustaa in uu ahaa nin jecel kuna wanaagsan kubbadda cagta, kana mid ah Guddiyada ardayda ee cayaaraha qaban qaabiya. Markii dambe ee uu yara cuslaaday wuxuu Sportigiisu inta badan ku soo koobmay daawashada kubbadda cagta iyo cayaaridda boojada miiska ama billiardi.

Horaantii sagaashanaadkii ayaan magaalada London dib isugu aragnay, aan ogaannay in aan deris nahay, iyada oo amniga iyo siyaasadda dalku ay marayaan meel aad u xasaasi ah.

Eng. Yariisow waxaan noqonnay rafiiq dhow oo shaqada iyo guryahaba si joogta ah isugu booqda, isla markaasna wadajir u soo booqda saaxiibbo aan wadaagno ama midkeen u gaar ah annaga oo isla baabuur fuushan inta bandanna uu kiisa yahay.

Wakhtiyo kale gaarigeyga ama mid kira ah ayaan  ku safarnay xaafadaha kala fogfog ee bartanka London iyo jihooyinkeedaba, Gobollada Ingiriiska iyo waliba dalal dibadda ah sida Belgium, France, Holland, Germany iyo Kenya oo aan u tagnay saaxiibbo salaam ama tamashle.

Sidoo kale waxaan munaasabado badan uga wada qeyb galnay rafiiq dhowna aan ku ahayn Xamar iyo Nairobi.

Xagga maamulka oo aan uga horreeyay darteed, waxaan talo madax bannaan dhowr jeer ka siiyay howlo uu igala tashaday mar tartan uu ku guuleystay uu u galay in uu noqdo horjooge iyo ka dib arrimo maamul oo soo food saaray.

Eng. Yariisow, wuxuu ahaa nin dadaal badan, ma nooge ah, dad isku wad leh siiba marka ay noqoto waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, jecelna in uu u adeego bulshada.

Wuxuu ahaa nin si naxariis iyo dabacsanaan leh isugu daya in uu dadka ka fikirka duwan ula doodo.

Dad aan daliil u hayn ayaan hadda ka hor arkay oo ku eedeynaya in uu qeyb ka ahaa urur magac qabiil ugu ololeeya mid ka mid ah shanta beelood ee siyaasadda loo qeybsado.

Ka sokow in aan u qabo in aan ururkaasi jirin, waxaan hubaa in ay yihiin dad aan aqoon Yariisow. Waxaan markhaati u qabsanayaa inta taqaan Yariisow in ay og tahay in aanuu ahayn nin qabiil.

Waxaan rabaa walaalaha Soomaaliyeed ee sidaa ku eedeyay in ay haddii ay dhab ka ahayd oo ay sidaa rumeysnaayeen ay ka qancaan. Haddii ay ku-jiq-siin ula jeedeenna ay Rabbi ka baryaan in uu cafiyo, kana waantoobaan in ay u bareeraan in ay isku dayaan in ay dhaamaan sumcadda iyo sharafka muwaaddin Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan marxalado badan oo dalku soo maray annaga ayaa si aad ah siyaasadda uga sheekeysannay ugana doodnay, waanan ka warqabaa in badan oo ka mid ah mowqifkiisa, damaciisii iyo dhaqdhaqaaqiisii siyaasadeed si la mid ah sida uu isaguba uga warqabay kuweyga.

Haa, Cabdiraxmaan waa noqday af Hayeenka Mudane Muuse Suudi Yalaxow oo markaa ahaa Hoggaamiye Kooxeed. Saaxiibbada qaar way ka gaabsadeen berigaas, aniguse waan kula socday. Ma aqaan sida uu ku noqday afhayeen laakiin durba waa uu iska casilay.

Sidoo kale, Haa, qeyb waliba firfircoon wuu ka ahaa ololihii afka ahaa ee looga soo horjeeday arrinkii khilaafka weyn iyo waliba dagaalka uu dhiigga badani ku daatay ka dhex dhaliyay Soomaalida ee ahaa ku faafiddii ay ciidammada Ethiopia dalkeenna ku galeen usbuucii ugu dambeeyay 2006, soona gaareen caasimaddeenna.

Eng. Yariisow wuxuu ahaa nin Qaran.

Wuxuu taageeray, qaarkoodna ka mid noqday dhammaan Dowladihii dalka soo maray tan iyo 2000 marka laga reebo 2007 iyo 2008 badankeed.

Nin kasta oo saaxiib dhow u ahaa Eng. Yariisow, ama ay wada shaqeeyeen wuxuu markhaati ka yahay in uu ahaa nin afkiisa laga ammaan helo, akhlaaq wanaagsan, Ah reer magaal, bulshay ah oo sheeko iyo qosol jecel.

Wuxuu ahaa nin marka la sheekeynayo ama la doodayo rogroga arrinka, wax ka eega dhinaca wanaagsan, qaatana mowqif maangal ah. Weligay kuma arag isaga oo ku dheggan mowqif aanuu sababeyn aqoon.

Wuxuu ahaa oo kale nin Dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliya jecel kana shaqeeya. Ilaa uu naftiisa u huray. Ma adeegsanayo ku waayay naftiisa ee waxaan adeegsanayaa u huray naftiisa, maaddaama isaga oo aan ku khasbaneyn, ogna khatarta taalla Muqdisho, uu ka shaqeynayay dhowr iyo toban sano.

Aniga wuxuu muddo dheer ii ahaa saaxiib aan ku tashado isna igu tashada.

Dhammaadkii sagaashanaadkii ilaa uu ka soo guuray London, waa ay yar tahay munaasabad aan habeen tegey ama labada maalmood ee wiiktirka ah ee shaqada laga nasto oo aynaan Yariisow is raacin. Xataa munaasabadaheyga shaqada ee u furan saaxiibbada waan isu raaci jirnay.

Maaddaama aan ka xiriir badnaa inta aan isagu siyaasadda gelin, Eng. Yariisow waxaan ku xiray saaxiibbo aad u tiro badan oo ah xagga siyaasadda, sidoo kale ganacsiga, aqoonyahannada qurbaha iyo saxaafadda oo Soomaali iyo ajnebi isugu jira.

Xataa waxaan xusuustaa 2006 Maxkamadaha Shareecada oo guushoodii cimriga gaabnayd ay markaas billow tahay, mar aan la ballamay Ceyrow in aan la kulmo. Ujeeddadeydu waxay ahayd in aan xog hoose ka ogaado kooxda aan markaas moodayay garabka dagaallama ee Maxkamadaha laakiin ahaa Shabaab oo iga qarsoon.

Aniga oo awalba ka welwelsanaa kulankaas, ayay dadka qaar iiga digeen igulana taliyeen in aan baajiyo kulanka. 

Eng. Yariisow ayaan ka codsaday in uu ii wehelyeelo. Wuu iga yeelay waanan wada hor fariisannay.

Xagga siyaasadda waxaan xusuustaa mar xilligii Madaxweyne Shariif uu igu wargeliyay in uu culeys dareemayo awgiis uu ka fekerayo in uu dalka ka baxo oo in muddo ah uu ka soo nasto. Laakiin markii uu iiga warramay kulankii uu Madaxweynaha la qaatay waxaan kula taliyay in aanuu dalka ka bixin isaga oo aan arag Madaxweynaha.

Muddo ka dibna wuxuu ka mid noqday Golaha Wasiirrada.

Muddadaa dheer ee aan Yariisow sida dhow rafiiqa u ahayn, marna ma arag isaga oo ka shaqeynaya shirqool iyo dibindaabyo. Ma arag isaga oo ka qeyb qaadanaya lug gooyada muwaaddin kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Oktoobar 2017
Qaraxii 14-oktoobr 2017, inkasta oo annagu aynaan ahayn bartilmaameed, haddana waxaan fadhinnay shir ka socday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu qaraxu aad u saameeyay. Ku dhowaad labaatan ruux oo saddex ka mid ahi ay ka tirsan yihiin Golaha Wasiirrada inta kalena ay Agaasimayaal yihiin ayaan ahayn.

Eng. Yariisow waan is garab fadhinnay. Kursiga ayaa gadaal ula dhacay. Laakiin nasiib wanaag waxba ma ay gaarin. Markiiba waxaan lug ku tagnay xero militeri ka dibna waxaa nala siiyay ciidan iyo gaari. Maaddaama uu dhiig iga da’ayay oo aan ka baqayay in reerkeygu ay sawirro ku arkaan saxaafadda, waxaan markiiba wacay xaaskeyga iyo carruurteyda. Laakiin Yariisow wuxuu wacay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. Wuxuuna uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen inta yar ee aan markaa ogeyn.

Danjire Soomaaliyeed oo ay saaxiib ahaayeen Yariisow ayaa maanta annaga oo qabriga wada dultaagan wuxuu igu yiri, Yariisow haddii hal sifo laga baran karo waa Dulqaadka.

Eng. Yariisow, waa halyeey dalkiisa si nadiif ah ugu soo shaqeeyay ilaa dhibicda dhiiggiisa u dambeysay. Ka sokow adeeggiisa sannadaha badan, wuxuu qalbiyada saaxiibbadiis, inta Soomaalinnimada jecel iyo inta naxariisi ku beeran tahay qalbiyadooda uu ku hantay in Qarax lagu dilay isaga oo jooga xafiiskiisa, in badan oo ay wada shaqeynayeenna ay la dhinteen qaar badanina ay dhaawac yihiin. Iyada oo dilkaas ay geysteen qaar ka mid ah bulshada uu u adeegayay.

Taas ayaa sababtay in geeridiisu ay quluubta Soomaalida wada taabatay. Madaxweynaha Koofur -Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo ay ay soo wadashaqeeyeen madxna ka ah Gobol uu Yariisow wax ku lahaa, waxaan shalay ka soo wada duulnay Baydhowa si uu uga qeyb galo aaska.

Wuxuu ii sheegay Maayga in aan tan oo kale la dhihin Tacsi ee loo yaqaan Ooysin. 

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro oo fadhigiisu yahay Hargeysa waxay shucuurtiisu ka tallaabtay soohdinta siyaasadda is diiddan wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida Eng. Yariisow.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu geerida Duqa Caasimadda uu uga tacsiyeeyay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xataa shakhsiyaad aan Soomaali ahayn ayaan maanta ku arkay gegida dayaaradaha, kuwaas oo murugo ay ka muuqatay foolkooda.

Walaal kasta oo qormadan akhriya waxaan ka codsanayaa in uu Eng. Yariisow u baryo in Ilaaheey Jannada ugu bishaareeyo isaga iyo howlwadeennadii Gobolka ee isku goobta lagu weeraray.  Sidoo kale waxaan codsanayaa in aan u duceyno dhammaan Soomaalida iyaga oo Qarankeenna u adeegaya gaadmada lagu dilay, iyo kuwa difaaciisa ku dhintay hadda iyo had horeba. 

Walaalaha gudanaya waajibaadka Xajka, si gooni ah ayaan codsigan ugu soo jeedinayaa.

Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa, xaqna aan ugu leennahay in ay sameyso baaritaan biyo kama dhibcaan ah. Bulshadana ay u soo bandhigto natiijo si aan leexleexad lahayn u abbaarta ugana jawaabta weydiin kasta oo  hadda la qabo iyo mid kasta oo la qabi karo.

Sidoo kale, waxaan Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ugu baaqayaa in adeeg ama goob dadweyne loogu magacdaro Eng. Yariisow, si ay astaan ugu noqoto sooyaalkiisa wanaagsan ee adeegga dadweynaha una adkeyso niyadda inta u damqatay.

Bulshada Muqdisho ku nool iyo Dowladdana waxaan ugu baaqayaa in ay tani fure u noqoto in si dhab ah oo xaldoon ah aan wadajir isu weydiinno muhiimadda koowaadna aan siinno su’aasha ah – sideen nabadgelyo ugu noolaannaa caasimaddeenna?

49 comments:

  1. Thnk u Ex-wasiir taariikhtiida marxuumka aad naa wadaagtat waxaad moodaa qoraalka markaan arkhrinayay in aan ka socday xaalkiina waliba saddar walba anoo dul istaagayay si aan maskaxda ugu dudbiyo sawir ahaan
    Lkn marwalba ma sidaan bn ku jireynaa maaalinwalba halyaygeena miyaan qoraalkaan yar kusoo koobaynaa anagoo awoodna in aan difaacano waxtarkeena waliba si wada jir ah waxaan leeyahay dhalinyarada somaliyed ew dalkaan dhaxlaysa maalinwalba halyeeyada somaliyed naftooda uwaayayaan mustaqbalkooda fadlan aanu garab istaagno nabadayn wadankeena

    ReplyDelete
  2. Muddanr Yususuf Garaad aadbiyo aad baad ugu mahadsantahay qormadan qaaliga ah eed ka qortay Eng Yariisow waabruntii dhaxal aadbu reebtay ayaan dhihi karaa in la ogaado shaqsiyan qofka uu ahaa eng yariisoow ma aqoon annigu waxaan joogaa dalka ethiopia laakiin Walaaalaha soomaaliyeed waxaan kala socdaa warbaahinta Eng yariisow waxqabadkiisa ayaan ka dheehanaayay Warbaahinta kuna bartey cida uu yahay mahadsanid yuusuf garaad

    ReplyDelete
  3. Yusuf kumahadsanid Falanqaynta ama tuusalaha wanagsan ee ad ka Sheegtay Gudoomiyihi Gobolka Banadir ahna duuqa casimadda Mogadishu C/raxmaan Cusman Cumar Eng Yariisow.

    Waan kaga taacsiyeenaya adiga si gar ah Saaxiibka iyo dhamman Saaxiibadii u ka geeriyoday Marxuum Eng Yariiso ugu Hooreeyan Qoyskisa Xaaskisa caruurtisa Hooyadii Walalihi iyo qarabbada kale ee ku xeeraan Waaxaan alle uga baryaya in uu dambigisa dhaafo Allena ugu deeqo Beerihisa janadda Beerkamidda Marxuumka Alle haw raxmaddo dambigisana Alle Hadhaafo anagana Alle haynoga daba Naaxariisto intaasu waa wajib Qofkasta lagu leyahay ee duucadda

    dilka ka dhacay mesha ah Xafiiska Gobolka Banadir waax caadi ah maha waa marka aan ka hadalno sida ugu saaxsan ee ay jirto dhaliil la saaxayo Dawlada la dhahoo waaxaa ay ka jirta Soomalia anigu magaranayo sida ay u shaqeeso ama xata aqaluu ay u Fikiiran maalin walba sax maha in Qof soomaaliyeed u naxdin ku jiro Hadii ad Dawlad tahay waaxan lahadlaya Jammuriyadda Somalia ee Madaxweynahedda iyo Ra"isulwasaarahedda iyo Barlamaankeduba ay Mogadishu joogan xata Wasiradedda sidan si maha ee xalkena kana biixiya dhiibatadda ka jirta Mogadishu oo ah madaxii Soomaaliyaa Fallo lagu qancikarro dilalkan iyo qaraxyaddan iyo Musibaddan ka jirta Laakin aniga waaxa damiirkeyga ii sheegaya in Dawlada iyo xukummada fuulinta iyo wasiradadeda iyo xata Barlamanka ay u shaqeeyan Alshabab.

    ReplyDelete
  4. Ilaa intee ku jiraynaa soomaaliyey keena haldoorka in cadowgu nagala dhex baxo waa noo damiir xumo maalinba keena haldoorka hadii codowgu inaga dilo yaa iskuso haraya adigu hadaadan u kicin yaa ka sugaysaa

    ReplyDelete
  5. Jazaakallah kheyran Mudane Y.Garad, waxan Eebe weyne uga baryayaa in uu Naxriistiisa siiyo Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow, iyo kuwa kale ay qaraxyada gaadmada ah nooga shahiideen iyo dhaawaca ahna rabi caafimaad taam ah ha siiyo, waxaan aad usoo dhawayn lahaa in la sameeyo baaritaan dhab ah.

    اللهم اصلح بلادنا 🇸🇴.

    ReplyDelete
  6. masha allh mr yusuf,
    run ahantii waxad soqortay Tariikh koban oo aheyd siduu eng yarisow ugu soo shaqeyay Qarankena somaliyeed,
    Wana ushahiiday shaqadii uu qaranka u hayay,
    waxana allah ugu baryaa inuu janatul firdowsa kawarabiyo,
    Amiin
    Amiin
    yaa rabiii

    ReplyDelete
  7. Mudane yuusuf aad bad umahadsantahay sida wanaagsan aad tariikhda Eng yariiso nogu soo gudbiday
    Allaha unaxariisto eng abdirahman
    Run ahantii xasuustisa nagama guurin
    Janatul fardowsa rabi haka waraabsho
    Soomaalia maalin dhibaatada way kabixi
    I.a

    ReplyDelete
  8. Illahow u naxariiso o qabrigq u waasici

    ReplyDelete
  9. Ilaah ha unaxariisto Eng yariisow

    ReplyDelete
  10. Ilaah ha unaxariisto
    ,qabrigana ha uwaas8ciyo

    ReplyDelete
  11. Mahadsanid libaax Allah Yaa Raxma Walalken

    ReplyDelete
  12. Mahadsanid mudane sida dhaxalgalka ah ee aad inoola wadaagtay waayahii quruxda badanaa ee eng.yariisow eebbe naxariistii janno haka waraabiyo.

    ReplyDelete
  13. Allaha Unaxariisto Marxuumka wxuu aha nin Qaran Illahy Janadi Firdowsi Ha ugu bishaareyo 😢😢😢😭

    ReplyDelete
  14. Nin wanaagsan buu ahaa Allaha u naxariisto Enj. Yariisoow iyo intii kale Ee dhibkaas ku geeriyootay dhaawacane Allaha caafiyo Aamiin

    ReplyDelete
  15. Thx mudane ex wasiir. Dareenkena ayey taaabatay geerida Eng-ka, qormadaadana si waafi ah ayey iigu shegtay wuxuu ahaa c/raxmaan.
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  16. Runtii waaa qormo iga oysiisay waxaan balan qaadayaa inaan ugu magac dari doono meel insha allah

    ReplyDelete
  17. Mudane yuusuf garad omer waad ku mahadsan tahay qormadan aad ka diyaarisay sooyaalkii alle ha u raxmadee eng yariisaw
    Waxan xagan kaaga cadaynayaa anoona arag shaqadiisa anona aan ahayn kuwa uu gudoomiyaha u yuhay anoona ahayn kuwa qaraabada la ah, waxan halkan kaaga cadaynayaa inuu ahaa eng yariisaw qof aan siyaasadiisa aad u xiiseeyo oo mararka qaar aan dhex galo siyaada aan dib u dhagaysto hadalada uu siyaasada ka yidhaahdo
    Waxan xasuustaa maalin uu xaflad ka hadlaayay oo u lahaa siyaasintu haku daydaan sida yariisaw oo kale hadal sidaa u dhigan
    Waxaan aad uga murugaysanahay geerida eng yariisaw oo markii aan dhaawiciisa maqlay aan aad u naxay
    Mahad sanid yuusuf garaaf omer
    Isku day inaad buug ka qorta taariikh nololeedka yuusuf garaad omer

    ReplyDelete
  18. Yuusuf garaad waad ku mahadsantahay sida qormadan waqtiga u galisey iyo sooyaalki Eng C/raxmaan wax badan baad naga sii bartey illahay ha u raxmado shaqsi wadani jaceyl ku dhantahay buu ahaa

    ReplyDelete
  19. Allaah ha u naxariisto Qabrigana ha waasiciyo Eng Yariisow iyo inta la dhimatay. Jazakallaah kheyr Mudane #YusufGarad

    ReplyDelete
  20. Ilahay ha unaxriisto isaga iyo dhamn intii geeriyootayba amiin

    ReplyDelete
  21. Qalbi dhagax waa terrorist .

    Ing yariisow ayaa yiri .

    ReplyDelete
  22. Wad ku mahadsanthy mudane madama aad nala wadagtay tariiqda eng yariisow.waxana alle uga baryaya in u janadisa ka warabiyo.

    ReplyDelete
  23. Aad Iyo aad ayan ugu naxay geeridaan kulul
    Nafteyda, xaas kiisa Iyo caruurtiisa, adiga Iyo Dhamaan Inta samaha Iyo horumar Ka jecel uuna u adeegi jiray
    Waan ugu tacsideynayaa geeridaas
    Marxuumka waxan ilaahey ugu baryayaa in qabrigiisa ilaahey u waasiciyo
    Janattul Fardowsa a ugu bishaareeyo
    انالله وانا اليه راجعون

    ReplyDelete
  24. Runtii ilmo ayaa iskukay soo taagtay intii aan akhrinayey maqaalkan Yuusuf,Eng Yariisow Rabbi ha u naxariisto janadiisana ha ugu bishaareeyo.

    ReplyDelete
  25. rabi ha unaxariisto eng abdirixmaan qabrigiisan ha uwaasiciyo kuwii ka danbeeyay dilgiisan rabi dag dag ha ku soo ifiyo

    ReplyDelete
  26. Alle ha u naxariisto Yariisow.
    Yuusuf adna waad ku mahadsantahay qoraalkan cajiibka ah ee aad ka sameysay Sxbka, waxana ka jira cibro qaadasho wanaagsan.

    ReplyDelete
  27. Yusuf Garaad Allaha ku dhowro, Eng Yariisow Walaalken Allaha u naxariisto.

    ReplyDelete
  28. Wll keen Eng Abdirahman Allah unaxariisto 😭😭😭

    ReplyDelete
  29. Yousuf Garaad, maqaalkan wuxu iga keenay oohin. Marxuumka nolol badan ayaad soo wada qadateen. Alle ha unaxariisato.

    ReplyDelete
  30. "Soomalida iyaga oo qarankooda u shaqeynaayo GAADMADA lagu dilay" waa erey bixinta ugu haboon ee lagu cabiri karo...

    ReplyDelete
  31. Ka hortaga dhibaatooyinka noocaan ah waxaa ka horeeyo wax ka badalka habdhaqanka somalida, Einstein " We cann't solve problems by using the same kind of thinking we used when we created them". Waxaan u baahanahay isbadal dhab ah oo dhaqso ku yimaado, Qaran not Qabyaalad. I wish in marxuun Yariisoow uu badbaadi lahaa, Wuxuu lahaa 2 calaamad oo qaali ah SAMIR IYO DULQAAD.
    Wasn ku salaamay Y. Garaad

    ReplyDelete
  32. Engineer Yariisow, inta la dhimantahay iyo guud ahaanha kuwii horay noogula dilay eebba ha ka waraabiya Jannadulfirdowsa

    ReplyDelete
  33. Marka Hore Eng Allaha u naxariisto kitabkiisana midigta haka siiyo. Markalabad mudane Yuusuf aad ayad ugu mahadsanathay faladhan aad nala wadaagtay adigana Allaha kaa samirsiiyo insha Allaah

    ReplyDelete
  34. Mudane yusuf Garaad aad ayaad ugu mahadsantahay xogta iyo taariiqda aaad nala wadaagtay, Mudane yariisowna waxaan ilaah uga baryeeynaa dhamaanteyn in uu janada firdowso ka waraabiyo.
    Tan labaad waxaa leeyahay Yariisow wuu dhintaye tacsiidiisana aragnaaye ma tacsi qaran kalaan sugeeynaa iminka mise talaabo waartaan qaadi doonaa kahor dhacdo kaloo fool xun?

    ReplyDelete
  35. Allaha u naxariisto Eng Yariisoow qabrigana ha u waasiciyo

    ReplyDelete
  36. Maaqaano shacuuurtayda waxaan ku cabiro lkn waxaan awoodaa inaa rabi uga baryo naxariistiisa inuu ugu deeqo Eng Yariisow wuxuu ahaa haldoor , halyay qaran rabi ha unaxariisto janatul fardowso haka waraabiyo ameen

    ReplyDelete
  37. Mahadi hakaa gaarto qormadaan cajiibka ah waan kula qabaa in loogu magac daro goob ama adeeg dadwayne, runtii wuxuu ahaa shakhsi wanaagiisa, ixtiraamkiisa, afgaabnidiisa, iyo naxariistiisa intaba laysla qiray waxaan allah uuga baryaaya janatul firdowsa inuu ku abaal mariyo aamiin aamiin aamiin.

    ReplyDelete
  38. Mahadsanid Jaalle Wasiir Yusuf Garad, Sida wanaagsan ee aad sxbka u ahaydeen aadna noogu soo gudbisay waxbadanna aanba dareensanayn inbadan oo kamid ah bulshada
    Xaqiiqdii Jaalle Wasiir ma arkin qof kamid ah madaxda qaranka oo aan ka naxxo sida aan uga naxay Gudoomiye Yariisow Waxaan Allah Subxaanhu Watacaallaa uga rajaynayaa in uu Jannatul Fardaws kayeello hoygiisa meel uu kunastona uga yeello qabriga Aamiin
    Waxa uu ahaa inta aan ka arkay Mas'uul kudayasho mudan oo qaran ahna qofka dhabta ah ee ummadan Somaliyeed ay ubaahantahy Allah haka jazasiiyo Waxqabadkiisii iyo fikirkiisii Somalidoon nimo.

    Waxaan ku farxi lahayn hadaanu arki lahayn Mas'uul Eng C-raxman oo kale ah, Waxaan aamin sanahy inbadan oo kamid ah bulshada in ay maantay haystaan fikirkii Eng ka Raximahullah ee Somali jeceelka kudhisnaa

    ReplyDelete
  39. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  40. Allah ha unaxariisto walalkeen hogaamiyahena daacada ahaa mudane Eng yariisow, tan kale mudane Y. Garaad adna wad ku mahadsantahay qormadan kaso go'day qalbigaaga oo xita aan hubo in aay kaa ilmeysiisay marki aad qoresay qormadaan balse ogow mudane anagana in sido kale aay inooga ilmeysiisay marki aaan ahrineenay weliba si khaas ah aniga, wan dhamesan waayay, si kastaba ha ahaate Allah ha inaga saaro dhibta aan maalin walba ku jirno, dalkenana Allah nabad ha inooga dhigo

    ReplyDelete
  41. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  42. Si tafatiran oo faahfaahsan ayaad noola wadaagtay Taariikhda Marxuum Yariisow, wakhti badan oo duruufihiisa wata inaad ka soo dabaalateen soo wada shaqayseen, saaxiibo dhaw isu ahaydeen intaas iyo inbadan oo kaleba halkan baan ka ogaaday.

    Mid baa se is weydiin leh maalin walba waxa aynu aasnaa qof bulshada miideeda ka mid ah, qof han iyo himilo sare lahaa inuu waxqabto oo bulshada ku hareeraysan meel gaadhsiiyo ay ka go'nayd ayaynu xabaalaha ku darnaa, welina ma hayno qarax dhacay oo laamaha amnigu intay baadhitaano xeel-dheer sameeyeen bulshada usoo bandhigeen siduu qaraxu u dhacay iyo cidda ka danbaysay. Qaraxyada Xamar iyo meelaha la mid ka ah ka dhaca Alshabaab oo kali ah laguma eedayn karo.

    Dilka Yariisow waa laba mid uun buu noqon doonaa, in sidii kuwii hore inta dhawr maalmood social media ha laga baroor diiqo halkaa lagu dhaafo, iyo in baadhitaano wax ku ool ah la sameeyo bulshadana la horkeeno dhagar-qabayaasha.

    Ilaahay naxariistiisa waasaca ah ha ugu deeqo Eng. Yariisow iyo intii kale ee islaamka ahayd ee gacan ka xaq darani dishay, inta dhagarta maleegta weli se nool xafiisyada dawladda na ka adeega ilaahay ha kashifo, umadda na ha tuso dhagarta ay maleegayaan.

    ReplyDelete
  43. Alle ha u naxariisto wxuu ahaa nin dulqaad badan op usoo shaqeeyay dalkiisa

    ReplyDelete
  44. Allah ha u naxariisto qabrigiisana ha u waasiciyo

    ReplyDelete
  45. Muqdisho Nabad Yaan Laga Sugin ilana Shareecada islamka Ey Kataliso

    ReplyDelete