Saaxiibbadeyda saxaafadda bulshada waxaan
uga mahadcelinayaa sida ay aragtidooda oo xor ah iigu soo bandhigaan akhristayaasha kalena ay ula wadaagaan marka aan soo qoro mowduuc ku saabsan nolosheenna iyo
maamulka Dowladnimo ee dalkeenna.
Waxaan kula wadaagayaa in aan akhriyay in
ka badan kun iyo dheeraad ka mid ah jawaabaha laga bixiyay qoraal aan barteyda
soo dhigay 17-kii bishan Agoosto, oo ku saabsan afar qof oo midi dumar tahay oo la yiri waa Shabaab oo lagu dilay
Bakaaraha Jimcihii 16 Agoosto meydkoodana isla maalintaas daawasho loo soo dhigay waddada iyo baraha bulshada.
Akhrinta kun ka badan jawaabood waxaa ii
dheereyd saaxiibbo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba iga soo wacay oo booliis, madax dowladda ah iyo aragti qareen ay ka mid tahay iyo qaar fool-ka-fool iigala sheekeystay
mowduuca.
Aad ayaan uga mahadcelinayaa qaddarinta,
falcelinta iyo dareen wadaagga.
Waxaan qirayaa dadka ila soo xiriiray ee uu
Shabaab ka dilay ehelkooda iyo kuwa dhaawaca jireed ama maskaxeed uu gaarsiiyay
in aan la wadaagayo xanuunka.
Waxaan muujinayaa kuna faanaa in aan
taageere u ahay ciidanka Soomaaliya noocyadiisa kala duwan. Waan dhiirri
gelinayaa fal kasta oo sharciga waafaqsan oo ay qaadaan.
Aragtideyda
Waxaan qirayaa in dhaliil kasta oo talo aan
soo jeediyay ay yeelato in aan anigu kaligeey leeyahay mas’uuliyaddeeda.
Intaa ka dib, waxaan caddeynayaa in aan
qoraalkeygu ku saabsaneyn Shabaab.
Wuxuu ku saabsanaa awoodda sharciga ah ee
dilka maaddaama uu boolisku ku shaqeeyo sharci. Taas oo ah waxa uu booliisku
uga duwan yahay Shabaab.
Qoraalku wuxuu ku saabsanaa booliisku
marka uu dilo qof aan Maxkamadi xukumin, in ay tahay in baaritaan la sameeyo oo
la hubiyo in dilkaasi ahaa mid sharciga waafaqsan.
Bastoolad meyd dul saarani keligeed daliil
uma aha waxa dhacay, waxna nooga sheegi meyso sida ay wax u dheceen.
Bastooladda oo keliya ayaa raadraac dheer
laga sameyn karaa si faham qoto dheer aan u helno. Marka nambarkeeda la akhriyo ayay tahay in laga baaro liiska hubka ciidanka Dowladda u diiwaan gashan. Haddii bastooladda laga helo liiska, hadde waa in la
baaro sida ay u gashay gacanta Shabaab.
Haddii ay noqon weydo bastooladdu mid dalkeenna
si sharci ah ku soo gashay oo nambarkeeda laga waayo liiska hubka Dowladda u diiwaan gashan, nooceeda
iyo nambarkeeda ayaa laga ogaan karaa dalka sameeyay, ka dibna waxaa la heli karaa dalka laga iibiyay iyo goorta, xogtaas ayaana wax badan furfuri karta.
Summadda ka sokow, qori kasta maraaryaha gudaha dhuuntiisu waa ay ka duwan tahay midka kale, sidaa darteed xabbadda ka dhacda fuuqeedu wuxuu caddeyn karaa qoriga ay ka dhacday marka la adeegsado farsamada ballistic.
Bastooladda haddii la soo qaado fuuqa xabbadaha meesha yaal, waxaa la ogaan karaa xabbaddii iyada ka dhacday. Ka waxaa la ogaan raadraaci karaa weerar kasta oo hadda ka hor bastooladdaas loo adeegsaday haddii sidoo kale la hayo fuuqii weerarkaas.
Bastooladda waxaa kale oo laga heli karaa faraha qofkii ugu dambeeyay ee gacanta ku qabtay.
Xataa in qof ama koox ay qof kale bastoolad
ku dili rabeen kuma filna in aan fahamno in ay Shabaab yihiin. Maaddaama
Shabaab ay ka mid tahay kooxo badan oo dadka dila.
Marka baaritaanka ma ahan in la cabburiyo ee
waa in la dhiirri geliyaa mar kasta oo dhimasho ay jirto si loo hubsado waxa
dhacay, sababta, cidda geysatay, cidda hubeysay, cidda gacan ku siisay sida cidda qarisay, u fududeysay, dayacday mas'uuliyad iyo tan maalgelisay.
Askariga dilay waa in la hubiyaa in uu
naftiisa daafacayay ama uu daafacayay nafta muwaaddin kale oo la dili rabay, si
kale oo la gudboon oo suurta gal ahna aanay jirin marka la eego xaaladda uu markaa
ku sugnaa. Sidoo kale, waa in la hubiyaa in askarigani hadda ka hor dilay qof aan Maxkamadi xukumin.
Taasi waxay xoojineysaa kalsoonida uu
shacabku ku qabo booliiska, waxayna kor u qaadeysaa wadashaqeynta labadooda oo
aad muhiim ugu ah amniga.
Askariga qoriga sitaa ma ahan in uu
keligiis qaato kaalinta xeer ilaaliyaha, Garsooraha iyo fuliyaha amarka
Maxkamadda.
Qodobka saddexaad ee aan ka talo bixiyay
wuxuu ahaa in marka uu booliisku fashiliyo shirqool dil ah, fashilintuna ay
ahayd howlgal uu dad ku dhintay in la xafido magaca muwaaddinka la dili rabay.
Meyd Bannaan Yaalla
Arrin aad iigu muhiim ah waxay tahay in
marka uu booliisku qof dilo, aan waddada la soo dhigin meydka iyada oo waxa ugu weyn
oo la dhowrayaa ay yihiin in aan shacabku caadi ka dhigan dilka iyo meydadka,
si aanuu qalbiga uga dugaagoobin.
Ma ahayn markii ugu horreysay ee ciidan
Dowladeed uu meyd aan maro lagu dedin uu soo bandhigo isaga oo libin ka dhiganaya. Markaas oo
sannado laga joogo sax ilama ahayn, haddana iiguma muuqato.
Meyd ama ka badan dariiqa yaalla waa wax la
hubo in carruurta iyo inta calool nugul ay sas ka qaadi karaan ay sannado la noolaadaan.
Inta aanan ka bixin, waxaan kula wadaagayaa sheeko gaaban.
Inta aanan ka bixin, waxaan kula wadaagayaa sheeko gaaban.
Muddo hadda laga joogo in ka badan afartan
sano ayaa iigu horreysay meyd aan soo dul joogsado araggiisa.
Waxay ahayd aniga oo arday ka ah oo Dugsi Hoose ka dhigta Buulo Burte. Baabuur ku gaddoomay meel aan magaalada ka fogeyn waxaa ku dhintay 12 ruux oo u socday magaalo aan ahayn Buulo Burte. Si meydka loo garto ayaa shacabka magaalada laga codsaday in ay tagaan Isbitaalka Ameerikaanka oo ay soo arkaan dadka dhintay bal in ay aqoonsadaan.
Ciidan iyo Shacab waxaa lagu yaacay isbitaalka.
Qol laba irdood leh,
oo midna ay tahay gelid midina ay tahay bixid ayaa labada dhinac la
dhigay meydadka. Cagahooda ayaa isku soo
jeeda oo aad dhex mareysaa si aad u aragto wajiga meydka oo kugu soo beegan.
Aniga iyo carruur kale oo iskuulka aan wada
dhigan jirnay waxay noo ahayd "fursad" aan ku aragno meyd aan
lagaa qarineyn.
Waxay ahayd maalintii iigu horreysay ee aan
mayd aan maro iga xigin aan soo dul istaago. Waa Allah mahaddiis in hal mar oo keliya oo ah 1990 ay iiga dambeysay.
Laakiin argaggaxa aan ka qaaday maskaxdeyda saameyn ayuu ku yeeshay. Wajiyada qaar wali waa ay iga hor muuqdaan.
Waxaan kula wadaagayaa in ay ii ahayd
cashar xagga fahamka ah oo ii kordhay.
Mar keliya ayaa iiga dambeysay oo ah Berbera 1990.
Waa jirtay mar la dilay nin Shabaab ah oo soo weeraray goob Muqdisho ah. Meydkiisa waa laga baqayay saacado in maro la dul saaro maaddaama uu gashanaa jaakada qaraxa oo aan weli qarxin. Laakiin kaa ma dul istaagin ee sheedda ayaan ka arkayay.
Mar keliya ayaa iiga dambeysay oo ah Berbera 1990.
Waa jirtay mar la dilay nin Shabaab ah oo soo weeraray goob Muqdisho ah. Meydkiisa waa laga baqayay saacado in maro la dul saaro maaddaama uu gashanaa jaakada qaraxa oo aan weli qarxin. Laakiin kaa ma dul istaagin ee sheedda ayaan ka arkayay.
Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Fadlan ila wadaag aragtidaada. Waana kaaga mahadcelinayaa haddii aad faafiso.
ReplyDeletemr yuusuf aad ayaan kaaga mahadcelinayaa sida daganaanta iyo aqoontu kudheehantahay ee aad wax ugu iftiimineysid madaxda iyo boliiska kushaqada leh dhacdooyinka ceynkaan oo kale.
Deletehorumar wngsan
Maashaa,Allaa aadbaad u faahfaahisay inkastoo cadaalada inlamarsiiyo ay aheyd hadana ciidanka eedii ayaakabadatay waxay lanoqotay ituusan waxdilin kaga hormar sidoo kale meydka xurmuuleeyahay in ladaboolo islamarkii ay nafta kabaxdo waa waajib tankale Alle,swt.wuxuu leeyahay,,,qoon caro aad uqabtaan darteed cadaalada ha udhaafina..marka ciilka shabaablooqabo dartii incadaalad darro loogalo ma,aha.mahadsanid
DeleteNuxurku wuxuu yanay ilaa hadda difaac ayaad ku jirtaa ahaa sababta aad u qortay qormadaas iyo garnaqsi kaddib markii uu culays kugu yimkid. Laakiin Yusuf duruufta na haysta iyo hadalkaagu iskuma dheeli tirna.waxaad ka duulaysaa asumption ah wax wada professional ah. BULSHO, Boolis iyo farsamo laakiin intaas wali ma hayno. Qormo waaqici ah ma ahayn taasm ilaa haddana difaac ayaad ku jirtaa.
DeleteMudane Amb./Wassir Yusuf Garaad Cumar Axmed marka hore iga guddoon salaan qiimo iyo qaddarin badan. Hadda waan hubsaday in uu commentigeygu soo baxayo markaa waxan aragtideyda ka dhiibanayaa qoraalkaaga dambe sida ay aniga tahay.
DeleteWaxan aqriyey 2daada qoraal ee uu moduuca doodani ku saabsan tahay, kan hore ra'yigeyga waan ka dhiibtey markii aad soo dhigtay, qoraalkan cusub ee aad uga hadleyso ra'yigii ay dadku ka dhiibteen qoraalkaagii hore oo dad badani u qaateen in aad Al-Shabaab taageere u tahay ama aad difaaceyso, aadna ku sharxayso wixii aad ula jeeddey qoraalkaaga ayaan aniguna ka dhiibanayaa waxa ay ila tahay.
1- Waxaad caddeysay in aanu qoraalkaagu ku saabsaneyn Shabaab, taas oo cid waliba arki karto oo aad isla qoraalkii muranka dhaliyey aad halkaan kusoo lifaaqday, ciddii doontaana ay aqrisan karto kana bogan karto laakiin Yusufow beryahaan dhibaatada jirtaa waxa ay tahay Soomaalidu waxa ay aqrinayaan ma fahmayaan waayoo ma rabaan in ay sida ay u qoran yihiin u fahmaan, wax kale ayaa maskaxdooda ka guuxaya, waxan arkayey qaar soo qoray qoraalkaagii hore dadka 4ta ahaa ee la diley in aad adiga Yusuf Garaad ah isku qabiil tihiin sidaas darteedna aad uga xuntahay dilkooda.
2- Waxaad ka hadashay awoodda sharciga oo ay tahay in lagu dhaqmo ciidamaduna ay ilaaliyaan ku dhaqanka sharciga oo marka fal dil ahi dhaco baaritaan la sameeyo sida loo baahan yahay in loo baaro iyo farsamada la adeegsanayana adaaba sheegay, naf bani aadam oo teyda iyo taada oo kale ah oo hooyo iyo aabe dhaleen ayaa baxday oo aan maxkamadi dil ku xukumin ee nin askari ah oo qori sita uu go'aansaday in uu naftaas adduunka dhaafiyo, markaas waa in la hubiyaa naftaasi sidii ay ku dhimatay ee aanu ninka askariga ahi isku wada noqon Xeer Ilaaliye, Garsoore iyo kii fulinayey amarka Maxkamadda, laakiin sida muuqata dadka comments-ka soo qoray taa ma ogola badankoodu oo Maxkamad iyo Baaritaan midna lama maqashiin karo iyo in uu askarigu qaldami karo toona, markaa anigu ma garan karo sida Caddaalad lagu heli karo haddii la diido in wixii dhacay la ogaado sax iyo qalad wixii ay ahaayeen haddii caddaalad la waayana nabad lama helayo.
3- Waxaad ka hadashay Meyd Bannaan lasoo dhigay, taana dadka wax soo qoray badankoodu way kugu diideen sida aad uga ra'yi dhiibatey, markaa su'aal ayaan is weydiiyey ah Soomaalidu waab dad Muslim ahe maxaa u diidey in ay diintoodu waxa ay amrayso ku dhaqmaan oo ah تكريم الميت دفنه (Meydka Karaamayntiisu waa in la duugo) Meydkaasi Muslim iyo Gaal kuu doono ha ahaadee waa bani aadam xaq u leh in la asturo oo la karaameeyo. Soomaalida caradii ayaa ka tan badisay oo diintii ka indha saabtay. Tan kale ee la yaabka leh waxay tahay dadka wax soo qoraya intooda badan waxan hubaa in aaney dalka joogin inta aad ka ogtahayna aaney ka ogeyn, waxay joogaan dalal ay nabad ku haystaan sida North America & Europe, kuma badna qaar ku dhaawacmay qarax ay Al-Shabaab sameeyeen sidaada oo kale (14 October 2017) mana aaminsana intooda badani in ay jiraan dad kale oo dadka dila oo aan Al-Shabaab ahayn.
Hadalka waan badiyey ha layga raalli ahaado waana Mahadsan tahay Mudane Yusuf Garaad
Aad iyo aad Masuul wax badan og baa tahay dabcan mahdsanid marka hore
ReplyDeleteTan xigta ee aan ku darsan lahaa fikradan aya ah:
In mudnaanta kowad uu leyahy muwaadinka halka inaga uu mudnanata nagu leeyahy madaxda dowlada nucey raban ha noqdaane
Wax kalo bogadin mudan in Cidan gaara o u tababaran habka aad kor kuso xustay ee ah sida baaritanka loo marinayo shaqsiga dilka geestay qodobkas ku mhdsanid
Koleey Somalia inay meel fcn gaarto inaga iska hortaagan dabcan ee cidna aydsan mayno
Alle waxn ka baryayaaa inuu dalkeena inoo wanjiyo i.nsha allh
Aad iyo aad waa fikir iyo aragti fiican mudane waana kaaga mahaddcelinayaa sida aad noola wadaagto qormooyinka dhaxal galka ee dhisi kara garaadka Soomaalida.
DeleteWaan kaga mahad celinayaaa qormoyinka Aad la wadagto bulshada aad u Tahay haldorka
ReplyDeleteArinka Ah falcelinta cidanka boliska ee kaga Hortageyn falkii ka dhacay Jimcihi la soo dhafay isgoska bakaraha waxan u arkaa falcelin ku timit dag-deg iyo ka fiirsasho la'an
Wey dhici karta in cidanka boliska arinkas ey u geysatay khibrad la'an iyo wacyi galinta oo ku yar waxa usii dheer cadadis dhanka shacab ka ah oo mar walba la tagan maxad uga hortagi weyseen falka dhacay?
Wey ku amananyihin in ey ka hortagan nabad diidka ciidan ka amanka��
Aad baan kaga mahad celinyaa mudane adna janiska aad noo siisay in aad Akhriso farimahena mahadsanid
Cajiib waa hadal qof kasta oo maskax possative ah leh fahmi karo lkn dadkeena hadalka cadalada kama fiiriyaan ee xanuunkooda ayee daba kacaan
ReplyDeleteXaqiiqda waxa ay tahay falka kooxaha dilka fuliya qof uusan xanuunjin ma jiro.
Kaliya contarolka la is dheryahay
Waxaad ka hadashay mawduuc aad uwangsan
ReplyDeleteAana kafaa iidestay agoon. Badan
Waxaa ey ilathay in ey ciidanka naftooda ey kaaga baahnaayeen dhiiri galon lkn aad ugu badashay eedeen iyo in ey galeen dambi.
Su aal hadii ey gaari lahaayeen bartilmaamoodkooda ena waxyeelo ey shacabka ugeesan lahaayeen.
Kaliya waxaad utacsiyeen laheed caruurta iyo asxaabta iyo shacabka somaliyeed uka gooriyoday.
Hadaba mr yusuf garaad ciidanka inbadan waxa ey kaa sugayaan taageero af iyo adin.
Marnaba ma qorin in ciidanku dembi galay. Taa Cagsigeed, waxaan qoray in aan taageere u ahayn, kuna taageersan ahay fal kasta oo sharciga waafaqsan.
DeleteSida aad ogtahay baaritaan heerkaas la'eg Somalia kuma ogin, taasina waxay u baahan tahay waqti dheer, wixi noo muuqday ayaa la maareyn la'yahaye kuwo u baahan aqoon iyo qalab casri ah miyaa loo lug xernaanayaa??
ReplyDeleteMeydka hala asturo horay ayan kuugu raacay lkn nimankaas intey wax ka dilayaan hala sugo suuragal maaha,
Dilku iyagana cashar buu u yahay, shacabkuna waxay dareemayaan in ciidanku soojeedo.
Fikirkaaga inaad dhiibato iyo waxa aad u aragto waxaas waxa ay yihiin ceeb ma ahan ee hadal walba oo wayn oo waayo aragnimo leh ku hadlo wax baa laga faaidaa sida yuusuf garaad oo kale mahadsanid walaal/adeer.
ReplyDeleteNISA sarkaal ka tirsan ayaa ii sheegay in la diiday laba dhalin yaro ah oo forensic kusoo qaattay dibadda Dawladdii Qaasim na la diray inay qayb ka qaattaan dhisidda waaxdaas . Tan kale ninka shabaab kasoo "goosta" durba shuruud la aan ayaa la qoraa NISA siday dad badan sheegeen anigu shaadib kamaan ahayn.
ReplyDeleteBaarista aad ku talinayso Yuusif dad ay dhibaysaa jira , waxaase hubaal ah inaan dalka wada lahaansho ku dhisi karbo ee aan koox kaligeed maya maya
Taasa hubaal ah, afaf duub dalayskii dalka loo galshay miyaa baaritaan ogol waxaanse la yaabay dowladu calool adagaa say u aamineen Al shabaab xataa haday sheegeen inay soo goosteen .
DeleteWaad ku mahadsan si faahfaahsan ee aad aragtidaada u faahfaahisay. Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii kuugu dhaliilsanaa habka aad uga hadashay arinka.
ReplyDeleteSababta aan kuugu dhaliilay markaa waxaa ay ahayd in qoraalkaada u muuqda mid lagaga soo horjeedo ciidan booliiska oo sida muuqata difaacayo muwaandin naftiisa.
Mar ka hore waxaan kula qabaa baahida loo qabo in baaritaan la sameeyo marka uu dhaco fal dil ah oo ay geystaan ciidanka si shaki lahaan kartana falkaasu u dhaco. Waa hab adkeyn doonta sharciga iyo kala dambeynta (rule and law) iyo raacidda hab sharciyeysan (due process). Waa waxa ay dawladda kaga duwan tahay fawdada, ciidankana kaga duwan tahay qowleysata.
Ma hubo sababta aad wadaadada gaarista loo marayo ugu joogtay baastooladda meydka la dul saaray (taas oo qayb weyn noqon karta) haddana waxaa jira waxyaabo badan oo cadeymo u noqon kara wixii ka dhacay meesha iyo dadka dhintay kuwa ay yihiin.
1) CCTV-yada agagaaraha ku jirnaa (haddey jiraan)
2) Goob-joogeyaasha arkayey marka falku dhacayey (uu ku jiro masuulkii laga difaacayey, iyo ciidanka talaabta qaaday)
3) Iyo wax kasta oo cadeyn u noqon kara wixii meesha ka dhacay iyo sidii ay wax u dhaceen signs kara runta.
Waa ku kalsoonahay in aad qoraalkaadii hore iyo kan ba aad si niyad san uga hadashay arinkan, aadna islahayd wax toosi.
Waxaan rajeynayaa in xakuumadda iyo qaybaha amaankana ay arinkan dib u eegaan baaris hufan ay ku sameeyaan si loo sugno in ay wax u dhaceen sida la sheegay, casharna laga barto.
Muqdisho waxaan ka tagay maarso 2007. Maalintaan Muqdisho ka tagayey maalintii ka horaysay ayada oo aan wax safar ahi igu jirin baan arkay dad meyd ah oo inta meydkooda lasoo jiiday oo isgoyska Baarubax la iskugu keenay, ka dibna la gubay. Maalintaas habeenkeedii waan ka xumaa in aan Muqdisho ku hoyanayey, maalintii xigtana waan ka baxay Muqdisho. Ilaa hadda, wali sidii baa meydka Muqdiaho dariiqyadeeda loo warahayaa.
ReplyDeleteWaa Qoraal kooban oo mudan in la aqristo walibana asxaabta lala wadaagto sidaa darteed baan ula wadaagtay Aniga asxaabteyda.
ReplyDeleteWaxaan maqaalkaan ka fahmay in dalkeyga iyo dadkeyga waxa ugu weyn ay u baahan yihiin ay tahay in dadka qalbiyadooda la dhiso oo la baro sharciga oo ah mid dhinac walba oo nolosheenaha taabanaayo. Waan kaaga Mahadcelinayaa mudane Yusuf Garaad Cilmiga aad nala wadaagta Rabi hakaa ajar siiyo.
ReplyDeleteWaa mahadsantahay Yusuf dulucda sheekadada iyo postgii hore 4 meyd aad uga hadashay 2 duba waan fula fahmay
ReplyDeleteCumuuman
1 in boolisku dhacda kasta sifadaydoonto ha ahaatee in uu waxbaaro ay tahay wax sharci ah oo lagama gudbaan ah ay noqoto
2 in xuquuqda meydka la dhowro wuxuu doono ha ahaado intuu noolaaye
3 in maydadka aan si caadi ah aan laagu faafin goobaha public ga ah ama social media amaba wadooyinka ay yaalan ayagoon xattaa ha uwin wax mara ah.
qoraaal kooban oo ka muuqato xirfad iyo aqoon intaba hadey ahaan laheyd dhanka sharciga iyo dhan akhlaaqedba
ReplyDeletewaad ku mahadsantahey lawadaagida qormadan
Dulucda qoraalka doodu tahay weli umaad gelin. Tan koobaad in ciidanku dilo dhagar qabe hubaysan oo raba inuu wax dilo lana dagaalamo Booliiska siday inoo sheegayn, in booliisku dilo ma sharci daraa? Tan labaad labo doorasho ayaa meesha taala meydka kooxdaas faldenbiyeedka gacanta kula jirtey in meydkooda shaaracyada lasoo dhigo lana sawiro si shacabka ay wejiyadooda u arkan waxaa looga faaiidaysan karaa in shacabka soo sheego shaqsiyaad kale oo ku xidhnaa, guriga ay deganaayeen iyo raadadkale oola dabagelo karo dhagar qabayaal kalelana sidaa lagu ogaan karo iyo maydka la qariyo si qalbiyada shacabka loo ilaaliyo waa iyama labadaa doorasho tan aan qaadan karnaa? Anigu waxaan qabaa in badbaadada shacabku ku jirto in dadka lala wadaago si kuwo kale ee dhagar shacabka u maleegaya loosoo qabto.
ReplyDeleteWaaku mahadsan tahay aragtidaada waa figa ah iyo waayo aragnimadaada.
ReplyDeleteWaxaan kusii dari lahaa arinta maydka,islaamka agtiisa maydka xurmo ayuu kaleyahay waana in la xurmeyaa qofka dhintay waxuu rabo ha ahaadee.
Yusuf Garad Wan kaga magad celinaya qormadan aad kaga hadlaysay Arrinta Dilka ee ka dhacay Suuqa Bakaraha adigo kashanaya Aqoontada iyo Khibrada wariyanimo.
ReplyDeleteWaxa qoralkaga iga soo baxay in aad Dhalilsan tahay Shaqada Ciidanka Police-ka hawlgal kasta oo ay Qadan Police-ka kana timada Dhimasho ama dhawac, inagoo ogson marxalada Adag ee ay ku shaqeyaan.
Waxad soo Qadatay Habka badhista iyo cadeymaha Danbigada oo ah nooc Casri ah una bahan aqoon kuna yar Dunida saeexad intooda badan adigo ogson Herka Somaliya ay kaga jirto Aduunka.
Waxa kale oo ka dhawajisay in Qof aan xavad ridin ay khald tahay in ladilo Lana Sugo inta uu Wax dilayo taasi oo dhiri-galinaysa Dadka Dilalka ka gesta Gudaha Muqdisho.
Mudane anigo ku haya xushmad iyo qadarin waxan Jeclan lahaa in aanay ku dhibin Shaqada Adag ee Police-ka somaliyed inoo hayaan oo dhif iyo nadir tahay dilal ay kaga hortagen dhalinyaro donaysay inay wax dilaan iyadoo malin kasta ad arkayso Dil ay ka gaysanayan isla gobta lagu Dilay Afartan qof ee Suqa bakaraha
Qof Hubaysan oo oo faldanbiyed Gacanta kula jira xalkisu 90% waa inuu ku dilo ama aad disho,
Waxaa Muhiim ah in La ilaaliyo Nolasha Dadka Shacabka ee Wanagsan iyo Tan Ciidanka Dawlada mahadsanid
Mr Yusuf Garad mahadsanid mudane . Waan kugu raacsanahay inta badan faah faahintqada. Balse talaabooyinka aad soo tixday ee baarista u badan waxaay dhici karaan ka dib marka shaqadu dhamaato. Ee dad hub wata oo kaa soo hor jeeda raba in aay adiga ( askariga) ah iyo shacabka aad ilaalisidba laayaan sidee uga fakara kartaa yaa bistoolada soo siiyay iyo maxkamad ma xukumin wali. Qof Hubeeysan oo raba in uu dad laayo wadankee ciidankoodu maxkamad la sugaan?
ReplyDeleteAnga waxaan jeclaan lahaa kaalintaas policeka la siiyo ah garsoorka iyo fullinta intaba.
ReplyDeleteBahal marka aad la dagaalayso waa inaad bahal noqotaa.
Waana mahdsanthy mudane argtdada adgna
Mahadansanid Mudane Yusuf Garad.
ReplyDeleteWaa qormo aad uxiiso badan, wax badana ayan ka bartay inti aan akhrinayay. Waa in la dar-dar-galiyaa sidi loo samen lahaa (waa hadii aysan jirin) hay'adaha loogu tala galay in ay ka shaqeeyan baritanada ku aadan falalka noocas oo kale ah.
Aniga waxaan ahay qof wadanka ku koray, dhacdooyin fara badan oo argagax ah ayan laso kulmay, sidaada okale wali waxaa maskaxdeyda ku jira sawiro fara badan oo aysan ahayn in aan arko.
Mar labaad ayan kaaga mahadcelinaya qormadan wanagsan.
Aad baan ula dhacay Mr Garaad sida xikmadeysan ee aad u iftiimisay aragtidaada. Fadlan nala wadaag wixii aragti ah oo kaabi kara dowladnimadeena. waxaa lajoogaa xiligii aan soo aruurin lahayn xog kastoo udub dhaxaad u noqon karta hanaqaadka dowladnimee hiigsaneyno. Mahadsanid Mudane Yusuf Garaad.
ReplyDeleteWaxaa la isku raacsan yahay gacan aan shabaab aheen inay wax ku disho magaalada muqdisho midaas oo ah arimo qabiil,arimo siyaasaded, Sirdoon caalami ah. Intaasba waa noqon karaan arinkaas waan kaaga mahadcelinayaa dadka u fahmay inaad shabaab difaacayso indhahoodu ma arkaan meel kale.
ReplyDeleteMahadsanid mudane #YusufGarad
Waad ku mahadsanid mudan qoraalkaaga
ReplyDeleteMudane waxa aad ka hadleysaa waa sax, balse waa dad dugaagoobay,
ReplyDelete- boolisku tababar maleh, waa kuwaa afku wada cagaaranyahay ee laamiyada dhooban
- saraakiishu Discipline maleh, la xisaabtan askari am sameeyaan
- nidaamka dowladeed ee ilaalinta xogta howlgalka ama dhacdada (Incident containment)ma yaqaanaan.
- hadaad mooryaan hubeyso, waxaad sugtaaba waa ficil mooryaan, askari labisan, dadka u nugul, qori amaanku u xiranyahay haka sugin.
- shacabka intooda badana waxaa qaaday is indho tir, xaqiiqdana ma jecla in loo sheego.
ma jecli inan ciidanka dowladda ku tilmaamo mooryaan, balse xaqiiqda ayaa sida ah, waan ka xumahay.
Mahadasanid walal yusuf
ReplyDeletegarad adigane buulo burte maad joogi jirtay
ReplyDeleteanaka meyd aragtidiisa wuu nadaashadaye, adigaaba caafimaad qaba.
Waxaa muhiim ah, in marka la dilo ruux loo soo direy in uu wax dilo;-
ReplyDelete• In la xiro meesha uu dilku ka dhacay (crime scene: do not enter)
• In hu' ama go' IWM la saaro, ruuxa ama dadka dhintey, shacabkana looga digo aadista, duubista iyo sawirridda meytida ama dhaawaca.
• In si degdeg ah, aambalaas ay booliisku leeyihiin loogu qaado dhaawacyada lana sii dabiibo.
• In uu booliisku xakameeyo guud ahaan dhaq dhaqaaqa ugu yaraan hal kiilo mitir oo afar laaban.
• In uu ciidanka booliisku leeyahay isku jir ciidan oo ah: horin wax dila, farac wax qabqabta, unug caafimaad, koox ilaalo iyo shiish yahano dusha ka ilaaliya.
• In ciddii faafisa macluumaadka la xiriira dhacdo xasaasi ah, si dhaqso ah waaran loogu jaro (xogta waxay xor tahay, ka dib markii ay baahiso hay'addii u xil saarneyd)
• In shakhsiyaadka baraha bulshada ka dhaliila, siraha faafiya, jaanisyada baylihiya, la daba galo, haddii loo baahdana xukun degdeg ah lagu fuliyofuliyo ama gaal shiraha loo dhaa dhiciyo.
Ugu dambeyn, mudane Yuusuf, og soonow in ay mamnuuc tahay in booliiska iyo arrimahooda la qodqodo, loo taliyo, la cambaareeyo ama la hurgufo.
Sidaas oo kalena kooxaha kalena waa mamnuuc in arrimahooda lagu talax tago.
Ilaahoow Dal Nabad ah
Iyo Dad Caafimaad qaba naga dhig.
Aamiin.
yusuf waxaa tahay dadka fara kutiriska ah ee marnaba kuhadlin wax umuuqda burburin ama mucaarad, halka asaagaaga aay maalin waliba post yadoodu aaysan kamarneyn carqalad ama qalqal amni.
ReplyDeletewaad kumahadsantahay soojeedinta aanan waxba dumineynin.
Waa qormo dhinacyo badan taabanaysa kuna salaysan aragti fog iyo in baaritaan barax tiran la sameeyaa ay sahlo karto xog badan oo qarsoon la helaa.
ReplyDeleteMahadsanid Mudane Garad.
waa mahadsantahey wasiir sidaa wax badan oo naga qarsoonaa aad noogu iftiimisey waxaana rajeynaa in wax laga badali doono wax yaabaha aad soo sheegtey dhamaantood
ReplyDeleteMarka hore wad mhdsnthy Sida wanagsan ee aad uga hadasho Dhacdooyinka Dadka Ku dhacayo,
ReplyDeletetan labaad waa sax in aan lahubsado ficil kasta oo qof loo geysanayo Oo Haddana Dil ah , Ciidamada amniga ayaagoo Howlgal kujira ama goobtooda Shaqo wata Hadysan lakulmin Hub isweydaarsi majirto sabab ay dil ugeytaan ama aysan Lakulmin iyadoo qof masuul dowladeed AMA shacab ladhibaatayno ,
Sidaas darteed Walaxaa ladili rabay saaseey naqa rabtay 4 qof oo wada jiro Dadku wey garan karaaan wixi macquul ah iyo wixi kale.
mahadsanidiin.
Aad Iyo Aaad Mudane Yuusuf garad rubti waxad ka hadashay waxyaabo muhiim. Oona loobaahna Mahadsanid mudane
ReplyDeleteAsc yusuf run ahaanti war kaaga waa sax aniga xagayga laakiin mararka qaar ayaa saxa meel aan loogu talo galin hadii la dhigo uu noqonayaa khalad ama si khaldan in loo Fahmo ayadoo warkaas uu yahay mid saxan hadana dhanka wanaaga la arkaynin tusaale markaad amaanto ciidanka howsha ay qabteen dhiiri galiso kadibna aad raaciso markay waxaanoo kale dhacaan waxaa wanaagsan in sidaanoo kale loo xaliyo markaas qofka aad u wado hadal kaaga wuu fahmi karaa meeshaad u wado laakiin cillada aan sheekada ka bilaabaa kuna dhamaynaa arintaas aniga faraa igula godan tan labaad nin maanta awoodi waayay inuu talo si toos ah u siiyo xubin kasto oo dowlada ka mid ah matihid oo waad awoodaa inaad qofkaad ula danleedahay toos u siiso markaad halkaan usoo marsiiso micnaheeda waa ceebeyn imaam Shaafici ayaa dhahay qof kii si gaar ah wax iigu sheego waa ka qaadan laakiin qof kii umada horteeda war iigu sheego oo dhaliil ah qofkaas inuu I ceebeeyo ayuu doonayaa marka waa dagaal doon waana iska dhicinayaa.runti talooyinkaaga ma ahan wax la dhayalsan karo aadaa kuu Salam’s ayaa masuul
ReplyDeleteI am so grateful for this well-written piece. And the personal story too. Hubsiimo la'aan badan ayaa jirta marks ciidanku tallaabo qaadayaan.waa halis inteera le'eg. Degganaasho la'aan baahsan ayaa jirta. Some sort of inattention. Swift actions without confirming the Target even though there maybe no immediate danger posed by the suspect. In the case of the 4 killed, I believe they wanted to kill target person, their motive was clear. Why were they armed? They are civilians! So they must have been orchestrating a crime. Stopping them was needed I believe. Even though they should have been pressed to surrender. We don't know if that happened. But in general our police need to follow the law and not abuse power. Killing shouldn't be the first option unless the suspect is firing.
ReplyDeleteMudane, aragtidaadii hore uun baad sii xoojisay mooyee wax dheeraada ma adan ku soo darin qoraalkan.
ReplyDeleteWaxaad gargaar ugu fidinaysid dad hal daqiiqo gudaheed naga dilay Kun qof ku dhawaad ma garan karo kaliya waxa aad ka hadlaysid waa marka nabadi jirto laakiin maanta waxaa furan cadaawad meel aad u xun maraysa oo aan qolana qolada kale u hambayn karin.
Adiga ka Yusuf ahaan mindhaa waxaa kuu dana sidaad qoladaas uga badbaadi lahayd waayo maanta waxa aad ka hadashay meesha kama furna waagii aan gaarno nabad fadhida ayaa la raaci karaa arimahaas hadase waxaa taagan "intuusan kugu dhajin ku dhaji".
Xanuun xanuun baa u daawo ah, Nabadna nabad baa u daawo ah.
ASC Ambassador Yusuf Garaad, salaan ka dib ma gana karo waxa iga qaldan laakiin Comment aan post gareeyey 10 saacadood ka hor illaa hadda ma hayo, malaha aniga ayaa wax iga qaldanaayee, bal kan oo TEST ahan aan eego
ReplyDeleteWaad ku mahadsan tahay sida wacan ee aad noogu bayaanisay qoraalkaaga. Qodobka muhiimkaa ee dadka gabalkiis qaladka u fahmay waxa ay tahay in qofka aan la iska boobsiin dilkiisa ee la cadeeyo in uu yahay shabaab iyo in kale tan kale qofku hadduusan markaas hubaysnayn maxaa diidaya in gacanta lagu dhigo? 2004tii ayaa mar aan Nairobi Kenya joogay baa waxaa dhacda in dadka tuuganimada lagu eedeeyo si toos ah loo toogto iyadoo gacanta lagu dhigi karo waxaana toogashaadaas gaysta qolooyinka boliska dhar cadkaa. Xilligas waxaa taliye ka ahaa boliska General Max'd Xuseen, markii uu ka yaabay dadkaan la iska dilaayo wax cadayn ahna aan la keenayn shir jaraa'id ayuu qabtay amarna wuu bixiyey uu leeyahay "qofna ma dili kartaan illaa la ogaado in uu dambiile yahay iyo in aanuu ahayn waayo meyd ma hadlo" Markaas wuxuu tuhun sanaa in ay jirto heshiis saldhigyada booliska iyo tuugada ka dhexeeya oo hubka ay tuugadu wadato waxaa laga leeyahay saldhigyada booliska qaraabkana waa wada wadaagaan laakiin tuugii la qabto horey ayaa laga qaarijinaa hubkana isla markii laga qaado waxaa la wareegaa saldhigii laga lahaa halkaasna kiiskii ayaa ku soo afjarmaaya, hadiise nolol tuuga lagu qabto oo la wareysto waxaa uu fashilaa heshiiska u dhexeeya iyaga iyo Taliyeyaasha saldhigyada booliska.Marka waxaan leeyahay Meyd ma hadlo ee nidaamka Dowligaa iyo Sharcigaba hala ilaaliyo.Mahadi Alle ayay u sugnaatay.
ReplyDeleteYusuf Garaad
ReplyDeleteWaad ku mahadsan tahay sida waadaxa ah ee aad noola wadaagtay aragtidaadda. Si aqooni iyo garasho ku jirto, ayaad noogu soo dhigtay dhacdada iyo waxa looga baahan yahay ciidanka, iyo shacabka. Anigu waaxaan joogaa Hargeisa . Laakiin sida wacan eed fikirkaaga uga hadashay, waa mid ku dhisan deganaansho, aqoon, waayo-aragnimo,iyo in marka la damco in wax laga hadlo nidhacyo badan, laga is taago. Bartaadan facebook, anigu waxaan ahay arday wax badan ka faa'iday runtii. Waxa i deeqday sida aad u bilowdo qoraalkaaga iyo habka aad u dajiso,qoristiisa. Alle ha u naxariistee (Eng. Yariisow), markii aad nala wadaagtay aqoontii aad isku lahaydeen, aniguna markaan arkhriyey waxaan mooday, saaxiibo inaannu ahayn mudo dheer. Waxa aan ka dhargey oo ideeqday sida aad noo bartay bilow ilaa dhammaad. Yusuf Garaad waad ku mahadsan tahay inaad nasiiso ama aad naga dhisto in marka wax aad damacdo inaad ka hasho u baahan tahan degaansho, aqoon, karti, waayo-aragnimo. Thank you.
wa ku mahdsanthy mudane sidaa u cabbirty dareenkaada
ReplyDeleteWaa qoraal aad u qiimo badan runtii wax badan ayaan kabartay,
ReplyDeleteMar ayaanba is dhahay waxaad ku jirtaa uu macalin ka yahay Ambassador Yusuf Garad.
Ku mahadsanid sida aad noola wadaagtay qormadan qiimaha badan leh
Waa arin wanaagsan
ReplyDelete