Total Pageviews

Monday 9 September 2019

Saxaafadda iyo Danta Qaranka


Taleyda Saxaafadda

Saxaafadda waxaan u soo jeediyay in ay ilaaliso xeerarka saxaafadda. In ay mar kastaba ahaato mid ay wararkeeda oo dhami ay sugan yihiin. In ay ahaato mid dhexdhexaad ah oo dhinacyada oo dhan si isu dheelli tiran u gudbisa afkaartooda.

In ay xafiddo warka oo ah ammaano uu war-curiyuhu u dhiibay ama aad adigu ogaatay.  Dhegeysiga, daawashada iyo akhriskuna ay yihiin  iyo kalsooni uu shacabku ku siyay oo ay tahay in aad dhowrto.

Waxaan xusay in ay tahay in saxaafaddu ay si madaxbannaan u shaqeyso iyada oo u hoggaansan shuruucda dalka.

In ay saxaafaddu kor u qaaddo aqoonta iyo tababbarrada ilaa heer dururgsan oo u saamaxa in ay xaalad murugsan ay wakhti aad u yar gudihiis ay si kalsooni leh uga qaadan karto  go’aan adag.

Xagga maamulka iyo milkaalayaasha Saxaafadda waxaan baaqay in ay hey’ad kasta oo wareed ay is bixiso. Oo bixiso mushaar ku filan shaqaalaheeda, haddii aanay awoodinna ay dib uga fiirsato xaaladda.

Waxay ka fekeri kartaa in ay idaacad kale isku biiraan si dakhligu kor ugu kaco, kharashkuna uu u yaraado. Waxay raadin kartaa in si sharciga waafaqsan ay ku kordhiso dakhligeeda. Intaasi haddii ay suurta geli waayaan, tab kalena aanay hayn, waxaa la gudboon in ay idaacadda u laabto albaabbada.

Weriye aan mushaar qaadan oo mikrofoon la aada magaaladu wax badan kama khatar yara askari aan mushaar qaadan oo qori la siiyay oo magaalada lagu sii dhex daayay.

Danta Qaranka


Iyada oo intaas oo dhan dhowreysa waxaan Saxaafadda u soo jeediyay in ay haddana hesho tab ay ku horumarin karto danta guud ee muddada gaaban, tan muddada dhexe iyo midda xilliga fogba.

In aanay danta Guud u arag wax Dowladda oo keliyihi ay u xilsaaran tahay. In saxaafaddu ay Dowladda ku daba gasho in ay hubiso in ay ka shaqeyneyso danta guud waliba sida ugu habboon. Danta guud waxaa ka mid ah ballanqaadyada iyo arrimaha aan la sii ogeyn ee dalka soo food saara.

In ay saxaafaddu kala garato in danta Qaranka iyo danta Xukuumadda ama Xisbiga talada dalka hayaa ay kala yihiin laba is waafaqi karta ama iska hor imaan karta. Saxaafaddana ay mas’uuliyaddeedu tahay in ay baarto dadweynahana ku wargeliso marka xukuumad ay dayacdo ama ulakac uga baaqsato danta Qaranka.

Marka ay xukuumaddu ku joogto Danta Qaranka waa in ay saxaafaddu gacan ku siiso iyada oo aan noqon af hayeen Dowladeed loona adeegsan borobagaando.

Saxaafaddu in ay lahaato ajende u adeegaya danta Qaranka. Taas oo macnaheedu yahay in aanay isku soo koobin ka warbixinta dhacdooyinka.  Waxaan soo jeediyay in ay abuurto doodo, falanqeyn iyo wareysiyo qoto dheer oo dadka diyaarinaya iyo kuwa qaadayaaba ay ku saleynayaan baaris iyo xaqiiqooyin si aqoon ku dhisan loo ratibay.

Waxaan muujiyay farqiga u dhexeeya faallo oo ah ra’yi iyo falanqeyn oo ah qiimeyn ku saleysan xaqiiqooyinka jira.


Saxaafaddu waa ay sheegi kartaa wax aan danta Qaranka u adeegeyn. Laakiin waxaa khasab ah in ay ahaadaan kuwo aan ka hor imaaneyn danta Qaranka.

Saxaafadda waxaan ku bogaadiyay horumarka marba heer joogay ee ay sameysay tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka.

Taladeyda Dowladda 

Dowladda dhankeeda waxaan u soo jeediyay in ay dhowrto Madaxbannaanida saxaafadda iyo in aanay cadaw ka dhigan.

Siyaasiga iyo saxaafaddu ma ahan in ay saaxiib noqdaan isu jiibiya oo la kala garan waayo codka siyaasiga iyo sowtka suxufiga.

Taa cagisgeed, ma ahan in ay cadow isku noqdaan oo ay isku aakhiro seegaan.

Suxufiga iyo siyaasigu kaalin loo baahan yahay ayay bulshada ugu jiraan, midba kaalintiisa ayaa ka duwan kaalinta kan kale. Laakiin waa isu baahan yihiin. Waa laf haye iyo laba dhaga haye.

Sidoo kale xiriirka mucaaradka iyo ka dhexeeya saxaafaddu waa in aanuu col ahaan, noqonna saaxiibbo isku milma. Waa in uu la mid yahay xiriirka ka dhexeeya Dowladda iyo Saxaafadda.

Dowladda waxaan u soo jeedinay in ay ila habboon tahay in Idaacadda Qaranku ay ahaato mid Dowladda, mucaaradka iyo shacabka u dhex ah. Xaqiiqada ka warranta, xaqiiqada oo dhan. In haddii ay isku daydo in ay war jira qariso, ay iyadu markaas ku casuumeyso in dhegeystayaasheedu ay war ka doontaan idaacado kale, waliba ayada oo warka loo sheegayo si aanay iyadu saameyn ku lahayn.

Mahadcelin

Waxaan u mahadcelinayaa Machadka RAAS oo munaasabadda qabanqaabiyay. Madaxa Machadka, Maxamed Qaasim, iyo kooxda ay wadashaqeeyaan ee aqoonta iyo akhlaaqda badan aad ayaan ugu mahadcelinayaa.

Waxaan u mahadcelinayaa dhallinyarada faraha badan oo munaasabadda ka soo qeyb galay, sida sharafta leh ii dhegeystay ka dibna su’aalo iyo afkaar ila wadaagay.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaya Macallimuu, Catoosh, Yusuf Xasan iyo Cabdirisaaq Socoto oo dhammaantood gacan iga siiyay soo jeedin iyo dood aan shalay la yeeshay suxufiyiin iyo dhallinyaro kale.

Macallimuu wuxuu gacan ka geystay qabanqaabada, Catoosh boggiisa taageerayaasha badan ayuu ku lifaaqay oo toos looga daawaday, Yusuf Xasan tusaaleyaal ayuu bixiyay qiimo badan, Socoto wuxuu qaabbilsanaa hadal qeybinta iyo gaasinka madasha.


Waxaan si aad u diirran ugu mahadcelinayaa Saaxiibbadeyda Saxaafadda Bulshada ee talooyinka iyo afkaarta qiimaha badan igula wadaagay markii aan diyaarinayay mowduucan.

25 comments:

  1. Waan kaaga mahadcelinayaa in aad akhrisay. Fadlan ha illoobin in aad ila wadaagto aragtidaada ku saabsan mowduucan.

    ReplyDelete
    Replies
    1. @yusuf Garaad Mudane, Aad baan Kaaga mahadcelinayaa Sida Aqoonta iyo waaya aragnimadu kudheehantahay aad noola wadaagtay,wax badana waan kaa kororsanay.

      Qodobkan=Saxaafaddu waa ay sheegi kartaa wax aan danta Qaranka u adeegeyn. Laakiin waxaa khasab ah in ay ahaadaan kuwo aan ka hor imaaneyn danta Qaranka.

      Wankula qabaa Fikirkaas,laakiin kawaran Hadii Bilcaksi sameeyaan Oo ay kaliya ka shaqeyaan Waxyeelada Qaranka,ayna yareeyaan Waxtarka Qaranka oo shacabka soomaliyed ee kabaxsan dalka Sida ganacsato ay dalka uga dhigaan inuu dhibaato yahay, dadkina halkaas iska joogaan dalkuna noqdo mid Kaliya laga baxo.

      Sideese lagu heli karaa hal Tv&radio oo dowladu leedahay, mase la sameyn karaa.

      Mahadsnaid mudane🙏

      Delete
    2. Mahad mudane.ygarad. sida wacan ee khibrad iyo aqoon ku dhehantahay aad nala waregtay.waxan rajaynayaa inay suxufiyintu ka FAA,iidaysan Donan.insha alah

      Delete
    3. Mahadsanid mudane yuusuf .

      Saxafadu markii laga hadlayo politics waa awooda afaraad markii laga soo tago 3da institution ee ay dowladu ka kooban tahay .

      Taas micniheedu waxaa weeye saxafadu inay awood ahaan iyo xirfad ahaan ay tahay mid baaxad wayn .

      Markii loo eego dadka ka shaqeega saxafada somalia waa dad aqoon ahaan iyo caqli ahaan hooseeya . Taasna waxay sababi kartaa in dantaguud dayacanto , coladu fido , been abuurku bato.

      Talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa cida laga shaqalesinayo saxafada in lagu shaqaleesiyo aqoon iyo xirfad heer sare ah si ay u noqdaan dad awoodi kara inay sawir ka bixiyaan halka loo socdo mudo ka hor iyo halka laga soo tagay mudo kadib .

      Mahadsanid

      Delete
  2. Yusuf Garad aad baad ugu mahadsan tahay si wanaagsan oo aqoonta leh oo aad ugu qoraal qubane ah ugu soo gudbiso dhallin yarada waayo aragnimadaada iyo aqoontaada. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  3. Aad baan ooga faaiday mr.yusuf Garaad. Hadii ay jirto muuqaal la duubay oo youtube mise meel kale lasoo galiyay oo ku saabsan programkan saxaafada eee aad maalin hore qabtay nala wadaag link ga mahadsanid

    ReplyDelete
  4. Aad baan u mahdsnd mudane yusuf garad argti aqooneedkaaga saxafadees

    ReplyDelete
  5. Masha Allah Ustaad Wa arin Xiligi lobahana kuso a day waxana ku telin lahaa inad qeyb kale oo Topics ah oo bulshada burarujinaya inad qabato Sida Arimaha Qabyalada,Colada,Wax wadagida IWM

    ReplyDelete
  6. Mudane Yuusuf aad ayaan kaaga mahad celinayaa qormadaadaan cajiibka ah. Runtii arrimo badan oo loo baahanyahay ayaad si cilmiyeysan u soo bandhigtay, talooyinkaaguna waxa ay mudanyihiin in la qaato si loo helo saxaafad hufan oo kalsooni lugu qabi karo.

    U soo jeedintaada dowladda ee ah in warbaahinta Qaranku ay u dhex ahaato dowladda, mucaaradka iyo shacabkaba waa mid wax ku ool ah ayna tahay in la soo dhoweeyo.

    Waxaan in badan aragnaa in xaqiiqooyin jira ay warbaahinta dowladdu iska indho tirto taasoo u fasirmeysa in ay kaliya u adeegto inta markaas talada heyda, waxaana ka dhalanaya in warbaahinta dowladdu halkii ay ka ahaan lahayd midda bulshadu ku wada xirantahay ay noqoto tan ugu dhegeytayaasha yar!.

    Mahadsanid Mudane Yuusuf-Garaad Cumar

    ReplyDelete
  7. shaqo aad iyo aad u wanagaabadan ayad qabatay, wax inta badani aysan ogayn inta yar e ogina aysan cid la wadaagin. wad ku mahasantahay mudane Ex-wasiir

    ReplyDelete
  8. Waxan rajeynaya in Suxifiyinta wadanka ka howl galaa ka faa'ideystan qoraalkagan ku saleysan Aqoontada iyo Qibradada. Aad iyo aad baan kaaga mahadcelinaya wasiir Sida aad isku Xilqaantay oo aad Suxufiyinta ugu faa'idayneysid marwalba oo aadan marnaba ka daaleyn. Guuleyso Mudane Wasiir..

    ReplyDelete
  9. Yuusuf Garaad, aad baad ugu mahadsantahy cilmiga aad nagu biirisay, qormadada qeybo badan oo an garanayey waad isoo xusuusisay halka qeybo kale oo aad u badanna aan kaa kororsaday.

    Marka xigta waxaan soo jeedinaya ,maadama xirfaddan dadka ku soo biiraya ay sii badanayaan in ay xoogga saaraan in ay daraaseeyaaan(bartaan) si ay ugu kaasahadaan shaqadooda cilmi iyo wax leysku raacsanyahay, oo kaama saareyso waxaan ahay hadal-yaqaan, Codkar ,Fagaare ka hadle iwm.

    Kuwa bartayna aysan ku koobnaan 2 erau oo uu macalim u xarriqaye ay cusbooneysiyaan cilmigooda, tanina waa aragtideyda , Mahadsanid ,Yusuf Garaad Cumar.

    ReplyDelete
  10. Wan ku salamey mudane, waxan ka xumahay in ay ii surogeli weydey in aan kala so qeyb galo, balse nasib wanaag wan dawadey, oo aad baan uga bogtey,in badan wan isku dayey in aan access helo, adga ayan isku dayey in aan kula so xiriro ima surogelin oo Facebookgaga aniga follow ayu i yahay oo farinteyda toos kuma so gareysa. Kaliya waxan rabey in aan hal suaal ku weydiyo. Waxan arkaa caalamka kale oo wax ka dhaca, sida US oo badana mass shooting ka dhaca iyo dunida melo kalo badan kala duwan ayay balayo ka dhacda,dhacdo wlba oo dhacda weynu maqalna oo waxas aya dhacay wa la dhaha lkn Somalia wey ka duwantahay,warbaahinta Somalidda si aan warbaahinta kale wax u baahin oo ka badbadis ah ayay wax u baahiyan, sida meel qarax ka dhaca oo ay meshi oo holceysa, dhawaci iyo meydadki oo is dhex yaala iyo waxan isha muwaadinka u roneyn aadna inno niyad jebinaya, rajadenana hoos u dhigaya. Marka mudane suasheyda waxey tahay, ma saxafadda ayaaba sidaa qabta in dhawaca iyo meydadka is dhex yaala kaamirad lala dhex qaado oo dunida dhan lagu baahiyo, iyado qaranka lo hilinaya, muwadinka kan dalka joga iyo midka dibadda joga la rajo dileyn si kale so lagama yeeli karo, tusale dhacdadi in la yeesho lkn waxyabahan argagaxa leh ee dadka quusinaya in indhahodda laga ilaaliyo. Mahadsanid Mudane.

    ReplyDelete
  11. Yuusuf garaad waa ku mahadsantahay sida aad noola wadaagtay taladada.
    Saxaafadu waa mindi labo afleh.oo hadba tii aad doon rid wax ku goosanaysid, markaa waalagama maarmaan inay ahaadaan kuwo dhexdhexaad ah oo runta sheega maxaa yeelay waa dhagaha iyo indhaha shacabka hadba siddii ay wax u sheegaan ayaa loo rumaysataa,
    Fake news haka dheeradaan.
    Aqoontoodana ha kordhiyaan

    ReplyDelete
  12. Waad ku mahadsan tahay adiga cid kasta oo gacan ka gaystay barnaamijkan.

    Aad ayay qaranka u anfacaysaa in bulshada kuwooda khibradda lihi ay xirfadlayda kale u gudbiyaan aqoontooda waaanna rajaynayaa in sida suxufiyiintu ay barnaamijkan wax uga kororsadeen ai la mid ah ay aqoonyahanka kale u noqon doonto baraarujin ayana kaaga dayan doonaan bixinta seminnaaro xirfadahooda la xiriira oo ay siiyaan dhallinyarada.

    Guulayso, Yuusuf.

    ReplyDelete
  13. Asc. Yuusuf salaan kadib.

    Waxaan ku biirinayaa aragtidaada dhinaca tacliinta in kor loo qaado.

    Sabab.

    Waxaan aragnay xarumo warbaahineed oo dhawaan la furay dakhliga ay helaan ay ku filantahay shaqaalaha mishaarkooda, laakiin ay adagtahay in xushaan wariye aqoon leh,qorshahana aanay ugu jirin in ay u raadiyaan fursado ay aqoonta shaqaalahooda kor ugu qaadi karaan.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  14. Waadmahadsantahay mudane, sida aad aqoontaada ula wadaageyso inta u baahan.
    Waxaa jiro ilo warbaahineed oo loo sameystay in dowlada ama mucaarad lagu bahdilo sidaas darteed hadaad kun jeer ku celcelisane waa sida ayagoo aan waligood loo faa'iideen oo kale.

    ReplyDelete
  15. Aad iyo aad ayaa kaaga mahadcelinayaa mudane Yusuf garaad Omar

    ReplyDelete
    Replies
    1. Runtii waxay ahayd farhad aan la soo kobi Karin barnaaminkan aad shalay uqabate saxafiyiinta somaliyeed waxayna ahayd Runtii mid loo baahnaa oo loo qabe baahi weyn mahad gaara ayaan kaaga haynaa mudane yuusuf garaad Omar waxaan kaa codsanayaa inaad barnaamij yadan ay soo noq noqdaan sababtoo ah dalka waxa uu ku dhismayaa si dhaqso ah mudane Yusuf garaad taarikhda ayaa ku xusidoonta barnaamijkii shalay aan dawade waa mid taariikhi ah mana ilaawi doono inta aan noolahay Somalia way istaagte guul ayaan kuu rajeynaa muwaadin Yusuf garaad cashar ayaan shalay qaadane mahadsanid mudane wasiir Ambassador Yusuf garad omar

      Delete
  16. Mahadsanid mudane YUUSUF GARAAD sida quruxda badan ee aad noola wadaagtey mawduucan.
    Runtii hadii sida aad usharaxdey wadadeeda lamaro waxbaba ma xumaadeen lakiin waxa halig ah iyado habraaca iyo sharciga saxafada lagaranayo balse la iska indhatirayo. Waaxan isweydiiya suxufi qofkee noqon kara? Waxaan arkaa dhalinyaro badan oo aan xitaa dugsi dhexe shahaado ka haysan iskadaa mid sare eh oo hadana mikirifoon iyo shaadh warbahineed wata .
    Waxaan ka codaanayaa inaad bulshada la wadaagto suxufi qofkee noqon kara iyo aqoonta uu lahankaro inta uusan saxafada ku biirin, saxaafada waa in aysan noqon ganacsi ama lagaraadsan nololmaalmeel iyadoo aan loo lahayn wax aqoon ah.mahadsanid

    ReplyDelete
  17. Waa talo cilmi badan dabadii si heer sare ah loo diyaariyay si hufana usoo gudbisay mahadsanid mudane, laakin waxaan isleeyahay wey adagtahay idaacadaha ganacsiga loo furtay oo mic loo dhiibay wariye/wariyad aqoonta iyo dhaqaalaha ku yaryihiin ineey dhowraan sharci iyo akhlaaq.(nin baahan nin buko wax looguma dhiibo)vediogina waa daawaday mahadsanid

    ReplyDelete
  18. Wad ku mahadsantahay sida aad nogu so gudbisay casharkan qiimaha badan.

    ReplyDelete
  19. Saaxafaddu waa waaxaa ugu wanagsan ugunna khatarta baddan hadii si ay tahay si kaduwaan loo isticmaalo waan booggadinaya Fikiirkan ama tallo soojedintaan wanagsan ee adiga Yusuf ah ad u soojedisay dhanka Saxafadda iyo dhaanka Dawladaba Qoralankan waa mid la dhihi karro waa rasulmaal ama Hanti ruunti hadii looga fa"iideysanayo sida u yahay Saaxafadda iyo Danta Qaranka wuxu ku salaysan yahay Nadam Protocolaysan, aqoonaysan ama xiirfadaysan asaga Barnamijku intaas ka koobban buu haddana yahay Mid hadlaya tabanayana dhaan walba sida Mucarad muxafiid Shibiil iyo Dawladba waana taallo soojeedin laga fa"iideysankarro Lana dhiigankaro keydka Saaxafadda Qaranka iyo tangarrka ahba' aniga marka hal mid oo taallo meesha laftigedda ku xuusaan ban kusidaraya Dawlada waaxaa ka khaldan sida ay u aragto ama Qoorsha uga yaal Muucarad Dawladda ayada ayaa la raba in ay saaxddo taas waaxaa ay ka qabto ama ay ka Amiinsantahay" waaxaa kale oo laraba Dawladu in ay saxdo warbahinteedda gaarka" ah in ay baallariso garsisana in ay u madax bananadan Mucaradka iyo dadka Shiibilka ah afkartoodda Dawladu ama Dawlad walba waaxaa ka muuqdda cadadis ama adeeg ad u baxadweyn.

    ReplyDelete
  20. Mahadsnid yuusuf waa talooyin wanaagsan

    ReplyDelete
  21. aad iyo aad haldoorka bulshada waa talo macquul ah.

    ReplyDelete