Waxaan
qirayaa geesinnimada ciidankii naftood hurayaasha ahaa ee baabuurtii qaraxyada
siday fashiliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay inta aanay gaarin bartilmaameedka
ay doonayeen in ay qarxiyaan Jimcihii 26 Febraayo.
Askartaas oo ayagu naftooda huray, waxay badbaadiyeen dad aad uga badan inta hadda ku dhimatay weerarka.
Askartaas oo ayagu naftooda huray, waxay badbaadiyeen dad aad uga badan inta hadda ku dhimatay weerarka.
Waxay
mudan yihiin in uu Qaranku u aqoonsado dadaalkooda oo ay ku bixiyeen qiimaha
ugu badan ee qof bani'aadam ahi uu huro, kaas oo ah nafta. Waxaa Ilaaheey
ku guuleeyay in ay badbaadiyaan dad badan oo aanay aqoon, ayaguna hadda aan ka
warqabin waxa laga maray in ay maanta noolaadaan oo ay qoysaskooda la joogaan.
Intii khatarta u bareertay ee is hor taagtay qaraxa iyagu ma badbaadin, sidoo
kale Soomaali badan oo aagga ku sugnaa.
Askartii
dhimatay waxay mudan yihiin in magacyadooda la xuso, qoysaskoodana uu Qaranku
meel saaro.
Mar
kasta oo aan Xamar ku arko askari waddo dhex taagan ama ag fadhiya oo baabuurta
baaraya, inkasta oo uu qori sito, qaarna bastoolad iyo middiyo u dheer yihiin,
haddana waxa aan dareemaa in waxa keliya ee uu dadka ku daafici karaa ay tahay
naftiisa oo uu huro. Sababta oo ah nooca dagaalka Muqdisho ka socdaa ma ahan
mid nin qori haystaa uu joojin karo isaguna uu ka badbaadi karo.
Waxaad
arkeygaa marka qarax dhaco ee askari meel fatash ah taagnaa uu ku dhinto,
maalin ama laba ka dib askari kale ayaa taagan oo asaga oo og meeshii uu
saaxiibkii ku danbeeyay.
Qaarkood
qashqashaad la'aan ma ahan, qaarna shaxaad ayay dadka ku dhibaan. Laakiin
ujeeddadu intaas wey ka weyn tahay kana muhiimsan tahay.
Askariga
dariiqa taagani halista wuu ogyahay, waana naftii hure u bareeray in uu
naftiisa ku daafaco shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed. Iyagana Allah ha ka
dhigo kuwo garashadeeda la yimaada oo mushaarka, daryeelka iyo qaddarinta
askariga Soomaaliyeed aanay mugdi iyo muran toona gelin.
Xaqiiqdu waxay tahay in ay ku dhinteen difaaca dadkooda iyo dalkooda ayaga oo awooda inay naftooda ka badbaadiyaan dhibatada ayey u bareereen oo u dhinteen taas waxaan dhihi karaa waa astaan wadaniyadeed iyo dameer wanaag
ReplyDeleteXaqiiqdu waxay tahay in ay ku dhinteen difaaca dadkooda iyo dalkooda ayaga oo awooda inay naftooda ka badbaadiyaan dhibatada ayey u bareereen oo u dhinteen taas waxaan dhihi karaa waa astaan wadaniyadeed iyo dameer wanaag
ReplyDeleteHadalkii adigaa dhameeyey.
ReplyDeleteWaxaan ku darsan lahaa Hay'adaha Amniga Dawlada Federalka ah oo hada inta kaliya aan ogahay ay tahay in ay Muqdisho ka shaqeeyaan waxay amnigii ku wareejiyeen Gobolka Banaadir. Wasaarada Aniga waa iyada tan mas'uulka ka ah amniga loo tababaray dhaqaalahana lagu siiyo kaliyana Muqdisho bay ka shaqeyn jireen haday Gobolka Banaadir oo aan u tababarnayn lagu wareejiyey hay'ada Amnigu ma Hargeysa iyo Garoowe bay ka shaqeynaysaa?
"Duudow adigaan kuu xil hayay" Ilaahey ha noogu deeqo madax garasho leh.
ReplyDeleteWaxan leenahay ilahay ha unaxaristo geesiyaashi ku naf waye ayago difaacaya dadkooda iyo ilmahooda runti waa arin lagu farxo in qasaraha dadbada so gari laha inay dhabarka u dhigtan waa arin taariikh ah runti waan lagu xusi doona taariikhda soomaaliyeed waa lo baroordiqi doona geesiyaashi is hortagay garaxi lagu baa'bin rabay dhalinyaro wayeel iyo caruur, hooyooyin ee lagu tala galay in lagu qarxiyo beerta nabada oo aan ognahay inay ku dhamashadan jimacaha dhalinyarada wayeelka iyo caruurta hooyooyinka si ay u dareeman in dalkooda uu nabad yahay walahi wiilasha naftooda u huray shacabka soomaaliyeed waxaa xaqiiqo ah in taariikhda soomaaliya ay bahal dahab ah ka gali doonan waan malin aaan la iloowi doonin guul inta rabto inay bad badiso shacabka soomaaliyeed
ReplyDeleteIntii Ku dhimatay ilaahey Naxariisti Jano Haka Waraabiyo Madaxdana waxaan Dhihi Lahaa Waxa aadku Joogtan we Aad Ku Tamash Leyneysaan Waa Dhiiga Iyo NAFTA ee idiin Hurayaan Askariga Soomaaliyeed Xaqiisana Alaha Idin Gelinsiiyo
ReplyDelete