Total Pageviews

Saturday 27 February 2016

Sankara

Thomas Sankara oo siddeetameeyadii Madaxweyne ka noqday Upper Volta oo isagu u bixiyay Burkina Faso, dalka dadka toosan, wuxuu mushaarkiisu ahaa $450 bishii. 

Wuxuu diiday in xafiiskiisa la geliyo qaboojiye maaddaama aan dadkiisa inta badani awoodin raaxada xafiis qabow. Wuxuu iska iibiyay baabuurta qaaliga ah ee Madaxdu ay ku socon jirtay wuxuuna isagu gaari ka dhigtay Renault 5 oo ka jaban kana dayactir sahlan. Wuxuu diiday in sawirradiisa la suro xafiisyada iyo goobaha ganacsiga.

Markuu dhintay wuxuu lahaa 1 baabuur, 4 baaskiil, 3 gitaar, 1 qaboojiyaha cuntada iyo cabitaanka iyo 1 barafeeye oo aan shaqeyneyn. Wuxuu ka tegey 2 wiil iyo hooyadood, Mariam.

Baar oo akhri wuxuu ka qabtay caafimaadka siiba carruurta, waxbarashada iyo wax soo saarka quudka. Maxaad ka baran kartaa?

Sawirku Baabuurkiisii ma aha ee waa isku nooc.

No comments:

Post a Comment