Qaahira
1997
1997 markii Hoggaamiyayaashii Kooxaha Soomaaliya ay ku kulmeen
Qaahira, waxay ka koobnaayeen laba isbahaysi.
Shirku wuxuu u ekaa mid ka dabaakhaya shirarkii Addis Ababa ka
dhacay ee inkasta oo kooxaha dhan la isugu keenay haddana aan wax ka soo bixin.
Kan hadda sidoo kale kooxaha oo dhan ayaa lagu casuumay kana qeyb
galay. Wasiirkii Arrimaha Dibadda Masar oo gacan ka helaya Jaamacadda Carabta
ayaa aad isugu howlay in uu ka mira dhaliyo.
Iyada oo Danjiraha Ethiopia aan inta badan ku arki jiray xarunta
shirka iyada oo hoggaamiyayaasha qaar la kulmeysa, mararka qaarna siineysa
telefoon Thuraya ah. Ma ogi cidda ay kula hadlayeen.
Laba Isbahayi ayaa kulmay. Dhinac waxaa socday rag ay hor kacayaan
shan si meerta ah midba uu bil Guddoomiye yahay. Waa Cali Mahdi, Cabdullaahi
Yusuf, Zoppe, Gabyow iyo Cusmaan Caato ayna ka mid yihiin Raajis, Mayow, Cumar
Xaaji Masalle iyo Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil.
Dhinaca kale waxaa wada socday rag ay ka mid yihiin Xuseen
Caydiid, Cabdiraxmaan Axmed Cali, Maxamed Qanyare Afrax, Axmed Cumar Jees,
Maxamed Nuur Caliyow, Cabdikariin Axmed Cali, Xasan Qalaad iyo rag kale oo
badan.
Markii laga hadlay in kuraas la qeybsado, waxaa la isku mari
waayay sida wax loo qeybsanayo. Labada dhinac midkood wuxuu qabay in qaybta kuraasta
lagu saleeyo hab beeleed.
Dhinaca kale wuxuu qabay in wax lagu qeybsado sida uu wadahadalku
u dhacay oo ah laba dhinac.
Markaa dhinac waxaa Guddoomiye u ahaa Xuseen Caydiid. Dhinaca
kalena, inkasta oo ay Guddoomiye-nimadu ay meerto ahayd, oo intii aan Qaahira
joognay ay isu mareen Gabyow iyo Cusmaan Caato, haddana ninka markaas ugu
magaca weyni wuxuu markaa ahaa Cali Mahdi Maxamed.
Wax qeybsigu in uu ku saleysnaado laba dhinac ragga aad ugu ad adkaa
waxaa ka mid ahaa Qanyare oo yiri beel wax isuguma darsana.
Shirkaas oo aan
BBC uga warramayay, markii la isku mari waayay wax qeybsiga waxaa ka carooday
oo ka baxay Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo General Gabyow.
Waxay dib ugu
laabteen Soomaaliya. Markiibana waxaa billaabatay qabanqaabada dhismaha Puntland.
Cabdullaahi
Yusuf markii ay BBC wax ka weydiisay natiijada Shirka Qaahira ka soo baxday aad
ayuu u dhaleecayay wuxuuna ku sheegay in ay af Soomaaliga ku soo kordhiyeen
eray cusub oo ah “La-Guddoomiye” oo ah xilalka Cali Mahdi iyo Xuseen Caydiid uu
u magacaabay Shirka Qaahira.
Shirka Qaahira
wuxuu aniga ii faa’iideeyay in aad saddex usbuuc maalin iyo habeen la joogay
madaxdii markaa ugu sarreysay Soomaaliya.
Waxaa kale oo
aan ku bartay bulshada Soomaaliyeed ee Qaahira, qaar joogta ah iyo qaar marmar
tagaba.
Waxaa ka mid ah
laba nin oo midna uu hadda ka mid yahay kuwa Ganacsiga ugu sarreeya, waa
Axmed-Sucuud oo ah Madaxa Hormuud. Iyo nin siyaasadda meel sare ka gaaray,
hadda rag ay is hayaan ay ka saareen, mustaqbalkiisa siyasadeedna aanan hubin
meesha uu ku dambeyn doono. Waa Guddoomiye Baarlamaan ee hore, iyo
Madaxweynihii Koofur Galbeed ugu horreeyay.
Haa. Waa ninka
aad u maleysay. Waa Shariif Xasan Shiikh Aaden. Waa shir looga hadlayo siyaasad
Soomaaliyeed kii iigu horreeyay iiguna dambeeyay ee aan abid arko Shariif Xasan
oo goobjoog ah haddana aan fadhin kuraasta ugu sarreysa, xataana aan cod ku
lahayn.
Waa shirkii
lagu bixiyay oraahda ah “Xaq doon ma nihin ee waxaan nahay xal doon”.
Dad dhegeystay
warbixin aan arrintaa ku xusay ayaa ka dib i weydiiyay, Xal ma imaan karaa
haddii aan xuquuqda la sugin?
Waa su’aal weli
taagan oo aan la wadaagayo akhristayaasheyda sharafta leh.
Eldoret iyo Nairobi 2004
Qanyare waxay Eldoret wada yimaadeen Mowliid Macaane goor fiid ah.
Habeenkaas waxaa Qanyare ka gashaday Moqliid.
Labada mas’uul waxaa ay muddo taagnaayeen miiska soo dhoweynta Hotelka
iyada oo cid qaabbishay aanay jirin.
Hoteelka waxaa dhex jooga boqollaal Soomaali ah oo qaar deggan yahay
qaarna ay u soo shaqo tageen ama ay u soo war iyo sheeko doonteen.
Labada mas’uul ayaan taagni kula sheekeysaneynay annaga oo dhowr ah. In
yar marka aan sheekeyno waxaa mowduuca beddelaya marba laba ama saddex isla
socda oo qaar yahay Hoggaamiye kooxeedyo ayaga oo meesha maraya na salaama oo
war noo sheega ama midkeen wax weydiiya.
Markii dambe ayaa mid ku yiri Qanyare, Hoteelkaan cidina idiin imaan
meyso ee u tag madaxda Hotelka ama kua shirka maamuleya si la idiin dejiyo.
Wuxuu u tilmaamay halka ay joogaan wuxuuna ugu daray adiga ayaa dalkan af
yaqaane u tag.
Markuu Qanyare damcay in uu dhaqaaqo ayaa waxaa ka hor booday Mowliid
Macaane oo ku yiri anigaa dalkaan kaaga fiicane iska joog.
Mowliid wuxuu dhahay af iyo anigaa dalka aqaan ma shaqeyneyso. Sankiisa
inta uu laba farood ku tilmaamay ayuu yiri kanaa ii shaqeyhaaya ee iska joog.
Waan ku wada
qosolnay arrinkiina waa la xalliyay.
Qanyare wuxuu
ahaa ragga siyaasadda kariya oo gedgeddiya oo curiya mowqif cusub si uu u
abuuro isbahaysiyo hor leh.
Nairobi oo ay
Hoggaamiye Kooxeedyada hubeysani ay isku waafaqsanaayeen in kursiga laga rito
Madaxweyne Cabdiqaasim, haddana Qanyare iyo ragga qaar ma taabacsaneyn
Murashaxnimada Cabdullaahi Yusuf oo ugu tun weynaa Hoggaamiyayaashii berigaas.
Qanyare wuxuu
isku dayay in uu abuuro Koox hoggaamiyayaal ah oo uu doorashada garab ka
dhigto. Wuxuu abuuray isbahaysi uu siddeed kooxood isugu keenay oo la baxay G8.
Maalmahaas iyo
kuwo ka horreeyay oo Qanyare siyaasadda karinayay, ka shaqeynayay tanaasulaad
iyo isfaham kooxda uu ku dagaal geli rabo dhexdeeda iyo iska caabbinta kooxaha
ay is diiddan yihiin, waxaa laga hayaa dhowr Oraah oo lagu soo xusuusto xagga
siyaasadda.
Markii uu u
tartamay kursiga siyaasadeed ee dalka ugu sarreeya, qiyaasayna in laaluush
jiro, Qanyare wuxuu Xidlhibaannada u sheegay Lacagi waa qaadasho, Mabda’una waa
halkiisa.
Marka laga tago
in ay damiir xumo tahay in laaluush waliba siyaasadeed laga dhigo wax caadi ah,
haddana oraahdu waxay bannaanka soo dhigeysaa foolxumada hortaalla, waxayna
talo ka bixineysaa sidii laga yeeli lahaa.
Mar kale waxaa
laga hayaa in uu yiri, faa’iido iyo khasaare wax u dhexeeya ayaa jira, taas oo
ah lafahaaga cesho.
Habeen ama laba
ka dib markii looga guuleystay tartanka Madaxtinnimada Soomaaliya ayaan Qanyare
kula sheekeystay Hotelka Intercontinental ee Nairobi.
Qanyare waa
careysnaa. Inta bandanna asaga ayaan dhegeysanayey.
Ka dib Doorashada
Sax ma aha in
H***ye la siiyo tiro Xildhibaanno ah oo le’eg kuwa qabaa’ilka kale. Halkaas
ayaa sixid u baahan, ayuu yiri Qanyare.
Wiil miiska
fadhiyay, oo aan u maleynayo kuwii qurbaha ka yimid in uu yahay xamaasadna ay u
wehliso ayaa markiiba u riyaaqay. Wuxuu yiri, waa sax hadalkaagu. Bal sidee loo
simi karaa oo beel hebel oo kale uu h***ye ula kuraas ekaadaa?
Qanyare wuu is
fasiray oo wuxuu yiri, H***ye ma ahan in la siiyo tiro la eg qabaa’ilka kale,
sababta oo ah ma astaahilo.
Wiilka hadalka
ayaa ku dhegay. Waa wiil qurbaha ka yimid, oo wax uu waddanka ku darsaday aan
la arag, rabana in uu ka taliyo ama talo ka dhiibto jagada dalka ugu sarreysa
iyo sida loo qeybsanayo kuraasta Baarlamaanka, ka hor inta aanuu ku laaban
meeshii uu ka yimid.
Iyo nin wax
kasta oo uu awoodo geliyay siyaasadda iyo dagaalka, naftiisa halis u geliyey,
wiilal badan ay mowqif uu qaatay dartiis u dhinteen ka dib marka ay dileen qaar
kale oo uu adeegsanayo Hoggaamiye ay Qanyare is hayaaan.
Waxay ahayd
sheekada kala maan oo horteyda ay ku jilayaan laba nin oo midkood ay ka dhab
tahay midna uu isu muujinayo in ay ka dhab tahay, qofka aan u fiirsanna uu u
qaadanayo in ay ka dhab tahay.
Runti adbad ugu mahadsantahay Tarikhyada ad nala wadagayso.
ReplyDeleteYusuf Mahadsanid, wareysida youtube ku jira kuwo aan aheyn hadii aad heydo nala wadaag. Waa ku mahadsantahay sida aad taatiikhda noola wadaagtay
ReplyDeleteQurba joogta dhibaatada ay waddanka ku hayaan ayuu wiilka yari na tusinayaa.
ReplyDeleteWaxaan kaa Codsaneeynaa haddi aad heli karto. Codadkii ama wareeysiyadii aad la yeelatay Madaxdii Ku shiray #QAAHIRA .
ReplyDeleteSi aan si fcn kaaga faa'iidno kana barano Taariikh Mudan in la barto.
Wad mahadsan tahay Mudane Garaad Yusuf Garaad xogta aad nala wadaagtay
ReplyDeleteWax Badan Ayan Ka Fa’iday Waxanse Layabay U maqalmaan Lkn Shariifka Barigaas U shirka Qahira Research Miyuu Waday. Wali Ma dhamaan in Hotel lagu kala qaato Umad dhan Mustaqbalkeeda
ReplyDeleteMahadsanid Yuusuf Garaad Allah ha u naxariisto Halyeey Qaran Adeer Maxamed Qanyare Afrax wuxu aha Siyaasi rugcadaa ah Haldoor Geesi ah o runta sheega
ReplyDeleteMahadsanid Yuusuf waxaad tahay shaqsiga qoraaladiisa aan ugu akhrinta badanahay uguna jecelahay.
ReplyDeleteMarkaa fariin ayaan halkan kuugu dhaafayaa.
Dabxan waad iiga xog-ogaal santahay iigana aqoon iyo galaangal fiican tahay shaqsiyaadka si un raadka ugu lahaa taariikhda iyo dhacdooyinkii sanadihii madoobaa ilaa maanta kiwa masraxa saaran iyo kuwo ka nastayba,
Sidaa daraadeed shaqsiyaadka ay kamid yihiin Cali khaliif, Cali Mahadi, Buubaa iyo kuwa lamidka ah oo iyagu qeybta ka ahaa siyaasiyiinta xogogaalka u ahaa Tiirkii Colaada dalka in wixii ay xogogaal u ahaayeen ay buugaag ka qoraan ama laga qoro si tagtadii wax looga barto oo aanay unoqon sheeko meeldhexe ku lunta.
Isla markaana wax laga barto oo xog-ogaalnimo loogu noolaado si bari aanay unoqon in jiilka dambe ay cidkale oo aan Soomaali ahayn uqorto taariikh dooda sida maantaba aan taariikhdeenii shalay uga soo xigano umadaha wax ka qoray loogana nabad galo xigasho marin habawsan in aanay dugsan jiilka bari.
Sidookale barnaamijyo duuban waa laga sameyn karaa cod iyo muuqaalba. Ujeedkeygu waa in lamaro dariiq kasta oo suurta gal ah si xogaha ay hayaan dadka noocaas ah aanay lahoyan ileyn aduunkaa laiska wareystaaye.
Adiga oo mahadsan Yusufow wacnaanlahaydaa inaad qeyb ka noqoto howshaas hadiiba anad u hayn waqti aad hormuud ugu noqoto howlahaas.
Ujeedka fariinta aan Yusuf kuugu socodsiiyeyna waa in aan tuhmayo in miisaankaaga shaqsi ahaaneed, xiriirkaagii Wariye-nimo/shaqsi ahaaneed iyo kan diblomaasinimo ay sahlayaan in fariintaada,soo jeedintaada iyo taladaadu ay fure unoqon karaan in la reebo taariikh qoran oo dhaxal gal ah dhaliil iyo samaan labadaba leh.
FG. Intii aragta faaladeydan ee howshan ujeedkeeda san dahmay ee isu xilsaari kartana howlahaasna waa kuwo qeyb ka noqday in kutiri-kuteenadu aanay taariikhdeena qeyb ka noqon.
Mahadsanidin.
Waa ka dabaakhayay shirka kii Itoobiya. Sow tii naadi militeri lagu xareeyay wafuuddii siyaasado kala duwan kala matalayay sababtuna ugu wacnayd in Masar maslaxadeeda u aragtay inay ka ilaaliso shirka Soomalidaas faragelinta Itoobiya iyo safiirkii Taliyaabiga kaasoo ra'yulcaamka dadka waqtigaa aanu soo dhaweyn jirin.
ReplyDeleteDhanka kalo,waan kaaga aamminsanaan duwanahay gadoodkii Abdulahi Yusuf inuu kuwada salaysnaa warka aad BBC uga warantay shirkaas si kalana aad kala joodo culays kaga yimid mowqifka Abdullaahi ka dib marka dadku ogaaday, taa baddelkeeda waxaab aamminsanahay inuu habka wax loo qaybsanayo uu ka xanaaqay Abdullaahi.
Waxaan jeclaan lahaa haddii aad xusu lahayd doorkii xoghayihii Midowga Afrika ee Tanzaniya u dhashay uu kulahaa shirkaas iyo Shirkii Harare u dambeeyay iyo haddii Qanyare ka soo qaybgalay uu ka taagnaa waxaan ogaan lahaa arrin kuuro iga tahay. Waxaa xusid mudan shirka Harare lagu ansixiyay qodobo midnimada Soomaliyaa quseeyay.
Yusuf kursi beesha cayr ah ba ciidla yala ee orod qabsoo wa madaxweynaha galmudug
ReplyDelete