Total Pageviews

Tuesday, 16 July 2019

The War - Guulahayagii Cajiibka ahaa ee Afrikada Bari

Waa majalad soo baxday 28 March 1941. Waa bartamihii dagaalka labaad ee Adduunka. Oo socday 1939 ilaa iyo 1945. Majaladda oo qoreysay wararka jiidaha dafaalka oo qaarad kasta ka socday waxaa magaceeda la yiraa The WAR.
Dusha kore sida aad aragteen waxaa ku sawiran goob dagaal oo xeeb ah waxaana ku qoran erayada ah - Empire Troops Recapture Berbera.

Waxaa ku hoos qoran:
Saacadihii muggdiga ahaa ee arooryadii March 16, Maraakiibta Dagaalka ee Britain iyo kuwa ciidanka qaada ayaa sanqar la’aan ku sulaaxay xeebta Biritish Somaliland [dhulka Soomaaliyeed ee Britishka], oo toddoba bilood ay haysteen Talyaanigu.

Marka ay tahay Eber Saac [saacaddii ay ahayd in weerarla qaado] ayay maraakiibta dagaalku billaabeen duqeyn. Ka dibna labada ciidan oo mid yahay Hindi xul ah, midka kalena uu ka kooban yahay Soomaali iyo Carabta Cadan ayaa u daatay xeebta Galbeed iyo tan Bari ee magaalada.

Farshaxankayagu wuxuu sawirkan ku muujiyay mid ka mid ah u daadashadii xeebta oo dusha ay ka daafacayaan madaafiicda maraakiibta ciidanka badda iyo dayaaradaha Ciidanka Cirka ee Boqortooyadu.
Raacdareebkii Talyaaniga dhakhso ayaa loo dul maray.

Warbixinta Gudaha Majaladda oo cinwaakeedu waa:

Guulahayagii Cajiibka ahaa ee Afrikada Bari


Waa ay muuqatay toddobaadkii hore in Imbaraaddooriyadda Mussolini ee Afrikada Bari aanay sii jiri kari doonin.

Dib u qabsashada Britain ee Berbera, caasimadda Maxmiyadda Ingiriisku uu ku leeyahay dhulka Soomaalida, oo aan si ku meel gaar ah uga baxnay bishii August ee kal hore, jiiddii dagaal ee saddex iyo tobnaad ayaa ku furantay Talyaaniga Geeska Afrika.

Howlgalka Berbera waxaa gebigiis loo qorsheeya si ah sirta loogu qarin og yahay, waxaana loo fuliyay sidii loogu talo galay iyada oo aan waxba iska beddelin.

Qorshaha difaac ee Talyaaniga waa la ogaa maaddaama ay dayaaradahayagu ay soo sawireen fadhiisimmadooda oo dhan.

Laba bar ayaa badda laga soo daatay oo xeebta loo dhaadhacay. Dhinaca bari waxaa ka soo daatay Soomaali iyo Yemen si gaar ah Cadan loogu diyaariyey.

Dhinaca Galbeedna waxaa kaga yimid Hindi xul ah oo ay kaalinayaan Injineerro iyo madaafiicda goobtu.

Si ay ugu gogol xaaraan in ciidanka Soomaalidu uu ka soo dego meel laba mayl bari ka xigta dekedda ayay Maraakiibtu duqeyn ku hareeyeen Talyaaniga. 

Ciidanku markii ay yimaadeen waxay arkeen in Talyaaniga badankiis oo magaalada ka baxay. Laakiin uu ka tegey qaar badan oo ay khasab noqotay in aan xoog cagta ku marinno.

Boobayaal culus iyo madaafiicda goobta ayaa lagu tilmaansaday ciidanka Soomaalida iyo Carabta ah ee magaalada qabanaya. 

Laakiin Talyaanigu markiiba waa ay faaruqiyeen barahooda iyo qoryahooda maaddama maraakiibtu ay duqyeen oo ay yool ka dhigteen.

Dhinaca kale, Dagaalka Galbeed ee Hindidu isaguna horumar ayuu sameeyay. Dhimashadoodu waa ay yarayd. In ka badan 100 askari ayaa la qabtay.

Dadkii Berbera degganaa waxay la soo baxeen oo ay la soo rooreen calammada Britain ee Union Jacks iyo Somaliland, kuwaas oo ay ka qariyeen Talyaaniga iyaga oo kalsooni ku filnayay in Ingiriisku uu soo laaban doono.

Bishii August ee kal hore, Radio Roma wuxuu ku dhawaaqay: Talyaaniga inuu Britain ka qaaday Jowharad ka mid ah Taajka Boqortooyada.

Toddobaadkii hore, isla idaacaddii ayaa qirtay hadal u dhigma in Jawharaddii la soo celiyay.

Abyssinia

Gudaha Abyssinia (Ethiopia), ciidanka Boqortooyada Britishka, waddaniyiinta Ethiopia iyo ciidanka Congo ee Biljamku horkacayo ayaa dhinac walba ku soo siqiyay.

Ciidanka Koofur Afrika marka ay qabsadeen Jigjiga, waxay Talyaaniga joogay dhulka Soomaaliyeed ee Britain ka hor istaageen in uu dib ugu gurto Ethiopia.

Ciidammada Talyaaniga, Talyaaniga degey Ethiopia iyo saraakiishoodaba arga-gax baahsan ayaa la soo dersay.

Ayaga oo hirar ah oo haweenkoodii iyo carruurtoodii wata ayay ku qulqulayeen Addis Ababa, waxaana ku raad joogay ciidammada qabaa’ilka ah ee Haile Selassie.

Dhinaca woqooyiga, waa Eritrea, horumarkeennu gaabis ayuu ahaa.

Lix uxbuuc oo qorsheyn ah ka dib ayaan subaxnimadii 16 March weerar ku qaadnay baraha difaaca ee aadka loo adkeeyay ee magaalada Karen.

Ciidankeenna oo xooggiisu ka imaanayay Galbeed iyo Koofur – Galbeed waxay qabsadeen laba barood oo joog sare leh oo ku soo gowriira magaalada.

Ciidammada Hindiga ayaa qabsaday fiiq difaac adkaa oo afar iyo bar mayl Koofur Galbeed ka xiga magaalada. Waxay bartaa ku qabteen 400 askari.

Buur dusha sallax ku leh oo afar mayl u jirta magaalada ayaa iyadana 200 oo askari lagu qabtay.

Dhanka woqooyi ciidammada Britishka iyo kuwa Faransiiska ayaa ku sii fidayay silsiladda dusha fiiqan ee ku beegan waddada Karen.

Gudaha magaalada iyo baraha hareeraheeda laga diyaariyay waxaa ku sugnaa qiyaastii 30,000 oo ciidammada Talyaaniga ah, kuwaas oo aad nooga badnaa.

F. G.
Majaladda The WAR waxaa muddo hadda laga joogo dhowr iyo toban sano ii hibeeyay saaxiib-shaqo oo aan berigaas wada shaqeyneynay.

Qormada waxaan uga dan leeyahay in dhallinyarada aan taariikhdaas la socon ay madaxooda su'aalo ku dhaliso, una noqoto tilmaan si ay u goobaan taariikhda ka maqan ayna u buuxiyaan meelaha bannaan. 

23 comments:

  1. Mudane Garaad, aad ayaan kaaga faa'iiday waadna ku mahadsan tahay juhdiga iyo waqtiga aad gelisay soo bandhigidda warbixintan mugga-weyn

    ReplyDelete
  2. Runtii waa Taariikh muhiim ah, waxaa kale oo laga baran karaa in Gumaystuhu awoodda uu isticmaalayey ay ka imaanaysay isla kuwii uu gumaysaneyey marka laga yimaado farsamada hubeed ee uu goonida la ahaa. Mahadsanid Md Wasiir.

    ReplyDelete
  3. Mahadsanid mudane aad aayaan kaaga faa,idnaa aniga iyo in ila mida
    Mar labaad mahadsanid #YusufGarad

    ReplyDelete
  4. Masha allah wxbdan ayaan ka fiiday mudane

    ReplyDelete
  5. lkn xiligan maxaa kusoo beegay ayay kula tahay.

    ReplyDelete
  6. m.a shaqa fcna qabty mudane
    hory usoco

    ReplyDelete
  7. Mudane waxaa iga muqday inaan dal lagumaysan Karin Illa dadkooda aad qaar kahesho

    ReplyDelete
  8. Qormo aad nuxur wanagsan uleh waye, muhimne ay thy in ka dhalinyaro ahan aan la socono waxi dalkena ka dhacy iyo sida quwuwadaha caalamka ay noogu kor dagalamen

    ReplyDelete
  9. Runtii waa taarikh dhaxal gal ah taasi waxa ay daliil u tahay in aad waxbadan aqrisay mahadsanid mudane.

    ReplyDelete
  10. Qoraa Yuusuf Garaad Alle abaal ha kaa siiyo sooyaalkaa aad dib boodhka uga tuntay ; wax se iga su'aal amma iftiimin dheeri ah:

    Waxa aad paragraph-ka 12aad ee Cinwaanka 'Guulahaygi Cajiibka ahaa ee Afrikada bari ' aad ku xustay intan oo odhanaysa:

    ---"..Dadkii Berbera degganaa waxay la soo baxeen oo ay la soo rooreen calammada Britain ee Union Jacks iyo Somaliland, kuwaas oo ay ka qariyeen Talyaaniga iyaga oo kalsooni ku filnayay in Ingiriisku uu soo laaban doono.."---

    Haddaba waydiintu waxa ay u dhacaysaa :
    "Haddii Majaladda lagu xusay in ay dadkaasi la soo baxeen Calamadda Britain ee Union Jacks iyo Somaliland''.

    Muxuu ahaa Calanka Somaliland ee ay barigaa la soo baxeen , mid sidee u eeg ayuu ahaa?.

    Ma kan hadda Blue-ga ah ee Somalia mise mid kale.

    Garannay ka Britain ee Union Jack s ka , se kan Somaliland muxuu ahaa?.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. Wuxu ahaa calanki maxmiyadu lahyd hadad rabtid inaad ogatid sidu uu eeka googleka ka baadh haku qaldin calanka buluuga waayo xiliga muu jirin

      Delete
  11. masha allah waa taariikh waxbadan laga baran karo thnks

    ReplyDelete
  12. Mahadsnid Mundane, aad baan ula dhacay sida wacan ee aad qormada usoo diyaarisay, waxaana iiga kordhay cilmi dheeraad ah oo xaga taariikhda bariga Afrika ku saabsan.

    ReplyDelete
  13. Mudane mahadsanid, waan ka faaiiday wax badan oo aanan ogayn

    ReplyDelete
  14. Ku sulaaxay xeebta."
    Waxaad haleeshay erayo la miisaan ah erayada mujaladdka. Mahadsanid mudane waxaad sabab u noqon kartaa in aad dib noogu celisid afkeenii xigmad iyo xaraabo qaniga ku ahaa ee aynu duhurnimo cad ka hayaanay.
    Hor usoco guuleysana.

    ReplyDelete
  15. Asc, waqtigaa ingiriisku somalia oo dhan ayuu u yaqaanay "Somaliland", waxaynu kale oo maqalnay in calanka somalida/somalia waqti dheer ka hor xornimada la sameeyey oo dadku sii yaqaaneen oo haysteen.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Uu malayn maayo inaad sida jahil uu tahay lkn waxan filaya inaad hadalkan uu tidhi inaad kaso horjeedid gooni isu taga Somaliland waxan kaliya uun kusheegaya in magaca aad tarikhdisa diidan taahy Somaliland gaar uu ahyd oo xita 1960 26 june marki ingirs tagay uu xoriyada kusiiyey the state of Somaliland taa calanka Somaliland wad qalad fahamtaye kan buluuga maa ahyn ee wuxu ahaa kii maxmiyadu lahyd hadad rabtid inaad ogatid sidu uu eeka fadlan google garee uun

      Delete
  16. Walal rabbi ha kaa ajarsiiyo qormooyinka wanaagsan eed nala wadaagtid. Walal Buugan oo turjuman ma heli karaa

    ReplyDelete
  17. Jawharadii boqortooyada ingiriiska somaliland ayaa loo yaqaanay waxa kale oo loogu yeedhi jirey the cinderrala of the Empire waxay ina tusinaysaa in meel muhima ay boqortooyada ingiriiska ay kaga taalay,

    Ingirisku aadbu u jeclaa dadka reer somaliland i dont know why! Waayo intasoo sarkaal ayaa kaga dhintay difaacoodii

    ReplyDelete
  18. Walaal taxanayaal ma heli kartaa sidan oo kale ah. Tusaale

    Wargaysyada soo bixi jiray

    Qaybsigii Afrika 1884
    WW1 iyo WW2
    Dagaalkii 1977
    Burburkii 1991

    ReplyDelete
  19. mahadsanid ambassador waad najahaysay hadaa dad soconaya nahay

    ReplyDelete