Total Pageviews

Tuesday, 2 July 2019

Qanyare - Qaybta Koowaad




Maxamed Qanyare oo toddobaadkan ku geeriyooday Muqdisho, waxaa taariikhdiisa soddomeeyadii sano ee u dambeeyay laga dhex akhrisan karaa in badan taariikhda Soomaaliya. 

Waayo dhacdooyin aad u badan oo xag amni iyo xag siyaasadeed u badan oo dalka ka dhacay ayuu qeyb muuqata ka ahaa.

Allah ha u naxariisto, Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa hoggaamiye kaalin muuqata ku leh halgan isugu jira siyaasad iyo dagaal oo marba waji lahaa.

Halganka dadka qaar waxay u arkayeen in ujeeddadiisu ay tahay dhac hanti guud iyo mid gaar ahba iyo sadbursi-doon xagga siyaasadda ah. Qaar kale iyagu waxay u arkayeen xaq u dirir iyo iska caabbin qabaa’il, wadaaddo, Dowladda iyo xataa quwado shisheeye.

Waa arrimaha aad mooddo Soomaalidu in ay u bislaatay in iyada oo aan laga wadahadal wixii dhacay oo dhan oo aan si dhab ah looga heshiin in haddana la wada noolaado, lana wada lahaado hal Dowlad.

Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ahaa nin karmeed inta badan cadkiisa goosta af iyo addin mid ay noqotaba, mararka qaarna yaqaan tanaasul iyo in uu ka leexdo waddada aan libinteedu u muuqan.

Sidoo kale wuxuu ahaa codkar, hadal yaqaan ah, marka uu doonana maad badan.

Wuxuu ahaa Hoggaamiye isabahaysiga uu ka mid yahay iyo midka uu lidka ku yahay labaduba ay fiiro gaar ah siiyaan hadalladiisa iyo tallaabooyinka uu qaadayo.

Qormo dheer ayaan Qanyare ka diyaariyay noloshiisa inta aan ka aqaan.

Waxaan is iri dhallinyaro iyo dad waaweyn oo hadda siyaasadda ku jira iyo qaar daneynaya ayaa laga yaabaa in ay tilmaan u noqoto oo dhacdooyinka badan oo halkan aan si kooban ugu xusayo ay kuwa ay daneynayaan ku sameeyaan baaritaan cilmi ah ama ay dadka goob joogga ahaa ay ka wareystaan.

Markaa Qormadani waxay u horreysaa dhowr aan maalmaha soo socda u soo daabici doono isdaba joog, haddii Rabbi idmo.

Maxamed Qanyare Afrax wuxuu ku dhashay baadiyaha Ceel Buur. Isaga oo kuray ah ayuu magaalo tegey. Booliiska ayuu ka mid noqday. Hantiile ayuu ku noqday Kenya iyo Gobolka Afrikada Bari. Ka dibna wuxuu u dallacay Hoggaamiye Siyaasadeed oo xukuma koox hubeysan.

Wuxuu noqday Wasiir, Xildhibaan iyo Hoggaamiyaha USC. Wuxuuna qeyb ka ahaa waliba hormuud ah dagaallo badan oo dalka ka dhacay iyo sidoo kale heshiisyo lagu demiyay dagaallo.

Waxaa magaciisa iigu horreysay 1989, markaas oo Soomaali badan la qabqabtay oo laga tarxiilay dalka Kenya.

Inta uu howlgalkaasi socday ayaa aniga oo gashiin ah laba jeer markiiba dhowr maalmood aan joogay Nairobi.

Waxay ahayd arrin aad u taabatay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isla markaasna aad looga dareensanaa Kenya.

Waxaan ku maqlay Qanyare oo ahaa Ganacsade weyn oo hanti ku leh Kenya iyo dalal kale oo Gobolka ah in uu ka mid ahaa dadka laga soo saaray Kenya.



Intii ka dambeysay, Maxamed Qanyare isaga oo ka mid ah hoggaamiyayaasha ka qeyb galaya shir ama dano kale u socda ayaan in badan marba caasimad isku aragnay, aan telefoonka ku wareystay ama aan ku sheekeysannay, in bandanna fool-ka-fool ayaan u wada shaahnay.


New York 1992
Mar kale, wuxuu Qanyare magaciisu soo galay raadaarkeyga, markii ay dagaalladu ka billowdeen Muqdisho 1990. Wuxuu ahaa Hoggaamiyihii ay Jabhadda USC markii ay laba u kala jabtay Madax ka noqday dhinaca ay is diiddanaayeen General Caydiid.

Qanyare iyo Cusmaan-Caato waxay ahaayeen labada mas’uul ee iyaga oo wakiillo ka ah Mudane Cali Mahdi iyo General Caydiid heshiiska xabbad joojinta dagaalkii afar biloodlaha ee Muqdisho kala qeybiyay ku soo saxiixay Xarunta Qarammada Midoobay ee New York.

Wuxuu ahaa dagaalka ay ku burbureen dhismayaashii waaweynaa ee Farasmagaaluhu. Dad badan ayaa ku geeriyooday, qaar kale wuu ku naafoobay, in badanina waa ay ku barakacday.


Addis Ababa
Horraantii sagaashanaadkii, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, inta aan loo dooran Madaxweynaha Somaliland ayuu Addis Ababa kaga qeyb galay shir weyn oo loo qabtay Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaalida ee berigaas jiray oo dhan.

Cigaal wuxuu hoggaaminayey ergo la yiri waa korjoogto oo ka socotay Somaliland.

Magacyadii ugu waaweynaa siyaasaddii berigaa jirtay ayaa dhammaantood fadhiyay.

Maxamed Qanyare Afrax markuu halka qaatay wuxuu la hadlay ka hadlay lana hadlay Cigaal.

Oktoobar1969 markii la dilay Madaxweynihii Soomaaliya, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dibna uu militerigu xukunka xoog kula wareegay, ayuu xusay in Cigaal uu ahaa Ra’iisal Wasaare Baarlamaanka ka haysta kalsooni.

Hadda oo militerigii awoodda dalka hayay iyagana xoog looga qaaday Xukunka, wuxuu Qanyare ku tilmaamay in ninka keliya ee ugu dhow ee sheegan kara sharciyad awoodeed uu yahay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Sidaa darteed wuxuu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal u soo jeediyay in uu isagu dalka Madax ka noqdo.

Hoggaamiye kooxeedyada, Qanyare wuxuu ka mid ahaa kuwooda aad u tirada yar ee aan Ethiopia ka shidaal iyo hub qaadan ama marka ay xaaladdu calowdo aan iyada isku halleyn.

Qanyare wuxuu ahaa nin baaddiya ku dhashay laakiin reer magaal ah, leh caqli sare oo la isku dabbaro, siyaasad lagu furfuro, marka loo baahdana lagu qabbiro. Wuxuu ahaa nin dhiirran Soomaalida dhexdeeda iyo marka ajnebi lala macaammilayo labadaba. Wuxuu ahaa nin hadalkiisu cad yahay, cod karna ah.

Sidaa darteed wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ay weriyayaasha siyaasaddu ugu jecel yihiin in ay wareystaan ama uu ka aqbalo in uu dood kala qeyb galo.

Qaybta Labaad waxaan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah wareysiyadii uu siiyay BBC iyo doodihii uu ka qeyb galay Allah ha u naxariistee Mudane Maxamed Qanyare Afrax.

27 comments:

  1. Mahadsanid Mudane Yuusuf Garaad waa Qormo muhiim ah , qaybaha kale ban ka sugna insha Allah. Maxamed Qanyare Afrax Halyeey Qaran bu aha Alle ha u naxariisto

    ReplyDelete
  2. Allaha u naxariisto Maxamed Qanyare, aqoon umalihi laakiin codkiisa iyo muuqaalkiisa iguma yara, waxaan joogay xamar oonan geesna uga bixin wixii xabad leysku ridaayey, alxamdulilaah Alle waa iga badbaadshay jir ahaan iyo muuqaal ahaanba.
    Laakiin waxaan ku xasuustaa in uu hoggaamiye kooxeedyadii muqdisho ka tirsanaa moray iyo ciidanka qalabka sida ka tirsanaajiray qeybta saadkana uu heysan jiray.
    Waxaan ka loo ku maqlay in magaciisa saxda ah uusan aheyn Maxamed laakiin layiraado Daahir, dhibaato soo martay awgeedna uu iskaga bedelay magaca anigoon sii fahfaahin.
    Waa inta aan ka maqlay.
    Allaha nacafiyo.

    ReplyDelete
  3. Mudane Yuusuf Garaad Adigo mahadsan hadee Macquul tahay Wareesida aad Soo Gudbee ayago Maqal ah Soo gali Mahadsanid Mudane

    ReplyDelete
  4. Waa qormo wanaagsan oo ay ka muuqato xil kasnimo iyo aqoon

    ReplyDelete
  5. Waa taariikh muhiim ah oo mudane in laxusso

    ReplyDelete
  6. Qofka hadi uu dhinto inta wanaaga ah uu lahaa kaligeeda hala sheego miyaa

    ReplyDelete
  7. Waxa uu ahaa halyeey soobaxay ee Allaha uraxmado.

    ReplyDelete
  8. alle haunaxariisto cusmaan caato isagana nala wadaag xogtiisa

    ReplyDelete
  9. Mudane
    Yusuf aad ayaa ugu mahadsantahay taariikhaha aad nalawadaagto ee waxtarka leh.

    ReplyDelete
  10. Mahadsanid yussuf-garaad fadlan aqoontiisa iyo jaamacadii uu kabaxay noosoo raaci waayoo mohamed qanyare waxuu ahaa siyaasi aragti fog go'aan adag shisheeyaha neceb gaarahaan Ethiopia...

    ReplyDelete
  11. Fadlan hadii ay suurtagal tahay nala wadaag aqoontiisa inta ay gaarsanayd iyo jaamacadii uu kabaxay AUN mohamed qanyare afrah halyaygii soomaaliyeed

    ReplyDelete
  12. waxaan ka maqli jiray xitaa wareysiyo uu siinjiray Focus on Africa iyo Network Africa. Aad baa ugu mahadsantahay sida aad marwaliba noola wadaageysid taariikhda Madaxda ama dadka bulshada door kulahaa. Cimriga Allah kuu barakeeyo waxaad tahay keyd Soomaalida ku faanto.

    ReplyDelete
  13. Wad ku mahadsantahy taarikhda marxumkq aad nala wadaagtay inta harsan waxan ka codsaneena inaad kuso darto maqal iyo muuqaal waxa aad ka hayso si aynu keedka xasuusta Halyeeyada somaliyeed ugashano .

    ReplyDelete
  14. Allah u naxaristo hogaamiye sare ayuu aha xaqiiqdi

    ReplyDelete
  15. Yuusif mahadsanid waxaanse la yaabanahay hebaladii caanka ahaa ee koonfurta ilaa jubooyinka Ku dul dagaalami jiray shacabka korkiisa ee malayinta somaliyed soo cunay soo barakiciyay ragii aynu 20kii ee aad. BBC da madaxda Ka aheed Malin la arko dhibkooda maqli jirnay hadaynu kuligood maamuus iyo aas qaran loo sameeyo waa su'aale wixi nagu dhacay iyo dhibka maanta na hysta ragii lahaa saw maha kuwaan u ducaynayno ilowsho dhawina shalay bay ahayd markaan lahayn ilaahow kuwaan Naga qabo soomaali waata In aynu Dal iyo dawlad cadaalad ah helnana waa sugaynaa bakhtigana aynu qalano mindiyahana qarsano saasna aynu umad Ku ahaano.

    ReplyDelete
  16. keliya waxaynu ognahay in ninkaasi dhib badan geystay wanaag badana uu sameeyay lkn camalkiisa ilaahay ayaa ka abaalinaya

    ReplyDelete
  17. Ilaa hadda khibrad uu leeyahay nomad shegin oo aaanan ahayn inuu aha horjooge jabhad lehne hanti uu kudaadiyo dhiiga ummada.

    ReplyDelete
  18. Yusuf waad mahadsantahy waa qormo kooban.

    ReplyDelete
  19. Allah unaxariisto maxamed qanyare afrax waxa uu ahaa halyaay soonaaliyeef

    ReplyDelete
  20. waxaa uu ka mid aha Dagaal oo gayaashii Somaliya waxan ku arkey Baidoa markii Maxaakiimtii Ka so ceyrisay Xamar ilaa Jowhay Oday Qanyare isagoo Wata labo gaari ayuu anaga soo galay Dhanka tiyeglow waxa Baidoa loga diray Ciidan ka so badbaadiya Midowgii Maxaakiimti sidaa ayaa lagu keeney Baidoa

    waxa door fcn ka qaatey in la Martigeliyo Dr Abdalla Derow Odayga Qanyare

    ReplyDelete
  21. Maxamed Qanyare nin karmeed af-tahan ah, siyaasi siyaasadu dhanka ay xigto yaqaana in uu ahaa muran kama taagnayn Allaha u naxariisto.

    ReplyDelete
  22. Allah unaxariisto halyeey qaran bu ahaa intaan ne kama aqoonin thanks yusuf G

    ReplyDelete
  23. Runtii waa ogaa weligeyba inuu nin culus ahaa. Asxaabta markaan sheekeysaneyno inaan Qanyare amaano waa iska ilaali jiray si qabiil ayaad ku taageeree la ii dhihin. Laakiin sida saxda ah waxey eheed in xaqiisa la siiyo iyaduu qabiil loo fiirineyn. Waxaan ku faraxsanahay inaan Yusuf Garaad ka maqlo waxaan dhihi lahaa.

    ReplyDelete
  24. "Anniga oo gashii ah.." Erayga "Gashiin" macnihiisa waa maxay Yuusuf Garaadow?

    ReplyDelete