Total Pageviews

Sunday 16 June 2019

Diinta, Dalka iyo Damiirkaaga

Diinta Islaamka iyo damiir la’aantu ma wada noolaan karaan oo waliba hal qof qalbigiisa ma isla degi karaan?

Adiga oo jilbaha iyo foolku ay salaad kugu murxeen, ma ahaan kartaa laaluush qaate?

Adiga oo soonka Ramadaan la dhuubtay, ma kartaa in aad eex, duudsi iyo dulmi aadan keliya ka raalli noqon ee aad u dhafarto in aad adigu wax ka abaabusho?

Adiga oo masjid dhisaya ama lacag ku darsanaya dhismihiisa, ma degganaan kartaa dhul Dadweynaha ka dhexeeya oo mas’uul kugu heyb ah ama dan uu kaa leeyahay aawgeed uu magacaaga kuugu qoray warqadda lahaashaha?

Adiga oo cumreysanaya ama soo xajin raba, ribix ma ka raadin kartaa daawo iyo raashin dhacay in aad dalka keento?

Adiga oo muslim ah, Magaalo dhan oo xaafad kasta ay masaajiddu isu wada muuqdaan, ma banneysan kartaa dhiigga muslimiinta deggan marka aad doonto?

Adiga oo madax ah, ma la noolaan kartaa caddaalad darro maamulkaagu geysanayo?

Adiga oo waacid ah, ma kaa suurta geli lahayd in ….

Aan halkaa ku joojiyo.

Ka fikir.

Fadlan qaddar yar haki akhriska oo bal si qoto dheer uga feker arrinkaan.

Isku day in aad soo xusuusato tusaaleyaal kuwan oo kale ah.

Fadlan su’aalaha qaar si deggan uga bixi faallo aad ka fiirsatay. 

85 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Sidoo kale waan kaaga mahadcelinayaa haddii aad halkaan iigu reebto jawaab aad sababeysay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Runtii waa fariin taabanaysa qof kasta oo damiir wax dareema leh, oo ay qalbigiisa ku jirto Alle ka cabsi. Dhaman qodobada ku qoran lifaaqa jawaabtoodu waa Maya ma samyn karo waa haddii uu yahay qof caqli u saaxiib ah kana fakaraya waxa uu samynayo waayo haddii (100 × 0) = 0 taas oo la micna ah waxba kama jiraan boqolkaadii waa waa la birbursady waxan tusaalahaan uga danleeyahay qofka shanta salaad ku tukanaya masaajidka haddana qalbigiisa ay ka buuxdo Xiqdi, khiyaano, wax wax is daba Marin ama kan soo doonaya inuu ku soo xajiyo xoolo uu ka abuuray daawo ama raashin dhacay ee beerka ku gooyey shacabkiisa waxay la macna yihiin 100 × 0 waa waxba kama jiraan (sida aan aaminsanhay).

      Masuul Yuusuf Garaad waad ku mahdsnthy soo bandhigida kalmadaha muhiimka ah we taabanaya ama daqninaya boogaha na daashay ee daawadooda la hareermaray.

      Delete
    2. Dhamaan jawaabaha Su'alahaas waxay Noqonayaan "maya"

      Suasha koobaad ee ah adigoo jilbaha iyo Foolku salaad kugu murrxeen Ma ahaan kartaa laluush qaate? Sida aan wada ognahay ilahayna noo sheegay Salaadu waxay reebtaa Xunaanta oo Qofka salaada ilaaliya Ilahay baa Xunaanta ka Dhawra marka Sidaa Darteed madaxdeenu ma yihiin dad ehlu salaad ah Garaadow?

      Delete
    3. Waaan aqriyay waan qormo aan aad ula dhacay mahdsanid waziir hore iyo suxufi sare oo qiima badan rug cadaa ah. Sharaf ayaad leedahay masuul

      Delete
    4. Intaasba somalia ayee ka socdaan. Allaha soo hanuunsho, dadka ku howlan dhaca&boobka, xolaha islameed.

      Delete
    5. Haa waayo ?

      Salaaada yaan kolka horeba laga aqbalin , Dabeeto Camalada kalena salaadaa xukunta

      Delete
    6. السلام عليكم ورحمة الله
      Waxaas oo dham wey dhicikaran lkn labadaba mid kood ayaa maqan sababto ah suurta gal maahan inaad wax aad aaminsan tahay ķu xad gudubto hadana uu imaankaadi hire sii jiro wey dhici karta inaan islaamnimo sheegano lkn imaan ayaan jirin ilahey hanaga koriyee waa musiibo si joogto ah uga taagan muslimiinta dhan

      Delete
    7. Haa waa jiraan dad sidaas ah Inta Somali baa leh sababtana waa in ay yihiin dad ka yar 16 milyan hadana ismaqli waayey 30 sano hadaanay labadaba qalbiyadooda kuwada jirin madhacdeen

      Delete
  2. Mudane arrimahani waaad sidaaad usheeegtay qalbiga bini aaadamku arrimahani kuma wada kulmi karaaan inaaad tahay addoon cibadaysanaya raabina kacabsanaya haddana dulmi gardaro dil iyo macaasi dhex dabaalanaya waa arrin aaan dhicin inta badan

    Culumada islaamka waxey sheegaaan qofka in cibaadadii uusameeyay laga aqabalay waxaaa lagu gartaaa xumaantii iyo dunuubtii buuu kadheeraadaa oo isaga dhex baxaaa cibadadana wuu sii badiyaàa

    ReplyDelete
  3. Mudane Yusuf Garaad, Alle haku wangaajiyo waxaan ahay Dadka Sida tooska ah ugu xiran 'Bloggerga' 2012-19 waxaan ka dhaxalay wax badan oo Alle ka sakow aan aad kaga mahacelinaayo, Majiro qof masuul ah oo nala wadaago inta aad marwalbo naga caawiso oo ah Fan,Fikir & Fallo joogta ah.

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  4. Jawaabteydu waa maya
    su`aasha koowaad adigoo salaad foolka iyo jilbaha uga murxay ma ahaan kartaa laaluush qaate?
    anigoo diiniyan u sababeynaya jawaabteeda salaaddu waxey reebtaa xumaanta oo idil qofkana waxey ka dhigtaa mid ku toosan ficilladiisa aduunyada
    sidaa daraadeed laaluushku ma ahan xalaal iyo wax wanaagsan toona
    mana ahan wax meel isla gala

    dhamaantoodna sidaasi oo kale
    ficlul kheyr iyo ficlu shar meel islama galaan

    ReplyDelete
  5. Fikir dheer bay igu riday si sahlan ku odhan Kari maayo jawaabto cad Haa ama may suasha oo kolba dhinac iila durkaysa aad bad umahadsan tahay ex wasiir garaaad inaad fikir galisid.

    ReplyDelete
  6. Jawaabteydu waa maya
    su`aasha koowaad adigoo salaad foolka iyo jilbaha uga murxay ma ahaan kartaa laaluush qaate?
    anigoo diiniyan u sababeynaya jawaabteeda salaaddu waxey reebtaa xumaanta oo idil qofkana waxey ka dhigtaa mid ku toosan ficilladiisa aduunyada
    sidaa daraadeed laaluushku ma ahan xalaal iyo wax wanaagsan toona
    mana ahan wax meel isla gala

    dhamaantoodna sidaasi oo kale
    ficlul kheyr iyo ficlu shar meel islama galaan

    ReplyDelete
  7. Waa sax nolasheydana waxbey u tartey qormadan thank you

    ReplyDelete
  8. The logical answer for all the questions is NO. However, all are germane to the current predicament of our country today. Therefore, because of perplexity and complexity of the topic, the further research need to be done. I only say this for what seems to be ostensible because human behavior is an predictable. Thank you for raising such profound questions.

    ReplyDelete
  9. Jawaabtu waa maya wax suuragal ah mahan.
    Lkn dhamaantood wa dhacaan. Si gaara Somalia waa wax dadka qaar ushaqa tagaanba oo lagayaabo in xafiis loo furtay.
    Waxaase dhab ah hadii xumuhu bato wuxuu noqdaa caadi ama wax iska caadi ah oo loo shaqo tago.

    Waxaase ila haboon in laga fakro sidee looga hortagaa ?

    ReplyDelete
  10. يخادعون الله وهو خادعهم و إذا قاموا إلي الصلاة قاموا كسالا يراءون الناس ولا يذكرون الله إلا قليلا **
    مذبذبين بين ذلك لا الا هولاء ولا الا هو لاء .....
    Umad walbo waay ka buuxaan dadkan uu Alah S.W. inoo tilmaamay marka layaab makeeneyso in zaban walbo lahelo. Mahadsanid Yusuf ibnu garad

    ReplyDelete
  11. Diinta, diin kasta iyo damiir la'aantu way ku kulmi karaan hal ruux qalbigiisa. Dadka dunuda ju nool in ka badan 99% diin ayay haystaan. Dhacdooyinka damiir la'aanta ahina meel kasta ayay ka dhacaan.
    Waxa kaliya ee Aadamaha kala hagaa waa sharci iyo sharci fuliye.

    ReplyDelete
  12. Jawabtu waayo, balse taasi badalkeeda hadii aanu nahay bulshada iyo madaxda dalka soomaaliya waxaa wax inta badan maanta na heysto.

    ReplyDelete
  13. Samiirku diinmale,damiir la'aantuna diinmale.

    ReplyDelete
  14. Waa arin u baahan in laga fikiro oo si qota dheer loo ogaado loona weeleeyo.

    Waxaan kugu raacsanahay in labadaas aysan qalbi muslim ku kulmin. Waxaanse ku koobi karaa in waxa qofku aaminsan yahay (Iimanka) iyo camalkiisu aysan is waafaqsaneyn waxaana u sabab ah camal aan qalbiga u dhaadhicin. Waxaa la yaab ah in aan la qabsanahay in qofku markuu wax dhacayo, laaluushka qaadanayo iwm aan ku boorino in uu ka faa'idesto!.

    ReplyDelete
  15. Waa may si guud jawaabteydu waana su'aalo aan hubo haddii uu qof kasta si qota dheer u eego ay u soo baxayso labo shay aan is qaadan karin dabcanna sida ay diintu inoo sheegtay is burinayo sida inta aad sadaqo baxsato lacagta aad bixinaysana Umadda ilaahay ka dhaxayso camalkaas waxay culumida isku raaceen in uu jaban yahay.
    Waxay ila tahay in dib la isugu noqdo oo qof weliba naftiisa xisaabiyo inta aan la xisaabin حاسبوا أنفسكم قبل أن تحاسبوا

    ReplyDelete
  16. Adigoo sajiudsan oo illahay way Dii Sanaya raxmadiisa nacfi xalal ah diitiina islam kana kudhadhay waxiii Ilahay kufaray iyo waxuu kaareebayna og fakerkA saliim kaahi kuma siinaayo dhiigdaadin caadaalad daro laaluush isdabamarib

    ReplyDelete
  17. dhamaan wa maya mudane. sababto eh "qofku all wanag ladoono, diinta ayu fahansiya" ayu aha xadith. marka qofki fahma wanaga wa qof dinta fahmay.

    ReplyDelete
  18. Intaba adiga oo wada samaynayo way dhacdaa maxaa yeeay tanina waa dhaaco iyo fulin amar Ilaahay tankalena waa danbi Alle iyo addoomihiisa laga galo, miisaanka aad maqashay labo kafad ayuu leeyahay midna xasanaadkiisa lagu cabiraa midna danbigiisa, laakiin dunuubta aad sheegayso aad ayay halis uyihii oo waagii hore hak qof ah kama.wada dhici jirin ee labo qof oo aad ukala duwan ayay
    dhici jireen balse 30-kii sano ee u danbeeyey labadii ficil ee caabidka iyo danbiilaha waa la isku daray oo hakqofbaa laga wada helaa
    Aad ayaad u mahadsantahay Yuusuf runtii waa wacyigalin waxtarleh

    ReplyDelete
  19. intaaaas oo dhan way dhacaan waxaana u sababayn karaaa in Dugsiyada waxbarshada laga soo wacyi galin ardaydana aaan la siin tusaaalooyinka aad bixisay .
    tusaale yaal qiima badan ayaad bixisay

    ReplyDelete
  20. Dadka somaliyed waa ineey ka fakaraan sidii somalia midnimo u heli laheed
    waa ineey is waydiiyaan somalida faraha badan ee masaajida ku tukato maxaa loo sheegaa
    waa in dawladnimada somalia laga ilaaliyo wax kasto oo dadkaasi ay nacayaan
    sababtoo waa dad aad u badan la aantoodna somalia ma midoobi karto
    dadka masaajida ku tukado waxaa loo sheegaa xadiiths rasuulka scw lagasoo wariyay ee rasuulku yiri qofkii munkar arko gacantiisa ha ku joojiyo haduusan karina carabkiisa ha ku joojiyo haduusan awoodina qalbiga ha ka naco

    munkarku waa wax kastoo khilaafsan amarada allaah yacni khilaafsan shareecada islaamka

    Xadiiskaas masaajida bas ah lagama sheego ee xataa maalin dhaweed gabar xildhibaanad ah ayaa ka sheegtay shirka golaha shacabka
    Waa xadiith aad ugu faafay somalida dhexdeeda in badanoo kamid ahna ay ku dhaqmaan
    munkarkii rasuulku scw dadka amray ineey ugu yaraan uurka ka nacaan hadii aysan af iyo adin ku joojinkarin ayeey madaxda dawladu samaynayaan oo walibo televisionka kasoo tebinayaan markaas beey ku leeyihiin shacabku hanala shaqeeyo

    Hadii dawladu dhaqangaliso shareecada islaamka waxaa dhacayso in dad badan oo daacad ah oo aqoon leh oo ilaah ka baqayo ineey madax iyo shaqaalo ka noqdaan dawlada

    Marka si taasi u suurto gasho waa in la helo koox aqoon leh oo isu xilqaamo sidii ay madaxda ooga dhaadhicin lahaayeen dhaqangalinta shareecada
    Oo walibo ku dabo istaago sababtoo ah horay ayaa loola hadlay waayahay unbeey dhaheen lakin meey suurta galin
    marka waxaa la rabaa urur u istaago arintaas oon ka harin ilaa ay ka dhaqangasho

    ReplyDelete
  21. Su'aalahan jawaaboohada dad badan ayey dhibi laheyd hadii la weydiin lahaa
    Mr garaad su'aalo wanaagsan jawaabohooduna cadyihiin baad ina weydiisay nuxurka ka danbeeyo ayaa ah in su'aal walibaa eey ku qotonto cibaada alle qofkii jees jees ama ku dayasho ka dhigtaa inuusan miro wanaagsan dhaxli doonin
    Si walbeey ahaato arimahada aad ka hadashay ilama aha qof eey dar alle ka tahay ineysan u cuntami doonin.

    Allaha xaqa ina tuso kuwa ku fakarayo iyagoo islaanimo sheegane hadana dhiiga muslim baneysanayana allaha soo hadeeyo

    ReplyDelete
  22. Mudane waa orahsaxan isku melna ma gali Karan, waana dhibka haysta umada Somaliyeed iyo madaxdooda melkasta oo joogaan.
    Sababtuna waxay illa muqata dadka oo aan cibadadu ayaan dhab ka ahayn AMA aysan dhaafsanayn dhuunta.
    Waxbatshadii ay sooqateen oo ay San ka dhabaynin sidda cadaladu tahayna aysan oga qarami.

    Alle halaga cabsadu oo si daacad ah dadka wax haloogu qaybsho oo haloo cadaalad sameeyo oo yaan loo kala eexan.

    ReplyDelete
  23. Yusuf garaad alle haka abal mariyo
    Waa qoral ad gub balaadhan.
    Lagana aliifi Karo. Ila 10 bug iyo ka badan .
    Wana dhaqanka somalida ee maanta ka jira dhulkeena .
    Shaqsi kasta qowlkisa iyo ficilkisu ay iska Soo horjeedaan
    In Yar oo wali damirkodu jogo moye

    ReplyDelete
  24. Inta aad shegtay oo dhan waa dhaqanka somalida, qofka asaga oo masjidka aan ka baxeynin ayaa hdana u sameyaa wax walbo oo lid ku ah diinta.

    ReplyDelete
  25. Muslimiinta maanta gaaladii ayaa ka roon maxaa yeelay wax kasta oo qofka muslimka ah laga rabay waxaa sameynaya gaadii; waxaad moodaa in dunida oo dhami ay gadaal gadaal u socoto, waa cajiib adiga oo muslimnimo sheeganayo in ay hadana kuu cunmaan wax walba oo xoolo dadweyna ah xaaraantuna agtaada xalaal ka tahay; waa nidaam walba oo ka jira Somaaliya

    ReplyDelete
  26. Jawabtu wa maya dhammaan su'aalaha.
    Balse kasakoow meesha dheer e ad usha ku dhufatay waxan soo sawirta shaqo hada socota oo Bar bilow geedu muuqdo.

    Hadalkan nina si uyiri nina si uqaaday sey ila tahay koley Tilmaan badan ayaan ka aqoonsada..mhad sanid

    ReplyDelete
  27. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  28. Jawaabta su'aalahaan dhammaantood waa maya maya maya.
    Nabi Maxamed SCW ayaa la yiri rasuulkii Ilaaheyow hebil habeenkii waa istaagaa (salaatul leyl ayuu tugtaa) maalintiina gacantiisa ayaa wax taataabata ( wax qaad qaad ayuu yaqaanaa,"tug macal" ).
    Rasuulku SCW wuxuu ku jawaabay hadii sida aad u sheegeysiin uu yahay iska dhaafa Salaadiisa ayaa ka reebi doonta.
    Qofka hadduu ka run sheego islaamnimadiisa salaaddana si sax ah u dugto uusan iska foofoorarsan waxyaabahaas oo dhan qalbigiisa sooma gelikaraan.
    Nabi Maxamed SCW wuxuu yiri: jirkiina waxaa ahaaday cad yar cadkaas yarna haduu wanaagsanaado adiga dhan waad wanagsanaatay, hadiise uu halaabo adiga dhan waad halowday, cadkaasna nabigu scw wuxuu ku sheegay in ay qalbiga amba wadnaha in ay tahay.
    Allaha na wanaajiyo dhammaanteen.
    Allaha nagaradsiiyo wanaagga diinta.
    Mahadsanid mr. Yusuf Garad.

    ReplyDelete
  29. Waxba laguma biirin karo
    Bulsho kulun satay sadex

    Cabsi la,aan
    Xishood la,aan iyo
    Garasho la,aan

    ReplyDelete
  30. Aniga aragtidayda damiir waxaan ku fasiri lahaa FITRADA SALIIMKA ee ALLE ku beeray lana abuuray aadanaha oo dhan ( diin kastaa ha haystee). Fitraduna waa dareerka wanaagsan ee uu qofku waxa xun iyo waxa san ku kala sooco ama ku kala garto. Walahu Aclam.

    ReplyDelete
  31. Waad mahadsan tahay Mudane Garaad, marka hore. Tan kale, jawaabta aan ka bixin lahaa - waa MAYYYA... Sababta wxay ila tahay Tii Alle kitaabka nagu baray ee aheyn in uu Ilaahey dadka uusan ku beerin labo qalbi.
    Mahad said Mudane Garaad
    Ilaahey caajis kaama geliyo hoosha tan ee aad dadka u badan dhalinyarada halkan ugu tababaraysid.
    جزاك الله خيرا

    ReplyDelete
  32. Ajar badan Ilaah hakaa siiyo. Waa su'aalo hagaya qof kasta oo samaan raadis ah.

    ReplyDelete
  33. Adigoo arday Jaamacad dhameeyay ah qabiilkaaga makaala sareeya qabaa'ilada kale.
    Adigoo Malaaq ama Ugaas ah danahaadii gaarka makaala weyntahay danta guud.
    Adigoo Hooyo ah , hogaamiye kastana xaaskiisa ah ; Xaqa ma uga aamuusta si uu Ninkaagu Xoolo u helo .
    Adigoo Da'yar ah ubixii dalka difaaci lahaa ah macuntaa daanburi derbiyada majiifata adoo haysan dowlad ku daryeesha.
    Adigoo Daaci Alle sheeganaaya oo Diinta fidinaaya hadii dirirtu dhexmarto qabiilkaaga iyo qolo kale Qaala laahu intaa meel iska dhigtid Qabqable manoqotaa.

    ReplyDelete
  34. Yuusufoow dhaqanka soomaaliidda waa " noo kala tuur maqribkii baa na hayee" waana madax ilaa majo.. waan ka xumahay

    ReplyDelete
  35. Waydiimaha dambe oo dhan waxay ila noqotay in ay faahfaahin ka bixinayaan waydiinta koowaad, sidaa awgeed ayaan jawaabtayda ugu ekeeyay mida koowaad oo qudha,
    waxaad ina waydiisay Diinta Islaamka iyo Damiir la'aantu ma wada noolaan karaan?
    aragtidayda qofnimo ayay ku dhisan yihiin dhamaan jawaabahaygu,
    inta aanan jawaabta horay ugu dagdagin aan faahfaahin kooban ka bixiyo, Diinta iyo Damiirka,
    Asalka Insaanku waa ka siman yahay Damiirka, damiirku waa shay macnawi ah oo ku samaysan qofkasta kaas oo gabi ahaanba diidaya Xumaan oo dhan, taageerayana Wanaag oo dhan, Damiirku marna qofka uma ogolaanayo xumo falida, si kale hadii aan u dhigo, Damiirku waa diin dhamays tiran oo qofka gudihiisa ku samaysan, Damiirku wuxuu qabtaa oo qudha isla hawsha ay diintu qabato oo ah Same Faris iyo Xumaan reebis, Damiirku waa Data Rabaani ah oo eebe inagu shubay, waxaa hadalkaa taageeraya qawlkii Nabigeena ee ahaa ''qofkastaa wuxuu dhashaa isagoo Muslim ah ( Hogaansan)''
    Diintu waa fariim waxyi ah oo eebe xagiisa inooga timid, waxay u timid in ay dhamaystirto Damiirka (Akhlaaqda), Diintu waxay ina fartay wax kasta oo damiirku ina faray, waxayna inaga reebtay wax kasta oo Damiirku inaga reebay,

    hadii aan u laabto jawaabta waydiintaada, sinaba suurta gal uma ahan in qof aan damiir lahayni uu diin yeesho, asalka iimaanka iyo diintuna waa damiirka, Diintu waa damiir qoran, Damiirkuna waa diintii oo lagugu shubay,
    Nabad Galyo

    ReplyDelete
  36. Si fudud jawaabtu waa maya marnaba dumiir xumo iyo diin meel mawada galaan xaqiiqadu waxey tahay in aay isa dhameystiraan diintu waa damiir damiirku waa diin tusaale waxaan xasuustaa nin aan waa deris aheyn ayaa waxuu madax ka ahaa mid ka mid isbaarooyinka wadanka ee xiliyadan dambe ee burburka waxaa dhaceeso marka xaafadda loo baahdo in masjidka la dayactirayo ama qof dhibaateesan wax loo qabanaayo kaalinta ugu weyn ayuu qaataa hadana waxuu kasoo kasbaa meeshi aan hore usoo sheegay marka waxaan isleeyahay ninkaas ficil ahaan waxa usameeyo maxumo lkn waxaa xun halka uu kasoo kasbo waana marka aan isdhaho amuu damiirku ka dhiman yahay ninkaas

    ReplyDelete
  37. Waa qorma xaqiiq ah .... lakin waxa run ah dadka intaa ayaga oo og ayey hadana ku xad gudbaan.. malaha sualaha isma weydiyaan markii ay ku kacayan xaranta ...

    ReplyDelete
  38. Waa dhaqanka aan ku ilbaxnay dhamaan arinta aad soo qortay waa sifaha ummadaan ragaadisay islaanimo aan laga runsheegayn xaraan aàn la iska dhowreeyn salaad iyo soon badan cibaado aan dhamaad lahayn iyo xaaraan laga dhamaanayn eex iyo laaluush xoolaha yatiinta oo aan laga leexan allaha wadada saxda ah nagi hadeeyee waxa aan aduunyada ku hayno iyo diinta sida lagu sheegay waa ka fogtahay ee wadaha wanaagsan allaha nagu hadeeyo

    ReplyDelete
  39. Dhammaan su'aalahan jawaabtoodu waa maya haddii uu iimaan dhab ah jiro haddusan iimaan jirin waa suuragal inaad sameyso inta aad tilmaantay, bal akhri hadalka uu qoray sheekhan
    الشيخ الشعراوي يقول:-
    لما كنت في سان فرانسيسكو سألني احد المستشرقين
    - هل كل ما في قرآنكم صحيح ؟!
    فاجبت
    بالتأكيد نعم
    - فسألني :
    لماذا إذاً جعل للكافرين عليكم سبيلا ؟!
    رغم قوله تعالى :
    " ولن يجعل الله للكافرين على المؤمنين سبيلا "

    فأجبته:
    لأننا مسلمين ولسنا مؤمنين !!

    • فما الفرق بين المؤمنين والمسلمين ؟

    رد الشيخ الشعراوي:
    • المسلمون اليوم يؤدون جميع شعائر الإسلام من صلاة وزكاة وحج وصوم رمضان .. الخ من العبادات ، ولكن هم في شقاءٍ تام !!
    - شقاء علمي واقتصادي واجتماعي وعسكري .. الخ ، فلماذا هذا الشقاء ؟

    • جاء في القرآن الكريم :
    ' قالت الأعراب آمنا قل لم تؤمنوا ولكن قولوا أسلمنا ولما يدخل الإيمان في قلوبكم ' الحجرات ١٤

    سألني اذا لماذا إذن هم في شقاء ؟
    أوضحه القرآن الكريم ، لأن المسلمين لم يرتقوا إلى مرحلة المؤمنين فلنتدبر مايلي :

    • لو كانوا مؤمنين حقاً لنصرهم الله ، بدليل قوله تعالى :
    ' وكان حقاً علينا نصر المؤمنين 'الروم ٤٧

    • لو كانوا مؤمنين لأصبحوا أكثر شأناً بين الأمم والشعوب ، بدليل قوله تعالى :
    ' ولا تهنوا ولا تحزنوا وأنتم الأعلون إن كنتم مؤمنين ' آل عمران ١٣٩

    • لو كانوا مؤمنين ، لما جعل الله عليهم أي سيطرةً من الآخرين ، بدليل قوله تعالى :
    ' ولن يجعل الله للكافرين
    على المؤمنين سبيلا ' النساء ١٤١

    • ولو كانوا مؤمنين لما تركهم الله على هذه الحالة المزرية ، بدليل قوله تعالى :
    ' وما كان الله ليذر المؤمنين على ما أنتم عليه ' آل عمران ١٧٩

    • ولو كانوا مؤمنين لكان الله معهم في كل المواقف ، بدليل قوله تعالى :
    ' وأن الله مع المؤمنين ' الأنفال ١٩

    • ولكنهم بقوا في مرحلة المسلمين ولم يرتقوا إلى مرحلة المؤمنين ، قال تعالى :
    ' وما كان أكثرهم مؤمنين '

    • فمن هم المؤمنون ؟
    الجواب من القرآن الكريم هم :
    ' التائبون العابدون الحامدون السائحون الراكعون الساجدون الآمرون بالمعروف والناهون عن المنكر والحافظون لحدود الله
    وبشّّر المؤمنين ' التوبه ١١٢

    • نلاحظ أنّ الله تعالى ربط موضوع النصر والغلبة والسيطرة ورقي الحال بالمؤمنين وليس بالمسلمين !

    رحم الله الشيخ الجليل وتجاوز الله عنا وعنه .

    ReplyDelete
  40. Macalimow hada ka hore NOLOL IYO GEERI AYAA IS WAREYSTAY
    Geeridii baa tiri : Waa maxay sababta ay dadku kuu jecel yihiin, Anigana ay ii Neceb yihiin ?  Noloshii baa ku warcelisay: Sababtoo ah, anigu waxaan ahaay been qurux badan oo aan waareyn, adiguna waxad tahay run xanuun badan oo aan la hureyn!

    ReplyDelete
  41. (آمَنْت بِاَللَّهِ ثُمَّ اسْتَقِمْ")
    alle rumeen dhab ayaa intaas oo dhan kaga nabad gali.karnaa

    ReplyDelete
  42. inkastoo caqiiqada iyo camalku.markasta aysan.isla wada sineen oo gefka iyo.khaladkuna.yahay.sunno hadana.waa may ,jawabtu
    mana.ahan in lagu sii jiro.lkn.dhaman.dadkena.somalia.100% mid.ka.mid.ah sifooyinkas.qaldan.waaleyahay.qofkasta wana.la.hubaa.waliba.kuwa eexda.iyo.duudsiga iyo.beenta ku.dhisan.ama.rali.ka.ahaanshaha.dulmiga loo.geysto.qof.ama qoys.ama.qabiil

    ReplyDelete
  43. Jawabtu waa maya .sabsbtuna waa iska cadahy lkn waxaas moda waxan inan badankod si pratical ah u aragno.

    ReplyDelete
  44. Mudane hot was mahdsan tahay
    Marks labaad horta dhammaan waxan islehay jawaabtu waxay noqonysaa Maya
    Diinta macnaheedu in afka laga sheets oo kaliya ma ah we waa ku canal fal dhaba iyo in la raaco wadadi nabi mohamed (nnbk) oo micnaheedu that's in illahay which kaareebay aad ka reebanaato tusaale haddan so qaato Jamaica su,aalahaagii adigoo Maxa inaad Sameyso caddaalad daro waxay ka dhigan inaad Allah hadalkiisa beenisay maxan sidaa u Lehay illah wuxu ku amray inaad cadaalad u sameyso.mhdsanid yusuf garad

    ReplyDelete
  45. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  46. Runtii jawaabaha su’aalahan dhamantood waa maya.
    Ilaahayna Xaq iyo baadil ma simin,waxaana waxyaabahaas odhami uga badbaadi kartaa inaa ilaahay Tawakul dhab ah weydiisatid oo iimaankaadu kusiyaadiyo, haddiise uu iimaan jirin waxas odhan qofka wuu samenayaa sifooyinkaas qaldan ee aad ino sheegtay.
    Mahadsanid Mudane Yusuf Garad Omar

    ReplyDelete
  47. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  48. Ambassador/ wasir Yusuf garad mahadsanid, su,aalahaagu waa kuwo maangal ah islamarkaana damiirka taabanaya.
    Su'aashaada 1aad ee eheed:"Adiga oo jilbaha iyo foolku ay salaad kugu murxeen, ma ahaan kartaa laaluush qaate?"
    Jawaabtu waa maya, hadii aan sababeeyo salgado waa mida inaga reebta waxkaste oo xun waxaa u daliil ah :
    ( قال تعالي: "وأقم الصلاة إن الصلاة تنهى عن الفحشاء والمنكر ولذكر الله أكبر )
    Macnaha watada: Alle ayaa yiri:Saladda dog salaaddu iyadaa reebaysa xumaha oo ah waxa lanaco iyo Sinada xuska alle ayaa wayn"

    Sidoo kale wasiir xadiith kaan ayaa kulminaya inta aad soo qortay:

    قال النبي ﷺ: "المسلم أخو المسلم لا يظلمه ولا يُسْلمه، ومن كان في حاجة أخيه كان الله في حاجته، ومن فرج عن مسلم كربة فرج الله عنه كربة من كربات يوم القيامة، ومن ستر مسلما ستره الله يوم القيامة"

    ReplyDelete
  49. May Maya Maya,dhamaan Jawabaha waa maya , in kasta oo ay ku badan yihiin Dadka maanta nool.

    Hadaan qoro qaar lamida waa:-
    1- Matahay maskiin hadana kibir badan
    2- Matahay mid wax sadaqaysta hadana jecel inuu isku sawiro ama dadka usoo bandhigo kuna faano waxa uu baxsaday.
    3-Matahay macalin ama arday, shahaadada wax barashada uu sitana ka been sheegay oo ay tahay mid beena.
    4-Matahay mid dadka ugu yeedha inay dhowr sanadaan hadana isagu aan dhowr sanayn.

    Waad mahadsantahy ustaad Yuusuf Garaad Cumar.

    Waana midaan la dhacay qormada yar ee aad nooso qortay ALLAAH ajar haka siiyo.

    ReplyDelete
  50. si aan kaleexad laheyn waa maya qof Alle iyo rasuul yaqaana kama suurowdo,lkn ummadda iimaankooda ayaa daciiftay oo Somalia waaba ku badanyihiin dadka sifaadkaan oo kale ah, waana naadir qof kadhawrsan malaha waxa dhiba uga bixi la'nahay waxaa nagu badan daka noocaan oo kale ah.

    ReplyDelete
  51. Mudane Run'ahanti aad baan kaaga mahadcelinayaa, Allah kasokow qoraalkan,
    Mudane madoonayo in aan ku dheerado Su'aalahan xaqiiqda ah, ee wada wadaaga halka Jawaab ee Ah MAYA,
    DIINTA AFKA OO KALIYA AYEEY SOMALI BADANKEED KASHEEGATAA,hada kahor nin lasoo Islamiyey, ayaa looshegay waxa diinta kareebtay iyo wax ay ubaneysay, wuxuu arkay Somali wixii Diintu kareebtay suubineysa, marki Diinta dhinaceedana lagamarona dagaalameysa, Markasuu wuxuu yiri, markuu layaabay sida ay udhaqmayan, yinyi ni watchman ya Diini, oo uu ulajeeday Diinta ayad wardiye katihiin,

    ReplyDelete
  52. Qalbiga markuu daxaleeysto ma wada dareemaayo dulmigaas iyo damiir la'aantaas.

    Hubaal, waxaad sheegtey dhan maanta waan la nool nahay, waxaase Alle weyne waydiisaneynaa inuu Dambigeena dhaafo iyo Kan Waalidkeena iyo dhammaan Muslimiinta meel walba ay joogaan. Xaqa oo laga hadla xumaan ma ahan, Xaqiiqdi waxaad Xustey Xaalado badan maanta laga dareemaayo Dalka.

    ReplyDelete
  53. Jawaabta su’aalaha waa MAYA
    sababtoo ah wax yaabaha aas aasigaah oo diintu nafartay in aan ka fogaanoh ayaa ah; dilka, qiyaanada, musuqa, dulmiga, iyo dhaca.

    ReplyDelete
  54. Waan aqriyey dhamaantood jawaabaha su'aalahaasi "waa maya" masamayn karo qof Alle kacabsanaya iimaankiisuna uu xooganyahay mudane wasiir intaas oo dhan haddi laga foojignaan lahaa oo dadkeennu ay bari ka noqon lahaayeen dhimaatada nahaysata kumajirneen.
    Mudane wasiir waan kaaga mahadcelinayaa sida wacan oo aad mar walba noolada wadaagto qormooyin wax ku ool ah oo aan cilmi ka kororsanno

    ReplyDelete
  55. Maasha allah illahay haku xifdhiyo masuul aan aad u tageero waxaad ka hadashay waa waxa maanta Somali halkaas dhigay ayagoo og intaas aad sheegtay ayay hadana u bareeraan Markaan ka fikiro arimahaan waxaan isku qanciyaan maalin ayaa imaan doonto illahay umadaan u soodiro dad intaas aad tirisay ka fogaan doono MUSUQA CADALAD XUMADA EEXDA NIN JECLAYSIGA
    MAALKA DAD WAYNAHA OO LA XALAASHADAY

    ReplyDelete
  56. Mudan scalaykum ugu horayn .

    Waxaan ku xusuustay qormadaada gabay abwaan somaaliyed tiriyey oo magaciisa la yidhaahdo cabdilahi macalin dhoodaan .
    runtii tuducyo ka mida gabaygiisa likaaco la yidhahdo oo isoo jiitay ayaa waxaa ka mida sidan.
    1-laqwi iyo xumaan kuma hadlo oo been ma laazimo, runa waan kala leexanaa iyo qawl lilaahiya.

    2- nimaan lugi jabnayn baan ihiyo, xooga lawyadu, misna laxaad kuma socdoo laangadhan ahay.

    3- leg iyo darib anoon quudanayn, subagna leefayn nin ladaadyeysan baan ahay oo laqanyo haysaa.

    3- ma laafa lugdoo xoolaha waan lexe jeclaystaa, anuun baa kuwaygana lunshoo loofar baan ahay.

    4- sidii libaax dhiidhiyey baan dadka wadar u laaya, hadba se kaan looltanaa way legdahayaa.

    runtii sida la sheegayo abwaanka wuxuu tiriyey gabayga 1970 si cad uma hayo ujeedada ku dhalisan abwaanka gabayga balse waxaa isoo jiitay iska soo horjedka macnaha gabaygu tilmaamayo oo iila muuqata arimo aan isgeli karin.
    inkastoo bani aadanka muslinka gefaf ka dhacayaan hadana waxaa loo baahan yahay in aanay noqon kuwa xadka islaamka iyo dadnimada ka fog.

    Waa qoraa sayid xasan xuseen shide.

    ReplyDelete
  57. mahadsanid mudane, dhammaan jaabaha su'aalahani waa maya oo lilaahi iyo laqdabo meel mawada galaan alaha khayrka na fahansiiyo

    ReplyDelete
  58. Wax is qaadan karo maaha
    Diinteenu wa naxariis
    Dulmina kuma jiro
    Dadku wa kuwa danbiyada
    Fududeysta
    Kana fikirin aaqiradooda

    ReplyDelete
  59. Aad ayaad Umahadsantahay Mudane Ambassador Sacaadaulwasiir Yusuf Garad waa Su,aalo Aad uwanaagsan dhammantoodna Hal jawaab ah leh oo ah Maya tusaale yar hadaan soo qaato Cumar bin Abdiaziz oo ahaay ninkii shanked ee khulufada xiligaan oo kale oo ciidii 2maalin kadhimatahay ayaa ilmihiisii uyimaadeen waxay dheheen Aabe dhar ciid ayaan rabnaa waxa uu tagay Baytulmaalka qasnajigii ayuu ka dalbaday inuu mushaarkiisa bisha Soo socota uhormariyo waxa uu yiri khaliifkii Islaamkoow ma ii balanqaadee inaad noolaanee bisha soo socota Amiir Omar binu Abdiaziz waxa uu dhahay maya Waana Gadoomay xaafada ayuu tagay asagoon waxba wadan ilmihii ayuu iskugu wacay waxa oowdhahay Jano iyo Naar kee Rabtaan? waxay dheheen Jano hadaad jano rabtaan lacag ma haayo waana soowaayay ee Dharkiina Dhaqda ee ku ciida Hooyadii cida ayaa ku jawaabtay inaan maatay xaaran cuno oo dharagno oo ladhaho ilmihii Amiirka waa Ciidaayaan waxaan ka xignaa in ladhaho ilmihii Amiirka ciidimaayaan Cadaalad intuu ka qabo oo aakhiro Jano galno anagoo xalaal Quudanay.
    Dadkii Wanaagsanaay Saas ayay ahaayeen Inta su,aal aad halkaan ku soo dhigtay waxaa jira Xadith kulminaa oo ah" waxa uu cunaa waa xaaran, waxa uu xiranaa Waa xaaraan, waxa uu cabaa waa xaaraan, sideen Duco uga Aqbalaa ? Waa sina xalaal iyo xaaran iyo salaada oogideeda waa kuwa koowaad oo qabriga la isku waydiinaa wax walba ka hor.
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  60. Waa Maya jawaabtu sida dadbadani ba sheegen oo sidaas ayuu caqligu ina leyahay lkin suaal baa immanaysa ah
    Haddaba waatan oo madaxdenii ilaa shaqaala hoosadki xatooyo iyo musuq iyo lunsasho hanti dadwayne ayaa ay wadaan.
    Mawaanay islaam ahyn miyaanay ilhay u tukan oo usoomin miyaanay ogayn in ay waxba kama jiraan noqonayso acmaashaasi. Sidee wax ujiraan

    ReplyDelete
  61. Jawaabtaydu wa maya. Aniga oo aan u hadlayn qof kale maxaa yeelay waxaan ogahay siyaasiyiinta ganacsatada badankood inay caado dhaqan ka dhigteen qaabaan oo kale inay ayaga oo cibaadaysanaya hadan ay wadaan eeex iyo inay dad ay u arkaan inay ka fikir duwanyihiin mishin u maleegaaan

    ReplyDelete
  62. Waa su'aalo is weydiin mudan, mahadsanid

    ReplyDelete
  63. inta aad sheegtay oo idil ayay diintu ka hadashay
    wax ka madax banaan ha ka dhigin

    ReplyDelete
  64. Su'aalahaan jawaabtooda waa Maya, dhamantood.
    Runtii si qote dheer ayaan u akhriyey mid kasta oo ka mid ah markaan akhrinaayey waxaa igu Soo dhacaayey tusaale aad u macaan oogu haboon su'aashaan ayna ku kaceen Madaxdeena Somaliyed.

    Mhdsnid Mudane Yusuf Garaad.
    Rug-caddaa wax badan ka og siyaasada somalia iyo tan adduunkaba ayad tahy.

    ReplyDelete
  65. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  66. Intaba meel islama galayan diinta wqa inee kaa reebta waxwalba oo xumaan ah salaadana waa mida qofka ka reebta xumaanta tusaaloyin badana waan aragnay oo intaa sheegtay kamid ah dhiiga in layska baneestay laaluushka waaba nolol maalmeedka kuwa dadka maamula alle haka hanuuniya kuwa intaas inee isku falaan raba mahadsanid mudane ex waziir qormadadan quruxda badan

    ReplyDelete
  67. Waydiimo ku haboon in boorarka / tabeelooyinka magaalada lagu qoro :)
    Waa hoga tusaaleeyn taban !!

    ReplyDelete
  68. Waydiimo ku haboon in boorarka / tabeelooyinka magaalada lagu qoro :)
    Waa hoga tusaaleeyn taban !!

    ReplyDelete
  69. Lamaga yaabo marna inay taasi dhacdo alle weyne wuxu aayad qur,aan ah ku yiri
    إن الصلاة تنهي عن الفحشاء و المنكر sidaas awgeed waxyaabaha isweydiintaan ku qora oo dhani wa fuxshi(xumaan) sidaas awgeed waxan dhihi lahaa qofku wa hadba wixii fikirkiisa caqligiisa iyo waxyabaha uu mudnaanta siiyo ayaa ah falgalkiisa aduunka inoo muuqda ee daahirka qofka sidaas awgeed qofka macquul ma ahan in uu hal mar wada qadariyo wanag iyo xumaan hal mar

    ReplyDelete
  70. Rag iska dhici iyo rabbi ka baq, Soomaali way u kala soocan tahay. Si gaar ah, waxay ilaaliyqan diinta iyo wanaagga, dhanka kalena -waxyaabaha aad ka digeyso oo farriintaadu ku qotonto ayay si aan ceeb lahayn u sameeyaan. Aniga shaqsiyan iskuma keeni karo inaan waxna dhibaateeyo, qof wanaagsanne iska dhigo.

    ReplyDelete
  71. Mahadsanid yusuf aragtitada qotada dheer oo dhonacyo badan taabaneysa
    1. Dadkeena badankiis diinta salaad kaliya ayey u heystaan
    Diinta in aad qaar rumeysid qaarna aadan rumeyn(ku dhaqmin) sax maaha
    2. Waxaa keeynaya in wax walba oo xun dhaqan laga dhigto dowladnimo la’aan raagtay oo dadka xun wax qabta oo ay ka cabsadaan ma jiro.
    3.in danta shaqsigaa nagala weyntahay mida guud.

    ReplyDelete
  72. Jawaabuhu waa maya, balse dadkeena wexey u bateen dad aan si fiican u fahim diintooda sidaa darteed kumana dhaqanno.

    ReplyDelete
  73. Waxyaabaha Dhaawacmay Mudadii Soomaaliya Dawlad La.Aanta Ahayd Waxaa Laga Baydhay Dhamaan Dariiqa Toosna
    Waxaana Ka Dhaadhaacday Dadkii Inaanu Qofku Faaidaynin Ilaa Uu Qaato Xaaran Ama Uu Cad Xun Cuno Halkii Uu Wanaaga Xigsan Lahaa.Suaalan Aad Xaga Sare ku Xustay Waa Wax Dhaca Dhamaantood Waana Marag Ma Doon

    ReplyDelete
  74. Dhaqamadaasi isma qaban karaa, dab iyo basiin ayay isku yihiin.

    ReplyDelete
  75. Ilaahay Ayaa Quraankiisa noogu sheegay in Salaada ay Naga Reebeyso Xumaanta iyo Munkarka Lkn Waa Hadii Salaada Aan udukana Sida Ilaahay Na amray Khushuucna aan la imaano Markaas Inta aad kor Ku xustay oo idil Waa ka Nabad galayaan

    ReplyDelete
  76. Adiga oo raba inaad irsiq xalaal ah cunto somalia siyaasi ma noqon laheeyd waqti xaadirkaan?

    ReplyDelete