Total Pageviews

Thursday 6 June 2019

Saxafi maxaa ka galay Siyaasad?

Dhallinyarada aan saaxiib ku nahay saxaafadda bulshada oo aan macluumaadka isku weydaarsanno ayaa qaar isla su'aal soo celceliyaan mar kasta oo aan wax qoro. Weriye ayaad tahay ee maxaa siyaasad kuu geeyay? Amaba waxay ii sheegaan khalad in ay ahayd in aan Danjire ama Wasiir noqdo. Qaar kale wuxuu yiraa, bal maxaa diblomaasiyad iyo siyaasad kaa galay weriye?

Weriye waan ahaa, heer wanaagsanna waan ka gaaray, waanan ku faraxsan ahay. Laakiin ma rabo horumarka aan saxaafadda ka sameeyay in aan u noqdo dhibbane, oo uu hareeyo aqoonteyda iyo khibraddeyda.

Qormadaan in waan isku fasirayaa aniga oo aan ka warrameyn khibraddeyda shaqo oo dhan ee ku soo koobaya midda Saxaafadda. Inta kale waxaan uga warrami doonaa tusaaleyaal caalamka ah oo muujinaya in ay saxaafaddu ka mid tahay mihadaha Siyaasadda looga gudbi karo.





Radio Muqdisho waxaan u shaqeeyay qiyaastii ku dhowaad siddeed sano oo ku dhammaatay burburkii Dowladda. Ka sokow xirfadda aan ka bartay, waxaan fursad u helay in aan ku kala barto Madaxda iyo hey’adaha dalka, ku dad iyo dal barto, la safro Madaxdii Qaranka qaarkood, qaarna aan wareysiyo ka qaado. Waxaan fursad u helay in aan goobjoog ka ahaado shirar muhiim ah, qaarna uu xasaasi yahay.

BBC World Service, afkeennu waa isku ammaan, labaatan sano keliya ayaan uga shaqeynayay London. Wakhtigaa marka afar loo qeybiyo meel ahaan iyo waxoogaa, waxaan weriyennimo ugu shaqeeyay Laanta Soomaaliga, Focus on Africa iyo waaxda tababbarada oo aan ka noqday tababbare sare. Ku dhowaad saddex qeybood ee kale waxaan ahaa mas’uul maamula shaqaale u badan weriyayaal, miisaaniyad,  wax soo saar iyo istaraatiijiyad maamul. Maalin kasta waxaan go’aan ka gaari jiray warar xasaasi ah oo siyaasad, amni iyo xiriir caalami ah u badan, ha noqoto laanta Soomaaliga ama Xafiisyo kale oo aan si KMG ah Madax uga noqday sida Tifatiraha Wararka Afrika iyo Bariga Dhexe iyo Madaxa fuliyaha ah ee Afrika, markaas oo aan maamulayay shaqaale lixdameeyo dal kala jooga.

Waxaa intaa dheer in aan ku shaqeynayay dal uu sharcigu shaqeeyo. Xuquuqda Shaqaalaha haddii aad ku xad gudubto ama haddii iyaga dhexdoodu ay isku xadgudbaan, haddii ay wararkoodu ku xad gudbaan shakhsi, shacab, sharikad ama Dowlad, waxaa suurta-gal ah in Maxkamad la geeyo hey’adda ganaax culusna dusha laga saaro. Kuwaasi waa shaqaalaha xarunta, laakiin kuwa dalalka kale jooga waxaa khuseynaya sharciga dalka ay deggan yihiin. Sidoo kale, dal kasta oo idaacadda laga dhegeysto ama uu qoraalku gaaro waa laga dacweyn karaa saxaafaddu haddii ay gef geysato.

Sidaa darteed waxaad joogto u qaadaneysaa tababbaro la xiriira maamulka wanaagsan, habraaca xisaabaadka, dheellitirka miisaaniyadda, shuruucda shaqaalaha iyo sharciyada ka degsan xadgudubka saxaafaddu ay u geysan karto shakhsi, koox, sharikad ama Dowlad sida sumcad dil aan war sugan ku saleysneyn, amaba ka been sheegid sababtay khasaare hanti, sumcad-bi'in, khalkhal ama ka sii culus. 

BBC intii aan joogay waxaan fursad u helay in aan Madaxda Soomaalida mid mid u barto, goobjoog ka ahaado shirar iyo heshiisyo dhex maraya laba dhinac ama ka badan. Waxaan iyagana hor fariistay oo aan wareystay Madax badan oo dalalka Geeska Afrika iyo caalamka kale ah, aniga oo inta badan kala hadlayay mowqidkooda iyo kaalintooda waxa markaa ka socday dalka. Gobollo badan aan booqdo waliba xilliyo kala duwan si aan u fahmo isbeddelka socda ee horumarka u badan mararka qaarna dib-u-dhaca ah. Laga soo billaabo 1994 ilaa 2012 oo aan dalka soo degey, inta badan socdaal ayaan ku imaan jiray dalka sannad kasta. Waxaan xusuustaa sannadaha qaar aan imid saddex jeer. 

Sidoo kale waxaan booqanayay meelaha ay Soomaalidu u qaxday ama ay u tagtay waxbarasho, caafimaad ama ganacsi.

Waxaa kale oo aan fursad u helay in aan curiyo fursado ay dad kale gacan igu siiyeen meelmarintooda sida mashruuc ay hantidiisa bixisay Beesha Yurub oo ay BBC ku tababbartay ku dhowaad dhammaan weriyayaashii Soomaalida ee berigaas. Mashruucaasi wuxuu socday in ka badan saddex sano.

Xagga aqoonta waxaan bartay Cilmi Afeed iyo xiriirka caalamiga ah oo ay ka mid yihiin sida siyaasadda dhaqaalaha, diblomaasiyadda, qaanuunka caalamiga ah iyo amnigu ay isu saameeyaan.

Haddii aan goostay in aan shaqadeydii ka tago, oo wax kasta oo aqoon iyo khibrad ama xataa dhiirri gelin aan awoodo ee aan waddankeyga ku biirin karo aan dalka la soo dego, waxaan u qabaa in aanay iga hor istaageyn in aan idaacad soo maamulay. 

Marka labaad waxaan rabaa in aan waxyar kaaga taabto suxufiyiinta iyo weriyayaasha caan ku noqday siyaasadda adduunka qaar ka mid ah.

Winston Churchill 
Oo hore muddo sannad ah wararka u tebin jiray wargeys wuxuu beri dambe noqday Ra’iisal Wasaaraha UK. Waa Hoggaamiyihii UK ka daafacy Hitler iyo xulafadiisa. Churchill isabahaysigii uu ka midka ahaa ee UK, USA, France iyo Midowga Soofiyeeti waxay ku guuleysteen Dagaalkii Labaad ee Adduunka. 

Jomo Kenyata
Qormooyin badan ayuu ku daabacay wargeyso kala duwan, isaga oo markii dambena ku biiray Guddiga Tifatirka ee mid ka mid ah wargeysada. Jomo Kenyatta waa Madaxweynihii koowaad ee Kenya, waana Madaxweynaha hadda xilka haya, Uhuru Kenyatta, aabbihiis.

Giulio Andreotti
Marar badan ayuu Ra’iisal Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ka noqday Italia. Wuxuu kale oo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirro kale oo ay ka mid yihiin Difaaca, Maaliyadda, iyo Arrimaha Gudaha. Wuxuu ahaan jiray qoraa iyo Tifatire markii uu socday dagaalkii labaad.

Ronald Reagan
Wuxuu ahaa weriye laba Raadiye u qaabbilsan tebinta cayaaraha. Ka hor inta aanuu noqon jilaa Holly Wood. Wuxuu laba jeer oo is xiga Madaxweyne ka noqday dalka Mareykanka.

Sarah Palin 
Oo madax ka ahayd Gobolka Alaska, marna u tartantay Madaxweyne ku Xigeenka Mareykanku waxay ahayd weriye tebiya cayaaraha.

Samantha Power
Markii aan New York u fadhiyay Soomaaliya, iyaduna waxay ahayd Danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay. Mar bay ahayd weriye caan ah.

Boris Johnson
Oo hore isaga oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK gurigiisa aan kula casheeynay aniga oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweyne Goboleedyada oo dhan, waa weriye caan ku ah saxaafadda UK.

Wuxuu ka shaqeyn jiray wargeysyada The Times iyo The Daily Telegraph. 

Boris wuxuu hadda ka mid yahay siyaasiyiinta ugu cadcad ee u tartamaya kursiga bannaan ee Ra’iisal Wasaaraha UK.

F. G.
Ma aha in aan leeyahay anigaa mudan. Waxaan fasirayaa oo keliya in aanan anigu u horreyn shakhsi saxaafad iyo siyaasad labadaba ka shaqeeyay. Saxaafadduna aanay ahayn mikrafoon uun.

51 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Fadlan aragtidaada halkan igula wadaag.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adigaa mudan mudane Yusuf Garaad wax diidaya majiro in nolosha dhinac kale aad kaga biirto, adiga oo ka shidaal qaadanaya khibrada ka dhaxashay dhinicii hore ee aad nolosha kaga jirtay. Waan kugu bogaadinaya ina Siyaasada horay ugu sii socoto waxaana kuu rajaynayaa guul si lamida sidaad ugu guulaysatay saxafi nimada.

      Delete
    2. Mudane Garaad, Dadka waddanku taladooda u baahan yahey aa kow ka tahey. Allah haku xifdiyo.

      Delete
    3. Yusuf Garaad,
      Kuwa su'aashaas ku weydiiyey waxaa laga yaabaa ineey yihiin kuwa kaxun inaad soo fuusho masraxa siyaasadda ee dheg ha uraaricin waadna ku mahadsan tahay qoraalkaada aqoonta ku dhisan.

      Delete
    4. Yuusuf aad ayaad u mahadsantahay runtii badanaa waan la socdaa qoraaladaada waana ogahay waxaa tahay iyo waxa aad rabto sida dalkan loo badbaadin karana cidna ha uga heebeysan mahadsanid

      Delete
    5. In lagu weydiiyo su'ashas baba wax khalad ah, sababta oo ah bad-baadinta dalka iyo samata bixintiisa waa mid qof walba sugaysa.
      Mida labaad wxn og soonahy ina tahay qof wax bartay oo ka mudan in badan oo siyaasiyin maanta jira ah , kuwasoo qaybtood maamul goboleedyo ka arimiyan ama xilidhibano xasaanad leh yihin, mararka qaarna hadalo qabyalad ku salaysan shacabka ugu habar wacda ayagoo fiirinaya danta maalintas ay leeyihin ee aan fiirinayn xalada somaliya maanta kujirto see looga saraa, bale ay leeyihin qurun iyo qabilki shalay na burburshay baa loo noqonayaa.

      Marka mudane wxn kulehay dalka iyo dadkuba wa kuraban, Cidnana ha uga haybaysan inaa dalkaga wax u qabato.

      Delete
  2. yusuf garaad
    mahadsanid anigu su.aashaas horay kuuma weydiin lkn qoraalkaan qiimaha leh waxaan ka faa.iiday wax yaabo badan
    yusuf garaadna waa ku bartay si qeexan
    mhdsnd markale

    ReplyDelete
  3. Fantastic, i like it. Hore usoco mr Yusuf Garaad

    ReplyDelete
  4. Waad mahadsantahay marka hore Amb. Yuusuf Garaad. Waana ii farxad in aan dhamaystay aqriska qoraalka aqoonta iyo waaya-joognimada xambaarsan. Runtii waxaa tahay tusaale nool oo ay dad badani ku daydaa. Aragtideyda arinkaan, waxaan isleeyahay in wariyanimadu ay tahay wax aad u wanaagsan oo qofkii dadaal dheeri ah galshaa uu meelkastaahi kasoo dhalaali karo.
    Mahadsanid in badan.

    ReplyDelete
  5. Annigu maangaabnimo ayaan u arkaa in lagu dhaho adigoo wariye ahaa maxaad ku fashay inaad danjire noqotid ama wasiir. Kaliya su'ashaas waxaa ku filan qofku inuu iswaydiiyo qofkani sow muwaadin maahan xil dalka ka qaban kara. Mahadsanid mudane.

    ReplyDelete
  6. Mhdsnd Mudane Waa Qormo wax bdn Iftiimineeysa.
    Su'aal
    Sidaad Ogtahy Wxaa Dalkeena soomaray Burcad Badeed waqti Yar Ayaana lagu Ciribtiray Madama eey Threat toos ah ku ahayeen Qoloyinka Caddan ah mrka mxaa Hortaagama ama Diiday Taas Bedelkeeda Qolooyinka kle ee Nabadda Somalia eey kadegi La'dahay in Lasoo Afajaro?

    ReplyDelete
  7. You will never walk alone.

    A true legend and a patriot who was educated at the expense of Somali tax payers money.

    May Allaah bless you.

    ReplyDelete
  8. Waad k mahadsan tahay tusaalayaasha badan ee aad noogu fa iideysey iyo waaya aragnimadaada horusocod wanaagsan ayaan kuu rajeynayaa (da daalaa wuu gaaraa)

    ReplyDelete
  9. Mahadsanid mudane Yusuf garaad, waa run oo qofka insaanka ah meelo badan ayuu ka anfici karaa bulshadiisa iyo waddankiisaba, xirfadda iyo aqoonta qofku leeyahay iyo booska uu ka shaqaynayana maaha kuwo ay tahay in xiriir 100% toos ah ka dhexeeyaa ee waxaa in badan muuqata in qofku utaba baran karo ama aqoon dheeraad ah ka heli karaba asaga oo ugudbay xirfaddiisa wa ka baxsan darteed.

    ReplyDelete
  10. Miyaad weyday qof asal ahaan Soomaali ah oo isagoo saaxafi wargeys soo saara, haddana noqday siyaasi - ama ma ogid ama ogaan ayaad ud iiday in aad u soo qaadato- Haddii aanad ogayn, Axmed Yusuf Ducaale . Saxafi ayuu ahaa, waxaanu noqday siyasi xiligii Jamhuuriyadii Soomaalida - halkan ka eeg https://history.state.gov/historicaldocuments/frus1964-68v24/d320

    ReplyDelete
    Replies
    1. Runtii xilligaa maba ka fekerin. Waxaa jiray Ismaaciil Jimcaale oo berigaa soo saari jiray Wargeys oo ka dib noqday Xildhibaan iyo Wasiir. Sidoo kale, Xasan Ciise ayaa Somaliland ka noqday Madaxweyne ku Xigeen. Laakiin aayar dagaalka sida xun keliya ha u fekerin. Xusuusin ayaa igu filan.

      Delete
  11. Soomaaliya qofka waaya aragaa fursad masiiso ee waxay fursad siisaa midka aan wax uu og yahay aysa jirin dal iyo dad toona, mudane waxaad tahay waayo arag wax badan soo marey.

    ReplyDelete
  12. Mahadsanid mudane
    Koley anigu qorma kasta ood qortid aad ban wax uga fa,iida Akhrinteda waan kuraxaysta anoon ubahnayn inay igadhamatana way iga dhamata.

    ReplyDelete
  13. Mahadsanid Yusuf Garaad
    Mudadaas Dheer eed BBCda ka shaqaynaysaa ana Dhagayste ayaan ka ahaa, waxaana Qirayaa Laanta Afsoomaaliga inaad meel sare gaarsiisay Waliba dhinaca xiisaha wararka iyo wareysiyada, alla maxaa dadku jeclaa Bariga

    ReplyDelete
  14. Waa qormo anfici karta qofkasta oo ku wareersanaa halka ay isku jiraan mihnadaha Saxaafadda & Siyaasadda mhdnsnd Mudane.

    ReplyDelete
  15. Aad ayaad u Mahadsantahay yuusuf. Marka laga so tago (xiriirka caalamiga ah) oo ah shaqo toos ugu hoobaysa siyaasada iyo Dawladaha. Hadana dhamaan hay'adihii warbaahineed eed ka shaqaysay waxay ahaayeen Hay'ado dawlado leeyihiin oo gudbiya ama iibiya siyaado gaar ah taasi waxay qofka ka shaqaynaya baraysaa culuum siyaasadeed oo aan class lagu dhiganin.

    ReplyDelete
  16. MashaAllah Mudane wasiir, Ambassador Yusuf Graad!

    Waxaa gaaratay guul weyn ee gobal ka dhan wax ubtartay, gaar ahaan qaran ka Sooomaaliyeed.

    Sky is the limit!

    Hambalyo Mudane wasiir!

    Mohamed Abdirizak

    ReplyDelete
  17. Waxaa kale oo la mid ah xirfad walba. Tusaale ahaan, Donald Trump wuxuu ahaan jiray ganacsade caan ah. Hada waa madaxweynaha Mareykanka.

    Aniga shaqsi ahaan aad ayaan ula dhacsan ahay aqoontaada iyo khibradaada. Dadka uu dalkan aadka ugu baahan yahay ayaadne ka mid tahay.

    Waxaan rabay in aan ku weydiiyo su'aal mawduuca ka baxsan oo aan aad ugu baahnaa in aad iiga jawaabto.

    Barashada luqadda Faransiiska in aad ka tala bixiso sida ugu sahlan ee lagu baran karo ayaan rabay. Hadii aad heli karto buugaag ama cajallado in aad igu saacido.

    Mahadsanid mudane.

    ReplyDelete
  18. Dadka ku leh maxaa kuu geeyey, waxay u haystaan inaad saxaafada uun baratay, markaas way kaa saxsanaan lahaayeen, lakin hada waxaad u sheegtay inaad cilmi kale na baratay oo siyaasadu kamid tahay. Mahadsanid

    ReplyDelete
  19. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  20. Garaad cilmiga aad baratay in aad dalkaaga iyo dadkaaga ugu deeqdo qofkii kuu diiddan waa maangaab, saxaafaddu maaha mikroofan oo kaliyaata.

    ReplyDelete
  21. Aad io aad Mudane Yuusuf Garaad Waad Ku Mahadsantahay Sida Wacan Ee Aad Inoola Wadaagtay Qoraalkan Qiimaha Badan Inbadan Mahadsanid Mr.Garaad

    ReplyDelete
  22. Mudane waad u qalantaa in aad na hugaamiso waayo waxaad tahay qabiir bulshadu u baahantahay

    ReplyDelete
  23. Wllo Yuusuf Garaad Cumar
    waxaan ahay suxufi waan qabaa in wariyuhu siyaadasada ku haboon yahay,waayo suxufigu waa shaqsiga lafa gura oo shaandheeyay hadaladda siyaasiinta ama madaxdda u direyso bulshada.
    wariyuhu waa siyaasi dhameystir,fikirkaaguna waa mid aniga igu jiro saxaafada siyaasada ayaan uga digo rogandoonaa mustaqbalka.

    magaceyga Ridwaan Caydiid Ismaaciil Akiid
    email akiid14@gmail.com

    ReplyDelete
  24. Mahadsanid mudane #YusufGarad

    ReplyDelete
  25. Mahadsanid mudane #YusufGarad waxadtahay taariikhda nool

    ReplyDelete
  26. Aniga aad baan kuula dhacsanahay Siyaasadada iyo Qibrada aad leedahay inaatahay Wariye Rug cadaa ahaa, Diplomacy buuxa tahay, Siyaasi Aqoontu hagta tahay ayaan aaminsanahay, waxaa kale oo aan aaminsanahay Inaad kamid tahay Dadka Somaaliyed Dadka ugu aqoonta Iyo waayo Aragnimadan somaliya
    Siyaasadu malahan hal wiji lakin Siyaasadu waa wijiyo badantahay waxaana tahay Nin taxliilikaro Jihada siyaasada

    ReplyDelete
  27. Waa Qormo aad u xiiso badan, oo koobeysa Taariikh Mihiim ah oo aanan horay kaaga aqoonin iyo Waayo aragnimo dheer oo aad ka soo baratay waayahaagii nololeed.
    Thanks jaalle Wasiir.

    ReplyDelete
  28. You are amongst the gold that Somalia is In search off kindly back off from all the intimidation and keep going, the sky should be your limit and one day history will read you

    ReplyDelete
  29. qofka wariyaha ah waa xog-ogaal siyaasadeed waayo wuxuu wareystaa Siyaasiyiinta waxbadana ka ogyahay. Runtii Musharixiintii madaxtinimada 2012 Soomaaliya, musharaxa keliya ka taageersana baad aheed anoo ogeyn intaano wariyaal Madax soo noqotay Caalamka.

    ReplyDelete
  30. Mudane siyaasad cid kaaga wanaagsan wali maba arkin hufnaan shaqo , khibrad, waad leedahaye horay u soco ��

    ReplyDelete
  31. Waxaa laga yaabaa dadka qaar in ay wali aaminsan yihiin inaad xirfadii wariyenimo wali ku shaqayso, iyadoo ay isu qaban weydey halbeegii ay ku barteen wariyeyaasha rugcadaaga ee aad ka mid tahay ( madaxbaani iyo dhexdhexaadnimo) iyo siyaasada aan jahaysneyn ee dalkeena.....

    ReplyDelete
  32. Yuusuf garaad
    In aad horey usocoto waa mid adiga ku anfacayso dadkana aad wax ugu qabanayso maxaayeelay Somalida intii wax taqaani hadaysan wax qaban(shaqayn) Wax umaqani majirto Wadku mhadsanthy dhaqdhaqaaqaaga siyaa sadeed
    HOREY USOCO MUDANE MAHADSANID

    ReplyDelete
  33. Runtii waa taariikh xusideed mudan waadna ku madsantahay si fcn ee aad noola wadaagtay waayahaaga aqooneed

    ReplyDelete
  34. Si cilmiyeysan ayaad u sharraxday. Dhallinyaradii ku weydiisay su'aashana waxaan filayaa in ay aqriyeen oo ka qanceen.

    ReplyDelete
  35. Aniga aragtidayda Somalida way iska dhaliilo badantahay, ma jiro wax kaa hor istaagayo in aad wadanka dhan madaxwayne ka noqoto kaliya qofka laguma qiimayn karo waxa uu horay u soo ahaa adiga iyo kartidaada iyo sida aad shacabka u kasbato unbay ku xirantahay ,lavadi xil eed soo qabatayna wax dhaliil kagama aadan tagin waliba markii wasiirnimada lagaa qaaday maadan noqon mucaarad wax dumiya ee si sharaf leh ayaa u aqbashay in xilku meerto yahay waadna ku mahadsantahay hankaaaga rumee horayna u soco Yusuf Gataaad

    ReplyDelete
  36. Mr yusuf somalida dacaayada ayey iska jecelyihiin iyo ney sheekeeyaan, waxaana nahay sida aduunku kusifeeyey Oral society oo ah dad afkooda maala. Laakin waxaan aamin sanahay inaad ugu mudantahay inaad wadankan hogaamiso. Khibrad, caqli, siyaasad aqooneed, dad somalida dhaqankooda kawarheyntood qof kaa badayi ma badna. Hakadaali sxb inaad waxaad ku hammineyso ee danta somalida kujirto aad gaarto. Thanks for the article.

    ReplyDelete
  37. Mudane wasiir ahna wariye hore yuusuf garaad mudane ani aragti ma wato laakiin dhiiri galin ayan ku wadaa horay u soco aqoonyahan lagu dayan karo aya tahay waxyaabo badan waad no iftiimisay inta badan qormadada wan akhriya waana dhamaysta alle ajar haka siiyo shaqada inta badan aad wadanka u qabato inta badan siyaasi hore aya tahay oo lagaga dayan karo ayan is leeyahay xil intii laga qaaday an inta badan xilkisa aan ku xirin ama an eedayn uso jeedin madaxdiisa balse kusi amaanay kuna sii dhiiri qormooyin badan wax ku tusay dadkiisa arrinkaas wa lagaga dayan kara ayan is leeyahay mahadsanidi mudane��

    ReplyDelete
  38. Masha Allah thanks qoraalkaga waxan ka hele dhhira galin weyn waan jclahe inaan ka muuqdo siyasadda waana ka niyad jabsanaa runti dadyawga su aashaas ku weydiiye malaha waxay ka xumayeen xirfadaada guulayso meelkasta aad joogto waxan kaa codsana qoraldaaada inaad ku darto topic dhiira galinta dhalinta mahadsanid

    ReplyDelete
  39. Waad mahadsantahay walaal waxaan rjeeynayaa in aad jawaab waafiya aad siisay waa haadii qanac jiro
    Walaal waxaan kaa rabaa meel aan kahlo sheegadii Laanwaalay

    ReplyDelete
  40. Yuusuf mudane waxaad tahay shakhsi ay ka muuqato aqoonta uu mudada dheer baranayay/akhrisanayay, waxaan aad ugu riyaaqay sida habsamida leh oo aqoonta iyo waaya aragnimada ku salaysan oo aad u qanciso cid walba oo isku dayda inay eed iyo naqdin kuusoo jeediso

    ReplyDelete
  41. Masha Allah jawaabo saliim ah ayaad siisay

    ReplyDelete