Total Pageviews

Tuesday 11 June 2019

Madaxweynayaal, ka Quusta in aad ka Quusataan

Waa farriin u socota Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ku shiraya Nairobi.

Mudanayaal, Madaxweynayaal, iga hooya salaan Soomaalinnimo, salaan saaxiitinnimo oo Muqdisho ka timid oo aan khadka idiin soo marinayo.

Waxaan qiyaasayaa Ramadan iyo waddac ka dib in aad quraac wanaagsan qaadateen, qadaduna ay idiin soo carfeyso. Allah ha idiin daaweeyo. 

Waan ku kalsoon ahay in aad maanka ku haysaan in aad u maqan tihiin Soomaali qaarkood badani aanuu labada midna haysan.

Walaalayaal waan jeclaa in shirkuunnu uu ku qabsoomo dalka gudihiisa. Waxaan ku kalsoonahay in aad idinkuna sidaa jecleydeen. Ma dhicin. Sababta idinka ayaa iga og.

Waan ogahay Dowladda Federaalku dhaliil, laba iyo ka badanba in ay leedahay.

Ma ahi dadka ku soo baraarugay muranka hadda ka dhashay shidaalka iyo madasha doorasho ee mid ama laba Dowlad Goboleed ku soo fool leh iyo Hannaanka doorashada Federaalka. 

Intaa ka horow, waan la socday khilaafka. Waan ogaa in ugu yaraan mid idinka mid ahaa xilka looga tuuray si aan munaasab ahayn. Waan ogahay murashax fursadi u muuqatay in uu xorriyaddiisa ku waayay dembi aan hore loogu eedeyn. Waan ogaa in dhiig Soomaaliyeed iyo mid shisheeyaba uu ku daatay. 

Waa ogahay mid kale oo idinka mid ah muddo dheer lagu hayay xasillooni darro siyaasadeed oo, aragtideyda, Federaalku haddaanuu curinteeda lahayn uu ugu yaraan hurinteeda ku lug lahaa.

Khilaafkaas oo markii uu billowday aan ka dhowrsaday iskana diiday in aan ku dhexmilmo, waa tii mar dambe warqad ka soo baxday Wasaarad aan Wasiirkeedu ka raalli ahayn la damcay in lagu kala diro Dowlad Goboleed. Taasi waxay qeyb ahaan sabab u noqotay dhismaha Golihiinna iyo shirkii Kismaayo.

Waan qabaa in dhacdooyinkaas ay Puntland doorashadeedii gayeysiiyeen in ay irdaha ka xirato Mas'uuliyiinta Federaalka inta tabarteed ah. Waa tallaabo aan Soomaali ku farxi karaa jirin, haddana qiil haysata.

Federaalku marka uu ka habaabo waddada, kana xishoon waayo xadgudubka noocaas ah, intii uu jiho khalad ah u xawaareyn lahaa waan qabaa in la joojiyo. 

Isla mar ahaantaas, waxaan qabaa in Dowladda lala shaqeeyo.

Waliba hadda oo awood-yari, culeys badan oo gudaha ah iyo culeys ay Dowlado na saareen intuba ay Soomaaliya ku goobteen, waxaan qabaa in aan la wiiqin Dowladda ee garab iyo gaashaan loo noqdo. 

Haddana waxaan qabaa in Dowaldda lala xisaabtamo. Waliba si adag. Si la mid ah sida ay iyaduba xaq ugu leedahay in ay idiinla xisaabtanto.  

Waxaan qabaa in mooradeenna dhexdeeda lagu xisaabtamo.

Heerka uu khilaafku hadda gaaray iyo xilliga uu ku soo beegmay, midkoodna uma roona hanaqaadka Dowladnimadeenna curdunka ah. Labada midna ma sahlayo kor u qaadidda kalsoonida uu shacabku ku qabo Dowladda aad idinku ka midka tihiin Madaxdeeda.

Ma qabo in khilaafka hadda idiin dhexeeya looga sii daro. Mana qabo in uu sii jiitamo. Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan.

Ma qabo in khilaafka looga sii daro, oo caasimado shisheeye loo raro, sababta oo ah ma xammili karno, waana ka soo kornay shir Soomaaliyeed oo ka dhaca dal shisheeye.

Ma qabo in khilaafku uu sii jiitamo, waayo wakhtigu waa warmoog oo kama warqabo khilaafka. Wakhtigu uma hakanayo xalraadin ee sidiisii ayuu u xawaareynayaa kol dhowna wuxuu na geynayaa xilliga doorashada.

Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan.

Waxaan qabaa in majliska minankeenna sharafta leh lagu dhex murmo.

Waxaan qabaa in aan Gobol keliya loo fakarin ee heer Qaran loo fekero. Gobol badbaadayaa ma jiro haddaan Qaranku badbaadin. Gobol keligii horumar weyn oo taabba-gal ah sameyn karaana ma jiro.

Muqdisho marti kama tihiin. Waa caasimaddiinna. Waxaan qabaa in aad timaaddaan, Madaxweynaha iyo Madaxda kalena aad la gorgortantaan.

Ma fududa. Laakiin yaa yiri arrimaha Soomaaliya ayaa fudud? Yaa yiri sida dal dib loogu dhiso ayaa fudud?

Mar kasta oo ay sii dheeraato muddada la kala maqan yahay, wakhtiga doorashada ka dhimmani isaga oo aan ka warqabin khilaafka uu ku xawaareynayo hoos-u-tiris aan la hakin karin, kala fogaashuhu wuu sii qoto dheeraanayaa, wuuna sii xoogeysan doonaa. Labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo, wuxuu mid waliba ku go’aan qaadan doonaa tuhun, xumo-filasho, baqdin iyo yaan lagu gaadin.

Madaxweynow, intaas midkoodna ma aha waxa ay kaa sugayaan dadka ku doortay.

Fool-ka-fool in loo wadahadlo waxay keeni kartaa isu soo dhowaasho iyo in xal la gaaro. Waan ogahay Garowe ayaad isku daydeen in is-af-garad la gaaro. Laakiin inta khilaafku uu taagan yahay, wakhtiguna xawaareynayo, ma ahan in laga quusto is arag iyo wadahadal oo ah dariiqa keliya ee idiin furan.

Haddii aad xallin weydo mushkiladda, ugu yaraan garawshiyo ayaad ka heli doontaa shacabka, waa haddii aad gar leedahay, bulshadana aad la wadaagto.

Waad ogtihiin markii aad idinku ku baaqdeen shir, oo Madaxweynaha aad u yeerteen in uu idiin yimid. Keliya ma aha ee in uu hore u soo waday Wasiirro dhowr ah iyo Hormoodkooda.

Waxba kuma jabna ee waa geesinnimo iyo Soomaalinnimo in aad martiqaad la'aan aad idinku u timaaddaan.

Si gaar ah waxaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi xusuusinayaa, fursadda gaarka ah ee isaga u furan. Madaxda kale hore ayay isugu soo daaleen. Wejiga ugu cusub Madaxweynayaashu waa adiga. Doorasho la isku khilaafsan yahay kuguma soo socoto.

Dowlad Goboleed guun ah oo miisaan siyaasadeed iyo khibrad isku darsatay, dhulkeeduna inta badan badan uu nabad yahay ayaad Madax ka tahay. Nin dhallinyar oo mustaqbal hoggaamineed leh, Puntland iyo ka weynba waad tahay. 

Mas’uuliyad gaar ah ayaa kaa saaran xallinta khilaafka. Mas'uuliyad keliya ma aha, haddii aad guul ka soo hoyso, waa dhigaal qofeed oo kuu yaalla Baanka Dhexe ee wanaagga ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hal Soomaaliya ayaan wada nahay.

Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan wadahadal. 

Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan Dowladda. 
Waayo mid kale ma lihin.

72 comments:

  1. waa talo waaya aragnimo iyo aqooni ay wehliso waad ku mahadsantahy mudane garaad waa xaqiiq ineysan jirin cid kaligeed wax noqon karta hadii uusan qaranka soomaaliyeed wax noqon waana tan ay munaasabka ku noqotay in danta gaarka ah laga hormariyo midda dalka ee guud

    ReplyDelete
  2. Waa kaga mahad naqa qoral kaga qimaha badan wana talo fican wase in la is weydiya maxa kalifay in mel kale lagu shiro maxa se kalifay in madaxda dowlada dhexe danahoda shaqsiga ka racdan fool xumadan mesha talo malin walbo mar kale waa mhdsnthy wariye sare.

    ReplyDelete
  3. Masha Allah waad ku mahadsantahay teladaada wanaagsan, iyagana Alle haka dhigo kuwo qaatey.

    ReplyDelete
  4. Yuusuf garaad inaad mid mid u xiriiriso fursad ma u heli kartaa si aad fariintaan quruxda badan u gaarsiiso

    ReplyDelete
  5. Waan ka quustay inaan somalia ka quusto��������������������������

    ReplyDelete
  6. Waxaan jeclaan lahaa midkood madaxda dowlad goboleedyada iney akhriyaan, si gaar ah Madaxweyne Denni. Mahadsanid Mudane Ex Wasiir Yusuf Garad

    ReplyDelete
  7. Yusuf Garaad Somali federal dheh ama gobol waa isla caqligii iyo dadnimadii haddii shacabka maamul goboleedyada LA xisaabtami lahaa dadka madaxda u ah waxaa hagaagi lahaa federal,dhibka jira maamul goboleedyada dantooda kama badna rabitaanka ninka madaxda ah mustaqbalkiisa iyo maalka uu heli rabo,uma maqna dan shacab taas ayaa keenaya inay sheekada sii daba jiitanto,lalama xisaabtamin Damjadiid waxay keentay in N&N gadaal u cabsanayan isku soo duub dan shacab looma maqnee arintu waa nimanka qaydka isku haysta hooyadood waa mudhaas,Deni LA hadashay laakiin Deni cadaadis shacab mahaysto nin walba waa practise dhinaca siyaasada waa hadaan kooyay.

    ReplyDelete
  8. Wad ku mahadsantahay mudane taladaada. Balse waxey ila tahay madaxda maamul goboleydyada doonaya iney Kenya ku shiraan ineysanba dan iyo xaajo ka laheyn khilaafka udhaxeya Dowladda Federalka iyo Kenya. Waxase suurtagal ah in Dowladda Kenya eey ku lug leedahay khilaafka xoogan ee u dhaxeya mamulada qaar iyo Dowladda federalka

    ReplyDelete
  9. Masha allh waa talo fiican

    Oo dhaxal gal ah
    Waxaana rajeynayaa iney qaatan
    Madaxda maamul goboleefyada

    Ilaaheyna ha waafajiyo towfiiqda
    Soomaaliyana ilaahow isku soo dum

    ReplyDelete
  10. Waa talo qiimo leh oo Somalinimo u sal tahay. Laakiin waxaan is leeyahay qof go'aankiisa kusocdaa wax uu ku diidaa majirto haddii aanay faraha kula jirin 'external non-somali interference'.

    ReplyDelete
  11. asc magacaygu waa Hussein abdulahi noor(ducaysane qays) waan soo dhaweenayaa hadalka ex sacaadatu wasiir Iyo wariye hore ee BBC laanta afsomaliga mr yusuf garad waana kugu garabtaagana talada qiimaha badan ee sida diplomacy nimada,wadani nimada iyo somali nimadakudheehantahay ugula taliday madaxda maamul goboleedyada waayo ceeb ayey nagutahay inaan qilaafayaga la aadno dowlad boobayso badda iyo biriga somaliyed waana wax laga xumaado taa wlahi.

    ReplyDelete
  12. Mahadsanid ex wasiir iyo ambassador waxan kuso jeedin laha adiga iyo dadka kula midka ah ee wadanka lex jacladu ka heyso isla markana wax galka ah inaad u istaagtaan xalinta arintaan Lana dhiso majlis lagu mideeyay dadka haldoorka wadanka ah qeybahiisa kala duwan una istaagaan arintaan in labada garab ee is diidan wadan faraha looga qaado waa gaabis shacbi ah cidda gar darane meel logaso wada jeesto mahadsanid markale

    ReplyDelete
  13. Haddalo wanaagsan o mizaan leh ayaad nala wadaagtay mudane Yussuf waxaan rajeeynayaa ineey gaari doonto Fariintaan qiimaha badan oo ka turjumeeysa baaxida Somaalida oo idil, Allah tusiyo xaqa.

    ReplyDelete
  14. "Ka quusta in aad ka quusataan heshiis"

    Waa talo macquul ah waxan rajeynyaa in ay ku dhaqmaan taladaan

    ReplyDelete
  15. Waa talo aad iyo aad u wanagsan mahadsanid sida aad oga hadashay waxa aan marnaba nahuri doonin.

    ReplyDelete
  16. way feecnaan lahayd inay kushiraan wadanka gudihiisa ,shacabka Soomaaliyeedna oo aan kamid ahay kufarxi mahayo inay shir u aadaan ama kushiraan wadan xasarad naga dhex abuurantahay dadkeenana bahdilasa,Waxaanse kasii jeclaan lahaa madax maamul goboleedtada Nairobi kuyaacaya in ayaga Kenya kuxirxirto Airportkooda ama xabsiyadoodu saa waxay samaynayaan waa cadaw kalkaalnimo.

    ReplyDelete

  17. Heerka uu khilaafku hadda gaaray iyo xilliga uu ku soo beegmay, midkoodna uma roona hanaqaadka Dowladnimadeenna curdunka ah. Labada midna ma sahlayo kor u qaadidda kalsoonida uu shacabku ku qabo Dowladda aad idinku ka midka tihiin Madaxdeeda.
    Mr-garaad waad ku mahadsantahay talada wanaagsan ee aqoonta io hufnaantaba leh waaya aragnimadaadana ay khibrad kuu dheertahay
    Ayagana allaha garansiyo waanadaas iyo waliba caqligaa adiga iyo somali kaleba ku jirta mahadsanid

    ReplyDelete
  18. Walaalkeey yuusuf garaad nimankaan haloo kala dabqaado.

    ReplyDelete
  19. Shirka Madax weynayaasha Dowlad Goboleed yada Dalka Kiiniya, waxa ay cadday naysaa sida ay soomali u kala fogaatay ee aanay u heshiin karayn.

    ReplyDelete
  20. Aad Ayaan Kaga Mahad Celinayaa Mudane Qoralakagan
    Runtii Waxan Qabaa inuu Kuu geli Doono Baanka Xauusta Somalinimo
    mar Kale waxan kugula talin laha Taleefan kuwada hadal sii
    Madaxda Federaalka iyo Kuwa Dawlad Goboleedyada

    ReplyDelete
  21. Waa waano hadey umada somaliyed u daneynayaan.

    ReplyDelete
  22. Waa farriin iyo talo walaaltinnimo iyo Soomaalinimaba leh oo bilaash ah.

    Qodobka aadka ii soo jiitay ayaa ah,in aynu mooradeenna ku wada xaajoonno,ku garnaqsanno,kuna doodno iyadoon hoos loo fara-xalanayn.

    Mahadsanid Yusuf-Garaad.Alle ha kuugu abaal gudo wax u dhigma(taladaada).Madaxdeennana Alle ha solansiiyo.

    ReplyDelete
  23. Maamumul goboleedyadu waa dabinka mustaqbalka loo dhigay midnimada iyo hormarka Soomaaliya.

    ReplyDelete
  24. Waxaa rajeyna mid ama labadood in ay dhageestaan talooyinkada kana baqsadan shirkan iyo waqtiga lagu jiro adag , iyo dalka lagu qabanayo cadaw run ah maanta somalia Ku noqday

    ReplyDelete
  25. Waxan aminsanahay inaad sheegtay hadal qiima badan waxana kugu magac darayaa siyaasiga dhanta ah ee xog ogaalka ah miyi iyo magalaba waayo qaabka aad wax usheegtidna kudayasho ayuu mudanyahay mahadsanid onbadan
    Lkn sual ayaan qabaa fikirkada inaan kaweydiiyo
    WHY SO MANY INCOMPETENT MEN LEADERS AND HOW TO FIX IT?

    ReplyDelete
  26. Waa waano iyo talo katimid qalbi qof wadani dhab ah leeyahy dal iyo dad-na jecel Waxana isleyahay waxaa qadan kara qof qalbi iyo damiir wadani leh unaxayay dalkiisa iyo dadkiisa kana hormariya danihiisa gaar-ka ah mida guud. allah fahansiiyo qof walba ey quseyso wanada iyo talada isku jirta. Mahadsanid #Yusuf Garad

    ReplyDelete
  27. waano iyo talo aad u qiimo badan ayaad siisay dhamaantood,
    laakiin waxaad afka ka dhawrtay in ay ku shirayaan Kenya oo qatar ku ah jiritaankeena taasina ay u muuqato in ay Soomaaliya hagar daamadeeda qayb ka yihiin,
    sidoo kale waxaad afka ka dhawrtay eedaha ay leeyihiin Maamul goboleedyada qudhooda, taas oo muujinaysa in aad ku hadashay luuqad mucaarad oo yara dabacsan,
    sida aad u soo bandhigtay eedaha dawlada oo hadii aysan wada sax ahayn inteeda badani sax tahay, u soo bandhig eedaha maamul goboleedyadu leeyihiin, oo dhaafsiisan inta aad talada ka siisay hada,
    ugu dambayn waxaad tahay qof qaran waxaan aad kuugu taageernaa dhexdhwxaadnimada siyaasadaha wada qaldan ee Soomaalida, in aad booskaagaa aadan nagu banayn ayaan kaa filanaynaa,

    ReplyDelete
  28. Magac waa abdiaziz Mashalh Yusuf garaad waa mahadsantahy taladada aad u soo jeedisey madax goboledka waxaad sheegtey waa sax aniga waxan ku darsanaa hal arin oo ah
    In madaxda federalka ay ka shaqeeyaan isku soo dhawaasho hadii ay awoodin yey sii hurinin runtii waxa aragnaa hadii shacabka nahy akbar badin at wadaan 2 qof wadanka ugu sareyso.

    ReplyDelete
  29. Waa talo aad u wanaagsan loona baahan yahay in dhinacyada ay sida tooska ah ugu socoto ay qaataan.

    Talo kadib, waxaan rabaa inaa muujiyo
    1.Waa maxay waxa ay higsanayaan hadii wadan aan sharafta somaliya siduu yeelay aan ognahay?
    2. Maxay ku kala dugan yihiin madaxweynayaasha Maamul goboleedyada iyo madaxa loo diiday kenya?
    3. Madaxweynayaasha maamul goboleedyadda ayay u adeegayaan soomaaliya mise kenya?


    ReplyDelete
  30. waa aragti wanagsan oo ninki qaato uukuqasarenin.

    ReplyDelete
  31. waa talo wanaagsan hadii ay qaadanayaan madaxweynayasha soomaliyeed

    ReplyDelete
  32. waa aminsanahay in karati,aqoon iyo xilkasnimo kugu jirto qaar badan adiga ku lamid ah micnaha siyaasi ah ka quusteen dowladnimo markaas ay is ku qanciyeen goryo, gawaari iyo lacag farabadan ka tacbaan siyaasida somaliya iyagoo aamisan in marna somaliya xalkeedu imaaneen aniga iyo qaar kale oo adigu aad ka mid tahya aa filaayo waxaa aaminsanahay in qeyrkeen aa hormuud u noqon doono.
    waana kaaga mahadcilinayaa arigtidaada,
    saliimka ah

    ReplyDelete
  33. Maasha allaah waa talo iyo aragti wanaagsan, waxaanse jeclaa in nimankaa aad la hadlayso maqlaan, maqliba maayaane. Waxaan jeclaa inay fahmaan inay guri cadow isku balansadeen, fahmiba maayaane.. Alle weyne xaqa ha tuso..

    ReplyDelete
  34. masha.alaah waa talo dhaxal gal ah mudane, mida kale xilligan qatarteeda ayay leedahay inay #kenya ku shiraan

    ReplyDelete
  35. Runtii qormadaan waa mid aan kugu bogaadinayo oo aad looga dhowray wax turxaan ah innaba ha le'ekaatee.

    Waxaan aad ujeclaan lahaa hadiiba ay dhici karto tilmaanta aad bixisey ee ah in MD Siciid Cabdulahi Deni uu heysto fursad labaad oo markale la iskuso horfariisin karo Df iyo Madaxda maamul goboleedyada si xal waara loo gaaaro.

    Anigu dowlad ma arag, kumanasoo barbaarin waxtarkeeda balse waxaan qiirooda markaan daawado wanaagii dowladii dhexe ee Somaliya iyo tan wadamada Jaarka nala ah.

    Ilaahey waxaan ka baryeynaa in quluubta Dadka Somaliyeed burcad isku mariyo, ilaahow adaan baryadaada laga quusane quluubtayada quusta iyo khilaafka kasaar oo mar uun isku dan naga dhig.

    ReplyDelete
  36. Waa tal mug iyo miisaan oo isku jirta tusaaleen , talo , waano , xal intaba waan ku mahadsantahay mudane wasiir , intaas waxaan ku daryaa dalkaan waa dal mudo burbur uu kajiray waxkastan waxey ku dhaceen gacanteen waxaa noo baanhay madax salaax, sharci iyo haayado xoogan, waxaan u baahnahay dastuur ka turjumi kara qiyankeen dhaqankeen iyo diinteen , waxaan u baahanhay hogaamiye karti u lehe xal iyo tanaasul oo xaldoon ah , madxada maamul goboleydayda waa fiicanaan laheyd iney miisaan isi saaraan argtidoodan noqoto argti soomaaliyeed illaah ha tuso iney, Soomaali soomaalibaa lehe maalin ayaan qiyamkeen iyo sharafteen soo ceshandoonaa , mana kaniyad jabeeyno midanimad soomaaliyeed insha allaah

    ReplyDelete
  37. Yusuf garaad Omar walal aad baad u mahadsantahay qormadaadan qiimaha leh ee aad dalkaga dantiisa ku tilmaamayso.
    Walal hadaan isku day aragtidayda waxaa nahaysta sadex dhibaato oo kala ah.
    1. Madaxda soomalida heerkay donaan ha ahaadeene marka ay kursiga fadhiyan waa wada kaligood taliyayaal aan cidna u nixin dhamaan arimaha la isku hayo ee u dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe kama marna dano gaara iyo u marid danta guud in lagu gaaro kuawa gara iyada oo shacabka loo muujinayo in iyaga loodanaynayo.
    2. Dowlada federalkahi waxay u egtahay mid hadafkeedu yahay kooxaysi iyo in ay dhamaan maamul goboleedyada gayso kuwa aan iyaga moye cid kale wax ka dhagaysan hadii ay waydana aan maamulkas siiba jirin taas oo ah nasiibdaro aad u wayn.
    3. Awaye baarlamanki labada aqal ee matalayey gobolada iyo maamulada maxaa loo waayey hal dowlad goboleed oo xubnaha labada aqal uga jira kulan igu yeerta oo hordhigta tabashooyin kooda maxasye maamuladu inta gudaha shir ku qabtaan aqoon yahanka iyo diyaasoyiinta dubad jooga ka dowlada u tusi wayeen tabashooyin kooda, maxaa wadamada dibada ee dariska ee faragalinta ku haya masiirkeena soomalinimo maalin kasta na hoostagay

    ReplyDelete
  38. Ascww Yusuf walal waa talo wax ku ool ah aad ayaan kaaga mahad celinayaa waqtigaad gelisey in aan qoraalkan sidaan uqurxan aad soo qorto shukran baaraka laa

    ReplyDelete
  39. Waa ceeb wallaahi in Saciid Deni oo aan Xamar imaanin uu Nairobi oo dal shisheeye ah dhawr jeer tagay sidii loo doortay.Xilligaan Xasaasiga ah shirkooda waxuu miisaan diblomaasiyadeed siinaa Kenya .Sida ii muuqato waa gooni isutaag miiran gebigood .Xamarna xikmad wax kuma waddo waloow ay siyaasadda arrimaha dibadda garwadeen ka tahay.Mahadsanid Yuusuf sidaad ula hadashay damiir laawe yaashaas xilka jecel .

    ReplyDelete
  40. Talada adaa ku noo we Riyadh kuguma noola
    Mudane ajir iyo xasanaad alle hakaa siiyo idanka alle

    ReplyDelete
  41. Yusuf garaad waa Mahadsan tahay. Somalidu waxay tiraahdaa xagalo geel wax gunti lagaliyaa ka wayn, sideedaba masirka umaddaan wax shaqsiyaad ama shaqsiba ku tagri falo way na gagaysiisay waa soo aragnay. Midna waa qabaa in danta dalka iyo masiirkiisa aan gorgortan laga galin waan qabaa lana isku xurmayn lugu kala xishoona waan qabaa mideeda kale arimaha masiirigaa maanta hadii la isku xurmeeyo ama lagu kala xishoodu jiilasheena mustaqbalka bay saameen ku yeelanaysaa sida ay anaga noo saamaysay. Mida kale dadku shacabka ah waa maqaatiyaal aduunka iyi ilaahay agtiisaba hadho marka ayaga ayaa laga rabaa in labada heer oo dooladood midii wax khaladay in la qabyo si kasta ha la isku abaabulee ama ugu yaraan dareen loo muujiyo in la darresan yahay cidii khaldan. Mideeda kale oo inta badan shacabka Somaliyeed ka maqan waa in ay dowladnimadda u yaqaanaan tan DF lkn xaqiiqda waxay gahay in uu qofka lagu daray Sharcigu yahay dowladnimada (qof+sharci=dowlad) isla markaasna tahay sadex dowladood tan federalka, tan Maamul goboleedka iyo tan dowladda hoose oo dhamaantood masuuliyadda ay wada leeyihin in ay isxurmeeyaan ay tahay.
    Arinta kale waxaan kaaga mahad celinyaa xogta aad hyso sidoo kalana waxaan kuu sheegayaa in ay masuuliyad ku saarantahay oo dalku xaq kugu leeyahay waxaan kaa codsanayaa in aad taladaada si toosa ugu biirisid DF in ay dalka u turaan una hogaasamaan sharuucda dalka.

    ReplyDelete
  42. Waa talo aad u quman darenkegana wadataaa.
    Mahad ayan kuu celinaya Yusuf garad sida wanagsan eed u sharaxday qadiyaa
    Midna dowlad goboledada ayan odhann.
    Wallall hadad wax tabanaysan,waxa wanagann inaad gurigiina dhexdeeda ku dhamaysann,intaad tagaysan guri deadwood..
    Mahadsanidin

    ReplyDelete
  43. Waa talo wanaagsan waxaana rajeynayaa iney gaarto oo ay hadana wax ka qaataan

    ReplyDelete
  44. Mashlh mudane meesheedii ayaad dhigtay waa talo iyo tusaaleeyn madaxda garawsan karaan fursada wali ufuran, xal soomaalinimo ahne wax ku xalin karaan.

    ReplyDelete
  45. Waa Talo Wanaagsan Balse Ragga ay ku Socoto iney Qaadan Doonaan ma Filaayo.

    ReplyDelete
  46. ASC mahad sanid yuusuf Garaad .
    waxaan rabaa in aan u sheego Hogaamiyaasha kooxeedyada cusub in lagaaray waqtigii dhamaad kooda Axmed madoobe waa ku daayaya XAFNA WAA KU DAAYAY waare Dabo geed ayaa ku haysta daniga MUUSE BIIXI iyo ALshaab ayaa ku dhagan .

    ReplyDelete
  47. Waa waad mahadsan tahay. Wuxuuna ahaa qoraal aad ku soo qortay luuqad aad heerkeedu u sareeyo oo ay ka muuqata ilbaxnimo iyo waayo aragnimo. Waa talo wanaagsan haddii ay qaadanayaan. Inkastoo mudane ay warbixintaada fahankeeda guud ka turjumayso mid xal raadis ah isla mar ahaantaana dhinac u janjeedha

    ReplyDelete
  48. Waa soo jeedin aad muhiim u ah aaway dadkii dhageysan lahaa oo wax kuqaadan lahaa Dano shaqsiyeed markaan kahor marinay danaha guud waa taa Nairobi nageeysay

    ReplyDelete
  49. wlhi abaaba dhamaan waa aqriyay qoraalkaga waana hadal dhab ah waana digniin iyo dardaaran mugweyn haddii ay yihiin dad muslim lehna qalbi ka naxa umadaan dhibeesan waa ay qadanayaan taladaan iyo wanadan haddii kale waaa hoogayaan dalkana godbay ku ridayaan

    ReplyDelete
  50. Sodon sano ayaad doowladnimada soomaaliya buris u wadatay iyo isku dirka umada dadkuna weey ku yaqaanaan wixi aad bbc da kawaday iyo shaqadii lagu dhiibayna oo wasirna waad ku fashilantay markii aad bbcda joogtay ayeey aheeyd inaad soomaalinimo ushaqeeyso

    ReplyDelete
  51. Talo wax ku ool ah waad siisay , balse aaway maankii wax maqli lahaa ee qaadan lahaa , heer waxaan gaaray aan naftayda ka shakiyo oo aan is iraa talloow hadii siyaasi noqoto oo dalkaada madax ka noqotid maankada wanaagsan ee imminka aad heesata miyuu kaa guuri sida kuwa imminka noo jooga 🤔

    ReplyDelete
  52. Waxey ila tahay in la siiyey talo iyo dardaaran ku filan madaxda Madaxda D/Goboleedyada waana kugu raacsanahay in aan Soomaaliyeed lagu gaarikarin wadan daris ama shisheeye oo hada asagana aan ku tuhmeyno fowdo iyo ficilo guracan waana ku mahadsantahay taladaada wanaagsan.

    ReplyDelete
  53. Haddii ay wax akhriyaan oo oo wax qaataan wax waad u sheegtay mudane.

    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  54. madaxda gobalada waxaa kadhib badan kuwa fila somaaliya kuwaas inta ey joogaan hasugin nabad iyo is fahan

    ReplyDelete
  55. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  56. Fariintaada waxaa ka muuqatey damqasho, dowlad Jaceyl iyo u naxid aad u naxeyso shacabka Soomaliyeed waadna ku mahadsantahay, balse dhanka kale markii laga eego, waxaa ka muuqatey marnaan (naïvity), xikmad xumo(lack of wisdom), doqonimo raagtey (absurdity) iyo u hiloobid aad u hilowdey xadgudubyadii dowladu kugu sameysay ( Victim of Stockholm syndrome ).

    Waxan saas u leeyahay ma aha in aan rabo in aan kuu gafo adiga, balse waxaan ka cabsaday dadka faraha badan ee ku taxan maqaaladaada xiisaha badan ee ay ka muuqato aqoon qoraanimo ee hufan iyo mid sheeko yaqanimaba( good story teller) in ay qaataan fikirkaa aad soo gudbisey oon u arko mid qatar ku ah yagleelka dowlad Soomaaliyeed oo hana qaada, maxaa yeelay xukuumada maanta jirta waa mid ku socota dariiqii kaligii taliyihii Maxamed Siyaad, mana aha mid wadahadal iyo isku tanaasul ogol. Hadaba, ma muuqato si ay dowlad goboleedyadu kula heshiin karaan dowlada federalka oo aan ahayn in ay isku dhiibaan aqbalaana in Soomaaliya ku noqoto xukun kaligii talisnimo oo leh dowlad dhexe oo kaliya. Madaxda Maamul goboleedyadu waxaan filayaa in ay aad kaaga fikir duwan yihiin leeyihiina go’aan qaadasho sare iyo xirfad hogaamineed, waxaanan filayaa marka laga tago af gobaadsiga iyo hadalada siyaasadeed in ay ka quusteen heshiis lala galo Farmaajo iyo Kheyre.

    1. Bal dib u milicso sidii qaabka dareyd ee dowladnimada ka fogeyd ee xilka lagaaga qaaday.
    2. Sidii Wasiirkii hore ee arimaha dibada Juxa xilka looga qaaday
    3. Sidii loo weeraray C/Cashakuur loona laayey dhalinyaradii iyo jawaabtii xukuumada ka bixisay arinkaa.
    4. Sidii Jawaari loo qoor qabtay
    5. Sidii Shariif Xasan xilka looga qaaday
    6. Sidii Qalbi dhagax loo dhiibey
    7. Sida Madaxweyne Xaaf loola dhaqmo
    8. Sida Heshiisyada Caalamigaa loo maareeyo iyadoo la baalmarayo dastuurka
    9. ...
    Fariinteydu waa: Xukuumadan oo is bedel laga sugaa waa mid aan loo fadhin ee waa in aan anagu badalnaa fakarkeena ogaanaana waxa kaliya ee Farmaajo/Kheyre fahmaan in ay tahay iska dhicin mid siyaasadeed iyo mid ciidanba hadii loo baahdo.

    ReplyDelete
  57. Qoraalada sidaan ah haddaa sii wadid ogow waxaa soo jilci-doona Qalbiyada aadka u adag ee diidan wada-hadalada, waxaaba suurta gal ah in Al-shabaab iyo Dowladda aay wada hadlaan ee sii wad,������

    ReplyDelete
  58. Waa hadal Ku dhehan soomalinimo waxan rajeynayaa in ey maqlidonan madaxda umadan somaliyeed wa kiilatay anagoo dhalinyaro ah wan Ku fahanay lkn waxa ayan daro ahan doonto hadii madaxdeni na mataleysay ey Ku fahmi wayahan waa guul no so hoyatay hadey Ku fahman wa gul daro hadey Ku fahmiwayan abayashen

    ReplyDelete
  59. Talo waayo aragnimo iyo Soomaalinimo ku dheehantahay

    ReplyDelete
  60. Wa qormo aad u qiimo badan Yusuf Garad Magaca Garaad wey ka muuqataa sida xikmadeysan ee aad wax u qoreyso ilaahow madaxdeen kuwa wax ku qata ka dhig hadalada qiimaha badan ee loo soo jeedinaayo

    ReplyDelete
  61. waxaan aad ugu faraxsanahay in wali dalkeenu leeyahay halyaay aan ka quusanin nabadeyntiisa.
    Qormadaani qiimiga badan waan rajeynayaa iney ugu yaraan wax uun ku qaadan donaan fikirkaaga saliimka ahi na waakaaga mahadcelinaya waana kugu deeysan donnaa insha Allah.

    ReplyDelete
  62. Amb Yusuf garad mahadsanid marka hore waxaa dhahday malagu shiro muwdisho? Muqdisho waa gob handaad aan lagu furi Karin food madax banaan madaxda federalka wexey mujisay gacan ka hadal aan ganbad leheen hubka ha dhigan qalinkana haku shaqeyaan
    Wexey madow galiyeen in umadan qadatay federal dowlada federalka eey wax walba ku hogamiso qasab hala joojiyo qasabka casimadana al babada haloo furo. Waan ku racsanahay madaxda maamulada iney ku shiran dibad si calamka uu arko ineysan muqdisho owlin hogaan lagu kalson yahay

    ReplyDelete
  63. Mudane Yusuf Garaad waad mahadsan tahay.
    Waxaana kuugu darri lahaa Talo ahana Aqoon yahanada Somalia in ay Doorkooda Qaataan oo Arintaa Dhax dhaxdin ka galaan Dowlada Dhexe iyo Gobolada.
    Waayo Cilmigu Waa Masuuliyad saaran Qofka Bartay aragti dheerna leh.
    Adiga ka Yusuf ahaan waxaa tahay Ummuliso Soomaaliyeed wax badan og Dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedba wax Xurguf ah aan kala dhaxeen.
    Waxaan kugula talin lahaaa kaalin muhiim ah oo aan qoraal ku ekeen in aad qaadato qofkii aad u aragto in uu wanagaas kula qaban karana u yeerato.

    Tusaalahaan sifiican u fiiri.
    Shirkii 2004 ee Kenya lagu qabtay Somaliada Imbagaati ayaa nin Qaabilsanaa Pratocolka Hallka shirka wuxuu kala so daahay Somalidii Furihii Roob yar oo shuux ahna waa da'ayaa xoogaa taagtaagna wa jira. Ninkii nafaada qaabilsanaa ayaa qofkaste ku dhahaya halkaan ka istaag waala nadiifinayaahe. Ayagooo koox koox utaagan ayuu yimid markii uu meshii furay ayuu dhahay so gala hada waa lasku buurtay albaabkii.
    Wuxuu dhahay i dhagaysta Soonaliyeey haye ayaa la dhahay wuxuu yiri yaa ii sheegi kara sheega noloshaada ugu qaalisan shib ayaa lawada dhahay. Wuxuu yiri anigaa idiin sheegaya ee i maqla.
    Sheegaasu waa Miraayada/madarada.
    Waayo hadii naftaada wax ka qaldan yihiin waa sheega kaliya ee ku tusin kara qaladkaas yacniin Style ku xisi kara.
    Marka Mantay waxaa idinkugu filan Miraayad Halka aad dhooban tihiin oo Wiilka nadaafada marba meel idinka kicinayay. Madax iyo majo intaba ee isa sax walalayaalow ileen waad is aragtaane.

    Marka walalow madaxweyneyaasha gobolada waad aragtaa kuwa dhaxana waad aragtaa eee bal inta wax taqaana ha isku dayaan in ay saxaaaaaaa. Ayagaa muraayad u ah.

    ReplyDelete
  64. Waa talo ay ka muuqato xeerin udamqasho iyo xog ogaalnimo waan kaaga mahadcelinayaa mudane qoraalkaaga qiimaha leh

    ReplyDelete
  65. Somalia waxay ku qasban tahay in ay maamul goboleedyo u kala danaysato ,hadaynu nool nahay yusufow taasi waad arki waa hadii sida hada farmajo iyo khayre wax uwadan ku socoto.
    Waa hubaal in dagaal qabiil konfur ka bilaabmayo waa hadii xaasidxaasidku sidan u socdo

    ReplyDelete
  66. Amb Yusuf mahadsanid, ta xigata waxaa ila quman in qoraalkaa qiimaha badan aad ficil u rogto, danta umadda waa in aanblagu eegan Madax federal iyo Madax Maamul goboleed, balse waa in kadiriinta Somaliyeed eed kow ka tahay aad isugu yeerto intaad Kari karto, ka dibna aad ka shaqaysaan qaabka ugu munaasabsan ee qsybahan isdiidan ugu yaraan isugu keeni kartaan, danta dalka, dadka iyo diintaba looga wada hadlo, illayn daawasho iyo maqaallo keliya dalka wax badan kuma Soo kordhinyaane, shukran. Ali shire

    ReplyDelete
  67. Mahadsanid mudane yuusuf garaad

    ReplyDelete