Total Pageviews

Friday 7 June 2019

Maroodiga Muqdisho!


Maroodi weyn ayaa Xamar dhex taagan! 

Ma arkin miyaa?
  
Keligaa ma aha. Qof aragtay ma jirto!

Ama aan dhahee qof qiran in ay aragtay ma jirto.


Ma qarsoona loomana jeedo. 

Meel islama geli karaan in Ganacsi uu canshuur siiyo Shabaab, u hoggaansamo awaamirteeda, Shacab uu caddaalad u raadsado, Dowladdu ay la noolaato xaaladda, haddana qarax la shareysto.

Maxay qaadan doontaa in aan isu qiranno runta na hor taalla?

Nin aan is naqaan oo Madaxda Sare ee dalka ka mid ah ayaa hadda ka hor ii sheegay sheeko. Ereyadeyda iyo tacbiirkeyga marka aan ku sheego waa sidan: 

Qaraxa Muqdisho kuugu horreeya waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo xagguu ka dhacay?

Midka xiga in aad tiraahdo qof ehel ama saaxiibkeey ah ayaa ku dhintay.

Kan kuuga xiga aad tiraahdo dirqi ayaan uga badbaaday. Marka xigta in aad ku dhaawacnto.

Kan kalena adiga lagaa sheekeeyo. Sheekadana lagu gunaanado, Allow u naxariiso.

Sidaas miyaan wada sugnaa?

Culeyska ugu badan wuxuu ku dhacayaa shacabka. Ha noqoto caasimadda dalka oo kala xiran, oo isu socodku aad u adag yahay ama ha noqoto halista qofku og yahay in uu ku sugan yahay. 

Mar kasta oo aan la qabsanno xaaladda oo aan la sii noolaanno, xalku wuu sii fogaanayaa. Qaraxa iyo dhimashaduna waa ay sii badan doonaan.

Howl aan ku hureyn, horaa loo fuliyaa. 

Ganacsatada canshuurta siisa Shabaab, wadaaddo iyo xataa siyaasiyiinta qaarkood gacan waa ay ka geysan karaan in la soo afjaro colaadda Shabaab. 

Soomaaliya nugeyl aan lagu aqoon ayay badeen dagaallada daba dheeraaday. 

Nama soo marin xilli aan uga baahi badan nahay in aan joojinno xabbadda Soomaalida dhexdeeda ah.

Maalinta runta na hortaal la qirto ka dib ayay billaaban doontaa raadinta xal shaqeyn kara oo laga gaaro Shabaab.

40 comments:

  1. Aragtidaadu waa ii muhiim. Fadlan ila wadaag haddii aad karto.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mudane Yusufow waanba garanay ganacsatada iyo shacabka qeybihisa kaladuwan in ay canshurta bixiyane, bal kawaran midka taliyaha ciidan ah, waziirka ah ama gudoomiye degmo siduu canshuurta usiinaa qolo kasohorjedo
      Hadaysan jirin Saaxiibtinimo hoose.Xaqiiqda ayaa midkasta inuu qandaraasle yahy waa fakirkeyga

      Delete
    2. Mudane maxaa diidaayo Shabaab wadahadal lala furo? waan aragnaa Talibaan oo intaas oo dowladood la dagaalameysay maanta inuu mareykanka wadahadal la furay.
      go'aanka u dambeeyo ee arrintaan Soomaalida gacanteeda kuma jirta miyaa ?

      Delete
    3. 5 MILLIONS IYO 200 MILLIONS KALA BADAN MUDANE
      Mudane yusuf Garad waa ku salmay
      Sida aan ognahay lacagta dowladu sheegtay in ay ka hesho dadweynaha iyo midda Alshabaab la sheegay in ay ka helaa dadweynaha waxaa u dhaxeeya farqi weyn iskaba daa haddii lagu daro deeqaha dawladaha shisheeye marka sadka (xoolaha) dawlada ayaa loo badshay eh sabab kale oo weli naga qarsoon ayaa jiri karta

      Delete
  2. Haddaan su'aal kuugu jawaabo, ma sahlantahay in dadka oo qof qof ah uu keeno aragti kadibna fuliyo kolkaasna loo tiriyo inta maalin ee go'aankaas kadib uu sii noolaado?
    Heerka qatartu taagantahay waxaa ku tusaya kuwa badan oo aragti haya ayaa ka gaabsan doona in faallo ka bixiyaan qormadaadan.

    ReplyDelete
  3. Mudane qof arkay miyaa mise qof aragtay?
    Masuuliyadu waa hogaanka dhaqanka koonfurta oo aad u liita

    ReplyDelete
    Replies
    1. Uma maleynayo in ay taasi sabab tahay. Hoggaanka dhaqanka Muqdisho waxaa u yaalla mas'uuliyad ka culus degaannada kale. Waayo degaannada kale waxay maareeyaan arrimahooda u gaarka ah. Laakiin Muqdisho xusuusnow waa magaalada keliya ee Dowladda Soomaaliyeed ay deggan tahay kuna shaqeysato. Marka arrimaha degaanka ee ay tahay in Duqeydu ay go'aanka ka gaaraan ayaa waxaa ku miliqsan kuwa Dowladda oo ay tahay in Duqa Qaranka iyo Duqeyda hey'adaha Dowladdu ay go'aan ka gaaraan. Waa miisaan xasaasi ah. Xaalad na soo martay dalkeenna oo khibrad laga helay oo looga daydaana ma jirto.

      Delete
    2. This comment has been removed by the author.

      Delete
  4. Yusuf heerka qatartu taagantahay waxaa ku tusaya kuwa badan oo aragti ka dhiiban lahaa post-tigaan ayaa ka gaabsan doona.

    ReplyDelete
  5. Somalidu runta loobahanyahay waa kagabataa. Al shabaab in shisheeye kushaqaysto wey qirsan yihyihiin oo waa isu wada sheegaan lkn taasi waa runsheegisteedu aysan micna weyn samaynayn.taas bedelkeeda waxay somalidu kagabataa runta loobahanyahay oo ah in shabaab shacabku lashaqeeyaan ,hanti ,cunto iyo hoyba siiyaan. hadana rabaan in alshabaab laciribtiro.cakuye al shabaab waa wan lanaaxinayaa si ulxiyada looqasho mise waa cudur dilaa ah oo aytahay inlaga hortago??

    Aragtidayda al shabaab dagaal looga adkaan maayo(waayo naga taageero badan, naga xoog badan nagana geesisan oo naga dhiiran)
    .xalku marka waa in lala heshiiyaa.weliba sidhaksiyaa.

    wabillaahi towfiiq

    ReplyDelete
  6. Somalidu runta loobahanyahay waa kagabataa. Al shabaab in shisheeye kushaqaysto wey qirsan yihyihiin oo waa isu wada sheegaan lkn taasi waa runsheegisteedu aysan micna weyn samaynayn.taas bedelkeeda waxay somalidu kagabataa runta loobahanyahay oo ah in shabaab shacabku lashaqeeyaan ,hanti ,cunto iyo hoyba siiyaan. hadana rabaan in alshabaab laciribtiro.cakuye al shabaab waa wan lanaaxinayaa si ulxiyada looqasho mise waa cudur dilaa ah oo aytahay inlaga hortago??

    Aragtidayda al shabaab dagaal looga adkaan maayo(waayo naga taageero badan, naga xoog badan nagana geesisan oo naga dhiiran)
    .xalku marka waa in lala heshiiyaa.weliba sidhaksiyaa.

    wabillaahi towfiiq

    ReplyDelete
  7. Anigu fikir ahaan waxaan isleeyahay muqdisho sirdoon bay ubaahantahay. Uma baahna wado la xirto, balse wax walba waxaa hortaagan baan isleeyahay siyaasiyiin aan rabin in tallaabo la qaado qabiilna huwan. Tusaale yar ragga hadda mucaaradka sheegtaa ma rabaan in dawlad aysan qayb ka ahayn ay hormar samayso, ayagoo ka cabsi qaba in dawladdaasi shacbiyad yeelato doorashadana lagaga awood roonaado. Gunaanadkii hadalkayga muqdisho uma baahna hayad sirdoon oo sida Nisa dadka caburisa ee waxaa la doonayaa hayado ushaqeeya sida FBI da oo kale guri walba udaata, gudoomiye yaasha xaafadahu la shaqeeyaan

    ReplyDelete
  8. Baahi qofwalbaa qabo oo us an goonidii u xalin karin ayay ka dhalataa baahida DOWLAD, oo laga rabo u adeegid, wacyigelin, jihayn iyo howlgelin shacabki ay u khidmaynaysay.

    Haddii ay dowladi gabto howshaas, awooddi shacabka ee la xisaabtan ama badalid si uun u kala dhantaalan tahay, shacabku waxay galaan marxaladda NIN WALBOOW MADAXAADA MAYRAX KU DUUBO ama NIN WALBOOW NAFTAA.

    Muddo ayay u shaqayn kartaa, ABID MAYA, markii ay shaqayn wayso ayay bilaabataa in dib loo Unko DOWLAD DADKA MATASHA oo u taagan qabashada danaha guud ee dadka ka wada dhexeeya ayagoo abuuraysa kalsoonidii ay dadkeeda ku garab istaagi lahaayeen.

    ReplyDelete
  9. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  10. Arigta ta ka duwan ba qaba mudane hadeynu nahay dhalinyara hamar ku dhalatay kuna kortay waxna ku baratay tan iyo inta coladaha sokeya iyo tankale wajiyada badan leh socdeen ku dhawad 30 sano waxa naga buxa e fikir iyo xuransi nalagama radin e albabka nalaga xirtay waxa moda dalka in ey u taliyan umad dhaman dalal shisheye ka timin ciidan iyo masulba mida xigta dowlada hada jogta aqliga salimka ah amison iyo ayadaba xamar wa iskaga mid o hadey baxan wa is raci oo 2 cishe lama sii jogi karan casimada waa dowlad iyo ciidan shesheye ee amison oo dal dhan wada maamulaya hadu xiliga cidanka amison idlado waa is racayan diyarna uma aha in awood dowladeed dhisato iyo in heshiis la gasho islamiyinta somaliya joga oo mel loga so wada jesto danaha dalka oo dalka barwaqo garo al shabab waa somali dalkena an wax u qabsano diintana an ku dhaqano ma diidi karan ee ciidan shisheeye iyo dowlado shisheeya bey dowladan ka amar qadata oo danahooda fulisaa marka fikirkeyga waa saliim ani dalkan qurba joogta laga dhaafo ee qorax jogta dhib iyo dheef so jogtay nabadana u bisil haloo dhiibo si an NABAD U GARNO AN BARWAQO GARNE MHDSNID MUDANE

    ReplyDelete
  11. Waad mahadsantahy Jaalle Wassiir Yusuf,

    Aniga fikirkayga waxa ay iilamuuqataa in sidhab ah loodarso colaada meesha ay kasocotana ladamiyo waxaan kawadaa in shabaab xal loohelo xabdan lagadaayo oo wadahadal iyo heshiis lagu dhameeyo, xaqiiqdaa waxa ay tahy fikir/aragti cidna ma muquunin karto in la tirtiro ee waxaa la awoodaa in la carbiyo deedna loo ogolaado in si nabad ah siyaasada, maamulka ay uga qayb galaan si shacabka bayhoofsan ee sii dabar go'ayyaa ay uaga nabadgalaan xasuuqqa hadda ku socda deedna nabad iyo barwaaqo u wada gaadhaan oo uu afku iyo qalinku shaqeeyo qorigana lagu badalo labadaaas.

    Shabaab lagagama guulaysan karo qori hady taasi dhici lahyd soviet ka ayaa ka guulaysan lahaa afqhanistan ama NATO ayaa ku guulaysan lahayd Afqhanistan ee fadlan dhibka jira halagu dhameeyo is afgarad iyo wada hadal Soomali dhexdeeda ah, hanna laga tago raaligalinta loo raadinayo dalal shisheeye oo ama passport laga haysto ama ay caruur kuudagan tahy, ama aad dantii ummada soomaliyeed looga tanaasulayo ayyaga dartood

    Wabillahi towfiiq

    ReplyDelete
  12. Waad mahadsantahay.
    Qormooyinkaagu waxay noqdeen talo iyo waano odey waayo badan usoo joogey, lexejeclona gashay.
    Waan yara naxay, markaan dul istaagay qeybta qormada ee siyaasiga sare. Waayo waxaan joogaa illaa 2 mar oon sigtey asxaabna aan wayay.
    ..........
    Waxaan moodaa siyaasadda Soomalida iney galaan dadka shaqo tagi waaya ee aan lahayn xirfad ay nolol maalmeedkooda ku dhacsadaan, inta taasi jirtona qofna shaqadiisii ku habbooneyd ma joogo natiijo wanaagsanna kama keeni karo mesha uu ka shaqeeyo.

    ReplyDelete
  13. Yusuf Garad dhibaatadu Waa shacabka ku nool Muqdishu. Suaal? Shacabka Muqdishu ku nool Ma Waxay ka liitan kuwa Puntland Iyo Somaliland?. Garoowe iyo Hargaisa Waad aragtay Wax dhib ah oo ka dhaca maleh. ? Maxaa Muqdishu baday ayaan darada. Nimanka Alshabaab ma sii joogi karaan hadii uusan jirin Shacab ay ku tiisaneyn Yusuf runta aan isku sheegno! . Xalka Waxan u arka in Dadka aad loo wacyi galiyo oo laga saaro isticmaarka shabaab loona sheegi in nolol duli ah aysan qiima laheyn. In Dadka Somaliyeed Ee shabaab qarinaya la fahansiiyo In ninkii Abeeso koriya asaga bari cuni doonto. Waa in ganacsatada iyo Dadka Shacabka intaba ay la Galaan Dagaal nimankas. In laga joojiyo Baada la Siiyo. Xalkale maleh. Hadii kale Muqdishu 30 Sano Waxaa sii joogi doona Amison.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ilama aha in dadka Muqdisho ay xallin karaan amaba ay tahay in ay keligood xallistaan Muqdisho, maaddaama ay tahay dunta khafiifka ah ee isku haysa dalka.

      Xusuusnow ma jirto Dowlad Goboleed markii la dhisayay waxa xeerkeedu noqonayo lagala tashaday Gobollada kale ee dalka oo dhan.

      Muqdisho maamulkeeda waxaa magacaaba Madaxweynaha, sidii uu ugu wareejin lahaa dadka Degaanku in ay maamul dhistaanna waxaa laga sugayaa Baarlamaanka Federaalku in uu go’aan ka gaaro qaabka uu noqonayo maamulka Caasimaddu.

      Marka mas’uuliyadda lagu wareejiyo degaanka ee uu ismaamuli waayo ka hor lama eedeyn karo.

      Delete
    2. Yusuf Garad u Maleyn Maayo in Hadii Maamul la diso Wax iska Badalayaan Shacabka ku nool Muqdisho. Waxa loo baahantahay in Dadka Loo tuso nimankaan in ay yihiin isticmaar Waa alshabaab. In sidii Ethopia loola diriray loola diriro. Nimankaan Waxay la yihiin Sirdoon Waana meesha kaliya oo Shaqeysa In sirdoonkooda Sirdoon u barbar dhigi kara la helo Oo waliba shacabka lagu dhex beero Hadii looga adkaado xaga sirdoonka. Alqushaash Waa u dhamaatay. Salaaaam

      Delete
  14. Xaqiiqadu waa intaas horta waa in la xisaabtamo 10 kii sano ee la soo dhaafay shabaab waa lala daggaalamayay miyaa laga adkaaday? Ma qaabkii loola dagaalayay ayaa khaldanaa oo jihadii dagaalka ayaan badalnaa? Shabaab se ma ku jabeen mise awood baa u siyaaday iyo waayo aragnimo? Suaalahaas marka laga jawaabo ayaa xaqiiqada la wajihi karaa aniga aragtidayda waxay ila tahay in shabaab ama lala heshiiyo ama qorshe dagaal oo meel maraya la keeno way iga dhantahay mudane yusuf garaad ku mahadsanid qormooyinkaaga waaqiciga ah.

    ReplyDelete
  15. Salaan diiran dabadeed. Mahad alle kadib aad baad ugu mahadsan tahay aragtida fog iyo hal abuurka fikirka kuna qotonta baahida dadka iyo dalku nabada ugu baahan yahay gaar ahaan Muqdisho.

    Saameynta dhaawac maskax/jismi iyo dhaqan xumada Muqdisho dhaxashey waa mid qatar ku ah dalka oo idil.

    Waa muhiim garashada iyo xalinta dhibka si deg deg ah waayo waa lawada dhiban yahay, waxaanu nahay bukaan dhawac argagax iyo cabsi wada qaba wada socdana.

    Isweydiintu waa garaneye dhibka ee waayo hogaankeedu?

    Maxaa diidey inaan dood qaran oo loo wada dhan yahay sameeysano?

    Maxaan ugu meeraysana dooda dhibka dhacey dhibku abuurey?

    Rati ninkii laha ku fadhiyo ma kaco garasho iyo garasho la'aanba.

    Mahadsanid markale Amb Yussuf G.

    Dr Liban M. Omar
    Stockholm

    ReplyDelete
  16. qormadaada xigta xalka arintaan nalawadaag hadii aad kartid

    Hada waxad iftiimisay khatarta ay leedahay laqabsashada hawshaan

    Daawada cudurka?

    ReplyDelete
  17. Yusuf warkii adaa dhameeyey wax lagu daro maba lahan runtii. Somalia colaadeeda, hormar la aanta, caafimaad xumida bulshada haysa, adeega bulshada oo aad uliita dhinac kasta, waxaas oo dhan oo dhibaato ah laguma siijiri karo, waa in dadaal loogalaa sidii looga bixila ahaa amnixumida, faqriga, iyo jaahilnimada wadanka ragaadiyey.

    ReplyDelete
  18. Waxa Hubaal Ah Hadii Adiga Oo Yusuf Garad Ah Ganacsatada Qeyb Ka Ahaan Lahayd Aad Si Sahlan Cashuurta U Siin Lahayd Shabaab Waad Mahadsan Tihiina Ugu Dari Lahayd

    ReplyDelete
  19. Aragdideyda xalada somaliya ee ad kahadashay
    Waxan dhihi karaa barlamanka wadanka ayaa waxkabadali karo

    Hadii dooda lahorkeno golaha shacabka oo ah in shacabkii muqdisho canshuur bixinayan lacagtii ay bixiyana ayaga qarax loga malgalinayo dildil madhamee in go an cad laga sosaro

    ReplyDelete
  20. Markasta aan shababab la heshiino ayaad tiraahdaa si toos ah ama si dadbadan laakiin wali maaanan arag adiga oo si practical ah u u sii dhex mukhuutaray sida Alshabab loola heshiin.
    Marka waxaan jeclaan lahaa si la fahmi karo oo waadax ah in aad u cabbirto wadeeqada la raacayo si Alshabab loola heshiiyo.
    Midda kale, Alshabab Ideology ama fikir ayaa matoor u ah halka dowladdu aysan lahayn matoor jiida oo caqiido ama fikir. Haddaba, markasta qot fikir xambaarsan iyo qof aan fikir xambaarsanayn meel ay wax ka bilaabaan ma leh. Aniga waxaan qabaa inta aan laga hadlin Alshabab aan la heshiino in aan ka hadalno in aan dowladda soo gaarsiino meel ay wax ka amba qaadin karto ama go'aan ka qaadan karto. Dowladda aan foundationada u dhisnao kaddibna aan maroodiga ka hadalno.

    ReplyDelete
  21. Weli runtaanan laisku sheegin ma ahanee, kalsoonidi baa shacabka kadhamaatay oo ruux ruuxkale kukalsoon baanan jirin Yuusuf

    ReplyDelete
  22. In badan ayaa Booggan Yuusuf Garaad Cumar Axmed wax badan ayaana iiga kordgay oo uu nala wadaagay oo lahas Taariikho lasoo maray,waayo aragnimo,waliba anigu waxan aad u xiiseeyaa Taariikhda Soomaalida waanuu Ku mahadsanyahay Inuu Aniga iyo dhallinyaro badan noo faaiideeyay.
    Aniga oo yar 2007-dii ayaan si fiican u bartay oo uu ahaa tafatiraha BBC Somali oo doodihii kululaa ee uu daadihin jiray aan Ku xasuusto iyo waraysiyadii Siyaasiyiinta,hogaamiye kooxeedyada Iwm intii dambena waan la socday Markuu isu sharaxay Xilka Madaxweynanimo iyo ugu dambeyn uu noqday Waziirka khaarajiga Somalia.

    Haddaan usoo laabto Qormadan,

    Waa Qormo Xiiso leh laakiin waxa is-weydiintu tahay;

    -Suurta gal ma tahay in wada-hadal lala furo Al-shabaab,se wadadee loo marayaa,ma Odayaal baa loo dirayaa mise Culimo,mise Madaxda ayaa hor fadhiisanaya?

    -Hadday Aaminsan yihiin inay iyagu yihiin Dawlada Rasmiga ah miyaanay haboonayn in dagaal looga adkaado?

    -Shacabku iyagoon arkayn Cid ka difaacda Nimankan Cashuurta ma u diidi karaan,mase loo qiil dayi karaa Shacabka Kafantoodii sii iibsanaya ee taageero dhaqaale oo hub iyo qaraxyo loogu bedelayo Bixinaya?

    -Marka la helo dawlad Shacabku Ku kalsoonyahay oo hanata Caasimada ayaa Shacabka la canaan karaa,waase jirtaa inay ka hoos baxday oo belaayo oo dhami kusoo dhuumatay Itoobiya ayaa Dalka laga xoraynayaa oo markii dambena hadafkoodii u ban baxeen.

    -MIYAAN WIILASHANI DAD Ka dhalan intaan Dawlad la gaadhin,mee doorkii Salaadiinta,Cuqaasha,amase malaaqyada iyo imaamada,mise koonfurta dowr wax Ku ool ah ma laha?

    -Kol hadaan laga adkaan karin suurta gal ma tahay in la dhaho na hogaamiya si dhibkoodu shacabka uga yaraado oo Power shearing lala galo oo inta laga gudbayo ee Ciidan la dhisayo ee doorasho lagaga guuleysto la gaadhayo ay noqdaan Hogaanka Dalka,mise gaalo ayaa la raali gelinayaa?iyagase ma laysku hallayn karaa soo ma muuqato in meelo kale laga hagayo oo ma dhici karto inay ugasii daraan.

    Ma waxa jira baqdin ay waxuun ka qabaan dadka Muqdisho oo ay u taageerayaan Kooxdan?

    Ma il-dhaqaale qoysas badan kasoo gala ayaa jira?

    Maxay kula tahay Mudane Yuusuf Garaad??
    Mahadsanid.

    Kollay Amisomna weligeed joogi mayso Ee xal waa loo baahan yahay.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Danjire Yusuf.
      Mugadisho wa madaxi Somaaliya, haddaan madaxa laddaweyna Somaaliya cafimaadimeyso.
      Dawadana meel fog ma jirto haddi siyaasinta, odayaasha,ganacsatada,iyo dumarka-dhalinyaraddu la yimaadan feker ka bedelan kan hadda ku jirra, @ yaan abeesada laysu qarin.

      Delete
  23. In badan ayaa Booggan Yuusuf Garaad Cumar Axmed wax badan ayaana iiga kordgay oo uu nala wadaagay oo lahas Taariikho lasoo maray,waayo aragnimo,waliba anigu waxan aad u xiiseeyaa Taariikhda Soomaalida waanuu Ku mahadsanyahay Inuu Aniga iyo dhallinyaro badan noo faaiideeyay.
    Aniga oo yar 2007-dii ayaan si fiican u bartay oo uu ahaa tafatiraha BBC Somali oo doodihii kululaa ee uu daadihin jiray aan Ku xasuusto iyo waraysiyadii Siyaasiyiinta,hogaamiye kooxeedyada Iwm intii dambena waan la socday Markuu isu sharaxay Xilka Madaxweynanimo iyo ugu dambeyn uu noqday Waziirka khaarajiga Somalia.

    Haddaan usoo laabto Qormadan,

    Waa Qormo Xiiso leh laakiin waxa is-weydiintu tahay;

    -Suurta gal ma tahay in wada-hadal lala furo Al-shabaab,se wadadee loo marayaa,ma Odayaal baa loo dirayaa mise Culimo,mise Madaxda ayaa hor fadhiisanaya?

    -Hadday Aaminsan yihiin inay iyagu yihiin Dawlada Rasmiga ah miyaanay haboonayn in dagaal looga adkaado?

    -Shacabku iyagoon arkayn Cid ka difaacda Nimankan Cashuurta ma u diidi karaan,mase loo qiil dayi karaa Shacabka Kafantoodii sii iibsanaya ee taageero dhaqaale oo hub iyo qaraxyo loogu bedelayo Bixinaya?

    -Marka la helo dawlad Shacabku Ku kalsoonyahay oo hanata Caasimada ayaa Shacabka la canaan karaa,waase jirtaa inay ka hoos baxday oo belaayo oo dhami kusoo dhuumatay Itoobiya ayaa Dalka laga xoraynayaa oo markii dambena hadafkoodii u ban baxeen.

    -MIYAAN WIILASHANI DAD Ka dhalan intaan Dawlad la gaadhin,mee doorkii Salaadiinta,Cuqaasha,amase malaaqyada iyo imaamada,mise koonfurta dowr wax Ku ool ah ma laha?

    -Kol hadaan laga adkaan karin suurta gal ma tahay in la dhaho na hogaamiya si dhibkoodu shacabka uga yaraado oo Power shearing lala galo oo inta laga gudbayo ee Ciidan la dhisayo ee doorasho lagaga guuleysto la gaadhayo ay noqdaan Hogaanka Dalka,mise gaalo ayaa la raali gelinayaa?iyagase ma laysku hallayn karaa soo ma muuqato in meelo kale laga hagayo oo ma dhici karto inay ugasii daraan.

    Ma waxa jira baqdin ay waxuun ka qabaan dadka Muqdisho oo ay u taageerayaan Kooxdan?

    Ma il-dhaqaale qoysas badan kasoo gala ayaa jira?

    Maxay kula tahay Mudane Yuusuf Garaad??
    Mahadsanid.

    Kollay Amisomna weligeed joogi mayso Ee xal waa loo baahan yahay.

    ReplyDelete
  24. Marka hore mahadsanid mudane, marka xigtana elephant or 1000lb gorilla in the room laakiin aan laga hadlayn waa maqlaa ee ma labo wadan ayaa kala isticmaala?
    Hadaan kusoo noqdo mawduuca waxaan maqli jiray adduunka sidaad jeceshahay looguma noolaadee, siduu yahaa loogu noolaadaa!...Soomaalidu waa dad fiican shakhsi shakhsi laakiin dowladnimo kama mid aha waxyaalaha qayaaliga iyo is-doqomaynta ku dhisma sida qabiilka, urur diimeedyada, gangska, xisbi-qabiileedka, iskaashi-ganacsi iyo maamul goboleedkaba...Dawladnimada waxaa lagu helaa dad ogolaada dhiigooda iyo dhididkooda oo ka guulaysta kuwa caqabadda ku ah dowladnimada si loogu yagleelo nidaam jiilasha dambe isku badalaan tiirar iyo xeerar caalami ahna ku dhisan abaalka cidda loo hayana la isla yaqaan oo inta badan isla ogolyihiin...seems like we’ve failed and continue to fail spectacularly in this experiment...nationally, regionally, internationally waxa nagu xeeran dad si mug leh inta u fahma waaqica jirana runta ka sheega si looga gudbo isu-fiirsashada qabiilada qabiilku dowladnimada kalaba waynyahay!.
    Intaas aaraartayda hadaan uga gudbo al-habaab xagayga waa gangs Chicago, Columbia iyo Mexico ka jira oo kale maqli maysid halala heshiiyo dood ah ee dowladdu haka adkaato weeye xalka kama dambaysta ah, wixii intaas dheer waa muran iyo beenta Soomaalida!...Tusaale magaalada Muqdisho waxaa ku yaala suuqa, ganacsiga, xarumaha dowladda waliba shicibka ugu badanna way daganyihiin sidaas daraadeed meel ama magaalo lamid ah ma jirto culays ahaan!...Hormuud waxay malaayiin doolar ku maalgalisay anteenooyin is-gaarsiin oo haddii gangiska al-habaab aysan baad siinin beegsanayaan...waxay saamayn ku yeelanaysaa xattaa dowladda oo aan hubo xariirka dunida inay u suurta galiso isla Hormuud...xalkii wuxuu Hormuud la dhaafi waayay labo canshuur bixintood iyo cudurka ama maroodiga Muqdisho in la is kala wada noolaado inta qoom kaloo xaaladda runta ka sheega dhalanayaan!.
    al-habaab oo aanan u quurin magacooda inaan ku bilaabo capital letter ma qabo in lala heshiin karo in laga adkaado mooyee...maxaa yeelay waa cudur, cudurna meel qashin iyo nadaafad darro ka jirto waa hoygiisa si caafimaad loo helo waa qasab in qashinka (Qabyaaladda) cudurka (Nabad iyo Nolol la’aanta) maroodiga Muqdisho (Beenta iyo Qayaaliga) laga fogaadaa ama lala noolaadaa!...Aan kaftamee waliba ASWJ Dhuusamareeb sadex madaxwayne ayay heshiis ka diideen, SNM, SPM, SSDF iyo USC oo maamullo isu badalay, Ganacsatada oo lagu xanto lacagtooda al-habaab qaybteeda badan, Siyaasiyiin interest leh oo xuduud iyo red-line aan lahayn, intaasoo elephant in the room oo u baahan is-faham siyaasadeed kaliya ayaa ka horaysa la heshiinta al-habaab...Haadaa Wa Salaam Mudane Wasiir.

    ReplyDelete
  25. Waxay ila tahay dadka Muqdisha Deegan ahan dagani ay ayagu hagradeen deeganka ay daganyihin maxa yelay Kan wax dilaya iyo Kan ka dilayo labaduba intoda bdn waa dadka deeganka ama kuwa adka ugu dhaw ee hareraha ka yaal.
    Shabaab ciidda Kama so bixin badankodba waa soomaali waxase haystan taageero an Cidda u jeedin Oo Toos ah oo dibada ka timaada Dowladda jirta ma moga Taa xalna uma radiso.

    ReplyDelete
  26. -Arin weliba dowlada ayay ka fushaa-
    waxaan ogahay awooda shacab uu leeyahy balse waa markii ay mid yihiin lkn somali shacabka mar hore ayaa loo fekeray oo lakala furfuray. dalkoo hormara cid wel8ba wey dinysaa bale qabka looheli lahaa ani iyo walakey isku si uma argno.

    ReplyDelete
  27. Adduunka waxaa dhacdo dhibaato kadibna xalkeeda ayaa la baadi goobaa waana tan ay yiraahdaan (Solution will being after victam). Lkn anaku waxaan joognaa oo maalin kasta ka sheekeenaa dhibaato aan xalkeeda ognahay iyo xariga meesha uu dhiftinta laga furo ka leeyahay (Clear solution and not to be solve).

    Mudane waa uun iskala noolaaw cudurkaaga adoo caafimaadna u doorin kara!.

    ReplyDelete
  28. Madaxda qaranka sida xildhibanada iyo waziirada ayaa bixiya lalaha si loo begsane shacabka iyo ganacsatada keliya maxa tooshka logu shida oo awood ay isaga celiyaan la. Midakale hadii ay diidan Dowlada madamanad qadi kartaa amankooda taas waye mida is waydinta mudan kkkkkkk maxa ganacsade laga hadla Madaxdi ayaba bixise!???

    ReplyDelete
  29. kasoonida shacbka lama helaayo ilaa garsoorka dalka oow noqodo mid liisku haleen karo
    laguna soo kordhiyo cudub oo u cayiman xukunka shabab qofki mar qudubkaas lagu xukumaa cimirigiis sioo dhami is ay u yaraato Soo Deeynta shababa marka ay fahmaan shacka qofka ay soo sheegan inoow dib ugu soo laabaneey wey yaraan laheed Nugeelka ay badeen arxan laa wayaasha shabab

    ReplyDelete
  30. Aniga waxaan goob jooga ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii, Maxkamadihii Islàmiga, Ciidamadii Ethobia,Wixii kadanbeeyay.
    Cashuurta Reer Mogdishu Siisyaan Al shabaab way ku qasbanyihiin 2 sababood.
    1 alshabaab dadka waxey Shaqsi By Shaqsi xalkooduna waa dil qofkii diida amarkiisa.
    2 Dowlada oo aan saameyn Kulaheyn shacabka mogdishu Kalsooni wanaagsan aysan dhax ool iyo Damaanad laysku haleyn karo taasne waxay u sahashay shabaab iney sey rabaan Umaamulaan bulshada Mogdishu.

    ReplyDelete
  31. Waa xaqiiq U baahneed in daaha laga qaado. Xaqiiqatan Dowlada iyo shacabkaba waxay wadaagaan 1 shey oo la'aantiis aan xal laga gaari karin Qadiyada Shabaab: wadininimo La'aan.
    Musuqmaasuqa laamaha dowlada iyo fududeynta shacabka ayaa lafdhabar u ah dhibkan..
    Xalku wuxuu ku jiraa in Qof walbo oo Somali ah, meeshu raba ha jooga'e, uu kaalin libaax ka qaato Arinkaan.
    Mahadsanid Yusuf sida quruxda badan aad u cabirtay.

    ReplyDelete