Total Pageviews

Wednesday, 12 June 2013

Dhaqan mise Qadaf?


Ma Dhaqan baa? Mise waa Qadaf?
Inqaasta Yusuf-Garaad

Cilmiga Afafka (Linguistics) ayaan ku bartay Jaamacaddeydii koowaad. Shaqadeyduna in badan waxay ku xirnayd macnaha iyo is rogrogga erayada. Waa afka aan ugu badiyo afafka aan ku hadlo, aadna waxaan u xiiseeyaa in aan mar walba barashadiisa sii xoojiyo gaar ahaan xagga eraybixinta iyo is rogrogga eragada iyo adeegsigooda. Taasi waxay mararka qaar ila gashaa dhaqankeenna sida qormadaan.

Waxaan jecel ahay in aan si kooban u soo bandhigo arrin isugu jirta dhaqan iyo af, oo aan is leeyahay waxay u baahan tahay in tooshka lagu ifiyo, si ay u furto dood wax laga kororsado. Waa af Soomaali iigu muuqda in uu ka dhan yahay haweenka sharaftooda iyo qiimahooda lagana yaabo in si aan ka fiirsi lahayn loo adeegsado. Waxaan soo qaadanayaa dhowr tusaale.

Xanta siyaasadda waxaa inta badan curiya raga. Iyagaa  suuq geeya oo sii faafiya. Haddana midka raba in uu qiimo tiro xan markaas loo sheegay, wuxuu yiraahdaa warkaasi waa “ku-tiri ku-teen. Yaah? Ku-tiri ku-teen aa? Oo tumaa tiri?

Runtu waxay tahay in uu warkaasi yahay – Ku-yiri ku-yeen.  Waxaa uu warkaasi gef ku yahay haweenka oo warkooda laga wado inuu yahay war aan sal lahayn.

Oraah aan la yaabay ayaa waxay tahay “Habar fadhida legdini la fudud”.  Xataa Kubbadda Cagta marka la daawanayo ayaad maqleysaa. Si laguu yiraahdo goolkaas in dhaliyo wey kula sahlanayd, sababtoo ah waxaad tahay …
Bal is weydii Oday isagu legdin wax ma ka keeni karaa? Midda kale, haweenku marka horeba ma legdamaan.

Habar waa hooyada na dhashay. Maxay afkeenna uga nabad geli la’dahay?

Haddii mid naga mid ahi uu ka dhowrsan waayo hooyooyinka oo wax ka sheego, maxaa diidaya in inta kale ay u nasteexeeyaan oo ay u sheegaan khaladkiisa? Hadduu ku adkeystana ay ku ceebiyaan?

Marka ay rabaan in ay tilmaamaan fadeexad ama sir bannaanka u soo baxday oo aad u faaftay oo aan qofna ka qarsaneyn, waxay yiraahdaan: “Arrintaan habar walbaa og”. Qaar kalena “habrta suuqa caanaha la fadhidaa way og tahay” ama “Habrta xaabada iibineysaa way ogtahay”.

Ninka ay rabaan in ay liidaan waxtarkiisa amaba caqligiisa, qaar baa dhaha: “Waar kaas gabdhahaa caqli dhaama”. Bal fiiri faduusha intaa le’eg! Ka sidaa dhahayaa ma Saynis buu u cuskanayaa mise diin, in gabdhuhu ragga ka caqli yar yihiin?

Dagaal meel ka dhacay oo lagu hoobtay ayuu nin nabad raadinayaa ka hadlayaa. Wuxuu rabaa in uu dadka u caqli celiyo in aan la is dilin. Wuxuu isticmaalayaa war colaad “in ay gabari nooga dhimato ma aha”. Ama wuxuu leeyaha “xataa gabar laba jir ahi in ay nooga dhimato ma ahan”.

Ninkani xumaan uma dan laha oo wuxuu rabaa in uu naf badbaadiyo. Laakiin haddana wuxuu garan la’yahay in aan Gabdhaha naftoodu ka qiima yareyn midda ragga.

Intaan ayaan ku soo koobayaa tusaalayaasha aan hayo.  Qaarkood ma aha wax anshaxu ii saamaxayo in aan halkaan ku soo bandhigo, inkasta oo aan ka maqlo qof ku hal qabsanaya ayada oo la joogo meel fagaare ah.

Erayadani waxay xad gudub ku yihiin Soomaalida inteeda badan oo ah haweenka. Sidaa darted waxaa habboon in qof kasta oo wax isku falayaa uu ka dhowrsado isticmaalkooda.

Waxayna iigu xanuun badan tahay marka aan arko qof haween ah oo la qabadsiiyay, oo iyada oo aan u fiirsan isticmaaleysa oraah haweenka liideysa.

Waxay ila tahay in arrintaan uu waajib gaar ahi ka saran yahay macallimiinta, qorayaasha iyo suxufiyiinta, gaar ahaan Tifatirayaashu in aanay ka qeyb qaadan bah-dilka ka dhanka ah dadweynaha Soomaaliyeed intooda badan, kuwaas oo ah haweenka. Waxaa kale oo macallimiinta iyo suxufiyiinta ay mas’uuliyadi ka saaran tahay in aanay erayadaan u meerin ubadka soo koraya.