Total Pageviews

Monday, 24 June 2013

Xawaaladaha


Sidu Sidii Ma Aha
Inqaasta Yusuf-Garaad

Adeegga xawaaladaha Soomaalidu wuxuu dalka Soomaaliya suurta gal ka dhigay, iyada oo aan baanan iyo hey’ado kale oo maaliyadeed jirin, in ganacsigu socdo lacagna la isu gudbiyo oo aan si weyn loo tebin Banki.

Shaki la’aan xawaaladuhu waxay ka mid yihiin addimmada uu ku taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya. Hadda waxaa soo wajahday khatar iyagana dhaawac u keeni karta, mid ka weyna u keeni karta dhaqaalaha dalka.

Iyaga oo hore dhib ugu qabay Bankiyada Mareykanka ayaa hadda waxaa ugu biiray Barclays Bank oo la sheegay in uu xawaaladaha UK u sheegay in bisha July gudaheeda la joojin doono macaammilka ay Bankigaas la leeyihiin.

Dowladda Soomaaliya waajib ayaa ka saaran in ay u gurmato oo garab iyo gaashaan ay u noqoto xawaaladaha, iyada oo ugu daneyneysa shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin milkiilayaasha Xawaaladuhu, dhaqaalaha dalka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Shiikh intii uu xilka hayay waxa ugu weyn ee uu si dhab ah uu culeyska u saaray waa siyaasadda dibadda, gaar ahaan xiriirka reer Galbeedka. Waa in uu na tusaa waxa ay noo dhashay oo aan ka ahayn in madax waaweyn oo caalamka ahi ay Madaxweynaheenna qaabbishay oo la casheysay.

Madaxweynuhu waa in uu aqoonsiga Mareykanka iyo siyaasadda caabboon ee David Cameron ee ku wajahan Soomaaliya uu uga faa’iideeya sharikadaha dalka iyo weliba shacbka baahida u qaba adeegga xawaaladaha oo wax u beddela ilaa iyo hadda aan haysan.

Shaki haddii ku jiro sharikadaha, Dowladdeennu waa in ay damaanad qaaddo in aan lacagaha xawaaladda loo isticmaali karin si silloon.

Xawaaladaha oo aan ka warqabno in ay faa’iido aad u fara badan ay ka sameeyeen adeeggooda aan maalgelinta culusi iyaga uga bixin, dhankooda waa in ay ka koraan sidii ay ku billowdeen. Waa in ay u xuub siibtaan hey’ado maaliyadeed oo qaan gaar ah. Taa waxaan ula jeedaa in ay noqdaan Bankiyo u hoggaansan shuruucda iyo shuruudaha maaliyadeed ee dalalka ay ka hawlgalaan oo USA iyo UK ay ka mid yihiin.

Waa in ay ogaadaan in uu dhammaaday xilligii Soomaaliya ay go’doonka ahayd. Baankiyada waaweyn ee Geeska Afrika iyo kuwa Caalamka ayaa mar dhow ka hawlgeli doona Soomaaliya.

Waxaan xawaaladaha Soomaaliyeed ee naga shaqeystay noona shaqeeyay, ka fileynaa in aanay suuqa ka bixin oo sidii baraf dhalaalin marka sharikado waaweyni ay dalka yimaadaan.  Waa in ay ka sii tabaabusheystaan oo ay noqdaan kuwo hantidooda ku shirkooba kuna shaqeeya nidaamka sharikadaha caalamka.

Haddaysan iyagu is oggoleyn, ugu yaraan waa in ay wakiillo u noqdaan oo la shirkoobaan Bankiyada iyo sharikadaha kale ee u hanqal taagaya suuqa Soomaaliya oo ay u arkaan in uu yahay mid dihan.

Xawaaladaha Soomaaliyeed ha xusuusteen mukulaal minankeeda joogtaa in ay miciyo libaax leedahay. Sharikad ama Banki kasta oo doonaya in uu Soomaaliy ka hawlgalo kama maarmo macaamiisha, xogta, khibradda iyo galaangalka siyaasadeed ee ay xawaaladuhu ku aflexeen.

Sharikaddii isbeddel diidda, ee isku dayda in ay sideeda ku socoto, waxay halis ugu jirtaa, in iyada oo aan hoos u dhicin, ay haddana ay gaari kari weydo kuwa iyagu la qabsada xaaladda cusub ee saxansaxadeedii durba la dareemi karo.

9 comments:

  1. yuusufow hadii qormadaaada rog rogay waxaa iigu dareen weyn 2 arin , midu waa tan dibada oo ah bankiyadii wa weynaa ee aduunka midba maalin uu kacaga jiidaayo lasahqeenta xawaaladaha soomalida.
    tan 2 waa tan mustaqbalka dhaw kusoo wajahan guud ahan xawaldaha somalida ooaan kawado bankiyada waa weyn ee wadanka in eey maalgashtaan doonayan dhamaana waxaaa looga gudbi karaa in dowladu tan dibada kataageerto iyo tan guadaha oo lama huraan ah in xalwadahu iskaasahdan oo suuqooda ilaashadan wey na dhibeysaa in xalwadihii wagii aan dhibaneen nagarab istaaagay oo aanka macaashnay ayagana naga macaaasahay ee dadkeenu lahaayen in suqa intooda badan eey kabaxaan hadii meesha shirkado maalgashi yimaadaan

    ReplyDelete
  2. Shaki kuma jiro in xawaaladaha ay u hayan adeeg wanaagsan umadda soomaaliyeed, laakiin ma aheyn adeeg bilaash ah ee waa mid ganacsi dhaqaale farabadanna ka sameeyey. xawaaladaha dhamaan lagama qaado canshuur rasmi ah oo ay siiyaan wadanka. Dowladda Federaalka ahna wax xil gaar ah ka saaran yahay ma jiro badbaadinta xawaaladaha gaarka loo leeyahay. Waddanka hadda waa nabad ee waa in la galo tartan ka dhaxeeya hey'adaha sameyn kara shaqada ay qabtaan xawaaladaha sida Westren Union, Moneygram IWM. Bangiyada waaweyn sida Barclays waa in la siiyo fursad maalgashi soomaaliya waxaana la hubaa in ay sameyn karaan isla shaqada xawaaladaha kana jaban 100%.

    Yusufow maqaalkaan waa siyaasadeysan yahay, sababta oo ah Dowladda ayaad masuuliyad aysan laheyn qoorta u galineysaa, haddii ay faraha la gashana oo ay ku fashilanto waxaan leenahay Dowlad aana wax u qaban karin xawaaladah waxba ma taeyso.

    Waxan filayaa xiligii waxaa bilowday baratanka shirkadaha adeegyada fidiya, tii ka bixi karta ayaan ku xawilaneynaa ee yaanan loo jixin jixin dhiigshiil IWM.

    ReplyDelete
  3. Yusuf Garaadoow waad ku mahadsan tahay maqaalkan aad uga warantay xawaaladaha iyo
    Macaamiisheeda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Dhibka jira ayaan rabaa in yar inaan taabto 1Ma ceyr yar ee loo diro soomaaliyo ayaa Argagaxiso maal galisa mise waa carqaladayn lagu haayo dadka soomaaliyeed ee dhiban. 2 Soomaalidu ma dadka kaliya ee dibad wax ka dira. Lacaga xawaaladuhu diraan waxay ku dhacaan dadka loo diray boqolkiiba boqol oo dan yar ah. Midaan ah argagaxiso ayaa baqayaa in lagu maal galiyo wax aan loo hayn Evidence waa ulakac cad oo lagu cuna qabataynayo dad muslimin ah oo dhiban.

    Waa maxay xalku. Soomalida dagan UK waa inay ku mudaharadan Barclays Bank iyo kuwa kaleba waa inay u doodaan dad ka dhiban ee soomaaliya. Meeshan aan joogno ee US waxaan dhignay demostration badan ilaa naloo ogolaaday. Bangiyada diidayna hantida ayaan kala baxnay dadka kale ajanabiga ah waan ku qalqaalinay oo ay wax nagala dhaxeeyan sida Muslim Brothers in the US. Senatorada laga soo meelaha soolidu badan tahayna waan u ashtakoonay.
    Xawaaladaha waxay haystaan 2 alternatives in ay kusii jiraan sidaan iyo in ay isku tashdaan o aya shaqeeyaan Bangiga Somaaliya oo koofurta xafiisyo kuleh Puntland iyo Xamar laamahoodana leh iyo mid Soomaaliland la shaqeeya ileen waa ganacsiye dan guud oo soomaaliyeed

    Wabilaahi towfiiq

    ReplyDelete
  4. Asc wariye yuusuf garaad,waa maqaal xiiso badan,waxaana noo soo carfaya doodaha mowduuc cusub oo ah hantigoosadka,oo dunidu aad uga doodo waana ognahay dhamaanteen in 1% ay gacmahooda ku jiraan 99% hantida aduunka,markastana ay dhacaan mudaharaadyo rabshada wata oo looga soo horjeedo.
    Hadaan u soo laabto kooxaha wax xawila marka aad fiiriso waxa ay ku socdaan jidkan oo haddii aan loo sameyn sharciyo xakameeya in ay dhib u keenidoonaan ummada soomaaliyeed waqtiga soo socda,islamarkaana ay la wareegi doonaan dhamaan kheyraadka ku jira soomaaliya.
    Haddii aan tusaale u soo qaato magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhul iibsi iyo dhismayaal,isla markaana qiimahaas kor ayuu u sii socdaa,xowliga sicirka guryaha waa kii horaantii 2000 ka socday USA,ka dibna keenay crisigii,marka waxa kor u qaaday qiimaha guryaha,kor u qaadaya ama hoos u dhigaya sarifka lacagaha,islamarkaana qaali ka dhigaya nolsha soomaaliya waa kuwa wax xawila.
    Anigu waxaan qabaa in Dowlada Federaalku ay ka faa’iideeysato jaaniskan, islamarkaana ay ku sameyso xakameyn shirkadaha wax xawila,ayna ogaato lacagtu meesha ay ka timi asal ahaan iyo meesha ay u socoto,qaasatan bangiga dhexe,iyo wasaarada maaliyada ee soomaaliya waa in ay dajiyaan mashruuc lagu maamulo suuqyada,shirkadaha bangiyada ee soomaaliya
    Haddii aan saas la yeelin wadanka waxaa la wareegayaa ayaga,islamarkaana waxaa faraha ka baxaya sinaantii iyo cadaaladii,waayo cidna maxkamad soo taagi meyso.
    Marka waxaan qabaa in shirkadaha wax xawila ay wataan mindi labo af leh,mid ay kula wareegayaan hantidii ummada soomaaliyeed,islamarkaana aysan bixineynin wax canshuur ah,afka labaad waa kan argagixisada,oo looga shakisan yahay Qolyaha hantigoosadka waxaa u shaqeeya shaqsiyaad ku jira siyaasada,oo siyaasiin ah,islamarkaana xilal ilaa heer madaxweyne,wasiir,gudoomiyeyaal gobol ah,degmo ah haya,joornaaliistayaal.
    Waan soo dhaweynayaa suuqa xorta ah,balse waa in loo sameeyo nidaan lagu cayaaro.

    ReplyDelete
  5. As.w.w hadaan fikirkeyga ka dhiibto dowlada soomaliyeed hadeer waxaa la gudboon ineey la jaan qaado caalamka lana hadasho dowladaha doonaya ineey shacbiga somaliyeed dhuunta qabtaan, mar ahaantaana dowladu ka faa iideysataa oo si wacan oo horimar leh uhir gelisaa Central Bank of somalia, si dalka oo dhan ey gacant augu dhigto xag maaliyadeed,caalamkana usheegto waxii xawaalad leh ineey soomali bank ka furtaan Account bank dowladuna ,la xisaabtanto ganacsatada ,taas waxaa dowlada ugu hirgalaya ,waxyaabo farabadan oo kamid ah in la aamino soomalida iyo systemkooda dowladnimo,iyo in la helo dowlad udhaxeysa shacabka soomaaliyeed iyo caalamka ,dowladu markaas waxey xiriir lasameysaneysaa dhinackasta ah bankiyada caalamka oodhan sidaas ayaa nidaamku ku hir galayaa,kahor arimahaas waa ineey dowladu isku daydaa ,qaabkii ey shacabiga soomaliyeed udifaaci laheed noalshooda maa daama xawaaladuhu hada yahiin nidaamka udhaxeeya caalamka iyo soomaalida meel kasta ey joogaan dowladuna waa ineey maareysaa arintaas safiicana uwajahdaa w.w.w
    C/fataax Helsinki-Finland

    ReplyDelete
  6. yusuf garad walaal tala bixin iyo tusaloyin ayaad bidhamisay se waxaan ka baqayaa somalida inay iska dhega tiraan tasi waa mid tankale dowladena iyo madaxweynahena hada wuxuu ku mashquul sanayahay arimaha juboyinka hadii maanta la dhaho badi xamar ayaa doon lasaartay oo dhan jubooyinka miyaad ka wadaan ayuu kugu jawabayaa marka waxaay ilatahay waxa u dhibatonayaa waa shacabka haday xirmaan xawaladaha waxaan ka codsanayaa ganacsatada somaliyeed nay lajaan qadaan xalada jirto markasta midakale waxaan ka codsanayaa dowlada ingiriiska madama ay daneyneyso somalia kheyraad keeda hala shaqeyso ganacsatadena somaliyeed madaxda dalka waxaan ka codsanayaa jubooyinka idinkaa ka ah madax ee shacabkaan gomoon ka sara gomoonsha 22sano ay jogeen

    ReplyDelete
  7. Mahadsanid yusuf waa maqaal qiimo leh dareena xambaarsan wixii kugu soo maqan waa laga gaashaantaa, xawaaladuhu waa inay waxkudhistaan maqaaalkaa wax bidhaaminayo.

    ReplyDelete
  8. in xawaaladaha la mideeyo oo bank la furo aad ayey muhiim u ahaan lahayd aduunka maanta wax badan ayaa is badelay si fudud ayaa la isu dhacayaa oo xoolahaaga loo dhacayaa haddaba si hantida soomaaliyeed u badbaado waa in la nimaadnaa qorshe aduunka la jaanqaadi kara waa in la furaa bank sharciyeysan oo aynu ku dirsano biilasha aynu dadkeena u dirno

    ReplyDelete
  9. Aaad ayay muhiim utahay in ay xawaaladuhu midoobaan
    lacagta xawaaladuhu soo diraan maahan mid qaldameysa ama gacan argagixiso galeysa waaayo 20 sano oo uu wadanku sidaan kaxumaa ayaa la soo maray qaldna kama dhicin dhankaas
    dadkuna waxey ku isticmaalaan korontada iyo biyahaa school fee ga iyo cuntooyinka iyo dhuxusha
    marka maadaama dowladu tahay mid kabaxday ku meel gaarka waa inay arimahan si wanaagsan ugala hadshaa dowlad ingiriiska

    ReplyDelete