Total Pageviews

Thursday, 6 June 2013

Madaxweynaha Puntland


Kulankeygii Madaxweynaha Puntland
Inqaasta Yusuf-Garaad
Maanta waxaan la kulmay Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxman Maxamed Maxamud. MadaxweyneCabdiraxmaan waa Madaxa maamul goboleedka keliya ee si buuxda uga hana qaaday Soomaaliya.

Waxaa uu hadda ka hor soo saaray warar kulkulul oo ku wajahan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xataa markii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud uu booqday Garowe, labada hoggaamiye markay saxaafadda la hadlayeen Cabdiraxmaan waxaa uu muujiyay in ay jiraan qodobbo ay isku af garan waayeen.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu horkacay siyaasiyiin Soomaaliya ku leh miisaan culus mar uu toddobaadkan la kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Waxaa uu ka mid yahay hoggaamiyayaasha sida aadka ah  ugu ololeeya taageerada Shirka Jubbaland ee ay dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda ay taagan tahay in uu yahay mid aan sharci ku dhisnayn.

Wuxuu ii hormariyay in maaddaama aan weriye ahay, siyaasaddana aanan ka fogeyn aan kolleey ka warhayo meesha ay wax marayaan iyo mowqifkiisu waxa uu yahay.

Sheekadu markii aan isla helnay waa uu sii watay, wuxuuna si gooniya oo faahfaahsan iiga warramay xaaladda Jubbooyinka, sida qabaa’ilku u kala degaan, iyo xilligii doorashooyinkii xorta ahaa degmooyinka Gobolka Gedo iyo labada Jubba dadkii ka soo geli jiray Baarlamaanka. Waa ka hor Oktoobar 1969.

Madaxweynuhu waxaa kale oo uu ii sheegay sida uu uga xun yahay in dastuurka wax laga beddelay. Waxaa uu ii dhiibay nuqulka waraaq uu ii sheegay in ay diyaariyeen qaanuun yahanno uu u xil saaray in ay isu eegaan dastuurkii ay saxiixayaashii ku-meel-gaarka soo af-jaray ay gudbiyeen iyo midka hadda ay dowladdu ku shaqeyso.

Waxaa uu ii sheegay markii ay saxiixayaashu gudbiyeen ka dib in hal qodob wax laga beddelay, kaasna mar labaad dib looga soo saxiixay mid kasta oo ka mid ah saxiixayaasha.

Warqadda uu Madaxweyne Cabdiraxmaan i siiyay waxaa si faahfaahsan ugu yaal 31 qodob oo mid kasta wax laga beddelay.

Anigu waxaan u sheegay in aan ugu tegey in aan xasuusiyo kuna adkeeyo mas’uuliyadda ka saaran in Soomaalida la kala badbaadiyo. Waxaan ka codsaday, in uu ka fekero raadka uu ka tegi doono taariikh ahaan marka uu aakhirka siyaasadda ka fariisto. Ayna habboon tahay in lagu soo xusuusto kaalin nabad doonnimo. Laguna xushmeeyo.

Waxaan u sheegay in haddii uu kaalin hoggaamineed oo nabad doonnimo uu qaadanayo, in markaas ay dad badani diyaar u yihiin in ay gacan ku siiyaan aniguna aan kuwaas ka mid ahay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan, waxaa uu ii sheegay in loo baahan yahay in nabadda laga wada shaqeeyo. Waxaa uu ii sheegay oo kale in uu dhiniciisa diyaar la yahay in Soomaalida la kala badbaadiyo. Wuxuu intaa ku daray in waxa uu mar walba nabadda ka shaqeeyo iyo in Soomaaliya ay lahaato dowlad dadku raalli ka yahay oo hana qaadda.

Xataa wuxuu ii sheegay in uu carruurtiisii wakhti u waayay, intii uu ku hawlanaa nabadeynta Soomaaliya. Waxaa kale oo aan hadalkiisa ka marnayn in uu ku manna sheegtay in Madax uu isagu ka mid yahay ay dalka ka saareen nidaamkii Ku-Meel-Gaarka. Taas oo aan u haysto in aan doodi ku jirin.

Intaa ka dib waxaan soo geba gebeynay kulankeennii, sababta oo ah waxaa uu la ballansanaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud. Waxaan u rajeynayaa in ay gaaraan is af-garad Soomaaliya u horseeda iskaashi iyo wax wadaqabsi.